Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay 25 Wasiir
    Somalia

    Akhriso: Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay 25 Wasiir

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 2, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, xilalka looga qaaday Wasiiro kamid ahaa Xukuumadda Somaliland, halkas lagu magacaabay Wasiiro iyo Wasiir kuxigeeno cusub, kuwaas oo gaaray 25 xubnood.

    Halkaan Hoose ka Akhriso Wareegtada Madaxweyne Muuse Biixi.

    Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-708/092021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda.

    Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

    Wareegto Madaxweyne

    UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

    Ku: Maxamed Muuse Diiriye,
    Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha,

    Ku: Jaamac Maxamuud Cigaal,
    Wasiirkii Hore ee Wasaarada Macdanta iyo Tamarta

    Ku: Yuusuf Mire Maxamed (Boos),
    Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

    Ku: Sh. Khaliil Cabdillaahi Axmed,
    Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

    Ku: Axmed Muumin Seed Habane,
    Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha

    Ku: Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble,
    Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

    Ku: Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed
    Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

    Ku: Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle,
    Wakiilkii Hore ee Somaliland ee Dalka Itoobiya

    Ku: Farxaan Aadan Haybe,
    Guddoomiyihii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

    Ku: Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi,
    Guddoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe

    Mudanayaal,

    Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.

    UJEEDDO: MAGACAABID

    Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Somaliland;

    Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

    Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

    Markaan Sameeyey: La-tashi;

    Waxaan Go’aansaday;

    In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

    1. Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

    2. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

    3. Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

    4. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Ataash Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

    5. Cali Xasan Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.

    6. Cabdillaahi Faarax Cabdi Muuse Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

    7. Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

    8. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

    9. Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

    10. Cabdillaahi Abokor Cismaan Aw Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka & Guriyeynta.

    11. Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare Cismaan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga iyo Wershadaha.

    12. Baashe Cawil Cumar Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

    13. Liibaan Yuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

    14. Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

    15. Cabdiraxmaan Cali Cabdi Cali Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka.

    16. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska.

    17. Cabdillaahi Xuseen Maxamed Cilmi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Amniga.

    18. Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Gobollada iyo Dawladaha Hoose.

    19. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda.

    20. Siciid Axmed Jibriil Bahal Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.

    21. Cabdixakiim Siciid Muuse Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

    22. Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

    23. Maxamed Axmed Maxamuud Cawad Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya.

    24. Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi Guddoomiyaha Baanka Dhexe.

    25. Khaalid Jaamac Axmed Ducaale Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    August 24, 2025

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    August 24, 2025

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    August 24, 2025
    Latest Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Xarunta Daaweynta iyo Dhaqida Kalyaha oo laga hirgeliyay isbitaalka Garowe

    Waxbadan ka ogow Dagalakii Shalay ka dhacay Godka Yucrin,Maragade iyo naf hurnimada ay muujiyeen CDPL

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.