Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»QM oo war kasoo saartay dadkii Somaliland kasoo masaafurisay Laascaanood (Akhriso)
    Somalia

    QM oo war kasoo saartay dadkii Somaliland kasoo masaafurisay Laascaanood (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 5, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hay’adaha Arrimaha Bani’aadannimada u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin xarigga iyo barakicinta khasabka ah ee in ka badan 1,000 isugu jira haween & carruur ay Somaliland kasoo musaafurisay magalada laa- Canood ee Gobolka Sool 2-dii iyo 3-dii Bishaan Oktoobar.

    Waxaa ay sheegeen inay wadaan isku –dubbaridayaan qiimeyn bani’aadamnimo oo deg -deg ah, si loo dogaado tirada dadka ay dhibaatadu saameysey, baahidooda deg dega ah si loogu helo meelo kumeel gaar ah, iyada oo lala kaashanayo maamulka Puntland.

    “ Waxaan aad uga walaacsannahay warbixinnada barakac khasab ah oo la qorsheeyay maalmaha soo socda. Waxaan ugu baaqeynaa hay’adaha samafalka inay bixiyaan oo dedejiyaan gargaarka degdegga ah, iyadoo lala kaashanayo maamulada maxalliga ah, si loo helo xal waara,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda isku-daridka gargaarka QM ee UNOCHA.

    Ugu dambeyn Hy’adda UNOCHA ayaa ugu baaqday Somaliland in ay si taxaddar leh u dhaqmaan oo ay helaan xal waara oo lagu xushmeynayo xuquuqda iyo sharafta dhammaan dadka ay dhibaatadu saameysey.

    Degaano ka tirsan Puntland sida Gobolada Nugaal iyo Mudug ayaa lagu soo dhaweeyay dadkii Somaliland kasoo musaafurisay Magaalada laas-Caanood, waxaana warar soo baxay ay sheegayaan in Somaliland ay qorsheyneyso in degaano kale ay kasoo musaafuriso dad kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.