Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxkamad markale ku gacan sayrtay amarkii Trump ee socdaalka
    A judge’s gown and gavel with sound block on deep, rich colored wooden desktop and American flag
    Somalia

    Maxkamad markale ku gacan sayrtay amarkii Trump ee socdaalka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 13, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Xukuumadda madaxweyne Trump ayaa markale ku guul dareysatay dadaalo ay ku dooneysay xayiraad ay kusoo rogto muwaadiniinta lix dal oo Muslimiin ah inay soo galaan wadanka Mareykanka muddo sagaashan cisho ah.
     
    Maxkamad racfaan oo ku taala gobolka San Francisco ee dalka Mareykanka ayaa ayidday go’aan ay maxkamad horay u gaartay oo ahaa inaan wax xayiraad ah aan la saarin muwaadiniinta lix dal oo Muslimiin ah, balse maxkamadu waxaa kale oo ay sheegtay in dowlada Mareykanka loo ogolaaday inay dib u eegis ku sameyso hanaanka turxaan bixinta ee dadka soo galaya Mareykanka.
     
    Waxaa lagu wadaa in kiiskani uu ku dambeyn doono maxkamadda sare ee dalka Mareykanka.
     
    Xeer ilaa liyaha guud ee Maraykanka Jeff Sessions ayaa sheegay in uusan taageersanayn go’aanka maxkamadda, “weerarradii dhawaan ka dhacay dalka Maraykankana ay xaqiijinayaan in halistu ay tahay mid degdeg ah oo dhab ah”.
     
    Madaxweyne Trump ayaa 6 Maarso soo saaray amar madaxweyne oo muddo 90 maalmood ah ka mamnuucaya muwaadiniinta Iiraan, Liibya, Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen inay soo galaan Mareykanka.
     
    Arrintaasi ayaa dalka Mareykanka ka dhalisay dibadbaxyo lagu diidanyahay go’aanka madaxweyne Trump
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.