Waddamadee bay ka kala yimaadeen argagixisada ISIS ee ku soo qulquleysa, kuna soo duushay Puntland? Sida uu qoray Taliska Mareykanka ee AFRICOM ee hawlgalka Afrika, argagixisada ISIS waxa ka kala yimaadeen sagaal waddan oo Afrika iyo Bariga Dhexe ku kala yaal oo ay kamidyihiin Tanzania, Itoobiya, Sudan, Libya, Algeria, Morocco, Tunisia, Sacuudi Carabiya iyo Suuriya. Hawlgalka Africom kuma darin argagixisada kale ee ka kala timid Bartama Aasiya ee qowmiyadaha loo yaqaan Turkic ee dalalka Turkiga, Azerbaijan, Kazakhstan, Uzbekistan, Turkmenistan, Tajikistan, iyo waliba argagixisada Wiigarka ee Shiinaha, laakiin badi u soo qaxay oo ku nool Turkiga. Taasi waxay ka dhigeysaa in…
Author: Jibril Qoobey.
Iyadoo Xasan Shiikh laga diiday codsi uu ku dalbaday in uu kaga qaybgalo Shirkan,ayaa dhanka kale Imaaraadku ku casumeen Cirro. Shirkaas,waxaa ka qaybgalaya 300 oo Wasiir iyo 80 Madax Hay’ado Caalami ah. Xasan ma qaadi karo masuuliyad Umadeed,waxaana farxad ah in caalamku fahmo oo badalkiisa xiriir iyo wada Shaqayn la yeesho Masuuliyiinta masuulka ah. Maraykanka iyo Dowladaha Reer Galbeedka,ayaa joojiyay wada Shaqayntii la dagaallanka argagixisada ee Villa Somaliya,waxayna uguureen in ay toos ula Shaqeeyaan PL iyo JL. Waa fariimo toos ugu socda Xasan Shiikh oo badbaado ah loona baahnaa.
Sida aan xogta ku helay Cirro, wuxu udhiibay Swan fariin Nabadeed iyo in uu diyaar uyahay wada Shaqayn amni cid walba oo ay qusayso xasiloonida Gobolllada Sool iyo Sanaag. Wakiilka QM,ayaa soo dhaweeyay fariintaas,waxaana ay ubadan tahay in QM fududayso ka Shaqaynta Nabadaas. Waa muhiim in xasilooni loo helo Labadan Gobol ee Sool iyo Sanaag oo laga wada Shaqeeyo…. 1.Daminta colaadaha Qabaa’ilka. 2.La dagaallanka argagixisada. 3.Dib ufurida Ganacsiga. Cirro,waa degan yahay,waana talo qaataa,waxa uuna fahansan yahay Diblomaasiyada in uu wax badan ku gaari karo. J
Madaxweyne Cirro,waxaa loosoo diray Diyaarad khaas ah isaga iyo weftigiisa. Diyaaradaas,ayaa ka dajisay Dubai oo uu kaga qaybgalay Shirka caalamiga ah ee Dubai World Governments Summit. Shirkaas maqaamka Cirro ku fariistay,waa (Head of State),waa mid sare oo udhigma Madaxweyne Qaran. Shirka Dubai World Governments Summit,waxaa kasoo qaybgalaya Madaxweynayaal,Wasiiro,Madax Hay’ado Caalamiya iyo Maalqabeenada Dunida ugu taajirsan. Xasan Shiikh oo haysta aqoonsiga QM ee Jamhuuriyada Somaliya laguma casumin Shirkan,waxaana loo ogolaaday Wasiiro in uu usoo dirsado. Maqaamsiinta SL,waxay PL utahay Dan Siyaasadeed haatan iyo mustaabalkaba,sababtoo ah,waxaa fashilmay Geedi socodkii Dowlad dhiska Somaliyed,waxaana burburay Jamhuuriyadii 3-Aad iyo Nidaamkii Fadaraalka.
Laba Gaari iyo 6-Mooto oo Qaraxyo ku raran yihiin iyo ku dhawaad 400-Nin, ayay Ciidanka kusoo weerareen Xalay Saq dhexe. Dagaalkaas ilaa hada Xabadiisu,waa sii Wiifleedahay oo Ciidanka,ayaa cayrsaday firxadkooda. Ku dhawaad 100,ayaa laga dilay argagixisada,waxaana la baaxsanayay ilaa 16-km. Ciidanka Difaaca Puntland khasaarahoodu,waxa uu hada marayaa… 1.Shahiid 28-Askari. 2.Dhaawac 85-Askari oo 10 culus tahay. Ciidanka PL,waxay muujiyeen Geesinimo yaab leh,waxayna Nimanka kula dirireen Buuro ay ka samaysteen Difaac adag. Dagaalka Maanta,waxay argagixisadu iska soo hormarisay Somalidii ku jirtay ee awal ay gadaal mariyeen,taasoo muujinaysa in Ajaanibkii sii jabayo. Hawlgalku si qurux badan,ayuu usocdaa,waxaana sareeya Niyada Ciidanka.
