Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Algeria oo hawadeeda ka xayirtay Dalka Morocco
    Somalia

    Algeria oo hawadeeda ka xayirtay Dalka Morocco

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 23, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha amniga ee dalka Algeria ayaa Arbacadii go’aamiyay in hawada dalkeeda laga xiro dhammaan diyaaradaha rayidka iyo kuwa militariga ee waddanka Morocco, sida ay sheegtay madaxtooyada Algeria, wax ka yar bil kadib markii ay xiriirka diblomaasiyadeed u jartay dalka ay deriska yihiin ee Morocco.

    Bayaan ay soo saartay dowladda Algeria ayaa lagu sheegay in go’aankan uu ka yimid “daandaansiga sii socda iyo dhaqamada cadaawadda leh ee dhinaca Morocco”.

    Xiritaanka hawada Algeria ayaa sidoo kale wuxuu saameynaya diyaarad kasta oo sidata numberka diiwaangelinta Morocco, sida ay sheegtay madaxtooyada dalkaas, kaddib kulankii golaha Amniga Qaranka.

    Wakaalada wararka ee Reuters ayaa qortay inaysan jirin jawaab rasmi ah oo ka soo baxday dhinaca Morocco, waxaana Ilo ka tirsan diyaaradda Royal Air Maroc ay sheegeen in xiritaanka hawada u saameyn doono kaliya 15 duulimaad oo toddobaadle ah oo isku xira Morocco iyo Tunisia, Turkiga iyo Masar.

    Ilo wareedyadan ayaa ku tilmaamay xiritaankan mid aan qiimo weyn lahayn, waxayna sheegeen in duullimaadyada uu saameynayo ay dib ugu soo laaban karaan hawada badda Mediterranean -ka.

    Algeria ayaa dabayaaqadii bishii hore waxay go’aansatay inay xiriirka diblumaasiyadeed u jarto Morocco, iyadoo ku tilmaamtay “falal cadaawad leh” oo uga imaanayay Boqortooyadan, waxaana Algeria tixraacaysay hadalladii uu ergayga Morocco ee New York ka sheegay inay doorbidayaan madax-bannaanida gobolka Kabylie ee Algeria.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    November 22, 2025

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    November 22, 2025

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    November 22, 2025
    Latest Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    Tiro kale oo argagixisada ah oo lagu dilay duqayn Cirka ah

    Firxad argagixiso oo isku soo dhiibay Ciidamada Puntland

    Abaaraha daran Ee Puntland ka jira oo laga shiray

    Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka hadashay hakintii barnaamijka TPS

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.