Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: Ahlusunna oo AMISOM ku eedeeysay ka qeyb-qaadashada dagaalka Guriceel
    Somalia

    Akhriso: Ahlusunna oo AMISOM ku eedeeysay ka qeyb-qaadashada dagaalka Guriceel

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 26, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hoggaanka Ahlusunna Waljamaaca ayaa ka hadlay dagaalka degmada Guriceel ay kula galeen Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac tiro badan ah.

    Qoraal kasoo baxay hoggaanka Ahlusunna ayaa waxaa lagu sheegay in ay soo dhaweeynayaan baaqii nabadda ahaa ee kasoo baxay qaar kamid ah Midowga Musharixiinta iyo baaqyaa nabadeed oo ay soo saarayaan waxgaradka, Siyaasiyiinta & Culimadda.

    Sidoo kale Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxaa ay sheegeen in ay aqoonsan yihiin jiritaanka Maamulka Galmudug iyo in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay, balse ay ka xun yihiin wixii ka dhacay Guriceel.

    “ ASW Waxay kaxuntahay in Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM qayb-ka-noqdaan burburinta isbitaalada iyo goobaha gargaarka oo ay dawladda federalka Somaliya kawado degmada Guriceel iyagoo u gudbinaya hub shurci daro ah oo dhaliyaya barakac iyo burbur hantiyeed sidookalana ka horjeeda xuquuqda aadamaha iyo shaqada AMISOM dalka u joogto ayaa lagu yiri” Qoraalka hoggaanka Ahlusunna.

    Ugu danbayn Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxaa ay ugu baaqeen Beesha Caalamka iyo hayadaha Gargaarka in ey xalada bani’aadanimo ee ka tagan degmada Guriceel deg deg uga jawabaan.

    Warkan kasoo baxay hogganka Ahlusunna Waljaamaca ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Saddex Malin oo xiriir ah degmada Guriceel ay ku dagaalameen Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo hoggaanka Ahlusunna, kaas oo ay ku dhinteen saraakiil & Askar farabadan.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.