Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Saameyn intee le’eg ayay Soomaalida ku yeelanaysa dilka David Amess ? W/Q: CC Warsame
    Somalia

    Saameyn intee le’eg ayay Soomaalida ku yeelanaysa dilka David Amess ? W/Q: CC Warsame

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 17, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaan Sir David Amess waxaa dilay Cali Xarbi oo British ah, laakiin asal ahaan Soomaaliya ka soo jeeda. Waxaa la sheegay Cali in uu ahaa dhakhtar, weliba samaynayey takhasus. Xildhibaan David oo 40 sano ka tirsanaa Baarlamaanka Ingiriiska ayaa ku guda jiray (Constituency surgery) oo ah maalmaha uu xildhibaanku fariisto xarun dadwayne ama dowladeed oo uu ku qaabilo dadka soo doortay ee qaba tabashooyin la xariira arrimaha socdaalka, qoysaska la is-haleeshiyo, sharciga soo daaha, deegaanka, caafimaadka, IWM.

    Xildhibaannada Ingiriiska lama ilaaliyo, waardiye gaar ahna ma laha. Qof kasta ayaa imaan kara Constituency surgery, Cali waa wiil ay waalidkiis waqti badan ku daddaaleen waxbarashadiisa ilaa uu noqday dhakhtar; waliba takhasus samaynaya, balse afkaartiisa xagga diinta ah ay xagjir noqotay.

    Waaliddiinta Soomaaliyeed waxay aad ugu dadaalaan in ay ubadkooda ka ilaaliyaan in uu saaqido oo uu ku faraq xirto kooxaha abaabulan ee ku lugyeesha dilka, daroogada iyo boobka. Si ay taas ugu suuragasho ayey dugsiga quraanka iyo masaajidka kula dadaalaan ubadkooda.

    Halkaas qudheeda waxaa fadhiya kuwa kale oo xagjirnimada iyo ku biirista kooxaha argagexisada ku qalqaaliya dhallinyarada. Waalidku inta badan ubadkooda kalama hadlaan kooxahaas, kalama doodaan afkaartooda, haddii ay ubaadkooda ku arkaan afkaar xagjir ah uma sheegaan Booliska qaabbilsan., taasina waxay keentaa in ay si sahal ah gacanta ugu galaan kooxaha xagjirka.

    Dilka wiilkaas uu geystay wuxuu indhaha dadka British ka ah ku soo jeedinayaa guud ahaan Muslimka, gaar ahaan Soomaalida. Soomaali badan ayaa dhibbane u noqon doona. Waxaana kow ka ah waalidkiisa, walaalihiis iyo ehelkiisa. Kooxaha cunsiriyiinta ah ayaa beegsan doona Soomaalida oo ah dad si sahlan loo bar garan karo xaga muuqa iyo labbiska, gaar ahaan dumarka.

    Dowladda Ingiriiska oo doonaysay in laabto boggii argagexiso la dirirka, una weeciso awooddii, dadaalkii iyo dhaqaalihii ku bixi jiray, mudnaan kale, ayaa arrinkani dood badan ku abuuri doonaa.

    Waxay kaloo dood ka dhalan doontaa amniga Xildhibaannada. Waxaase intaas oo dhan ka sii daran in ay adkaaneyso is araggii sahlanaa iyo adeeggii tooska ahaa ee ka dhaxeeyey xildhibaanka iyo dadka soo doorta, taasoo dhaawici doonta hannaanka metelaadda iyo hal abuurkii dimoqoraadiyadda ee hormuudka u ahayd Britain.

    Falka argagexiso ee uu wiilkaas gaystay wax badan ayey saamayn taban ku yeelanaysaa, laakiin waxaa hubaal ah in aysan jirin wax uu naftiisa, ehelkiisa, dadkiisa iyo diintiisa u taray. Waxaan xanuunka la qaybsanayaa ehelka Sir David oo ay tacsi u taalo. Sidoo kale waalidka iyo qoyska Cali oo tiiraanyo iyo murug wayn ay maanta haysato.

    W/Q: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.