Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Afghanistan: Taliban oo magacowday Danjire u fadhin doona QM
    Somalia

    Afghanistan: Taliban oo magacowday Danjire u fadhin doona QM

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 22, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taalibaann ayaa weydiisatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay inay khudbad u jeediso madaxda adduunka ee ka qeybgalaya shir golaha loo dhanyahay ka socda New York, waxayna u magacowday afhayeenkooda fadhigiisu yahay Doha, Suhail Shaheen, inuu noqdo safiirka Afghanistan ee Qaramada Midoobay.

    Sida lagu sheegay warqad ay aragtay Reuters Talaadadii, Wasiirka arrimaha dibadda ee Taalibaan Amir Khan Muttaqi ayaa codsigan ku ku gaarsiiyay warqad uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres Isniintii.

    Muttaqi ayaa codsaday inuu hadlo inta lagu guda jiro shirka sanadlaha ah ee Golaha Guud, kaas oo la soo gabagabeeyo maalinta Isniinta ah.

    Afhayeenka Xoghayaha Guud, Farhan Haq, ayaa xaqiijiyay warqadda Muttaqi, waxaana warqadda Taalibaan ay meesha ka saareysa Ghulam Isaczai, oo ah danjiraha Qaramada Midoobay ee New York oo matalayay dowladda Afghanistan oo bishii hore ay Taalibaan ka saartay dalkaas.

    Warqadda Taalibaan ayaa lagu sheegay in hawshii Isaczai “ay soo idlaatay, oo uusan xilligan matalin Afghanistan.”

    Farhan Haq, wuxuu sheegay in codsiyada iska soo horjeeda ee kursiga Afghanistan ee Qaramada Midoobay loo diray guddiga aqoonsiga oo ka kooban sagaal xubnood, kuwaas ay ka mid yihiin Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushka.

    Guddigan ayay dhici karta in aysan arrintan ka fariisan kahor Isniinta oo ah malinta ugu dambeysa shirkan, sidaa darteed waxaa shaki laga qabaa in wasiirka arrimaha dibadda ee Taalibaan uu khudbad u jeedin doono Qaramada Midoobay.

    Aqbalaadda Qaramada Midoobay ee safiirka Taalibaan waxay noqon doontaa tallaabo muhiim u ah dalabka kooxdan oo raadineysa aqoonsi caalami ah.

    Markii ugu dambaysay ee Taalibaan xukuntay Afghanistan intii u dhaxaysay 1996 iyo 2001 safiirkii dowladda Afghanistan ee ay afgembiyeen ayaa ahaa danjiraha Afghanistan ee Qaramada Midoobay, kadib markii guddiga aqoonsiga uu dib u dhigay go’aankii sheegashooyinka iska soo horjeeda ee kursigaas.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.