Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Jarmalka: Xisbiga Markel oo looga adkaaday doorashada Baarlamaaniga ah
    Social Democratic Party (SPD) leader and top candidate for chancellor Olaf Scholz and his wife Britta Ernst react after first exit polls for the general elections in Berlin, Germany, September 26, 2021. REUTERS/Wolfgang Rattay
    Somalia

    Jarmalka: Xisbiga Markel oo looga adkaaday doorashada Baarlamaaniga ah

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 27, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Jarmalka ayaa Isniinta maanta ah galay xaalad siyaasadeed aan hubanti laheyn ka dib markii xisbiga Social Democrats uu si dirqi ah ugu guleystay doorashadii guud ee baarlamaaniga dalkaasi, hase yeeshee waxa uu wajahayaa xisbiga muxaafidka ee ay hoggaamiso Angela Markel oo helay natiijo aad ugu dhow.

    Dalkan oo 16 kii sano ee ay hoggaamineysay Markel haystay xasillooni ayaa toddobaadyada iyo bilaha soo socda waxa uu galayaa xaalad adag, iyadoo xidbiga SPD ee uu hoggaamiyo wasiirka maaliyadda Olaf Scholz iyo hogaamiyaha xisbiga conservatives-ka Armin Laschet ay ku loollami doonaan in ay helaan axsaab ay dowlad la dhistaan.

    Natiijooyinka hordhaca ah ayaa sheegaya in xisbiga bidixda dhexe ee SPD uu helay 25.7 boqolkiiba, halka xisbiga midigta dhexe ee CDU-CSU ee Markel uu helay natiijadii ugu hooseysay oo ah 24.1 boqolkiiba.

    Hoggaamiyaha SPD Olaf Scholz ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu xukuumad isbaheysi ah lasoo dhiso xisbiyada Greens iyo Liberals-ka FPD, isaga oo yiri, in Jarmalka ay go’aansadeen in kadib 16 sano oo xukun ah ay xisbiga Merkel ka dhigaan mucaarad.

    Dalkan ugu dhaqaalaha badan Yurub ayaa sanadka danbe qaban doona xilka madaxweynenimo ee kooxda G7 ee ay ku mideysan yihiin dalalka hodanka ah, iyadoo uu u baahnaan doono dowlad awood leh dejinta ajandayaasha caalamiga ah.

    VOA

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.