Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sacuudiga: Weeraro lagu qaaday xarumo shidaalka laga soo saaro
    Somalia

    Sacuudiga: Weeraro lagu qaaday xarumo shidaalka laga soo saaro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 5, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudiga ayaa sheegtay inay dhexda ka qabatay gantaal ballistic ah, iyo diyaarado drone oo kooxda Xuutiyiinta ay kusoo weerareen gobolka shidalaka qaniga ah ee ku yaalla bariga dalkaas.

    Wasaaradda ayaa xaqiijisay in laba caruur ah ay ku dhaawacmeen firir ka dhashay burburka gantaalka.

    Kooxda Xuutiyiinta oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa sheegtay inay gantaal iyo sideed diyaarad oo drone ah ku beegsatay xarumaha shidaalka Ras Tanura ee shirkadda shidaalka Saudi Aramco ay ku leedahay magaalada Dammam.

    Xuutiyiinta ayaa sidoo kale weerar ku qaaday xarumo kale oo shirkadda Aramco ay ku leedahay gobollada Koonfureed ee Jizan iyo Najran, sida uu sheegay Yaha Sarea, oo ah afhayeen u hadlay kooxdan.

    Shirkadda Saudi Aramco weli jawaab kama bixin weerarada. Il-wareed xog-ogaal u ah dhacdadan ayaa sheegay inaysan waxyeelo gaarin qalabka shirkadda, islamarkaana weerarka uu ka dhacay banaanka xarumaha.

    Gantaal ayaa laga qabtay hawada duleedka magaalada Dammam, ayada oo firiro ka dhashay burburinta gantaalka ay ku dhaawacmeen laba caruur, islamarkaana waxyeello kooban ay gaarsiiyeen 14 guri, sida ay sheegtay Wasaaradda gaashaandhigga.

    Gobolka Bari, oo hoy u ah xarumo shidaal oo muhiim ah, ayaa waxaa horey loola beegsaday weeraro, waxaana ku jiray mid September 2019 lagu qaaday laba xarun oo ay leedahay Saudi Aramco, kaasi oo kala bar hakiyey wax soo saarkii shirkadda.

    REUTERS/VOA

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.