Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Booliska Gobalka Bari oo howlgallo ka wada Boosaaso (VIDEO)
    Somalia

    Booliska Gobalka Bari oo howlgallo ka wada Boosaaso (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 1, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Saacadihii la soo dhaafay Howlgal uu Hogaminaayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa laga sameeyay Magalada Bosaaso iyo qaar badan oo ka tirsan xaafadaha magaalada si loo adkeeyo amaanka.

    Howlagaladaan oo ahaa kuwo lagu xaqiijinayo ammaanka ayaa meelaha qaar waxay ciidamadu u sameynayeen guri-guri,iyo Huteelo, waxaana u ahaa mid ka dhan ah Xoojinta amaanka iyo Burcadda dadka shacabka ah ka furata agabkooda.

    Ciidamada ammaanka ayaa inta ay ku jireen howlgalkaan waxaa u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan dad ku howlanaa falal lidi ku ah amaanka. habeenadii lasoo dhaafay waxay ciidamada magaalada Bosaaso ka wadeen howlgallo culus oo ka dhan ah burcadda dhalinyarada ah, waxaana weli socda howlgalladaas nadiifinta ah.

    Xaafadaha qaar ciidamada waxaa kala shaqenaayay Dadka shacabka ah si shacabka ay u helaan nabad geliyo, meeshana looga saaro kooxaha burcadda ah ee mararka qaar isku daya inay shacabka dhacaan.

    Sidoo kale howlgalladaan waxay ku soo aadayaan iyadoo dalku uu galay xilli doorasho, isla markaana hey’adaha ammanka Gobalka Bari ay muujinayaan feejignaan dheeri ah madaama Magaalada Bosaaso ay ka mid tahay magaaloyinka lagu qaban doono doorashada kuraasta xilibaanada aqalka hoose soomaaliya.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    November 22, 2025

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    November 22, 2025

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    November 22, 2025
    Latest Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    Tiro kale oo argagixisada ah oo lagu dilay duqayn Cirka ah

    Firxad argagixiso oo isku soo dhiibay Ciidamada Puntland

    Abaaraha daran Ee Puntland ka jira oo laga shiray

    Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka hadashay hakintii barnaamijka TPS

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.