Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Afghanistan: Qarax ka dhacay garoonka diyaaradaha Kabul
    Somalia

    Afghanistan: Qarax ka dhacay garoonka diyaaradaha Kabul

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 26, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qarax ayaa maanta ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha Hamid Karzai ee magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, halkaasi oo kumanaan qof oo ka cararaya xukunka Taalibaan ay buuxiyeen.

    Qaraxa ayaa waxaa xaqiijiyey afhayeenka Pentagon-ka Mareykanka John Kirby. Sarkaal kale oo Mareykan ah ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa is-miidaamin.

    Goobjoogeyaal ayaa xaqiijiyey dhimashada dhowr qof.

    Sidoo kale, wakaaladda wararka Reuters ayaa kasoo xigatay mas’uul ka tirsan ururka Taalibaan in ugu yaraan 13 qof ay ku dhinteen qaraxa, oo ay ku jiraan caruur. Waxa uu sidoo kale sheegay in qaar ka mid ilaalada Taalibaan ay ku dhaawacmeen qaraxa.

    Qaraxa ayaa yimid ayada oo ay jireen digniino ay bixiyeen ciidamada Mareykanka iyo NATO oo ku saabsanaa in qarax lala damacsan yahay garoonka, uguna baaqeen shacabka inay ka fogaadaan halkaas.

    Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa kadib la arkay ugu yaraan hal qof oo hubeysan oo rasaas furaya.

    VOA

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.