Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shir looga hadlay xoojinta Amniga oo ka dhacay Boosaaso
    Somalia

    Shir looga hadlay xoojinta Amniga oo ka dhacay Boosaaso

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 28, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Shir gudoomiyay shirka Amniga Magaalada Bosaaso kaas oo manta diirada lagu saaray xaladihii ugu danbeeyay amniga iyo shaqooyinka ka soconaya saldhigyada Bosaaso waxana warbixino soo gudbiyay Taliyaasha saldhigyada kuwaas oo ka waramay shaqooyinka amniga xaafadaha.

    Shirkaan oo ay ka soo qayb galeen Dhamaan Taliyaasha Saldhigyada, saraakiisha Booliska Gobalka Bari, ayaa waxaa diirada lagu saaray sare uqaadida amniga guud iyo kan gaar ahaan oo marti galinaysa Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Xilibaanada Cusub Dowlada Fadaraalka Soomaaliya oo sida qorshu yahay in Bosaaso Lagu Qabto Dorashadaas.

    Gunaanadka shirka Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa faray laamaha Amaanka in ay si weyn u adkeeyaan Amniga Gobalka iyo degaanada ku xeeran.

    Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Dhamaan Ciidanka Booliska Gobalka Bari Uga Mahadceliyay Kaalinta amniga oo ay marwalba u taagan yihiin ciidamadaan waxana uu ku dhiirigaliyay in ay halkaas ka sii wadaan dardar galinta amniga waxana uu faray in marwaba ay ku jiraan heegan Buuxa oo amniga ah.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.