Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Karaash oo Amar ku aadan dadka kasoo raafay dul-dhigay Golaha Wasiirada
    Somalia

    Madaxweyne Karaash oo Amar ku aadan dadka kasoo raafay dul-dhigay Golaha Wasiirada

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 4, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, wuxuuna Madaxweyne Ku-xigeenku ka dhegaystay warbixin ku saabsan dadkii lagasoo barakiciyey magaalada Laascaanood.

    Kulanka waxaa kasoo baxay in xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee ku shaqo leh arrimahan, kuwaasi oo kala ah Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, Caafimaadka, Qorsheynta iyo Haweenka ay u kuurgalaan xaaladda dadkaasi booqdaan goobaha lagu soo dhoweeyay.

    Dowladda Puntland ayaa soo dhoweysay ku dhowaad 2000 oo qof, oo ay ku jiraan caruur iyo Haween kuwaasi oo lagasoo barakiceyey Laascaanood. Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland ayaa faray Wasiirada ku shaqo iyo hay’addaha kale ee dowladda in dadkaasi si dhow looga warhayo xaaladooda, loo gargaaro , ku gudbayana loo fududeeyo safarkooda.

    Kulanka waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.