Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Turkiga oo u yeeray safiirada 10 dal
    Somalia

    Turkiga oo u yeeray safiirada 10 dal

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 20, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Turkey ayaa shalay u yeertay safiirada 10 dal oo ay ku jiraan Jarmalka iyo Mareykanka, kadib markii ay ku baaqeen in lasii daayo hoggaamiye ka tirsan bulshada rayidka, kaasi oo xarigiisa uu dhaawacay xiriirka Ankara iyo Reer Galbeedka.

    Osman Kavala oo ah 64 jir Turkish ah oo ku dhashay Paris ayaa xabsi ku jiray tan iyo 2017 isaga oo aan wax dambi ah lagu helin.

    Waxa uu wajahayaa eedeymo dhowr ah oo la xiriira dibadbax ka dhan ah dowladda oo dhacay 2013 iyo afgambigii fashilmay ee 2016. Kavala waa uu beeniyey eedeymaha.

    War-saxaafadeed ay soo saareen Isniinti ayey safiirada dalalka Canada, Denmark, Finland, France, Germany, Netherlands, New Zealand, Norway, Sweden iyo Mareykanka waxay ku baaqeen “xal caddaalad oo deg deg ah oo laga gaaro kiiskiisa.”

    “Dib u dhaca sii socda ee maxkamadeyntiisa…waxay mugdi gelienysaa ixtiraamka demoraadiyadda, sarreynta sharciga iyo hufnaanta nidaamka garsoorka Turkey,” ayey yiraahdeen.

    Safaaradahan ayaa ugu baaqay Turkey inay raacdo xukunka Golaha Yurub, oo ah urur xuquuqda aadanaha qaabilsan oo ay ku biirtay 1950.

    Golaha Yurub ayaa ka digay inay billaabi doonaan dacwad edbin oo ka dhan ah Turkey “haddii aan Kavala lasii deynin kahor” kulanka golaha ee November 30 illaa December 2.

    Maxkamadda ayaa mar kale kiiska Kavala dhageysan doonta 26-ka November.

    Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha diebdda Turkey ayaa lagu sheegay in safiirada loo yeeray ay shalay subax tageen xarunta wasaaradda.

    Diblomaasiyiinta waxaa lagu wargeliyey in war-saxaafadeedkooda “uu ka tallaabsaday xuduudaha iskuna dayey inuu siyaasadeeyo hanaan sharci, islamarkaana cadaadiyo garsoorka,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda.

    “Waxaa lagu wargeliyey inay diirad saarista kiisas la xiriira maxkamadaha Turkey, gaar ahaan Kavala ay tahay mid aan daacad aheyn oo laba wejiilenimo ah.”

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkey Suleyman Soylu ayaa sidoo kale cambaareeyey qoraalka 10-ka safaaradood.

    “Ma ahan wax ka aqbali karo in safiirada ay soo-jeedimo ama tallooyin ka dhiibtaan kiis sharci ah oo socda,” ayuu Soylu ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter.

    Wasiirka Cadaaladda Turkey Abdulhamit Gul ayaa Isniinii isna yiri “Safiirna ma lahan xaq uu talooyin ama soo jeedimo ugu gudbiyo maxkamadaheena.”

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.