Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Warbixin banaanka soo dhigtay halka ay ka helaan hubka Alshabaab u adeegsadaan qaraxyada
    Somalia

    Warbixin banaanka soo dhigtay halka ay ka helaan hubka Alshabaab u adeegsadaan qaraxyada

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 2, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Qaraxyada ay ururka Al Shabaab ka gaystaan gudaha dalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa la ogaaday inay u adeegsadaan hubka ay ka furtaan ciidamada Amisom, xilliyada ay weeraraan Saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidamadaasi.
     
    Warbixin laga soo saaray Baaritaan ay sameeyeen Saraakiil reer Galbeed ah ayaa lagu xaqiijiyay in badi aaladaha qaraxyadaasi ay ka sameeyaan Shabaabka ay yihiin bambooyinka kala duwan ee ay ka qaataan xeryaha Amisom.
     
    Greg Robin oo ka mid ah Saraakiisha sameysay Baaritaankaan ayaa Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya u sheegay in Baaristooda ay ku ogaadeen aaladaha kala duwan ee Shabaabka ay qaraxyada ka sameeyaan.
     
    Wuxuu shegay Baaritaanka ay sameeyeen oo ay maalgelisay Dowladda UK in lagu ogaaday macluumaad dhameystiran oo la xiriira qaraxyadaasi.
     
    “60% Qaraxyada Al Shabaab koonfurta Somaliya iyo gudaha Kenya ka geysato waxaa laga sameeyay hubkii iyo bambaanooyinkii ay ka heleen xeryaha Amisom.” Ayuu yiri Greg Robin oo Wareysi siiyay Jariirada Daily Nation ee kasoo baxda dalka Kenya.
     
    Aalada wax qarxisa ee RDX EXPLOSIVES oo sidoo kale loo yaqaan “Cyclonite”, ayaa u badan waxyaabaha qarxa oo ay Al shabaab hada adeegsato, waxaana laga sameeyay hubkii ay ka qabsadeen ciidamada Amisom.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dowlada Jubaland oo qaadacday go’aanka DFS

    January 13, 2026

    Faallo:-PL waxay Imaaraadka ka heshaa faa’iidooyin badan oo istaraatiiji ah

    January 12, 2026

    Puntland oo qaadacday go’aanka DFS Ee Imaaraadka ka dhanka ah

    January 12, 2026
    Latest Posts

    Dowlada Jubaland oo qaadacday go’aanka DFS

    Faallo:-PL waxay Imaaraadka ka heshaa faa’iidooyin badan oo istaraatiiji ah

    Puntland oo qaadacday go’aanka DFS Ee Imaaraadka ka dhanka ah

    Why Puntland Is Justified in Rejecting the Federal Government’s Directive…

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.