Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qaramada Midoobay oo jawaab ka dalbatay Dowladda Itoobiya
    Berlin, Germany - November 04: Antonio Guterres, High Commissioner for Refugees of UNHCR, attends a press conference in german foreign office on November 04, 2015 in Berlin, Germany. (Photo by Michael Gottschalk/Photothek via Getty Images)
    Somalia

    Qaramada Midoobay oo jawaab ka dalbatay Dowladda Itoobiya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 7, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa u sheegay dowladda Itoobiya inay tahay inay tusto wax caddeyn ah oo ay heyso, si loo xaqiijiyo eedeymaha la xiriira cayrada toddobo sarkaal oo sarsare oo ka tirsanaa laamaha gargaarka bini’aadannimo ee Qaramada Midoobay.

    Antonio Guterres oo qaatay hadalka shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kadib markii safiirka Itoobiya uu eedeymo u soo jeediyay shaqaalahooda, oo ay ka mid tahay inay 1 milyan ay ku dareen tirada dadka u baahan gargaarka, ayna sheegeen dhimasho aan weligeed dhicin, waa sida uu hadallka u dhigay safiirka Itoobiya.

    “Waxaan jeclaan lahaa inaan ku weydiiyo hal arrin, Mudane Danjire, haddii uu jiro dukumeenti qoran oo ay dowladda Itoobiya siisay hay’ad kasta oo Qaramada Midoobay ah oo ku saabsan mid kasta oo ka mid ah (toddobada) xubnood ee Qaramada Miboobay ee la eryay, waxaan jeclaan lahaa inaan helo nuqul ka mid ah dukumintigaas, maxaa yeelay ogaal uma lihi mid kasta oo ka mid ah dukumintiyadaas, aad bayna ii anfici laheyd.” ayuu yiri Guterres, isagoo si toos ah ula hadlayay wakiilka Itoobiya ee Qaramada Midoobay Taye Atske Selassie, oo fadhiyay miiska Golaha Ammaanka.

    Guterres oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu laba jeer u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed in haddii uu ka walaacsan yahay dhexdhexaadnimo la’aan shaqaalaha Qaramada Midoobay, inuu si toos ah isaga ula soo xiriiro, si uu u baaro, wuxuuna sheegay in ilaa hadda wax jawaab ah oo la xiriirta codsigiisa inuusan ka helin Abiy Axmed.

    Wuxuu intaas ku daray in tallaabada Addis Ababa ee masaafurinta mas’uuliyiinta Qaramada Middoobay ay xadgudub ku tahay shuruucda caalamiga ah, wuxuuna sheegay shaqaalaha Qaramada Midoobay ay heystaan xasaanadda ilaalisa.

    “Waa waajib isaaran inaan difaaco sharafta Qaramada Midoobay,” ayuu ku jawaabay Guterres oo shirka Golaha Ammaanka kadib warbaahinta la hadlayay.

    Ethiopia ayaa ku eedeeysay saraakiishan, in ay faragelin ku hayeen arrimaha gudaha ee dalkeeda, isla markaana ay mucaawinooyin iyo qalab is-gaarsiineed u gudbiyeeen Jabhadda Xoreynta Tigray ee loo soo gaabiyo (TPLF), taas oo ay dowladda federaalka dagaal kula jirto tan iyo dhamaadka sannadi hore.

    Qaramada Midoobay ayaa Isniintii xaqiijisay in saraakiisheedu ay ka baxeen Itoobiya.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.