Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xuska maalinta dhimirka Adduunka oo lagu qabtay Garoowe
    Somalia

    Xuska maalinta dhimirka Adduunka oo lagu qabtay Garoowe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 10, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa maanta lagu qabtay xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka Puntland xuska maalinta cudurrada dhimirka ku dhaca ee Dunida oo sanad kasta maanta oo kale laga xuso aduunka.

    Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland iyo qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradda ayaa ka qaybgalay sidoo kale waxaaa joogay saraakiil ka socday hay’addaha WHO iyo Save The Children iyo machadka cilmi baarista SIDRA.

    Mohamed Abdiqaadir oo ka socday hay’adda WHO oo ka hadlaya ayaa yiri:-

    “Waxaan ku faraxsanahay maanta inaan wasaaradda kala soo qaybgalo xuska maalinta cudurada Dhimirka oo sanadkasta 10 Octobar laga xuso caalamka, taasoo wax la iskaga weydiiyo baahiyaha ay qabaan dadkaan sida ay uhelaan adeegyada ay ubaahanyihiin madaama ay yihiin dad maskaxda ka xanuusan una baahan xanaanayn gaar ah.”

    Dr Mohamuud Aspimo oo ka mid ah ururuka dhakhaatiirta Puntland oo isna ka hadlay ayaa sheegay:-

    “ waxaan bogaadinayaa qabashada maalintaan muhiim ah ee la xusayo dadka dhimirka ka xanuusanaya waxaana aduunka laga qoray in dadka aduunka 20% la xanuusanyihiin caafimaad la’aan dhanka maskaxda ah, waxaana sababaya dhacdooyinka dadka ku dhacaya sida shaqo la’aanta, balwadaha noocyadooda kala duwan, barakaca, kufsiga iyo waxyaabaha lamid ah.

    “Sidoo kale waxaa muuqanaya dalkeena inay ku yaryihiin dhakhaatiir dhanka maskaxda ah iyo meelaha lagu xanaaneeyo dadka xanuunka qaba.”

    Wasiirka Wasaaradda Dr- Jamac Farax Xasan oo xaflada soo xiray ayaa yiri:-

    “Waxaan soo dhawaynayaa maanta inaan ka soo qaybgalo munaasabadaaan lagu xusayo maalinta dhimirka dunida oo ka mid ah maalmaha ugu waaweyn aduunka laga xuso dhanka caafimaadka, waxaan dhamaanteen ognahay in dalkeena ay ka wada jiraan waxyaabaha sababa xanuunada dhimirka sida Dagaalada Sokeeye,Dhaqaalo yarida, Shaqo la’aanta, Balwadaha kala duwan iyo dawlad la’aanta, taasoo muujinaysa in xanuunku aad inoogu badanyahay sida la xaqiijiyayna 3 qof oo meel wada jooga mid ka mid ah uu qabo xanuunka maskaxda. Waxaa intaas sii dheer in dalkeena ay ku yaryihiin dhakhaatiirta takhasuska ku ah xanuunada maskaxda iyo meelaha lagu xanaaneeyo.”

    “Waxaan ubaahanahay in la kordhiyo wacyiga bulshadeena taasoo lagu wacyigalinayo inay ka daayaa faquuqa iyo dhibaataynata dadka xanuusanaya,ka Wasaaradda caafimaadka ahaan waxaan qorshaynaynaa in xarumaha caafimaadka lagu soo kordhiyo qaybta lagu daweeyo bukaanadan sidoo kalena faham guud laga siiyo xirfadlayaasha caafimaad ee ka shaqeeya xanuunada maskaxda ku dhaca, sidoo kale ardayda jaamacahaha galaya inay soo bartaan si bulshadooda ugu daweeyaan.”

    “Waxaan rajaynayaa tani inaysan xus kaliya noqon ee xarumaha aad ka timaadeen kula noqotaan wacyigalina usameysaan bulshadeena si loo yareero faquuqa iyo dhibaatooyinka loo gaysto dadkaan xanuusanaya.”

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.