Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Meydadka badmaaxayaal Mareykan ah oo la helay
    Somalia

    Meydadka badmaaxayaal Mareykan ah oo la helay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 18, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Todobo badmaaxayaal Mareykan ah oo sarnaa markab dagaal oo uu leeyahay Mareykanka, muddo laba maalmood na la la’aa ayaa la helay iyagoo meyd ah, ka dib markii markabkoodu uu ku dhacay midkale oo siday xamuul.
     
    Markabkan ayaa xiliga uu shilka dhacayay ku sugnaa meel ka baxsan xeebaha dalka Japan, waxaana dhimashada badmaaxayaasha xaqiijiyay saraakiisha ciidammada badda ee Mareykanka.
     
    Ciiidammada waxaa kale oo ay shegeen in kooxaha samata bixinta ay meydadka dadkani heleen, ka dib markii ay u suuragashay in ay gudaha u galaan qeybaha burburay e markabka, iyagoo intaa ku daray in meydadka haatan la geyay cisbitaal ku yaala Japan, si loo aqoonsado heybtooda.
     
    Shilkan ayaa ka dhacay meel 104 kilo mitir koonfur galbeed ka xigta magaalada dekadda leh ee Yokosuka ee dalka Japan.
     
    Markabka dagaalka ayaa dhinac dhan ka burburay, waxaana markii dambe uu si tartiib ah kusoo gaaray dekadda Yokosuka, asagoo gacan ka helaya doonyo uu leeyahay Maraykanka.
     
    Goobta ay maraakiibtu isugu dhaceen ayaa ah meel saxmad badan, oo ay maraan maraakiibta iyo doonyaha u socda ama ka imanaya gacanta Tokyo.
     
    USS Fitzgerald ayaa ka mid ah maraakiibta dagaalka ee ugu casrisan caalamka, waxaana la isweydiinayaa sababta keentay in uu ka weecan waayo markab xamuul oo ka horyimid habeen ay baddu degan tahay.
     
    Waxaana weli socda baritaan lagu ogaanayo waxa sababay in markabka dagaalka ee USS Fitzgerald uu ku dhaco markab xamuul ah oo ka diiwaangashan dalka Philippine.
    Xigasho BBC
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.