Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Guddiga xalinta khilaafaadka oo qabtay dacwad ka dhan ah doorashadii Guuleed (Akhriso)
    Somalia

    Guddiga xalinta khilaafaadka oo qabtay dacwad ka dhan ah doorashadii Guuleed (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 2, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa hakiyay ku dhawaaqista Natiijada rasmiga ah ee kursiga Nambarkiisu yahay #HOP239 oo shalay doorashadii ka dhacday Xarunta Tababarka Booliska Gen. Kaahiye loogu doortayRa’iisul Wasaare Kuxigeenkii Mahdi Guuleed.

    Guddiga ayaa qabtay dacwad uu soo gudbiyay Musharax Xuseen Carab Ciise oo kurisgaas ku fadhiyay, waxaana la faray Guddiga hirgelinta doorashada in la haliyo ku dhawaaqista natiijada rasmiga ee kursigaas laga bilaabo 2 November inta Guddiga Xalinta Khilaafaadka uu go’aan ka gaarayo dacwada laga soo gudbiyay kursigaas.

    Warka Guddiga xalinta Khilaafka ayaa siddaan u qornaa:

    Guddoonka Guddiga Hirgalinta Dooashooyinka Hcer Federal (GHDHF) Og: Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee Somaliland (GMDDX) Og: Golaha Wadatashiga Qaranka. Ujeedo: Ogaysiin Hakin Ku dhawaaqista Natijada Rasmiga ah ee Kursi Lumber HOP#239; Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, asagoo fulinaya Habraaca lagu dhisay GXKHDD ee soo baxay 1-dii Oktoober 2020, waxuu ku wargalinaysaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Foderal (GHDHE) in dacwad laga keenay Kursi Laumber HOP#239.

    Soo dacwoode: Murashax: Xuscen Carab Ciise Haddaba Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021 Asagoo Gudanaaya Waajibaadkisa Shaqo ee loo igmadey wuxuu farayaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Hoer Federal (GHDHF) in la hakiyo Ku dhawaaqista Natiijada Rasmiga ah ee Kursi Lumber HOP#239 laga bilaabo 02/11/2021l inta GXKHDD uu go’aan ka gaarayo dacwada laga soo gubdiyay kursigaas.

    GXKHDD wuxuu baarintaanka cadaymaha, dhagaysiga dhinacyada ay khusayso dacwadu, iyo ga’aan ka gaarista dacwada ku dhamaystiri doonaa muddo todobo (7) maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa 02/11/2021 Waxayna go’aanka ugu gudbindoonaan soo dacwoodaha iyo dhamaan dhinacyada ay Khuseyso muddo afar iyo labaatan saacadood (24) gudahood ah oo ka bilaabanaya marka go’aanka la gaaro 20 Ugu dambayn, GXKHDD waxuu farayaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka cc Heer Federaal (GHDHF) iyo Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee Somaliland in ay si dhaw ula shaqeeyaan xubnaha GXKHDD ee dacwadan gacanta ku haya isla markaana dhawraan waqtiyada dhagaysigy dacwada ee lagu qeexey habraacyadii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    November 22, 2025

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    November 22, 2025

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    November 22, 2025
    Latest Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    Tiro kale oo argagixisada ah oo lagu dilay duqayn Cirka ah

    Firxad argagixiso oo isku soo dhiibay Ciidamada Puntland

    Abaaraha daran Ee Puntland ka jira oo laga shiray

    Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka hadashay hakintii barnaamijka TPS

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.