Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Juxaa oo bahdilaad joogta ah ay ku haysato muqdisho!!!
    Somalia

    Juxaa oo bahdilaad joogta ah ay ku haysato muqdisho!!!

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 9, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka arimaha Gudaha fadaraalka Cabdi Faarax Juxaa,ayaa dawlada fadaraalku ka qaadatay ciidamadii ilaalada gaarka ah u ahayd.

    Juxaa ayaan ilaa iyo dhawr beri shaqo tagin kuna sugnaa Hoyga uu ka dagan yahay Muqdisho.

    Wasaarada Gaashaandhiga Fadaraalka oo uu kasoo baxay amarka looga qaaday Juxaa ilaaladiisa gaarka ah,ayaa ku macnaysay ka qaadida Wasiirka ilaaladiisa amar dawladu soo saartay oo ku aadanaa in dhamaan shirkadaha gaarka loo leeyhay iyo ilaalada khaaska ah ay isku diiwaan galiyaan mudo sodon cisho gudahood ah.

    Saraakiisha Ciidamada fadaraalka ayaa ku doodaya in ay ciidamo kale oo ka diiwaangashan wasaarada Gaashanadhiga udireen wasiirka,balse uu diiday kuna adkaystay in dib loogu soo celiyo ciidamadii hore ee uu kalsoonida ku qabay.

    Juxaa wasiirka arimaha gudaha ayaa tan iyo intii loo dhiibay xilkan waxuu la kulmay bahdilaad fara badan oo isdaba joog ah oo ay tani ugu danbaysay.

    Suaasha is waydiinta mudan ayaa ah wasiirka waayay gaari uu ku shaqo tago iyo ilaalo amnigiisa gaarka ah sugta muxuu ka qaban karaa amniga iyo maamulka guud ee Jamhuuriyada,

    Talaabadan looga qaaday Juxaa ilaaladiisii gaarka ahayd ayaa ah mid yaxyax iyo foolxumo ku ah wasiirka iyo guud ahaan dawlada fadaralka.

    Xogo hoose ayaa sheegaya in ay ka danbeeyaan bahdilaadan wasiir Juxaa lagu hayo masuuliyiinta dawlada fadaraalka ugu saraysa.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.