Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Jubbaland oo ku eedeysay DFS diyaaradii ku gubatay Doolow
    Somalia

    Jubbaland oo ku eedeysay DFS diyaaradii ku gubatay Doolow

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 4, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa war qoraal ah kasoo saartay diyaaraddii xamuulka ahayd ee shalay ku gubatay Garoonka Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

    Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in diyaaradda oo nooceedu ahaa TransallC-160 NG, kuna suntanayd: EY-360 ayna ka duushay Garoonka Caalamiga ah ee Adan-Cade kuna socotey Degmada Doolow ee
    Gobolka Gedo, isla markaana gabi ahaanba gubatey, kadib dab ka kacay gudaha Diyaaradda.

    ” Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadu iyada oo ka xun shilkaas nasiib darada ah, waxay cambaareyneysaa Dowlada Federalka ah ee
    Soomaaliya (DFS) faragalinta qaawan islamarkaana hareer-marsan sharciga ee ay ku hayso garoomada diyaaradaha ee Dowlad
    Goboleedka Jubaland.

    Ugu dambey Wasaaradda Gaadiidka Jubbaland ayaa waxay ugu baaqday DFS inay joojiso faragalinta ay ku hayso Dowlad Gobaleedka Jubbaland dibna ugu soo celiso maamulka garoomada gacanta Dowlad Goboleedka Jubaland si loo maareeyo tayada garoomada loona ilaaliyo badqabka nafta iyo hantida muwaadiniinta soomaaliyeed.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.