“In ka badan 60 Argagixiso Daacish ah,ayaa lagu dilay hawlgalkii 24kii saac ee u danbeysay ka socday Calmiskaad” Afhayeenka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland,Jen.Maxamuud Faadhigo. Halkan ka daawo muuqaalka
MW Cirro si cad,ayuu usheegay in uu dhamaystirayo heshiiskii Itoobiya ee MOU-ga Sanadkan dhamaadkiisa. Si wanaagsan oo kooban,ayuu uhadlay MW Cirro, kaliya Aftahan buusan ahayn wax badan soo gudbin kara oo gadi kara SL ugana faa’idayn kara fursadan. Madaxa DP World,ayaaba ka dhiiranaa oo gaday SL kuna tilmaamay Wadan,isla markaana dul istaagay muhiimadeeda. Waxay u ahayd fursad weyn Cirro,maadaama ay tahay dhaqaaqiisii ugu horeeyay ee Diblomaasiyadeed. SL,waxay u ahayd fursad kale oo Indhaha iyo Dhagaha caalamka maqleen oo arkeen. Sidoo kale Maamulada awooda badan ee Somaliya in ay horay usocdaan,waa loo baahan yahay. Waxaa kaloo sii xoogaysanaya diciifinta Nidaamka Villa…
Waxay weerareen Laba Guuto oo kala ah…. 1.Guuto 1-Aad. 2.Guuto 3-Aad. Waxay kusoo weerareen Laba Gaari iyo 6-Mooto oo Qaraxyo ka buuxaan. Qiyaasta tirada argagixisada soo weerar tagtay,waa 300-Nin wax ka badan. Mid ka mid ah Gawaarida Qaraxyadu ku rarnaayeen,ayaa qarxay,kaasoo ahaa Saruf,halka midkii kale oo Dyna ah uusan qarxin oo Darawalka laga toogtay. Guuto 1-Aad,wax badan Nimanka isma hor fadhin oo waa jabiyeen,waana ku socdeen oo Laba rac oo soo weeraray Cagtay mariyeen. Khasaaraha Guutadaas soo gaaray,waa 9-Dhaawaca mana jirto Dhimasho. Guuto 3-Aad,ayaa culays xoog leh saarnaa oo dagaalku ku daahay. Khasaaraha soo gaaray Guutadan oo aan weli dhamaystirnayn,waa…
Ciidamada Difaaca Puntland,waxay ka ruqaansadeen Dhirin Saakay Aroortii,iyagoo Sadex Guuto ah oo kala haysta Sadex Jiho. Waxay Cagta sii mariyeen Qurac oo ay udhaafeen dhanka Dhadaar iyo Dhasaan. Ilaa iyo hada Ciidanka,wax iska caabin macno leh kama hor imaan,waxayna usocdaan si taxadar leh oo ay ku jirto Miino saarid. Khasaaraha argagixisada? B.Waxay Ciidanku fashiliyeen koox argagixisadu ugu talagashay Dhabarjabin iyo Miino Aasid. T.Waxay Ciidanka PL dhexgaleen isgaarsiintii argagixisadu kuwada xiriiraysay. J.Waxay Ciidanka PL soo saareen 34-Miino. 2.argagixisadu,waxay ukala jabeen Somali iyo Ajaanib. Khasaaraha Ciidanka PL? B.Majirto Dhimasho ama Dhaawac. T.Majirto Gaadiid laga gubay. J.5-Drones oo ay soo kicisay argagixisadu Dhulka,ayaa…
Waa lagama maarmaan in la helo Talis aan la badalin Magaciisa oo yeesha Xarun aan guurguurin oo xogta lagu kaydiyo layska dhaxlo ahna Dastuuri. Taliskaas,waxa uu yeelanayaa Ciidan gaari kara 700-Askari oo 400 ay muuqato,halka Sadexna qarsoonaato ay ka mid yihiin Culumo,Ganacsato,Arday,Macalimiin,Wariyayaal iyo Haween Nolosha kaga jira heerar kala duwan. Ciidankaas,waa in tababar sare la siiyaa oo lagu Qalabeeyaa Gaadiid,Hub iyo Agab walba oo ay ubaahan yihiin. Taliskaas la dagaallanka argagixisada Puntland si loogu helo Dhaqaale gaar ah oo joogta ah,waxaa la samayn karaa…. In waxa dhoofaya iyo waxa soo dagaya la saaro $0.3 Canshuur ah oo la dagaallanka argagixisada…
Utagida Musefeni Madaxda kale,waa ka Maagtaan oo waa Nin baratakool xun si khaldana ula dhaqma Madaxda Afrikaanka ah ee soo booqata. Xasan,waa markii 8-Aad oo uu utago Musefrni loolana dhaqmo si yasmo ah oo lagu yiraahdo hadalo gaf ku ah Guud ahaan Somalida. Hada,waxa uu ugu tagay Ciidamada Ugandha,waxaan gaynayaa Baydhabo oo Itoobiyaanka,ayaan ku badalayaa. Ujeedka Xasan,waa fulinta heshiiskii uu la galay Masar ee ahaa in uu geeyo Ciidamada Masar meel Xuduuda Itoobiya udhow oo ay ku tababari karaan kuna hubayn karaan Mucaaradka oo ay si fudud gudaha ugu gelin karaan Itoobiya. Xasan,waxaad isleedahay,waaba uma baryin oo waxa uu ku…
Ciidamada Israa’iil,ayaa Axadda Maanta ah bilaabay ka bixitaanka marinka istiraatiijiga ah ee Netzarim oo ku yaalla Qasa, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Israa’iil iyo Xamaas. Tallaabadan ayaa qayb ka ah ballanqaadyada Israa’iil ee xabbad-joojinta jilicsan ee ay la gashay Xamaas, taasoo si tartiib ah u socota balse wajahaysa tijaabo adag oo la xiriirta in labada dhinac ay heshiis ku gaari karaan sii wadidda xabbad-joojinta. Israa’iil ayaa heshiiska xabbad-joojinta ku ogolaatay in ciidamadeeda ay kala baxdo marinka Netzarim, oo ah marin cabbirkiisu yahay 6-km ah oo kala qaybiya waqooyiga iyo koonfurta Gaza, loona adeegsaday goob milatari intii uu dagaalku socday. Markii xabbad-joojintu…
Waxaa bilaamay Gulufkii ugu balaarnaa oo ay Ciidanka Puntland ugu dhaqaaqeen firxadka argagixisada,kaasoo halmar maanta kawada bilaamay Xeebaha iyo Buuraha Cal-Miskaad. Ciidanka,ayaa toos ugu dhaqaaqay guud ahaan Buuralayda lagu tuhmayo in ay Gabaad ka dhigteen firxadka argagixisada. 24-kii saac ee ugu danbeeyay Ciidanku,waxay heleen Xogaha firxadka argagixisada iyo Tiradii ugu badnayd Ajaanibtii oo Habqan ah. Argagixisada,waxaa culays ku noqday markay waayeen Sahay iyo Saad,waxayna isku dayayaan in Xeelad ama Dagaal kaga baxsadaan Goobaha Ciidanku ku hareeraysan yahay. Ciidanku Waxay heleen xogo laysku halayn karo.
