Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirkii amniga Qaranka oo laysku mari la’yahay iyo RW Khayre oo hogaaminta shirka kala wareegay madaxweyne Farmaajo
    Somalia

    Shirkii amniga Qaranka oo laysku mari la’yahay iyo RW Khayre oo hogaaminta shirka kala wareegay madaxweyne Farmaajo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 10, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Shirkii golaha amniga qaranka oo ay ku midaysan yihiin madaxda fadaraalka iyo madaxda dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka ayaa galay maalintisii sadexaad.
     
    Shirka maanta ayaa waxaa shir gudoominaya Rw Khayre ka gadaal markii madaxweyne Farmaajo ay kusii adkaatay hogaaminta shirka.
     
    Sida xogaha hoose ay sheegayaan isfahan waa xoog leh ayaa soo kala dhexgalay madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dawladaha xubnaha ka ah dawlada Fadaraalka ,isfahan waagan ayaa ku salaysan sida loo maaraynayo ama loo maamulayo dhaqaalaha ay beesha caalamka ugu talagashay dib u dhsika ciidamada Somaliya.
     
    Deeq bixiyeyaasha caalamka oo balan qaaday inay bixinayaan dhaqaalaha ku baxaya dhismaha ciidamo gaaraya 18 kun oo Somaliya dib loogu dhisayo,ayaa ah qodobka ugu muhiimsan ee la isku mari la’ yahay cida maamuleysa, iyadoo dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraallka ay ku doodayaan in ay door muuqda ku yeeshaan maamulida qorshaha dib u dhiska ciidamada.
     
    Ra’isalwasaare Khayre oo shirka soo dhexgalaya kadib markii madaxweyne farmaajo waxba dhaqaajin waayay ayaa wararku sheegayaan in ay soo dadajisay isfahan la gaaro.
     
    Sida xogta ay ku helayso idilnews ilaa iyo hada qodobada qaar isfahan ayaa laga gaaray ,sidoo kale waxaa la filayaa in beri galab shirku soo xirmo lagana soo saaro warmurtiyeed laysku raacsan yahay.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.