Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: Rooble oo Farmaajo ku eedeeyay carqaladeynta Kiiska Ikraan Tahliil
    Somalia

    Akhriso: Rooble oo Farmaajo ku eedeeyay carqaladeynta Kiiska Ikraan Tahliil

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 8, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War-Saxaafadeed: Faafin deg deg ah

    Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxed Xuseen Rooble wuxuu soo dhawaynayaa Aqbalaadda Madaxwaynaha ee Shaqo ka joojintii Agaasimihii Hore ee NISA Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

    Ra’iisulwasaaruhu wuxuu farayaa Agaasimaha Guud ee KMG ah ee NISA Sarreeya Guud Bashiir Maxed Jaamac in uu si deg deg ah u bilaabo shaqadiisa, sidoo kale Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa uu amrayaa in ay si buuxda ula shaqeeyaan Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Sareeye Guud Bashiir Maxed Jaamac.

    Ra’iisulwasaaruhu wuxuu ummadda Soomaaliyeed u cadaynayaa in Qoraalada kasoo baxay Madaxwaynaha 06-09-2021 iyo 07-09-2021 ay muujinayaan in uu wali daba socdo Masuuliyadihii Doorashooyinka iyo Amniga ee uu ku wareejiyay Ra’iisulwasaaraha.

    Waxaa kale oo uu Ra’iisulwasaaruhu ka walaacsanyahay talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas.

    Ra’iisulwasaaruhu wuxuu u arkaa wax laga xumaado in Xuquuqda Muwaadin Soomalaiyeed la siyaasadeeyo taas oo ah dhaqan halis ku ah hannaanka dowladeed ee Dalka waana in ay ka waantawdo cid kasta oo ku fikiraysa arrinkaas.

    Ra’iisulwasaarahu wuxuu markale ku adkaynayaa Xeer-ilaalinta iyo Maxkmadda Ciidammada Qalabka Sida in ay dardargaliyaan hawlaha Baarista kiiska Ikraam Tahliil Faarax deg degna u hor geeyaan maxkamadda awoodda u leh.

    Waxaa la farayaa dhammaan taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida in ay si buuxda ugu gacansiiyaan Xeer-ilaalinta Ciidamada iyo Hay’adaha Sharcigu in ay gutaan waajibadka ka saaran arrintaan.

    Ra’iisulwasaaruhu wuxuu hay’adaha Amniga farayaa in ay adkeeyaan amniga iyo xasilloonida guud ee dalka, ilaaliyaan Xuquuqda Muwaadiniinta, isla markaana ka feejignaadaan tilaabo kasta oo wax u dhimi karta Xorriyaadka iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee dadwaynaha Soomaaliyeed.

    Ra’iisulwasaaruhu wuxuu Shacabka Soomaliyeed uga baaqayaa in ay gacan ka gaystaan sidii ay caddaalad u heli lahayd Ikraam Tahliil Faarax.

    Ugu danbayn, Ra’iisulwasaaruhu isaga oo ku hadlaya magaca Golaha wadatashiga Qaranka wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka u xaqiijinayaa in la dardargalin doono arrimaha Doorashooyinka dalka oo si wanaagsan u socda, wuxuuna ku baaqayaa in loo midoobo sidii ay si nabadgalyo ah ugu dhammaan lahayd doorashadu isla markaana looga hor leexin lahaa wax kasta oo caqabad ku ah.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.