Waa dhab,Dowlada Maraykanka iyo Caalamka kalaba,waa kala laabteen kalsoonidii Dowlada DFS ee haysata aqoonsiga QM. Si gaar ah dagaalka argagixisada caalamku Xasan,waa ku maalgeliyay oo si weyn,ayaa loo garab siiyay. Balse nasiibdaro Xasan si khaldan,ayuu u isticmaalay Dhaqaalihii iyo Saadkii lagu siiyay dagaalkii argagixisada,markii danbana si cad,ayuu uga baxay oo ugu mashquulay Dhulka Xamar. Niyad jabkaas,waxa uu keenay in BC ay ka wareegto DFS,isla markaana joojiso taageeradii ay siinaysay. Maraykanku,waxa uu jihaystay garab istaaga PL iyo JL ee dagaalka argagixisada,waxaana miro dhal deg-deg ah dhaliyay dagaalkii PL ee argagixisada. Guulaha Ciidamada PL ka gaareen furimaha dagaalka iyo Ajaanibka tirada badan…
Daamurkan,waa Laba Markab oo Imaaraadku ugu deeqay Dadka reer Puntland ee ay Walaalo yihiin,waxaana loogu talagalay in lagu dhiso Laba Wado oo kala ah…… 1.Ceel-daahir-Ceerigaabo. 2.Xarfo-Galkacyo. 3.Wadooyin 27-km oo Gudaha Bosaso ah. Halkaas,waxaa kusoo xirmay kuwii soo dhexmarayay Wadada Xarfo-Galkacyo ee Xamar laga soo dirayay. Sidoo kale,waxaa Warkii ka xirmay kuwii dooda ay PL ku fogaynayaan ka dhigan jiray daahida dhamaystirka Wadada Ceel-daahir-Ceerigaabo. Sanaag Abid ma yeelan Wado Laamiya PL ka hor oo kama helin wax horumarin ah 30-kii Sano ee ay jirtay Jamhuuriyadii Somaliya 1960-kii ilaa 1990-kiii. Imaaraad Quluubta Shacabka Puntland,ayuu kasbaday,waxaana loo hayaa xeer aan abid la ilaawi…
Ruuxa Adkaysiga Leh ee Puntland: Taariikhda Geesinimada iyo Dulqaadka Dahir Mire Jibreel 02/07/2025 Dadka reer Puntland, oo ku nool waqooyi-bari Soomaaliya, waxay muujiyeen adkaysi iyo ruux geesinimo leh taariikh ahaan. Go’aankooda adag ee ah inaysan marnaba u dulqaadan gumaysi ama cadaadis shisheeye waa caddeyn muujinaysa geesinimadooda. Dhaxalkaas iska caabbinta ah ayaa sii jira, iyadoo maanta Puntland ay si kalsooni leh ula dagaallamayso khataraha kooxaha argagixisada sida Daacish, iyagoo rumeysan guul kama dambays ah oo u horseedi doonta Puntland iyo Soomaaliya nabad iyo xasillooni. Sanadkii 2016, Puntland waxay la kulantay weerar culus markii dagaalyahanno Al-Shabaab ah oo lagu qiyaasay 800 illaa…
Mashruuca Midowga Afrika ee Nabad ilaalinta B&K Somaliya,waxa uu noqday mid Dhaqaale ay ka sameeyaan Wadamada Qaybta ka ah oo kaba Miisaaniyadahooda. Kuwii hore,waxaa kusoo biiray kuwo cusub haatan,taasoo ku danaysiga sii kordhinaysa. Mashruucaas,waxa uu noqday mid fadhiid ah oo aan miro dhal ahayn,waxayna Dadku udhaxeeyaan Laba cadaab Atmis iyo argagixisada. Prof.Keynaan oo Marti ku ah Xarunta PDRC Garowe, ayaa dul istaagay. Halkan ka daawo muuqaalka
Forces from Somalia’s semi-autonomous Puntland region have captured swathes of territory from Islamic State during a weeks-long offensive. A military spokesperson told Reuters that at least 85 IS militants were killed while 17 soldiers also died. Forces from Somalia’s semi-autonomous Puntland region have captured swathes of territory from Islamic State during a weeks-long offensive they hope will draw increased international support, according to officials and Reuters reporters. The advances come against an IS faction that has gained in importance and was the target last week of the first air strikes of U.S. President Donald Trump’s new administration. Before those strikes, Reuters reporters who gained…
Ajaanibtii argagixisada,waxay codsanayaan in loo furo Wado oo loo ogaado Doomo ay ku baxaan. Sidoo kale Somalidii ku jirtay,ayaa dalbanaya oo xiriir soo sameeyay in la cafiyo. Argagixisada,ayaa ubabac dhigi wayday dagaalka kulul ee Ciidamada Difaaca Puntland kala hortageen. Sidoo kale,waxaa ka go’ay Saadkii,Dawadii mana heli karaan gurmad. Waxaa si weyn Qalbiga ujabiyay oo aysan filayn Geesinimada Ciidamada PL oo xataa kuwa Dhaawaca ah aysan rabin in ay dagaalka ka baxaan. Sida xogaha lagu helayo,waxaa dhici karta iyadoon weerar danbe la qaadin in argagixiso door ah isa soo dhiibto. Dagaalka PL ay kula jirto argagixisada,waa Caqiido Difaacasho Diini ah oo…
“Habka Puntland ee lagula dagaalamayso argagaxisadu waa mid ka duwan kan Dowladda Fadaraalka Somaliya oo ay Puntland xiriirka u gooysay bishii Maarso Sanadkii hore”BBC “Puntland,waxay ku dagaalamaysaa isku-tashi, kumana tiirsana taageerada Ciidamada Midowga Afrika oo ku dhawaad 12,000-Askari kaga sugan yihiin dhulka Somaliya iyo awoodaha caalamka sida Mareykanka iyo Turkiga’BBC. Indhaha Caalamka,waxaa soo jiitay dagaalka argagixisada ee ay PL ku jirto. Diblomaasi hore oo mar soo noqday Qunsul,ayaan kasoo xigtay… “Ilaa Afar Shir oo BC oo dhacay Todobaadyadii ugu danbeeyay,waxaa looga hadlayay kaliya PL”. Doodaha Somaliya gudahaeeda ka socda,waa PL iyo sida ay ugashay dagaalkan,siday uga Gacansarayso argagixisada,sida Ciidankeedu uniyad…
127-Xubnood ayay maraysaa dhimashada argagixisada,waxaana la baahin doonaa sawirro cusub oo argagixisada ah. Ciidamada Difaaca Puntland horey ayay uguureen,waxayna Qeybta hore dul fadhiyaan Qurac,halka, kuwa xiga ay joogaan Hararyo-2. Sidoo kale argagixisadu,waxay Ciidamada Difaaca PL kusoo weerareen Drons gaaraya 5,waase lasoo riday Afar ka mid ah. Markale ayay Ciidamada Difaaca Puntland ee Geesiyada ah qaadayaan weerar xoog badan oo dhawr jiho ah iskuguna jira Cir Dhul iyo Bad.
