Suldaan Saleebaan Cismaan (Habaar), ayaa ku dhaawacay magaalada Hargeysa Xildhibaan Axmed-nuur Garuuje oo kamid ah Golaha Wakiillada Somaliland.
Xildhibaan Garuuje ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka Hargeysa. Warbaahinta Somaliland ayaana sheegtay in isku dhaca Suldaan Saleebaan iyo Xildhibaan Garuuje uu sababay hadalo dhowaanahan ay isku marinayeen saxaafadda.
Guddoomiye kuxigeenka 1-aad Baarlamaanka Somaliland Siciid Mire Giirre, oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa ku baaqay in lasoo qabto, sharcigana la horkeen Suldaan Saleebaan.
Idilnews