Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Cabdiweli Gaas oo ka hadlay khilaafka cusub ee Rooble iyo Farmaajo
    Somalia

    Cabdiweli Gaas oo ka hadlay khilaafka cusub ee Rooble iyo Farmaajo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 6, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka marna soo noqday Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in arrintaan oo dhan laga baaqsan karay marka la eego xaalada uu dalka kujiro , isla markaana la aado doorasho dalkana lagu hago si xasilooni kujirto.

    Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Rooble iyo madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo waa isku khilaafsanyihiin shaqo-joojinta xalay xili dambe uu Ra’iisul Wasaaruhu ku sameeyey taliyihii hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-suggidda Qaranka NISA.

    Dr. Cabduweli Maxamed Cali Gaas oo la hadlay Idaacadda Voa-da ayaa sheegay in aysan wanaagsaneyn in warbaahinta la isaga jawaabo, hayeeshee Ra’iisul Wasaaraha uusan laheyn waddo kale uu wax ku maareyn karay, waxaana Gaas uu taageeray go’aanka uu Ra’iisul Wasaaraha uu Shaqada uga joojiyay Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin.

    Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in marka hore ay aheyd in Fahad Yaasiin uu warbixinta kiiska Ikraan Tahiil uu sigaar ah ugu gudbiyo Ra’iisul Wasaaraha kana codsado in uu u ogolaado in uu la wadaago Golaha Amniga Qaranka.

    Go’aankii Ra’iisul Wasaaraha uu Shaqada uga joojiyau Agaasimihii Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ayaa waxaa taageeray Midowga Musharixiinta iyo inta badan Xubnaha mucaaraadka.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.