Xasan,waa musalaf Siyaasadeed,waana ku saaqiday Xirfada Siyaasada.! Dukaan kacay,ayuu la mid yahay.! Hadii Dadka caadiga ah ay bartaan Siyaasadaada,waa kuu dhamaatay,waana mid ka mid ah calaamadaha muujiya in aad musalaftay. Madaxweynihii Jamhuuriyadu in uu noqdo Qofka ugu danbeeya ee Hanbalyeeya dagaalka sifaynta argagixisada ee PL,waa calaamad kale oo aad usoo qaadan karto Siyaasad fashilantay. Habayaratee Xasan Warqada usoo tuuray wax dan Siyaasadeed ah isaga uguma jirin,waxaana uga wanaagsanayd in uu aamuskiisa kusii jiro,haatana dagaalkan xataa haduu ku darsado Hub iyo Dhaqaale macno uma samaynayso. PL hadalka Xasan macno,ayuu uleeyahay,waana…. “Libinta,waxaa ugu qiimo badan mida Cadowgaaga iyo Qofka kuugu fog uu…
Cali Xoosh Sadex arimood oo lagu qiimayn karo,isla markaana kuu muujinaya in uusan ahayn Siyaasi,hogaamiye iyo Nin aragti leh,ayaan dul istaagayaa…. 1.Xasan ma oran ii hadal oo kuma khasbanayn in uu sidan hoosaysa uhadlo,balse,isagaa isdiray oo ku raadinaya raali ahaansho Xasan. 2.Aaran-jaan iyo Deni in ay isku dhacaan oo uu dhexmaro dagaalkii Siyaasadeed ee sababay in Aaran saaxada Siyaasada ay kabaxaan,isagaa sababay oo Khayre keenay,waana ka baawsan karay oo fursado badan buu haystay. 3.In Beesha CM,gaar ahaan Jifida MC ay kala jabto oo markii ugu horaysay taariikhda Oday aan ahayn Islaanka lagu Caano shubo oo Koofiyadii Islaanku foorarsato,isagaa sababay,waana laga…
Isdaad raacin khasab lagaaga keenay oo ah Sanbuuse laga adimay oo waliba qoraal caata ah ah macno ma samaynayo. Reer Puntland,waa ka dharagsan yihiin Qalbixumada Xasan. Ilaahay mahadii guusha aan gaarnay,waa mida ku khasabtay in uu aqbalo dagaalkii uu fashilinayay. Hadii uu jiro loolan Siyaasadeed iyo Amni oo lagu kala adkaaday,waa midkan oo aan kaga adkaanay Xasa,waxaana dirnay 4-0. Somaliya,waxaa MW ficiliyan ah ka ah Siciid Drni,waxaase Magac uyaal ka ah oo haysta aqoonsiga QM Xasanka fashilmay. Siyaasada iyo Amniga Somaliya,waxaa hogaaminaysa Puntland Maanta.
By.Abdirahman Tigey As the humanitarian crisis in Gaza deepens and calls for innovative solutions grow ever more urgent, Puntland—a semi-autonomous region in northeastern Somalia with a strategically vital location near the Red Sea and the Gulf of Aden—finds itself at a crossroads. In light of recent comments by Deputy Minister of Information Yacob Mohamed Abdalla—who told The Telegraph that “the state would be happy to host Gazan refugees, as long as they came voluntarily”—there is a compelling case for Puntland to seize this historic opportunity and propose a comprehensive plan that not only offers refuge but also lays the foundation…
Boosaaso: 06 February 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Isbitaalka ku booqday Ciidamada geesiyaasha ah ee kusoo dhaawacmay hawlgalka Argagixisada looga sifeynayo buuralayda, Calmiskaad ee Gobolka Bari. Madaxweynaha ayaa garab istaag u muujiyay Ciidamada wuxuuna warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Caafimaadka iyo guddiga taakulaynta Ciidamada, wuxuuna faray in la dardargeliyo daaweyntooda si dhameystiran dalka iyo Hadii loo baahdoba dibadda . Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay geeesiyaasha Ciidanka Dowladda Puntland ee ku shahiiday hawlgalka , kuwaasi oo dhiigooda ku daahiriyey deegaanadii iyo dhulkii Argagixisada Daacish ku dhuumaalaysanaysay. Inta dhaawacantayna wuxuu Allaah uga baryaya in uu u boogga dhayo. Madaxweynaha…
Ceel-daahir, February 06, 2025 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaq Axmed Siciid, ayaa ka qeyb-galay aas qaran oo deegaanka Ceel-daahir loogu sameeyay Allaha u naxariistee G/sare Mukhtaar Qoryood iyo Cabdifataax Qoryood, kuwaas oo naftooda u huray difaaca dalka iyo amniga. Aaska qaranka waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Xildhibaanno, Wasiirro, Maamulka Gobolka Bari, Maamulka Degmada Carmo, iyo Guddiga Gurmadka, kuwaas oo dhammaantood muujiyey sida ay uga xun yihiin geerida labada geesi ee ku shahiiday dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee ku sugan Buuraleyda Calmiskaad. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland ayaa uga tacsiyadeeyay waalidiinta, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo guud ahaan…
