Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: Magacyada Golaha Wasiirada ee la filayo inay Taalibaan ku dhawaaqdo
    Somalia

    Akhriso: Magacyada Golaha Wasiirada ee la filayo inay Taalibaan ku dhawaaqdo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 30, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hoggaamiye sare oo ka tirsan Taalibaan oo codsaday in aan magaciisa la shaaciin ayaa VOA u xaqiijiyey in Taalibaan ay ku jirto diyaargaroowgii ugu dambeeyay ee ku dhawaaqista Golaha Wasiirrada ee cusub oo la filayo inay ka mid noqdaan dhammaan xubnaha hadda ka tirsan golaha hoggaaminta.

    Madaxa ugu sarreeya Taalibaan Hibatullah Akhundzada ayaa wadatashiyo ku qabanaya magaalada Kandahar, oo loo yaqaan meesha ay ku dhalatay kooxda Taalibaan, waxaana weheliya ku-xigeennadiisa Sirajuddin Haqqani, oo ah madaxa shabakadda Haqqani, iyo Mullah Mohammad Yaqoob, oo ah wiilka aasaasaha Taalibaan Mullah Omar, ahna madaxa Guddiga militariga Taalibaan.

    “Hoggaanka Taalibaan wuxuu hadda kala tashanayaa qowmiyado kala duwan, xisbiyo siyaasadeed iyo gudaha Imaarada Islaamiga sidii loo dhisi lahaa dowlad ay tahay in laga aqbalo, lagana aqoonsado gudaha iyo dibedda Afghanistan,” ayuu Sher Mohammad Abbas Stanikzai, oo ah hoggaamiye kale oo Taalibaan ah ku yiri khudbad telefishanka laga sii daayay Sabtidii.

    Liiska xubnaha hoggaamiya Taalibaan, oo la filayo in lagu daro Golaha Wasiirrada cusub ee Afghanistan waxaa ka mid ah;

    1- Mullah Abdul Ghani Baradar, oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee caasimadda Qatar ee Doha.
    2- Sheikh Abdul Hakeem, madaxa wada xaajoodka Taliban ee Doha
    3- Sher Abbas Stanekzai, ku-xigeenka kooxda wada xaajoodka ee Doha
    4- Sadar Ibrahim, oo ahaa taliyihii hore ee guddiga militariga
    5- Abdul Qayyum Zakir, taliyihii hore ee guddiga militariga
    6- Mullah Fazil, wasiir ku xigeenkii hore ee gaashaandhigga
    7- Abdul Manan Akhund, oo la dhashay aasaasaha Taalibaan Mullah Omar
    8- Maulvi Noor Muhammad Saqib, madaxii hore ee cadaalada Taalibaan
    9- Amir Khan Muttaqi, wasiirkii hore ee warfaafinta
    10- Abdul Salam Xanafi, oo xubin ka ah kooxda wadaxaajoodka Taaliban ee Doha
    11- Qari Deen Muhammad, oo xubin ka ah kooxda wadaxaajoodka Taliban ee Doha
    12 – Lateef Mansoor, oo xubin ka ah kooxda wadahadalka Taliban ee Doha
    13- Sheekh Qaasim, oo ka tirsan kooxda wada xaajoodka Taliban ee Doha
    14- Muhammad Zahid Ahmadzai, diblumaasi hore oo Taalibaan oo joogi jiray Pakistan
    15- Maulvi Abdul Kabeer, guddoomiyihii hore ee gobolka Nangarhar
    16- Sheikh Abdul Hakim Sharee, oo ah wadaad saamayn badan leh
    17- Noorulah Noori, maxbuuskii hore ugu xirnaa jiray xabsiga Guantanamo Bay

    Abdur Rahman
    Mullah Gul agha
    Ameer Haqqani
    Mullah Maxamed Xasan
    Sheekh Shariif
    Faizullah Khan
    Taj Mir
    Xafis Majeed

    VOA

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.