Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hoggaamiyihii Al-Qaacidada Suuriya oo duqeyn lagu dilay
    Somalia

    Hoggaamiyihii Al-Qaacidada Suuriya oo duqeyn lagu dilay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 23, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Militariga Mareykanka ayaa dilay hogaamiyihii sare ee Al-Qaacida Cabdul Xamiid Al-Matar kadib duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Siiriya, sida uu sheegay afhayeenka taliska dhexe ee Mareykanka.

    “Dilka hoggaamiyaha sare ee Al-Qaacida waxay carqaladeyn doontaa awoodda ururka argaggixisannimo ee ah inay sii qorsheeyaan oo ay qaadaan weerarro caalami ah oo halis ku ah muwaadiniinta Mareykanka, shuraakadayada, iyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan,” ayuu Major John Rigsbee ku yiri bayaan qoraal ah oo soo baxay Jimcihii.

    Ma jiro khasaare kale oo la ogyahay oo ka dhashay duqeynta, ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in la adeegsaday diyaarad MQ-9.

    Duqayntan ayaa imanaysa laba maalmood ka dib markii la weeraray fariisin Maraykanku ku leeyahay koonfurta Suuriya.

    “Al-Qaacida waxay sii wadaa inay halis u soo bandhigto Mareykanka iyo xulafadeena. Al-Qaacida waxay Siiriya u isticmaashaa gabbaad nabdoon si ay dib ugu dhisto, ula shaqayso la-hawlgalayaasha dibadda, una qorshayso hawlgallada dibadda, ”ayuu yiri Rigsbee.

    Rigsbee ma uusan sheegin haddii duqeynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay fuliyeen aargudasho weerarka. Sidoo kale ma uusan sheegin aagga Suuriya ee duqeynta laga fuliyay.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    November 22, 2025

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    November 22, 2025

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    November 22, 2025
    Latest Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    Tiro kale oo argagixisada ah oo lagu dilay duqayn Cirka ah

    Firxad argagixiso oo isku soo dhiibay Ciidamada Puntland

    Abaaraha daran Ee Puntland ka jira oo laga shiray

    Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka hadashay hakintii barnaamijka TPS

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.