Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiir Abgaal oo guddoomiyay Shir looga hadlayay Miisaaniyadda Puntland ee 2022 (VIDEO)
    Somalia

    Wasiir Abgaal oo guddoomiyay Shir looga hadlayay Miisaaniyadda Puntland ee 2022 (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 14, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xarunta Wasaaradda Maaliyadda waxaa lagu qabtay kulan looga hadlay soo bandhigidda Odoroska Miisaaniyadda sanadka 2022,

    kulankan ayaa waxaa shir Gudoominaayay Wasiirka Wasaaradda Dowladda Puntland Mudane, Xasan Shire Cabdi waxaana ka soo qeybgaley Wasiir kuxigeenka Maaliyadda,Wasiiru Dowlaha, Agaasimaha Guud ku xgeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga iyo dhamaan Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda.

    Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire, ayaa ka dhageystay masuuliyiinta xogta Odoroska Dakhli iyo Kharashka la filan karo Sanadka 2022, iyadoo ay qiyaas ka bixiyeen Miisaaniyadii dhabta aheyd ee sanadka 2021 bilihii January illaa August 2021, taasoo laga qaadan doono Odoroska Sanadka 2022.

    Sidoo kale, Miisaaniyadda 2022 ayaa la filayaa in ay noqoto Miisaaniyaddii ugu waxqabadka Wanaagsaneyd, taasoo ay ka muuqan doonaan horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadista adeegyada Dowladdnimadda.

    Ugu dambayntii, Wasiirka ayaa u mahad celiyay Masuuliyiinta sida wanagasan oo ay u soo ban-dhigeen Odoroskan, isla markaasna ku booriyay in si deg deg ah loo dhameystiro jadwalka Miisaaniyadda, si loogu gudbo wajiyada xiga iyadoo lagu dari doono tala soo jeedinta la sameeyay.

    Wasaaraddda Maaliyadda, ayaa wada horumarinta hanaanka Maaliyadda iyo kobcinta dakhliga Dowladda, waxaana barbar socda hirgalinta mashaariic ballaaran oo ay ka mid yihiin hagaajinta iyo dhisida Dakadaha iyo Jidadka, kuwaa soo waxtar u leh dadka Puntland.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.