Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: Midowga Musharixiinta “Waxaan indhaha ku haynaa shirqoolada Farmaajo iyo Fahad”
    Somalia

    Akhriso: Midowga Musharixiinta “Waxaan indhaha ku haynaa shirqoolada Farmaajo iyo Fahad”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 26, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay sheegeen inay si hdow ula socdeen wada-hadalaldii lagu dhex-dhexaadinayay Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmajo & Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kuwaas oo ugu dambeyn fashil ku dhamaaday.

    Qoraa laba Bog ka kooban oo kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu sameeyay tanaasul weyn, balse Madaxweynaha xiliisa dhamaaday uu diiday xalinta khilafka, isaga oo doonaya in uu dib u ceshado doorashada & amniga si loo xagal daaciyo Cadaalad u radintaIkraan Tahliil.

    Golaha Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay soo jeediyeen 6 qoodb oo ku socda Ra’iisul Wasaare Rooble, Golaha wadatashiga Qaran iyo Beesha Caalamka, kuwaas oo kala ah.

    1: Wuxuu ku dhiirragelinayaa Raysal wasaaraha in uu dardar geliyo hawlaha doorashooyinka, gacanta ku dhigo amniga dalka, marna uusan gorgortan ka gelin heshiiskii 27 Maajo ee loogu igmaday gacan ku haynta amniga iyo daadihinta doorashooyinka dalka. Goluhu wuxuu diyaar u yahay in uu hawshaas culus ku garabsiiyo.

    2: Golaha wuxuu ku boorinayaa Golaha Wadatashiga Qaran in la dedejiyo hawlaha doorashooyinka, loona fududeeyo sida ugu sahlan ee ay degdeg ugu qabsoomi karto, lana turxaan bixiyo tabashooyinka laga qabo habraaca, si dalka looga samatabixiyo hubanti la’aanta siyaasadeed iyo amni, wuxuuna diyaar u yahay in uu hawshaas ku gacansiiyo.

    3: Wuxuu ku adkeynayaa in ciidanka qalabka sida in aysan siyaasadda ku milmin, kuna garab istaagaan Golaha Wadatashiga Qaran sidii dalka uga dhici lahayd doorasho, kana hortagaan cid kasta oo isku dayda in ay doorashada qalqal geliso.

    4: Wuxuu ku ugu baaqayaa beesha caalamka in ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gacan siiyaan deg deg ku gabsoomidda doorashada, tilmaamaanna shakhsiyaadkaqaswadayaalka ah ee hortaagan hawlaha doorashooyinka.

    5: Goluhu Wuxuu indhaha ku hayaa dhaqdhaqaaqa ciidan iyo shirqoolka ay maleegayaan Madaxweynaha xilkiisa dhammaaday iyo taliyihii hore ee NISA, si ay u carqaladeeyaan hawlaha doorashooyinka, una abuuraan xasillooni darri iyo qalqal amni. Goluhu marna ma yeeli doono in ay taasi dhacdo, wuxuuna caddaynayaa in Farmaajo uu gaadayo masuuliyadda iyo cawaaqib xumida ka dhalata falkaas gurracan.

    6: Goluhu Wuxuu dalbanayaa caddaalad u helista Ikraan Tahliil iyo ehelkeeda, wuxuuna ku baaqaya in hay’adaha garsoorka loo daayo kiiska. Wuxuu xeer ilaalinta iyo Maxkamadda ciidanka ku boorrinayaa in ay caddeeyaan caqabadda hortaagan caddaaladda.

    Ugu danbayntii Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed, madaxda Golaha Wadatashiga Qaran, iyo beesha caalamka in aan wadajir iskaga kaashano sidii ay dhaqso ugu qabsoomi lahayd doorashada xilligeeda aadka uga daahday, meelna uga soo wada jeesano shakhsiyaadka qaswadayaasha ah ee carqaladaynaya hawlaha doorashooyinka.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.