Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Taalibaan oo xiriir diblomaasiyadeed ka raadineysa Mareykanka
    Somalia

    Taalibaan oo xiriir diblomaasiyadeed ka raadineysa Mareykanka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 5, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taalibaan ayaa ku dhow inay ku dhawaaqdo dowlad uu yeesho waddanka Afghanistan, taas oo ay sheegeen inay raadin doonto xiriir diblomaasiyadeed oo wanaagsan, oo ay la yeelato Mareykanka, iyo guud ahaan caalamka, kaas oo ku salaysan “is -ixtiraam”.

    Sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaan oo la yiraahdo Bilaal Karimi, xubinna ka ah Guddiga Dhaqanka, ayaa VOA u sheegay in aan la cayimin wakhtiga lagu dhawaaqi doono dowladda Afghanista, laakiin ay soo dhisi doonto “xilli dhow”.

    Caalamka ayaa Taalibaan indhaha ku haya, kana sugaya ballaanqaadkoodii ahaa in maamulka ay soo dhisi doonaan uu matali doono dhammaan qowmiyadaha Afghanistan, isla markaana ay xushmeynayaan xuquuqda aadanahaa, gaar ahaan haweenka – si ka duwan nidaamkoodii 20 sano kahor ka jiray Afghanistan.

    Bilaal Karimi ayaa intaa ku daray inay soo dhisi doonaan dowlad dhexe oo xoog leh oo loo dhanyahay.

    Wuxuu sheegay in Taalibaan ay ilaa hadda ay xiriir la leeyihiin dalal badan oo caalamka ah, isla markaana aysan filaneyn dhibaato ku timaada xiriirka dalalkaas.

    Dowladda Britain ayaa Jimcihii ku nuux-nuuxsatay inay Taalibaan kula xisaabtami doonto ballanqaadyadii ay sameeyeen, Isla markaana ay hubin doonaan ficillada soo raaca hadalladeeda, waxaana wasiirka arrimaha dibada Britain Dominic Raab uu sheegay in Taalibaan aysan u aqoonsaneyn dowlad, hase yeeshee ay muhiim u arkaan inay xiriir toos ah la yeeshaan.

    Mareykanka iyo deyn-bixiyeyaasha kale ee caalamiga ah ayaa joojiyay barnaamijyadii kaalmada maaliyadeed ee Afghanistan, iyagoo ku xiraya dib u bilaabista iyo dabeecadda dowladda mustaqbalka ee Taalibaan.

    VOA

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.