Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiirkii maaliyada ee Hir-shabelle oo xilkii laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay
    Somalia

    Wasiirkii maaliyada ee Hir-shabelle oo xilkii laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 20, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Maaliyadda Maxamed Maxamuud Cabdulle, kaasoo xilkan hayay tan iyo horaantii sanadkan markii uu magacaabay Golihiisa wasiirada.
     
    Xil ka qaadista ayaa lagu tilmaamay inay qeyb ka tahay qorshayaasha uu Maamulka Hirshabeelle ku doonayo inuu ku yeelanayo ilo dhaqaale.
     
    Wasiirka cusub ee Maaliyadda ayaa waxaa loo magacaabay Zakiriye Cabdi Xaraare oo horay u ahaa Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Hirshabeelle.
     
    Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa saacadihii la soo dhaafay la hadal hayay inuu isku shaandheyn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada, hase ahaatee ugu dambeyn xafiiska Madaxweynaha waxaa ka soo baxday oo kaliya xil ka qaadista Wasiirkii Maaliyadda iyo Wasiir cusub oo loo magacaabay wasaaraddaas.
     
    Dawlada Hirshabeelle oo la dhisay sanadkii la soo dhaafay ayaa lagu tilmaamaa in ay tahay mida ugu fadhiidsan dawladaha xubnaha ak ah dawlada fadaraalka,inkasta oo uu curdun yahay, hadana wasiirada tirada badan ee uu leeyahay maamulkaas ayaan ku shaqeyn magaalada Jowhar, iyagoo ku sugan magaalada Muqdisho.
     
    Dhinaca kale Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa lagu wadaa inuu galabta u ambabaxo magaalada Muqdisho, halkaasoo muddo deegaan u aheyd, waxaa la sheegaa in tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha ay aad u yareyd joogistiisa Jowhar, isagoo inta ugu badan waqtigiisa ku qaaday magaalada Muqdisho.
     
    Jimcihii la soo dhaafay ayay aheyd markii uu dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle, tan iyo markii uu ka soo tagay horaantii bishii May.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.