Ciidamada Puntland Saakay,wax weerar ah ma qaadin,waxay Nadiifinayaan 20-kii KM ee ay Labadii Maalmood lasoo dhaafay ka cayrsheen argagixisada. Shanlaynta,waa qorshe Geed walba iyo God walba lagu dul istaagayo oo laga raadinayo argagixiso ku dhuumatay oo go’doon ah. Waa hab Ciidanka PL ay 1-kii km ee ay ka cayrshaan argagixisada si isku wareeg ah unadiifiyaan oo usugaan. Maalmaha soo socda,ayuu dhici doonaa weerarkii Dhul gariirka ee argagixisada lagu soo afjari lahaa haduu rabi idmo. Ciidanka Puntland Niyadoodu aad ayay usaraysaa,waa faraxsan yihiin,waxayna ku qanacsan yihiin in ay Naftooda uharaan Dhulkooda iyo Dadkooda. Dowladu,waxay siwanaagsan udaryeeshay Dhaawacooda,waxay ilaalisay Saadkooda iyo Agab…
Madaxweynaha Maraykanka,ayaa keenay fikrad oranaysa Qaxootiga reer Falastiin haloo raro SL iyo PL. Fikradan,waxay timid markii ay ka hor yimaadeen Dowlado dhawr ah oo Carbeed oo Trump usoo jeediyay in ay qaataan Qaxootiga reer Falastiin,kuwaasoo ay ka mid yihiin Masar iyo Urdun. Madaxa Qunsuliyada Israa’iili ee Washington,ayaa xaqiijiyay fikradan in ay kawada xaajoodeen Trump iyo Netanyahu. Jeneralku,waxa uu sheegay in si gaar ah Dhulka loo tilmaamay ay tahay Puntland oo ah Waqooyi Bari Somaliya. “Waxaa jira Dalal si gaar ah loo cayimay oo kala ah Morocco iyo Somaliya,gaar ahaan PL”.Ayuu yiri Qunsulku. Waa fikrad xiisaheeda wadata oo dhalisay hadal hayn…
Maxay tahay danta Puntland ee fikrada Trump? 1.In Caalamku aqbalay Dowladnimada PL,gaar ahaan dagaalkan argagixisada uu wax ka badalay Magaca iyo maqaamka PL. 2.In aqoonsi Jamhuuriyadeed ay baadi goobi karto PL fariin ah,ayuu iftiinshay oo ay haysato fursado gadmi kara. 3.In 300-kun oo Qaxooti Falastiiniyiin ah ay PL ku badalan karto Aqoonsi Jamhuuriyadeed oo ay siiyaan Reer Galbeeda,Carabta iyo Afrikaanka . Puntland,waxay leedahay Dhul balaaran,isla markaana Dadka reer PL,waa Afar Milyan,sidaa daraadeed Dhul iyo Dadba,way qaadan karaan 300-kun oo Qaxooti ah oo ka noqda Bulshada wax ka yar 10%. Jariirada qortay,waxay la mid tahay Washington Post oo kale,waana lagu kalsoon…
Guulaha laga gaaray hawlgalka sifaynta argagixisada? Wajigii 1-Aad? 1.IL iyo Camayra 2.Dalguran. 3.,Dhabanacado. 4.Hoobato. 5.Tulo Dharar. 6. Afka Hadi Xanan. 7.,Daylaan. 8.Toga Siido. 9.Toga Ina Cidoode. 10Janno Jiifta. 11.Turmasaale. Wajiga 2-Aad? 24-tii Saac ee lasoo dhaafay,waxay Ciidanku Toga-jeceel xuleen 27-km,laga bilaabo Turmasaale ilaa Deegaanka Qurac. Shalay iyo Maanta,waxaa laga sifeeyay Deegaamada kala ah…. 1.Hararyo. 2.Dhasaq. 3.Talal. 4.Dharin. 5.Qurac. 6.Dadamaale. Ciidanka Difaaca Puntland, waxay ku sugan yihiin Kalabarka Dhasaan Iyo Turmasaale . Waxaa haray Deegaamada kala ah… 1.Darmadow. 2.Toga Curaar. 3.Gaatir Oodan. 4. Sheebaab. 5.Kayaxa. 6.Dhaadaar. 7.Dhasaan. 8.Buqo Ileed. 9.Cascaso. Sagaalkaas Deegaan Maalmaha soo socda,ayaa la sifaynaya oo Cagta la marinayaa…
Ciidamada Difaaca Puntland waxay weerar kale ku celiyeen Makhribkii argagixisada. Ciidamada Difaaca Puntland Weerarkaas danbe,waxay argagixisada kaga dileen 18-kale. Si guud argagixisada,waxaa Maanta ilaa Caawa laga dilay 70-Maleeshiyadooda ah. Difaacii Taliska weyn ee argagixisada oo ay joogaan Raga muhiimka ah,ayaa Maanta la burburiyay oo Cagta la mariyay. Ruqaansiga danbe ee Ciidamada Puntland, waxa uu noqon doonaa Taliska weyn ee argagixisada ee ugu danbeeya. Dhanka Ciidamada Difaaca Puntland,waxaa weerarkan danbe uga Shahiiday 5-Askari. Si guud tirada Maanta ka Shahiiday Ciidanka Difaaca Puntland,waa 17-Askari rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo. Sidoo kale Dhaawaca Ciidanka Difaaca Puntland ee Maanta ilaa Caawa,waa 44-Askari. Dagaalka,waxa uu…
Ciidamada Difaaca Puntland,waxay Saakay Aroortii hore qaadeen weerar 5-Jiho ah oo ay ka qaybgaleen Laba Guuto oo ka kala tirsan Badda iyo Daraawiishta. Ciidanku,waxay Cagta mariyeen Subixii horaba Fadhiyadii argagixisada ee kala ahaa…. B.Maygaag. T.Godin daray. J.Markadaan. X. Godin saaf. Kh.Yisilix. D.Dhariin. R.Haraaryo Talal. S.Kur diini. Kadib,waxay Ciidanku sii wadeen sifaynta argagixisada,waxayna gaareen Taliskii Shubka ka samaysnaa ayna usaarnaayeen Hubka culus argagixisada ee Tuulada Qurac. Ciidamada Difaaca Puntland,waxay halkaas kula galeen argagixisada dagaal adag oo mudo socday,kaasoo ugu danbayn Ciidanku ku qabsaday Taliskaas. Dagaalkaas Ciidanka PL,waxay ku dileen 42-argagixisada ah oo 10 ay tahay Ajaanib,waxay ku qabsadeen Hub iyo Saanad…
Argagixisadu,waa Niyad jabsan tahay,waxaana ka burburay Taliskii oo waa kala firxadeen oo kala Shakiyeen. Wangoble, Onqoro,Curaar ilaa Dasaan ilaa Miraale ayay ku jiraan,kuwaasoo Turmasaale ka jira Waqooyi iyo Waqooyi Galbeed. Sarakiil badan oo argagixisada ah oo Somalida Koonfureed ah aadna uniyad jabsan,ayaa isa soo dhiibaya Maalmahan,waxayna soo sameeyeen xiriir. Ajnabiga dantaa ku khasbaysa in ay dagaalaamaan oo meel ay u fakadaan ma haystaan,waxaana ku dhaqaaqay Ciidanka PL ee Dhulka. Ajaanibku,waa Ciidan badan oo gaaraya ilaa 400 oo ukala fadhiya koox koox oo kala jooga meelo kala duwan. Argagixisadu gadaal uma sii guran karto oo Sadex Jiho,ayuu Ciidanku uga soo dhaqaaqay,waxayna…
