Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Abaaro daran oo ka jira deegaano kamid ah Jubbaland
    Somalia

    Abaaro daran oo ka jira deegaano kamid ah Jubbaland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 23, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Abaar iyo biyo la’aan balaaran oo saameyn ku yeelatay dad xoolo dhaqatada ah ayaa ka taagan degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose ee Dowlad-gobaleedka Jubbaland.

    Abaarta ka jirta Badhaadhe ayaa waxaa ku le’day xoolihii ugu badnaa oo ay lahaayeen dad xoolo dhaqato oo kunool degmadaas iyo tuulooyin hoostega, waxaana la sheegay in dadka deegaanka ay ku adkaatay nolosha, kadib markii la waayay cunto iyo biyo.

    Dad ku sugan Badhaadhe ayaa waxaa ay kusoo warrameen in xaalad adag oo abaar baahsan ah ay ka jirto degmada oo ay ugu daran tahay biyo la’aan saameysay dadka iyo xoolaha, iyagoona sheegay in Jiirgaanki biyo ah la iibinayo 20 kun oo Shillin Soomaali ah.

    Guddoomiye ku-xigeenka degmada Badhaadhe Yuusuf Maxamed Ibraahim oo la hadlay VOA-da ayaa u sheegay in abaarta ay saameysay tuulooyin badan oo degan yihiin qoysas danyar ah, isla markaana dadka ay heysato xaalad biyo la’aan ah, isagoona intaas ku daray inay jiraan dad farabadan oo isaga barakacay oo nolol u raadsaday deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

    Si kastaba Abaar baahsan ayaa ka jirto deegaano dhowr ah oo ka tirsan Jubbada Hoose, iyadoona xoolihii ugu badnaa oo lo’ ah ay ku la’deen, waxaana sii kordhaya dadka ay saameynta ku yeelatay abaarta oo aadaya Magaalooyinka waaweyn ee Gobolka.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    November 22, 2025

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    November 22, 2025

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    November 22, 2025
    Latest Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    Tiro kale oo argagixisada ah oo lagu dilay duqayn Cirka ah

    Firxad argagixiso oo isku soo dhiibay Ciidamada Puntland

    Abaaraha daran Ee Puntland ka jira oo laga shiray

    Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka hadashay hakintii barnaamijka TPS

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.