Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo markii u horaysay diyaarad dagaal ka soo riday Suuriya
    Somalia

    Maraykanka oo markii u horaysay diyaarad dagaal ka soo riday Suuriya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 19, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Xulafada uu Maraykanku hogaaminayo ee Suuriya ayaa soo riday diyaarad dagaal oo ay leeyihiin milatariga Suuriya oo maraysay gobolka Raqqa.
     
    Milatariga Suuriya ayaa sheegay in diyaaraddaasi ay u socotay hawlgal ka dhan ah kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka marka iyada laftirkeedii la weeraray Axaddii, sida uu ku warramay telefishinka xukuumadda Suuriya.
     
    Dawladda Suuriya waxay sheegtay in dhacdadani ay “cawaaqib xun” ku reebi doonto dadaalladii lagula dagaalamayay argagixisada.
     
    Maraykankuna wuxu sheegay in uu is dicaafay ka dib markii ay diyaaraddaasi bambooyin ku soo ridday meel u dhaw dagaalameyaal ay taageerto.
     
    Arrintani waxay ka dhacday magaalada Ja’Din oo ay gacanta ku hayaan jabhadda Xoogagga Dimuqraadiga ah ee Suuriya ee magacooda loo soo gaabiyo SDF.
     
    Jabhadda SDF oo taageero ka helaya duqaymaha ay cirka ka gaysanayaan xulafada uu Maraykanku hogaaminayo ayaa isku xeeraya magaalada Raqqa oo ay ku xoog badan yihiin kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.
     
    Labo saac ka hor marka diyaaraddan la soo riday Maraykanku wuxuu sheegay in ciidammo daacad u ah madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad ay weerareen dagaalameyaasha jabhadda SDF iyadoo tiro ka dhaawacay kana saaray magaalada Ja’Din.
     
    Maraykanku wuxuu sheegay in uu jawaab ka bixiyay arrintaas isaga oo aan ka labolabaynin, balse wuxuu caddeeyay in uusan raadsanin in uu la dagaalamo dawladda Suuriya.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.