Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Taliban oo ogalaatay la shaqeynta saddex dal
    Somalia

    Taliban oo ogalaatay la shaqeynta saddex dal

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 21, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taalibaan ayaa Arabacdii ogolaatay inay dalalka Ruushka, Shiinaha iyo Iran kala shaqeyso amniga gobolka, kadib markii Kremlin-ka uu ka digay halisaha kooxda Daacish iyo ka ganacsiga daroogada.

    Ruushka iyo Shiinaha ayaa ka mid ahaa dalalka ugu dhow Taalibaan tan iyo markii ay dib u qabsatay Afghanistan bishii August, halka Iran ay leeyihiin xuduud.

    Baaqan ayaa kasoo baxay shir ka dhacay Moscow oo ay ka qeyb-galeen dalalkii horey uga tirsaan Midowga Soviet ee xuduudda la leh Afghanistan, Shiinaha, Ruushka iyo Iran.

    Intii ay socdeen wada-hadallada oo ay goobjoog ka ahaayeen 10 dal ayaa waxaa lagu baaqay gargaar bani’aadaminimo oo deg deg ah oo lala gaaro Afghanistan.

    Waxay sidoo kale dalalkaas dalbadeen in dalalkii dhowaan ciidamada kala baxay Afghanistan ee NATO ay maal-geliyaan dib u dhiska dalkaas.

    Wada-hadallada ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ka digay in kooxda Daacish ay isku urursaneyso Waqooyiga Afghanistan si ay kala qeybsanaan dhanka qowmiyadaha iyo diimaha ugu baahiso dalalkii horey uga tirsanaa Midowga Soviet.

    Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Sergei Lavrov oo ka hadlay shirka ayaa cambaareeyey maqnaanshaha saraakiisha Mareykanka, isaga oo sheegay in Daacish iyo Al-Qacida ay isku dayayaan inay ka faa’iideystaan dal-daloolada amni ee Afghanistan.

    Kahor wada-hadallada Moscow, wakiilada Taalibaan ayaa la kulmay saraakiisha Midowga Yurub iyo Mareykanka, waxayna u safreen Turkiga, si ay u helaana aqoonsiga iyo taageerada beesha caalamka, balse waa ay kusoo hungoobeen

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    November 22, 2025

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    November 22, 2025

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    November 22, 2025
    Latest Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    Tiro kale oo argagixisada ah oo lagu dilay duqayn Cirka ah

    Firxad argagixiso oo isku soo dhiibay Ciidamada Puntland

    Abaaraha daran Ee Puntland ka jira oo laga shiray

    Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka hadashay hakintii barnaamijka TPS

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.