Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Bangiga Adduunka oo hakiyey gargaarkii uu siin jirey Sudan
    Somalia

    Bangiga Adduunka oo hakiyey gargaarkii uu siin jirey Sudan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 28, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Bangiga Adduunka, ayaa hakiyey kaalmadii uu u fidin jirey Sudan, kadib markii ciidamada military-ga ee dalkani, ay afgambi kagala wareegeen dowladdii rayidka aheyd talada dalkaasi.

    Hoggaamiyeyaal siyaasadeed ayaa la xirey isniintii, taasoo dhalisay mudaaharaadyo dalka oo idil ah, iyo cambaareyn caalami ah.

    Midowga Africa, ayaa sidoo kale ka joojiyey xubinnimadii ururka ee dalka Sudan, sababo la xiriira qabsashada aan sharciga aheyn ee xukunka ee ciidana military-ga. Mareykanka ayaa xayirey 700 oo milyan oo Doolar, oo gargaar ah.

    Hoggaamiyeyaasha ciidanka iyo kuwa rayidka ah, ayaa galey awood qeybsi aad u nugul, labadii sano ee lasoo dhaafey.

    Tallaabooyinka ay qaadeen Bangiga Adduunka iyo Midowga Africa, ayaa cadaadis dheeraad ah saaraya hoggaamiyaha afgambiga ee General Cabdulfataax Burhan, si uu dib ugu soo celiyo dowladdii rayidka aheyd.

    General Burhan ayaa mas’uul ka ahaa heshiiska awood qeybsiga, isagoo sheegay in afgambiga loo baahnaa, si loogga fogaado dagaal sokeeye.

    Wuxuu ku adkeysanayaa in dalka Sudan uu afka aadiyey dhabadii dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka sanadka 2023-ka, balse sababtiisa la wareegista ee lama filaanka ah, ayaa si weyn loogga horyimid.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    November 22, 2025

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    November 22, 2025

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    November 22, 2025
    Latest Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    Tiro kale oo argagixisada ah oo lagu dilay duqayn Cirka ah

    Firxad argagixiso oo isku soo dhiibay Ciidamada Puntland

    Abaaraha daran Ee Puntland ka jira oo laga shiray

    Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka hadashay hakintii barnaamijka TPS

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.