Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirkii amniga Qaranka oo dib uga bilawday madaxtooyada Soomaaliya
    Somalia

    Shirkii amniga Qaranka oo dib uga bilawday madaxtooyada Soomaaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 9, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa maanta mar kale dib uga bilowday Madaxtooyada Soomaaliya, kaddib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay uu hakad ku jiray.
     
    Warar laga helayo Madaxtooyada ayaa Madaxda ka qeyb galeysa shirka ay mar kale maanta isugu yimaadeen shirkoodii u socday maalmihii la soo dhaafay, iyagoo ka doodaya qodobo ku aadan amniga dalka iyo dhismaha ciidamada.
     
    Shirka ayaa Khamiistii la soo dhaafay oo lagu waday in la soo gaba gabeeyo u baaqday caqabado ka dhashay qaabka lagu saleynayo dhismaha ciidamada, oo dood ay ka keeneen qaar ka mid ah Madaxda.
     
    Sidoo kale Madaxda maamul goboleedyada ayaa ku heysta dowladda Federaalka in talo laga siiyo go’aanada masiiriga ah ee la gaarayo, maadaama dalku yahay Federaal.
     
    Arrimaha ugu weyn ee dooda laga keenayo ayaa waxaa ka mid ah go’aankii dowladda Federaalka ay dhex dhexaadnimada uga qaadatay khilaafka Khaliijka, iyadoo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay saluugeen arrintan.
     
    Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo gelinka dambe ee maanta, iyadoo lagu wado in laga soo saaro war murtiyeed.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.