Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»AMISOM oo maxkamadeynaysa Ciidamadeedii dilka ka geystay Sh/hoose
    Somalia

    AMISOM oo maxkamadeynaysa Ciidamadeedii dilka ka geystay Sh/hoose

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 22, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war kasoo saaray baaritaan ay ku sameeyeen falkii Ciidamo ka tirsan AMISOM ay dadka rayidka ahaa ku dileen degaanka Golweyn oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

    Warsaxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in guddi xaqiiqo raadin ah oo ay u saareen dilka dadka rayidka ah oo dhacay 10-kii Bishii Agoosto ee sanadkaan lagu ogaaday in todobo qof oo Shacab ah la dilay iyo sida ay u dhaqmeen Ciidankii ku lugta lahaa oo aheyd xadgudub xeerarka howlgalka AMISOM.

    Sidoo kale AMISOM waxaa ay sheegtay in Guddiga oo ka koobnaa lix qof , oo uu hoggaaminayey wakiil ka socday Xarunta Wayn ee Guddiga Midowga Afrika ee Addis Ababa iyada oo ay xubnaha ka mid ahaayeen wakillo ka kala socdey AMISOM iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS), ay xaqijiyeen, in maalintii dhacdadu dhacday, ay ciidanka AMISOM ay dhab ahaan ku wajaheen dagaalyahannada
    Al-Shabaab goobta uu shilku ka dhacay, iyada oo ay xigtay is rasaasayn, isla markaana Dagaalka ay ku dhinteen hal askari oo AMISOM
    ah, mid kalena dhaawac uu soo gaaray.

    “Sidaa darteed, AMISOM waxa ay qaadanaysaa mas’uuliyad buuxda ee falkan xun ee ciidankeeda, waxayna la xisaabtami doontaa ciidankii falka geystay si loo xaqiijiyo in caddaaladda loo adeego, sida ay ku taliyeen Guddiga Baarista, iyada oo la raacayo hannaanka saxda ah, ayey Dowladda Jamhuuriyadda Uganda, Dal ka mid ah kuwa Ciidankan Ku tabarrucay ahaan, ayna ka soo jeedaan cidanka falka geystay, waxay sameysay Maxkamad Ciidan si loo maxkamadeeyo
    ciidanka gefka geystay. Maxkamadda Ciidanku waxa ay ka fariisan doontaa oo ay dacwadda ku qaadi doontaa gudaha Soomaaliya ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay AMISOM.

    Sidoo kale waxaa AMISOM ay sheegtay” Waxaa la saadaalinayaa in, iyada oo la raacayo waajibaadkeeda ku xusan Heshiiskii Isfahamka ee ay la saxiixdeen Midowga Afrika, in Dawladda Uganda ay la xiriiri doonto qoysaska murugaysan si ay ugala hadlaan sidii loo magdhabi lahaa dadkii la dilay. Dhankeeda, AMISOM ayaa dabagal ku samayn doonta arrintan ilaa dhammaadkeeda.

    Ugu dambeyn AMISOM ayaa sheegtay si qoto dheer uga go’an tahay nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo ilaalinta dadka deegaanka oo qayb ka ah waajibaadkeeda asaasiga ah. Sidaas awgeedna hoggaanka Hawlgalku uu sii wadi doono inuu hubiyo u hoggaansanaanta adag ee waajibaadkiisa sida waafaqsan Sharciga Bani’aadamnimada Caalamiga ah (IHL), sharciga Xuquuqda Aadanaha iyo Xeerarka Hawlgelinta.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.