17-km ayay Ciidanku horay uga socdeen Turmasaale,waxayna Gacanta ku dhigeen Dharin. Argagixisada si fiican,ayaa loo gumaaday oo tirada ilaa iyo hada la arkay,waa 24-Mayd ah. Waxaa kaloo laga furtay Hub iyo Saanad fara badan. Taliska Dharin ee la qabtay,waa mid ka mid ah Sadexda Talis ee argagixisada u harsanaa ee muhiimka ahaa. Dhanka Ciidamada Difaaca Puntland,waxaa soo gaaray khasaare dhan…… 20-Dhaawaca oo uu fudud yahay Dhaawacoodu. Talye Ilig Gacan,ayaa ka jabtay,waa fudud yahay Dhaawiciisa. Talye Duwane,lama soo qaadin oo Ciidankiisii,ayuu sii watay,waxa gaarayna,waa Firir. Talye Gaagaale,lama soo qaadin oo Ciidankiisa,ayuu sii watay,waxa gaaray,waa Firir isagana. Dhimashada Ciidanka Difaaca Puntland soo…
A senior commander of Islamic State’s Somalia wing was captured on Monday, police and state media said, two days after the IS leadership was targeted with U.S. airstrikes and as security forces continue a weeks-long offensive against them. In the last few years Somalia’s IS franchise has become an increasingly important part of the jihadist group’s worldwide network, growing in strength because of an influx of foreign fighters and improved revenue collection. During an attack on a military base in December the group claimed to have used two booby-trapped vehicles, which security analysts said implied the adoption of more sophisticated…
Warbaahinta Caalamka oo qirtay in ay tahay Puntland Maamul gaar ah oo leh Ciidamadiisa gaar ah,isla markaana ka hela taageero Caalamka,sida imaaraadka iyo Maraykanka. Warbaahintu,waxay qirtay in dagaalka argagixisada ay Puntland ku jirto kaligeed iyo Caalamka oo taageeray. Sidoo kale Warbaahintu,waxay si dadban utilmaamaysaa in Puntland ay tahay Dowlad dhisan oo masuul ah. Dagaalka argagixisada guushiisa,waxaa ka mid ah maqaamka PL ay ka heshay Caalamka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/oQd7a1d9Gcw?si=RcNqVvt9X4sO3YW_
Xasan Laba Sano iyo Bar uu fadhiyay Villa Somaliya,Sanad ka mid ah,waxa uu ku qaatay Safaro oo Dibada Wadanka,ayuu wareegayay. Sanadku,waa 360-Maalmood,waxa uuna Xasan galay 24-Safar isku celcelis. Safarada tirada badan ee Xasan kuma salaysna Dan Qaran ee waa kuwo ku fadhiya Dan Gaar ah mana jiro Safar Dhaqaale,Mashruuc ama Siyaasad Qaran lagu soo hoyay. Waxaa xusid mudan in Daqiiqada Madaxweyne ay ka qaalisan tahay mida Dadka caadiga ah,balse ay muuqato in Xasan uusan Shaqo ahayn oo wakhtigiisu raqiis yahay. Si hoose markaan ubaaray Safarada Xasan,waa kuwo Dhaqaale samayn ah,gaar ahaan Lacagta Sahayda Safarada. Tusaale? Safar walba uu baxo,waxa uu…
Trump,waxa uu Canshuur kusoo rogay Dheeriya Dalalka Canada,Shiinaha iyo Mexico. Mexico durba,way udabacday dalabkii Trump ee ahaa in ay adkayso xuduuda ay la leedahay Maraykanka oo hakiso Dadka Sharcidarada ah ee soo galaya Maraykanka. Sida goor dhawayd ay sheegtay Gabadha xukunta Mexico,waxay isku afgarteen Trump kadib wada hadal dhexmaray in 10-kun oo Askari oo Ciidanka Mexico ah la keeno Xuduuda,taa badalkeedana Trump Mudo Bil ah uu hakiyo Canshuurta dheeriga ah. Canada,waxay dhankeeda joojisay ku dhawaad 1200-Shay oo ay ka keensan jirtay Maraykanka,iyadoo uga jawaab celinaysa Canshuurta 25% ah ee Trump kusoo rogay Badeecadaha ay usoo dhoofiso Maraykanka. Sidoo kale Canada,waxay…
Argagixisada markii la garaacay,waxaa soo kala dhexgalay kala shaki oo waa isku dhex yaaceen. Waxay Gowraceen Afar Somalida ah,waxayna xireen Afar kale. Kala shakiga argagaxisada,waxaa salkiisu yahay… “Goobaha aan joogno yaa soo sheegay sidee loo ogaadey”. Sidoo kale,waxa jira 11-Itoobiyaan ah oo raba in ay isa soo dhiibaan. Waxaa kaloo Galabta la qabtay Doon ay saarnaayeen Tuute iyo Kabo,weli ma cada cida iska leh,waxaana lagu qabtay Aaga Mareero.
Shacabka Bosaso,waxay udabaaldageen Maanta Guusha laga gaaray Dagaalka argagixisada. Shacabka Bosaso,waxay soo mareen xilli adag oo haldoorkooda la dilo oo la baado Ganacsatadooda. Bosaso,waa Xarunta Ganacsiga iyo Hooyo korisay guud ahaan Somalida,gaar ahaan Puntland. Waa Magaalo ku taal meel muhiim ah,isla markaana ay ku yaalaan Garoon iyo Deked Caalami ah oo leh Ganacsi xoog badan. Amnigeedu,waa muhiim,waxaana laga ilaalin karaa Labada Buurood oo Gacanta lagu hayo.
