Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Howlgal dad lagu qabtay oo ka dhacay magaalada Kismaayo
    Somalia

    Howlgal dad lagu qabtay oo ka dhacay magaalada Kismaayo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 26, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan oo amniga lagu xaqiijinayay ka sameeynayeen Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

    Howlgallada oo intooda badan la sameeynayay xilliyada habeenkii ayaa Ciidamada waxaa ay ku baarayeen guryaha qaar iyo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isticmaala wadooyinka waaweyn ee Magaalada Kismaayo iyo kuwa jidcadayaasha ah ee Xaafadaha dhexmara.

    Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maamulka Jubbaland Jaamac Axmed Cali (Joofane) ayaa sheegay in howlgallada ay ahaayeen kuwo amniga lagu xaqiijinayay maadaama Magaalada Kismaayo dhawaan ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

    Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in howlgallada ay Ciidamada ku qab qabteen dad la tuhmayo, kuwaas oo uu sheegay inay baaritaano ku socdaan lana soo bandhigi doono, sidoo kalena howlgallada ay noqon doonaan kuwo sii socda.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.