Ciidamada Difaaca Puntland,ayaa maanta Gacanta ku soo dhigay Xubin sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee argagixisada ah. Xubinta isa soo dhiibtay,ayaa lagau Magacaabaa Cabdiraxmaan Shirwac aw-Saciid (Lahoor. Lahoor). Isa soo dhiibista Laahoor,waxay ka dhigan tahay …… 1.Argagixisadii in ay jabtay. 2.Helida xog dheeriya. Laahoor,waa Dhul iyo Dad yaqaan argagixisada ugalay oo si hoose ula Shaqeeyay mudo dheer inta uusan fashilmin oo toos ugu gelin,isla markaana Qayb weyn ka ahaa Saadka iyo soo ururinta Dhaqaalaha. Sidoo kale,waxa uu wax ka og yahay Madax jabinta iyo baadida Ganacsatada Dadka uqaabilsanaa kooxda. Si rasmi ah ,ayuu iskugu soo dhiibay Ciidamada Difaaca Puntland.…
Ku-xigeenkii,islamarkaana la aaminsan yahay in uu ahaa Hogaamiyaha Daacish ee xiligan oo Muumin badalay,Cabdiraxmaan Ciise Faahiye,waxaa lagu dilay garaacistii Xalay. Labadii Todobaad ee udanbeeyay,waxaa Lala socday dhaqdhaqaaqiisa,isagoo ilaa Toban meelood ka guurguuray oo Aaga badashay. Markii Garaacista lagu fulinayay,waxaa la socday 18-ilaaladiisa ah oo la Geeriyootay,horay,waxaa ula socon jirtay 15-ilaalo ah mar walba. Faahiye,waxa uu ahaa hogaamiyaha soo saari jiray amarada dhibka badan ee lagu baadi jiray Ganacsatada iyo kuwa lagu layn jiray Haldoorka Bulshada. Faahiye,waxaa lagu tilmaami jiray in uu ahaa Nin ku dhow Ajaanibta oo aad ugu daran Somalida Qaybta ka ah kooxda argagixisada. Sidoo kale,waxa uu ahaa…
Idaacada Codka Maraykanka,waxay toos ula xiriirtay Taliska Ciidamada Difaaca Puntland. Talyaha Ciidamada Difaaca Puntland Jen.Aadan Cabdi Xaashi,ayay waraysi kala yeelatay garaacista Maraykanku fuliyay ee Argagixisada. VOA,waxay xog ogaal ka tahay ama si dhow ula socotaa wada Shaqaynta Maraykanka iyo Puntland,waxayna og tahay in Bartilmaameedyada la garaacay uu asteeyay Taliska Ciidamada Difaaca PL 5-beri ka hor. Waxaa wax weyn u ah iyo maqaam uu gaaray oo muujinaya in uu kor ukacay awoodiisa Maamul iyo xogeed Taliska Ciidamada Difaaca Puntland wada Shaqaynta tooska ah ee dhexmartay Pentagonka. GPS-yadii uu bixiyay Taliska Ciidamada Difaaca Puntland,ayaa toos loogu hawlgalay oo ay garaaceen Diyaaradaha Maraykanka,iyadoon…
10-Bartilmaameed,ayaa la garaacay si rasmi ah,waxaana khasaare lagu gaarsiiyay argagixisada 7-Xarumood oo ka mid ah 10-ka Bartilmaameed ee la garaacay. 48-Xubnood oo argagixisada ah,ayaa la dilay oo 12 ay Ajaanib tahay ayna ku jiraan Saraakiil Sar sare. Garaacista Cirka,waa sii soconaysaa Maalmahan,waxaana la sugayaa Maalmaha soo socda warbixinta khasaaraha oo ay Wadajir usoo saarayaan Maraykanka iyo Puntland. Wajigii 1-Aad,waxaa nagala qaybgalay hawlgalka oo Saadka,Xogta,Tababarada iyo Garaacista Cirka naga caawinayay Dowladaha Imaaraadka,Kenya,UK iyo Itoobiya,waana uga Mahadcelinaynaa. Dowladaha Imaaraadka,Kenya iyo Itoobiya, waxay kaloo sameeyeen oo aan abaal ugu haynaa in ay iska Dhagatireen codsi Xasan ka yimid oo ahaa in ay soo…
The government of Somalia’ semiautonomous Puntland region says military strikes by the United States in the Golis Mountains killed “key figures” of the ISIL (ISIS) group. US President Donald Trump late on Saturday said he ordered “precision military air strikes on a senior ISIL attack planner and other terrorists” in Somalia. The strikes were carried out in a northern region of Somalia, where the Puntland Security Forces (PSF) have been carrying out operations against ISIL since December. The armed group is said to have established a presence in the Golis Mountains. “Recent air strikes have led to the neutralisation of…
Waa ilaahay mahadii iyo Libin ku geeraar,hadii Caawa girgirka nalugala dhegan yahay guusha ka timid dagaalkii argagixisada ee PL. Maalmo ka hor,waxaa la gadayay dagaal argagixiso majiree Dani,ayaa Macdan guranaya. Sidoo kale Xasan Geed dheer iyo mid gaaban,waxa uu ufuulay fashilinta hawlgalka sifaynta argagixisada ee PL. Garaacistan Caawa,waxaa ka horaysay Laba garaacis oo ay fulisay Dowlada Imaaraadka,kana,waa kii Sadexaad oo Maraykanku fuliyo. Xogta iyo goobaha la garaacayo,waxaa bixiya Talis fadhiya garoonka Diyaaradaha Bosaso oo iskugu jira PL iyo Beesha Caalamka. Fulinta hawlgalka,waxaa la isticmaalaa Magaca DFS iyo BC ee wada Shaqaynta dagaalka argagixisada. PL,waa Qayb ka mid ah Somaliya,waana Dowlad…
Madaxweyne Dowlada Puntland Saciid Cabdulaahi Deni,ayaa mahadceliyey Donald Trump…
Miiska Aqalka-cad ee Caalamka looga arimiyo,caawa,waxaa saaran Somalida PL oo muujiyay daacad in ay ka yihiin dagaalka argagixisada. In MW Maraykanku Indhaha Caalamka nagu soo jeediyo oo noo kiciyo Diyaaradihii ugu qaalisanaa Maraykanka,waxaa sababay Ciidamada Difaaca PL.. Somaliya Caalamku,waxa uu kala Shaqeeyaa Laba Arimood,kuwaasoo kala ah…. 1.Dagaalka argagixisada. 2.Dimuqraadiyada. Labadaas Qodob PL,ayay yaalaan,iyagoon laga Been sheegayn oo Mudo kororsi iyo Dhaqaale aan lagu raadinayn. Caawa Somaliyada Miisaska Caalamka saaran,waa Puntland. PL dagaalkan,waxay ka heshay fursado Siyaasadeed marka laga soo tago fursadaha Milleteri. Xaqiiqdii Siyaasiyan iyo Milleteriyanba,way kaga adkaatay Xasan.
Waxaa duqeynta fuliyay Labo diyaaradood oo nooca miigga ee F/A-18F Super Hornet oo ka soo kacay Markabka dagaal ee USS Harry S Truman oo taagnaa Badweynta Hindiya. Duqeyntan,ayaa ah tii u horreysay ee Mareykanka fuliyay, tan iyo markii Puntland ay howlgal ka billowday dhulka Buuraleyda Cal-miskaad ee Gobolka Bari. Diyaarada F-18 Super Hornet? Super Hornet-ka,waa Diyaarad martay casriyeynteedii Labaad ee ugu weynayd tan iyo markii la bilaabay barnaamijka F/A-18 oo si heer sare ah u awooda dhammaan noocyada kala duwan ee howlgalka. Waxay ku saraysaa Hawada markay timaado Gelbinta diyaaradaha kale,Sahanka,Shidaal ku shubidda hawada, taageerada hawada dhow, xakameynta difaaca hawada.…
Dowladda Puntland oo in dhoweyd ku jirtay Howlgal ay Argagixisada Daacish uga sifeynayso Puntland, waxay u mahadcelinaysa saaxiibada Adduunka ee ka caawinaya hawlgalka gaar ahaan Dowladaha Maraykanka iyo Imaaraadka oo ka qeyb qaatay duqeymaha xagga Cirka ah ee lagu bartilmaameedsaday Argagixisada Daacish ee ku dhuumalaysanaysa Buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari, iyadoo maanta oo u danbeysay duqeyntii dhacday lagu dilay xubno xilal sarsare ka hayey ISIS (Daacish) Howlgalka oo hadda galay wejigiisa labaad, ayaa Ciidanka Dowladda Puntland wejigii koowaad ka gaareen guulo badan, waxaana ka go’an Dowladda Puntland in Argagixisada Daacish laga sifeeyo deegaannada ay ku dhuummanayaan. PSH.
“Dowladda Maraykanka, oo kaashanaysa DFS,ayaa bartilmaameedsatay xubin sare oo raadinaysay muddooyinkaan. Ma cadda in ay bartilmaameedkii heleen duqaynta galabta ka dhacday Calmiskaat”Ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Taliska Africom.
Madaxweynaha Maraykanka,ayaa ku faanay in uu amray laynta Xubno muhiim ah oo argagixisada Daacisha ah,isagoo dhaliilay doorkii Madaxweynihii ka horeeyay ee dagaalka argagixisada. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku qoray bartiisa Truth Social. “Subaxnimadii maanta, waxaan amray duqeymo militari oo sax ah oo lala beegsaday horjoogaha weerarrada ISIS iyo argagixisada uu tababaray kuna hoggaaminayey Soomaaliya. Dambiilayaashan, oo aan ka helnay godad ay ku dhuumaaleysanayeen, waxay khatar ku ahaayeen Mareykanka iyo xulafadeenna. Duqeymuhu waxay burburiyeen godadkii ay ku jireen, iyagoo dilay tiro badan oo argagixiso ah, iyadoon waxyeello loo geysan shacab rayid ah”Ayuu yiri Trump. “Militarigeennu wuxuu bartilmaameedsanayey horjoogahan muddo sanado…
Xubnaha Caawa Garaacista lagu dilay,waxaa ka mid ah Madaxii hawlgelinta Daacish ee Caalamka oo idil. Sidoo kale,waxaa lagu xasuuqay Maleeshiyaad tiro badan oo argagixisada ah. Galabta 17:45 Galabnimo,ayay dhacday duqayntan aadka u xooga badan oo dhulku gariirisay ee lala beegsaday argagixisada. Garaacista Caawa,waxaa lagu rusheeyay Toga-jeceel Wangable iyo Dhasaan ilaa Buqo,waxaana Garaacistu gaaraysay ilaa 11-jeer. Waxaa Gacanta lagu dhigay Firxad argagixiso,waxaana lagu qabtay Garowe iyo Dangoronyo Xubno argagixisa ah oo iskugu jira Carab iyo Somali. 1.Garowe,waxaa lagu qabtay Hal Nin oo Carab ah. 2.Dangoronyo,waxaa lagu qabtay Hal oo Carab ah. 3.Cuun oo Garowe hoos tagta,waxaa lagu qabtay Laba Nin oo…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/EXwW1rMPA8c?si=Kd6A4V9mFNTUhFVZ
Sadexdii Beri ee ugu danbeeyay,waxaa soo baxayay Digniino amaan oo sheegaya in Drons Qaraxyo ah ay soo weerarayaan Magaalada Muqdisho meelo muhiim ah oo ka mid ah lagamana taxadarin. Caawa Sadex Drons,ayaa lagu arkay dusha sare ee Villa Somaliya,kuwaasoo ay soo direen argagixisada Shsbasb sida xoguhu sheegayaan. Waa khatar kale oo kusoo korortay amniga Xamar oo awalba la ildarnaa Qaraxyada iyo Dilalka ka dhaca. Talyihii Nisa Sanbalooshe,waxa uu ku sugan yahay Hiiraan oo uu leeyahay,waxaan wax ka qabanayaa Amnigeeda oo aan kula dirirayaa Shabaan,halka Caawa Amniga Villa Somaliya khatar ku jiro. Xasan Shiikh Doorasho,ayuu ka Sheekaynayaa,mana difaacan karo Guriga uu…
Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka,ayaa sheegaya in ay isku dheceen labada diyaaradood oo kala ah nooca rakaabka iyo mida ka tirsan kuwa Mileteriga. Diyaaradda American Airlines oo saarnaayeen 64 ayaa lagu soo warramayaa in ay foodda is dareen diyaarad Helicopter ah oo Black Hawk oo iyaduna sidday 3 ka mida ciiddamada dalka Maraykank. Shilkan ayaa ka dhacay hawada garoonka Ronald Reagan ee Washington DC. Labada diyaaradood,ayaa lagu soo warramayaa in ay markiiba ku soo dheceen webiga Potomac oo meesha ka dhowaa. Ilaa hadda waxa la soo helay 19 qof oo mayd ah. Waxana lagu raad joogaa dadkii kale oo aan…
Waxaa Addis Ababa lagu xidhay Safirkii Hore ee Itoobiya uu Fadhiyay Soomaliya Jamaludin Mustafa Cumar, Wararka aan ka heelayno Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya ayaa xusaya in Xabsiga loo taxaabay Safirkii Hore ee Itoobiya uu Fadhiyay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Somaliya, Safiir Jamaludin Mustafa Cumar ayay Dowlada Itoobiya gaysay Magaalada Muqdisho Sanadkii 2017, xiligaas oo Farmaajo loo doortay Madaxweynaha Soomaliya isagoo Dhinaca kale muddo dheer ka Soo shaqeeyay Wasaarada Arrimaha Dibada Itoobiya & Waaxda Howlgalada Nabadsugida Itoobiya ee Gudaha Soomaliya, Ilaa iyo Hadda ma cadda Sababta keentay Xabsiga Safiirka & Waxa loo haysto balse wuxu muddo dheer ka…
Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni,ayaa Baaqa Nabadeed ka diray colaadaha Ceergaabo iyo Gobolka Mudug.,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka