Author: Jibril Qoobey.

Sadexdii Beri ee ugu danbeeyay,waxaa soo baxayay Digniino amaan oo sheegaya in Drons Qaraxyo ah ay soo weerarayaan Magaalada Muqdisho meelo muhiim ah oo ka mid ah lagamana taxadarin. Caawa Sadex Drons,ayaa lagu arkay dusha sare ee Villa Somaliya,kuwaasoo ay soo direen argagixisada Shsbasb sida xoguhu sheegayaan. Waa khatar kale oo kusoo korortay amniga Xamar oo awalba la ildarnaa Qaraxyada iyo Dilalka ka dhaca. Talyihii Nisa Sanbalooshe,waxa uu ku sugan yahay Hiiraan oo uu leeyahay,waxaan wax ka qabanayaa Amnigeeda oo aan kula dirirayaa Shabaan,halka Caawa Amniga Villa Somaliya khatar ku jiro. Xasan Shiikh Doorasho,ayuu ka Sheekaynayaa,mana difaacan karo Guriga uu…

Read More

Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka,ayaa sheegaya in ay isku dheceen labada diyaaradood oo kala ah nooca rakaabka iyo mida ka tirsan kuwa Mileteriga. Diyaaradda American Airlines oo saarnaayeen 64 ayaa lagu soo warramayaa in ay foodda is dareen diyaarad Helicopter ah oo Black Hawk oo iyaduna sidday 3 ka mida ciiddamada dalka Maraykank. Shilkan ayaa ka dhacay hawada garoonka Ronald Reagan ee Washington DC. Labada diyaaradood,ayaa lagu soo warramayaa in ay markiiba ku soo dheceen webiga Potomac oo meesha ka dhowaa. Ilaa hadda waxa la soo helay 19 qof oo mayd ah. Waxana lagu raad joogaa dadkii kale oo aan…

Read More

Waxaa Addis Ababa lagu xidhay Safirkii Hore ee Itoobiya uu Fadhiyay Soomaliya Jamaludin Mustafa Cumar, Wararka aan ka heelayno Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya ayaa xusaya in Xabsiga loo taxaabay Safirkii Hore ee Itoobiya uu Fadhiyay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Somaliya, Safiir Jamaludin Mustafa Cumar ayay Dowlada Itoobiya gaysay Magaalada Muqdisho Sanadkii 2017, xiligaas oo Farmaajo loo doortay Madaxweynaha Soomaliya isagoo Dhinaca kale muddo dheer ka Soo shaqeeyay Wasaarada Arrimaha Dibada Itoobiya & Waaxda Howlgalada Nabadsugida Itoobiya ee Gudaha Soomaliya, Ilaa iyo Hadda ma cadda Sababta keentay Xabsiga Safiirka & Waxa loo haysto balse wuxu muddo dheer ka…

Read More

Siyaasada rasmiga ah ay ka leedahay Sanaag,waa Nabad in lagu wada noolaado. Sanaag,waa Gobol ay wada degan yihiin Bulshooyinka PL iyo SL,waxayna mudo dheer PL ixtiraamaysay heshiiskii lagu wada joogay Ceerigaabo. Sidoo kale hadana colaad kama shaqaynayso PL ee waxay weli raadinaysaa xasilooni iyo isfahan lagu wada noolaado,iyadoo hadana xaqa Shacabkeeda ilaalsanaysa. Dagaal Qabiil,waxa kaliya ee laga faa’idaa,waa dib udhac,burbur,Gaajo iyo Jaahilnimo. PL horay uma ahayn hormuud colaadeed markana ma noqonayso,sidaa si la mid ah,waxaa laga rabaa masuuliyiinta SL aragtidaas oo kale in ay la yimaadaan. SL iyo PL,waa ku khasban yihiin in ay Nabada kawada Shaqeeyaan.

Read More

Boosaaso : 30 January 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta ka qeybgalay bandhiga Ciidan ee diyaargarowga wejiga Labaad ee Argagixisada looga sifaynayo Buuralayda Cal-miskaad, ayaa ugu hambalyeeyay Ciidanka ku sugan Cal-miskaad guulaha waaweyn ee ay ka gaareen wejigii koowaad ee hawlgalka. Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geesiyaashii ku shahiiday intii uu socday wejiga koowaad ee hawlgalka ka socda Cal-miskaad, intii ku dhaawacantayna wuxuu allaah uga baryay in caafimaad dhameystiran. Madaxweynaha ayaa siweyn…

Read More

Boqolaal kamid muwaadiniinta Itoobiya, oo sifo sharci darro ah kusoo galay, kuna joogay deegaanada Puntland ayaa maanta dib looga celiyay dalkooda, kaddib go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland ee ka dhanka ahaa dadka Ajaanibta ah ee aan sharciga ku joogin deegaanka. Itoobiyaanka oo maalmihii lasoo dhaafay laga aruuriyay magaalooyinka waa weyn ee Puntland iyo jidadka xiriiriya deegaanka – ayaa gaadiid xamuul ah oo ay korkacayaan ciidamada Amniga Puntland lagu qaaday, waxaana la geyn doonaa xadka ay la wadaagto Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Tallaabada ayaa ka dambeysay kaddib wada-hadallo dhexmaray Puntland iyo Itoobiya, kuwaas oo ku wajahnaa xaalada dadka iyo siddii…

Read More

BY:-Ahmed Abdullahi Sheik. For almost a month, security forces in the semi-autonomous Somali region of Puntland have been advancing on the mountainous hideouts of Islamic State militants. The fiercest clashes occurred late last week when the regional forces dislodged the militants from Turmasaale, a strategic location about 150 kilometers southeast of Bosaso. Puntlandโ€™s leader, Said Abdullahi Deni, went to the airport over the weekend to meet wounded soldiers, including a senior officer, a sign of clashes taking place. Before the Turmasaale clashes, the regionโ€™s forces seized caves, camps and small villages largely unopposed. Brigadier General Ahmed Abdullahi Sheikh, who until…

Read More

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland, iyada oo tixtaacaysa qoraalka summaddiisu tahay ๐—ซ๐—ช/๐—ช๐—”๐—š/๐—™/๐——/๐Ÿฌ๐Ÿฌ๐Ÿฒ/๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ, kuna taariikhaysan ๐—๐—ฎ๐—ป๐˜‚๐—ฎ๐—ฟ๐˜† ๐Ÿฎ๐Ÿฑ, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ, kana soo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland, ujeeddadiisuna ahayd xakamaynta khataraha amni ee ajaaniibta ku nool ama sida joogtada ah usoo galaysa Puntland. Wasaaraddu, iyada oo ka duulaysa mabaadiโ€™da sharci ee isu dheelli-tirka ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo dhawridda sharciyada u yaalla Puntland, waxay dadweynaha reer Puntland ugu baaqaysaa in ay mar walba si dhaw ula shaqeeyaan hayโ€™adaha Puntland ee ku hawllan dhawridda nabad-gelyada bulshada iyo ku dhaqanka sharciga iyagoo ka waantoobaya wax walba oo…

Read More

Ma’ahan Puntland sida SL oo 7000-Wardoonka Itoobiya ah gudaha ugu jiraan,isla markaana Ciidanka suga Xuduuda Itoobiya iyo SL ay fadhiyaan Hargaysa korkeeda. Sidoo kale xogta amaan ee guud ahaan SL,waxaa gudbiya hay’adaha amniga ee Itoobiya oo waxay ugu jirtaa xogta amni ee Gobollada Itoobiya,waxaana xataa kasii qaata caalamka kale. Puntland,way ka hufan tahay qaabkaas,waxaana Itoobiya kala dhaxeeya wada Shaqayn xuduudaysan oo amni,Ganacsi iyo Diblomaasiyadeed. Dadka reer Puntland ee aada Itoobiya,waxay qaataan Visa,waxay Goostaan Tigid,waxayna degaan Hotelo iyo Guryo kumana ahan Khatar amniga Itoobiya,waxayna geliyaan Dhaqaale. Haatan Dadka la celinayo ee Amxaarada Itoobiya ubadan,ma wataan Visa,ma degaan Hoteli ama Guryo,way sii…

Read More

Ciidanka Booliska Puntland wuxuu beeninayaa wararka sheegaya in dad Itoobiyaan ah lagu dilay gudaha Puntland, wuxuuna caddeynayaa in aysan jirin wax dil ah. Waxaa jiray dhacdo yar oo ay dad dhagxaan ku tuureen muhaajiriin, waxaana la qabtay eedeysanayaashii ka dambeeyay. Boolisku wuxuu uga digayaa cid kasta falalka noocaas ah, wuxuuna adkeynayaa in sharciga la marsiin doono qof kasta oo isku daya inuu khalkhal geliyo amniga. Puntland waxay ka goโ€™an tahay in la sugo badqabka dhammaan dadka ku nool, iyadoo aan la kala soocin. https://x.com/Plpoliceforce/status/1884641602234110339?t=hDy12fxyskno8Am0xh4P-g&s=19 #Puntland #Amniga #Xaqiiqooyinka

Read More

Raโ€™iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa lagu casuumay Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump 4-ta Febraayo, sida uu Talaadadii shaaciyey xafiiska raโ€™iisul wasaaraha Israel. “Raโ€™iisul Wasaare Netanyahu waa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee ajnabi ah ee lagu casuumo Aqalka Cad xilliga labaad ee Madaxweyne Trump,” ayaa lagu yiri bayaan rasmi ah. Masโ€™uul ka tirsan Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in casuumaad rasmi ah loo fidiyay Netanyahu si uu kulanka ugu yimaado “horraanta toddobaadka soo socda.” “Faahfaahinta taariikhda iyo waqtiga kulanka waxaa lagu dhawaaqi doonaa marka la dhammeystiro,” ayuu yiri masโ€™uulka. Kulanka Trump iyo Netanyahu ayaa imaanaya…

Read More

Safiirka UK ee Somaliya,waxa uu la kulmay Gudiga Nabadaynta SL,isagoo kala hadlay in xal Nabadeed laga gaaro colaada Gobolka Sool. “Nabadu,waa in ay ka bilaabataa kala badalashada Maxaabiista,dib ufurida Wadooyinka Ganacsiga iyo xiriirka Bulshada” Ayuu yiri Safiirka UK. Waxaa muuqata in uu Sool Qaybta Beesha Khaatumo ka degto uu uyaqaan SL,isla markaana colaada ka jirta ugu xisaabsan tahay colaad gudaha SL ka jirta. Aragtida UK,waxaa la qaba dhamaan Safiirada Beesha Caalamka iyo Dowladaha Dariska ah,waana waxa ay ka Shaqaynayaan haatan. BC,waxay Dowlada Xamar uga digtay in ay gayso Santuukhyo Doorasho Sool,waxayna ku dooday in haatanba xaalada Gobolkaas cakiran tahay loona…

Read More

Weli Ciidanku horay uma dhaqaaqin,wuxuu ku mashquulsan yahay Sifaynta si dhamaystiran ama Shanlaynta Dhulkii Maalmihii lasoo dhaafay laga nadiifiyay argagixisada. Balse Maanta Sahanka Ciidanka,ayaa gaaray Canjeel oo ahayd Bar Kayntarool oo argagixisadu lahayd. Dhanka kale Argagixisadu,waxay dhexdooda iska dishay 12-Maleeshiyo,kadib markii ay isku khilaafeen dagaalka xaqdarada ah ee ay ku jiraan. Haatan Laba dhinac,ayay uga kala fadhiyaan,waxaana usocda kulamo dhexdooda ah. Somalidii argagixisada Qaybta ka ahayd,ayaa diiday in ay gasho dagaalka,taas,ayaana keentay in Ajanabigu isku dayo in ay khasab ku galiyaan dagaalka. Ciidanka Difaaca Puntland,waa Guul ujoog JQ.

Read More

Muuse oo wata Ciidan Hubaysan,ayaa Garoonka Diyaaradaha Hargaysa ka dhoofay. Safarkiisa,waxay Dadka ku dhow dhow ku sheegeen mid gaar ah oo ku salaysan soo daweynta Gabar uu dhalay. Balse xogaha laga helayo Ilo laysku hakayn karo,waxay xaqiijinayaan in Imaaraadku casumay una soo diray Diyaarada. Dhanka kale Cirro iyo Imaaraadku,waa isku fahmi waayeen wada hadal dhexmaray,wayna ku kala aragti duwanaadeen arimo badan. Si kastooy tahay Imaaraadku,waxay ka muujiyeen Cirro kalsooni daro weyn. Uyeerida Muuse,waxay ku tahay Cirro bahdil.

Read More

Safarka ugu horeeya kama soo haro maqaamka Dibada ee Madaxweynahaas markaa saaxada ku cusub. Cirro ilaa iyo hada in aan la helin, Sawiradiisii soo dhaweynta ee Imaaraadka,waxay muujinaysaa in si hoose oo jaban loo soo dhaweeyay oo lala qajilay. Waxaase wax walba banaanka soo dhigay markii 48-Saac kadib lasoo bandhigay,isagoo la fadhiya Ninka haysta Santuuqa Gargaarka Imaaraadka,taasoo iyaduna muujinaysa in la waayay cid kaloo qaabisha oo deg-deg loo muujiyo. Muuse Biixi marka la barbardhigo,waxaa la oran karaa,waa kaga horeeyay dhinacaas oo tagidiisii Imaaraadka,Itoobiya,Jabuti iyo Kenya,way ka sareeyeen 100% Cirro iyo tagidiisan Imaaraadka. Ilaa iyo hada Dowlada Imaaraadku ma qaabilin Cirro,waana…

Read More

Gudiga Doorashada Xasan samaystay,waxaa ku dhacay fashil salkiisu yahay Laba Qodob oo kala… 1.Lacag la’aan. 2.Aqoonsi la’aan. Dhamaan Safaaraduhu,waa diideen xataa in ay ka bixiyaan tababarada caadiga ah iyo kharashka Hotelada ay degan yihiin,waana sababta keentay in ay iyagu garaacaan Albaabada Safaaradaha,waase kusoo hungoobeen,waxaana loo sheegay in aan la maalgelinayn Gudi hal dhinac ah iyo Doorasho aan loo dhamayn. Dhanka aqoonsiga,waxaa diiday in ay hor fariistaan Mushraxiinta,waxayna usheegeen in aysanba aqoonsanayn hanaankii lagu dhisay oo uu baalmarsanaa Dastuurka. Xasan,waxa uu isku dayayaa in uu xoogaa Dhaqaale tijaabo ah galiyo Gudigan oo ay waxuun isku dayaan in ay dhaqaajiyaan,balse waxba uma…

Read More

Sixna iyo Dayna,ayay Garaacstu ka dhacday,waxaana lagu beegsaday fariisin la yaqaan oo argagixisadu leedahay. Garaacistan,waxay noqotay mira dhal haleeshay bartilmaameedkeedii,isla markaana argagixisada khasaare fiican gaarsiisay taasoo lasoo faahfaahin doono. Ciidamada Puntland,waxay ujiraan 30-KM, fariisinka argagixisada ee la garaacay,waana mid ay ku urureen argagixisadii lasoo sifeeyay. Mid ka mid ah Dowladaha ka taageeraya Ciidanka Difaaca Puntland hawlgalka sifaynta argagixisada,ayaa fulisay,taasoo aan hada la shaacinayn. Dhanka kale majiro Shacab reer Puntland ah oo halkaa deganaa oo dhamaan Shacabka,waa laga saaray Deegaamadaas ka hor intaan la bilaabin hawlgalka. Dhawaaqa sheegaya in Qoys deganaa halkaas Garaacistu ku dhacday,waa Been abuur ay samaynayso argagixisadu oo…

Read More

Lacagta Xasan looga xayiray Switzerland mahan midii uu ku helay Dhul boobka iyo musuqa Xamar ee waa Lacag Magaca Somaliyed ku taalay Wadankaas 30-kii Sano ee udanbeeyay. Lacagtu,waxay ahayd $300-Milyan,waxa uuna Xasan mudo xileedkiisii hore helay $40-Milyan oo ka mid ah,halka uu mudo xileedkiisan danbe isku dayay in uu lasoo baxo $260-kii Milyan ee haray. Hay’ado Caalamiya iyo Dowlado Reer Galbeed ah ayay xoguhu sheegayaan in ay ka hor istaageen in lagu wareejiyo Lacagataas Xasan,iyagoo ucuskaday in aan lagu aamini karin oo uu musuqiiste yahay. Waxaa la aaminsan yahay Dhimashadii Safiir Bari-bari,Shaqo ka tegidii Yusur Abraar iyo badalidii Abyan Ladane…

Read More

Ciidamada Difaaca Puntland,waxay sii wadaan baadigoobka firxadkii argagixisada ee Aagagii laga sifeeyay maamihii lasoo dhaafay. Ilaa Afar Nin oo argagixisada ah,ayaa Ciidanka Sahankiisu meel fog ka arkay,kuwaasoo israsaasayn kadib sii cararay. Dhanka kale Ciidanka Difaaca Puntland Madaxyadiisii oo dhan,waa isa soo gaareen,waxayna dib ubilaabeen wax loogu yeero (Shanlaynta goobaha argagixisada laga sifeeyay). Toga-jeceel iyo Ina Cidoole,ayaa la Shanlaynayaa ka hor intaan Ciidanku horay usii socon. Qabashadii Buurta God Shabeel iyo Taliskii weynaa ee Turmasaale,waxay ku ahayd argagixisada Dhabarjab weyn oo soo afjaray fursad walba oo ay Saad ku heli kareen,islamarkaana ku weerari kareen Ciidamada. Khasaaraha Maanta Ciidanka Difaaca Puntland soo…

Read More

Garowe: 26-Jan-2025: Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland Mudane Daa’uud Maxamed Cumar ayaa shir-gudoomiyay shir u dhaxeeyay dawladda Puntland iyo madaxda hay’adda UNDP oo uu hoggaaminayay Lionel Laurens madaxa xafiisaka Soomaaliya. Shirka waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka wadashaqayneed ee dawladda iyo hay’adda, iyadoo diiradda la saarayo dhinacyada horumarinta arrimaha hortebinta u leh dawladda Puntland sida fududeynta mashaariicda. Wasiirka ayaa sidoo kale madaxda hay’adda la wadaagay qorsheyaasha horumarineed ee ay hiigsanayso dawladda Puntland gaar ahaan Qorshaha Horumarinta ee sanadda 2024 ilaa 2029 (PDPโด) oo ay Wasaaradda Qorsheyntu hagayso diyaarintiisa. ……………………DHAMMAAD………………. Baahinta: Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda…

Read More

Argagixisada Ajinabiga ah Puntland waxay kusoo galaan 3-Qaab…. 1.Koox kasoo degta Somaliland oo usoo gudubta dhulka Buuralayda ah ee Sanaag,waxaa iska kaashada koox Burco iyo Ceel afwayn joogta. 2.Koox Doonyaha kaluumaysatada ku yimaada Xeebaha Bari ee Puntland,kuwaasoo iska dhiga Kalluumaysato Yemeniyiin ah. 3.Koox Tahriibayaal iska dhiga oo Oromada Itoobiya ee xagjirka argagixisada ah. Dowladaha taageera ama ka Gaabsada? B.Eretereya,waa Dowlada sida buuxda u abaabusha oo maalgelisa Oromada Itoobiya in ay Qayb ka noqdaan argagixisada Buuraha PL ku jirta,iyadoo uga dan leh in ay halkaas kusoo tababartaan,isku urursadaan dibna ugu soo noqdaan Dhulka Oromada ee Itoobiya. T.Dowlada Itoobiya,way ka gaabsataa ka…

Read More

Go’aamada Tuugsiga laga soo saaray oo kale,waa in Wasaaradaha Cadaalada,Caafimaada,Maaliyada iyo Warfaafintu qaadaan kuwaas kuwo la mid ah… 1.W.Cadaalada,waa in ay la socotaa Akoonada Masaajidyada ee Jimca walba Lacagaha loogu yabooho sida loo isticmaalo iyo cida Maamusha. 2.Wasaarada Warfaafinta,waa in Shirkadaha Taleefoonada ka dalbataa Xogta Nambarada Ajaanibta. 3.Wasaarada Caafimaadka,waa in Farmashiyayaasha iyo Isbitaalada aan lagu Daweyn Ajaanib aan haysan Dukuminti Sharciyaysan,isla markaana aan laga iibin Dawo. 4.Wasaarada Maaliyada,waa in Xawaaladaha ay kusoo rogto Sharciyo dheeriya oo Xakamaynaya Xoriyada badan ee ay haystaan.

Read More

Warqadan Dadku ma fahansana,isla markaana majiro masuul usharaxay si aysan khalad ugu fahmin oo ay ula jaanqaadaan oo fulinta amarada ku qorana doorkooda uga qaataan……. 1.Tuugsiga,waxaa ku gubada Ajaanibka argagixisada ah,waana Qaab fudud oo ay isku qariyaan kuna dhexgalaan Bulshada oo ay xogaha ku urursadaan. 2.Tuugsiga Taleefoonada loo isticmaalo,waa kuwa argagixisadu ku xawilato Lacagaha. 3.Tuugsigi,waa Ganacsi oo Qof,ayaa utagaya Golis,waxa uu kasoo furanayaa 30-kaar,waxa uu uqaybinayaa 30-Qof oo Ajanabiya,isagoo midkiiba kula heshiinaya in uu siinayo 10-dolar iyo Qadadiisa Maalinkii,isaguna uu ku Tuugsi tago Warqad Nambarku ku qoran yahay,waxaa la helay Qof Tuugsanaya oo gaaray Limidkii Lacageed ee loo diri karay,kaasoo…

Read More

Hawlgalada Amniga Bosaso lagu xoojinayo ee Dadka faraha badan lagu qabtay,waa kuwo loo baahnaa. Dadkaas,waxaa laga dhex helayaa Dad muhiim ah iyo xogo,waxayna baqdin gelinaysaa Sharwadayaasha. Wax fudud mahan in Laba Qarax la fashiliyo,isla markaana la helo Geeri iyo Nolol Dadkii waday. 21-kii Bishan,ayay ahayd markii ay soo baxday xog sheegaysa in Lix Nin oo 5-Ajaanib tahay soo galeen Bosaso,iyagoo Qaraxyo ku raran. Bartilmaameedkoodu,waxa uu ahaa…… 1.Fariisinka Ciidanka Badda ee Jidka Sodonka. 2.Isbitaalada. 3.Hotelada. 4.Iskuulada. 5.Wadooyinka Dadka badan. Laamaha amaanku xogtaas si muuqata ayay uga hawlgaleen,waana ka miro dhaliyeen,waxayna umuuqataa 70% in ay xaqiiqoowday. Pisa si firfircoon ayay ushaqaynaysaa,inkastoo heerkii…

Read More

Go’aankan Dowlada PL ay ku joojisay Dadka Tuugsada iyo Taleefoonada ay ku Tuugsadaan,waa loo baahnaa,waase in la balaariyaa oo lagu daraa Talaabooyinkan si Deg-deg ah…. 1.Waa in la diiwaangaliyaa Dhamaan Xubnaha Ajaanibta ah ee ku sugan Gudaha PL iyo Taleefoonadooda,Shaqada ay qabtaan iyo Nooca Shirkadaha ay ushaqeeyaan. 2.Dhamaan Xubnaha Ajaanibta ah ee Shaqo la’aanta ku jooga gudaha Puntland waa in lagu celiyaa Deegaamadoodi,sida Itoobiyaanka,Yamaniyiinta iyo Siiriyaanka. 3.Waa in gabi ahaan la joojiyaa Xubnaha Ajinabiga ah ee soogala gudaha PL marka Laga reebo Shaqaalaha Xarumaha Qaramada Midoobay iyo Kuwa Xirfad layaasha ah ee Shirkadaha ushaqaynaya. 4.Waa in la kordhiyaa Baraha kayntaroolada,waana…

Read More

Si buuxda ayay Gacanta ugu dhigeen Ciidamada Difaaca Puntland Buurta God Shabeel oo ahayd halkii argagixisada ay usaarnaayeen Qoryaha waa weyn. Hoobiyayaal iyo Dhashiike,ayaa lagu asqaysiiyay,taasoo ku khasabtay in ay ka cararaan. Saldhigyada argagixisada laga sifeeyay Saacadihii ugu danbeeyay ee Maanta,waxay kala yihiin… 1.Ina Cidoole. 2.Damal Caga gub. 3.God Shabeel. Dagaalka looga saaray Saldhigyadan argagixisada,ayaa ahaa mid culus oo socday Saacado,ayna galeen Ciidanka Bada ee Qaybta ka ah Ciidanka Difaaca Puntland. Argagixisada,waxaa dagaalkan looga dilay Lix,waxaana looga dhaawacay Sadex ay sii qaateen. Argagixisada ka dagaalamaysay Buurta God Shabeel,waxay dhamaayeen 80–Xubnood oo kala saarnaa Laba meelood oo Buurta ah. Argagaxisadu,waxay uga…

Read More

Xasan,waxaa Dhulka dhigay marka laga soo tago Lacag raadintiisa aan xuduuda lahayn hanyaridiisa aadka uhoosaysa.. Tusaale? 1.Wuxuu tagay Imaaraadka,waxaa hadyad loo siiyay Saacad,markaasuu horay ka xirtay,waxa uuna safar ugalay isagoo xiran Masar,waxaa ka furay Sirdoonka Masar oo helay Xogta Saacada,waxayna usheegeen in Kaamiro iyo Makarafoon ku xiran yihiin. 2.Wuxuu kasii aaday Turkiga,waxay ku casuumeen baaris Caafimaad haduu ubaahan yahay,waa aqbalay oo isbaaray,waxa baaraya,waa Sirdoonka Turkiga mase oga oo waxa uu uhaystaa isbitaal caadiya,Turkigu,waxay ka baqsan yihiin in isagoon fahansanayn Jiib lasoo laqsiiyay oo Caloosha ugu jiro,wuxuuna kulan la leeyahay Erdogan. 3.Wuxuu Ballan la lahaa RW UK,waxa uu Baratakool xumo awgeed…

Read More

Ciidamada amaanka oo wada Shaqayn ka helaya Shacabka Bosaso,ayaa fashiliyay Laba Qarax Xalay ilaa Maanta. Qaraxa koobaad,waxaa soo sheegay Shacabka,kadib markii Ciidanku soo gaaray Ninkii waday,ayaa isku qarxiyay. Qaraxa Labaad Ciidanka amaanku Gacanta ayay ku dhigeen,waxaana lagu qabtay Nin Siiriyaan ah. Wada Shaqaynta Shacabka iyo Ciidanka,ayaa keentay in Qaraxyada la fashiliyo. Hawlgalka sifaynta argagixisada,waxa uu sababay in Shacabku kalsooni helo oo ku dhiiradu argagixisada.

Read More

Toga-jeceel oo ah Dhul iskugu jira Buuro,Togag,Dooxooyin iyo Dhul hawd ah oo Geedo badan oo ay ku yaalaan Saldhigyada argagixisada ee Shebaab,Turmasaale iyo Dasaan,ayaa argagixisada laga sifeeyay 60%,waxaana weli harsan in la sifeeyo 60-km. Ciidanka hawlgalkan Toga-jeceel ku jira,waa Sadex Guuto oo loo dhamaystiray Adeegii ay ubaahnaayeen oo ay ku jiraan Diyaarado dhaawaca qaada iyo Qalabka Dronska looga hortago. Khatarta ugu weyn ee Ciidanku ka taxadarayo waa Miinada oo ay si tirabeel ah ugu aaseen Dhulka. Guulaha? 1.Waxaa la dilay 13-Argagixiso ah. 2.Waxaa argagixisada laga nadiifiyay Dhul dhan 70-Km oo isku wareeg ah. 3.Waxaa laga furtay 7-Talis oo ku jiro…

Read More

Ciidamada Difaaca Puntland,ayaa loo keenay Qalabka looga hortago Drons-ka oo ay baahi uqabeen. Qalabkan,ayaa ka anfacaya burburinta Drons-ka ay argagixisadu soo dirto. Argagixisada,ayaa waxay ku dagaalamayaan Drons ay Qarax kusoo rareen iyo Miino ay Dhulka ku aasaan. Sida muuqata hawlgalkan,waa loo hagar baxay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Ciidanka Difaaca Puntland,Ururada Onkod ee uu la socdo Gudoomiye Hoori iyo mid ka mid ah Ururada Ciidamada Difaaca PL ee Mudug kasoo ruqaansaday,ayaa qarka usaaran in ay galaan Turmasaale. Dhanka kale Ciidanka Lugta kusoo socda Urur ka mid ah iyo waxaa ishelay 40 Nin oo argagixisada ah. Hoobiyayaal iyo Xabad kulul oo lagu asqaysiiyay darteed,waa carareen,waxayna sii gubeen Talisyo dhawr ah oo ay lahaayeen,waxayna isku shubeen Turmasaale Taliskii ahaa. Ciidanka Difaaca Puntland ee Lugta ku daba socda,waxay kusii jeedaan Taliska weyn. Sida muuqata Argagixisada Daqiiqado ka badan ma hor fadhiyi karaan mana ku wajihi karaan Ciidanka Puntland dagaal ka fool…

Read More

Guddiga taakuleynta iyo daryeelka dhaawacyada Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, ayaa galabta soo dhoweeyay oo la wareegay Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah (Helicopter)oo kusoo biirtay hawlgalada, taasi oo ay Dowladdu ugu talagashay in ay la shaqeyso Ciidamada Guddiga Taakuleynta Ciidanka,ayaa sheegay in ay Diyaaradan fududeynayso wax walbo, oo ay u baahdaan Ciidamada geesiyaasha ah ee hawlgalada ku jira . Dowlada Puntland,waxaa ka caawisay Dowlada Imaaraadka Carabta hrlida Diyaaradan. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Hal Askari,ayaa naga dhintay Sadex kalena,waa naga dhaawacmeen,kadib Diyaarad Drons ah oo Qarax ku raran yahay oo ay kusoo tuureen Ciidankii gaaray Maanta Janno Jiifta. Ciidankan,waxaa la socda Gudoomiyaha Balidhidhin Hoori. Urur Ciidan ah,ayaa uruqaansaday Xalay Janno Jiifta,kaasoo Gacanta ku dhigay,waxayna sii nadiifiyeen Dhawr Saldhig. Ciidanka Difaaca Puntland,waxay dhawr Jiho uga dhaqaaqeen Toga-jeceel,iyagoo bilaabay haatan Lug. Dagaalka Qaybtiisii ugu adkayd,ayaa laga guda galay. Rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo Muhaahidiinta Geeriyooday.

Read More

Ciidamada Difaaca Puntland,waxay ku dhaqaaqeen dhamaystirka hawlgalka sifaynta argagixisada. Bartilmaameedku,waa Saldhiga weyn ee Turmasaale,waxaana Cagta la marinayaa dhamaan Toga-jeceel oo ay ugu muhiimsan yihiin…. 1.Dayraan 2.Wadsoor 3.Jana-jiifta 4.Dacar Adin Gure 5.Ini Cidoode. 6.Dul-dhaxaad. 7.Daadi dhogore. 8.Ceelka Miraale 9.Dhaadaar 10.Buq Caleed 11.Xaysimo waa dhanka Bada. Toga-jeceel,waxay xoguhu sheegayaan in uu ku sugan yahay Cabdiqaadir Muumin,isla markaana uu yahay marinka kaliya ee ay wax usoo maraan,waxaana ku yaal Riig Biyo ah. Jana jiif korkeeda,waxaa ugu xiran Qori. Dacar Adin Gure,waa Talis,,waxaana yaala Raashin Aad ufara badan. Daadi Dhogore,sidoo kale,waa Talis heer dhexe ah oo ay ujoogaan Awrta,waxaana ku sugan xiligan 86-Awr. Waxay…

Read More

Midowga Afrika,ayaa ka falceliyay go’aanka uu gaarey Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, gaar ahaan kuwa joojinta Taageerada la siin jiray Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO. Madaxweyne Trump markii uu goโ€™aansaday in Mareykanku uu ka baxayo Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), Midowga Afrika ayaa si adag u cambaareeyay tallaabadaas, iyagoo ku booriyay in dib looga fiirsado. Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa sheegay in go’aankan uu dhaawici karo iskaashiga caalamiga ah ee la-dagaallanka cudurrada. Sidoo kale, Midowga Afrika,ayaa taageero buuxda u muujiyay Agaasimaha Guud ee WHO, Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus, kadib weerarro ka yimid Madaxweyne Trump, kuwaasoo ku saabsanaa habka WHO…

Read More

200 oo Wareegto,ayuu Saxiixaya MW cusub ee Maraykanka. Siyaasada Trump,waxay ku salaysan tahay Wax walba in laga hor mariyo Danta Maraykanka. Waxaa meesha ka baxaya Shaqooyinkii Maraykanku waxka qaban jiray ee Caalamka. Sidoo kale,waxaa lumaya ilaalintii Xeerarka Caalamiga ah,Dimuqraadiyada iyo xuququda Aadanaha ee Maraykanku hormuudka ka ahaa ilaalintooda. Hogaamiyayaadha Caalamka ee aan ilaalin Dimuqraadiyada iyo Xuquuqda Aadanaha,waxay utahay Nafis oo Maraykanku kuma mashquulayo hadaysan danihiisa taabanayn. Gaashaanbuurta Maraykanka sida Nato oo kale,way taabanaysaa oo Dhaqaale badan,ayaa fuuli doona oo horay Maraykanku ubuuxin jiray. Si guud,waxaa yaraanaysa faragalintii Maraykanka ee marar badan aysan danta Maraykanku ku jirin. Siyaasadan,waxay utahay Maanta Dan…

Read More

Ugu yaraan 66 qof ayaa ku dhimatay dab qabsaday hotel caan ah oo lagu nasto oo lagu ciyaaro ciyaarta barafka ee dalka Turkiga, iyadoo dadka qaarna ay daaqadaha ka boodeen. Dabka ayaa ka kacay hoteelka Grand Kartal oo ka kooban 12 dabaq oo alwaax ah, saacaddu markay ahayd 03:27 wakhtiga maxaliga ah (00:27 GMT) xili ay ahayd wakhti fasax ah oo mashquul ah oo ay ku sugnaayeen dad gaaraya 234 qof. Waxay qaadatay 12 saacadood in la damiyo dabka. Afar qof ayaa la xiray oo uu ku jiro mulkiilihii, sida uu sheegay wasiirka cadaaladda. 66-da qof ee dhimatay ayaan ilaa…

Read More

Dhowr saacadood kaddib marki loo dhaariyay xilka madaxweynaha 47-aad ee Mareykanka, ayuu madaxweyne Donald Trump xalay fiidkii saxiixay Tobanaan wareegto oo kala duwan. Qaarkood,ayuu ku hor saxiixay ilaa 20,000 ka mid ah taageerayaashisa oo isugu tagay xalay garoonka kubadda koleyga ee Caiptal One Arena ee magaaladan Washington D.C. Trump wuxuu ballan qaaday awaamiir sare u qaadi doona barnaamijyada garaadka macmalka ah kuwaasi oo ka imaanaya Waaxda Waxtarka Dawlada (Doge). Sidoo kale ballan qaaday diiwaano la xiriira dilkii loo geystay John F Kennedy 1963 inuu ka dhigo kuwo la heli karo. Wuxuu kaloo ballan qaaday in uu ku amri doono Militariga…

Read More

Gaalkacyo: January 21, 2025: kulan muhiim ah oo ay yeesheen masโ€™uuliyiinta labada dawladood ee Galmudug iyo Puntland ee ku howllanaa nabadeynta Gobolka Mudug, kulankaas oo ay kaga arrinsanayeen sidii xal kama danbays ah looga gaari lahaa colaadda iyo dirirta soo noqnoqtey ee u dhexeysa beelaha Sacad iyo Leelkase islamarkaana looga hortagi lahaa iskudhac danbe oo sababa khasaare nafeed ayaa lagu gaarey goโ€™aamadaan; 1. In maleeshiyada labada Beelood ee dirirtu u dhaxayso la kala fogeeyo iyada oo la kala geynayo goobihii hore loogu asteeyey (Bandiiradley iyo Galdogob). 2. In dib loo hawlgeliyo ciidamadii nabadgelyada ee labada Dawladood, kuwaas oo u xilsaaran…

Read More

Dhismaha Wadada Laamiga ah ee Ceeldaahir-Ceergaabo,ayaa waxaa bilowday wajigii Labaad. Maanta,ayaa waxaa Daahfuray dhismaha Wadada Laamiga Cawsane ilaa Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Dowlada Puntland. Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Iyo Cayaaraha Dowladda Puntland Hodan Saciid Xasan oo ka hadadhay Daahfurka,ayaa tiri… “Dowlada,iyadoo Culayd haysto ayay hadana Hormarka Muhiimad siinaysaa”. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka,ayaa loo magacaabay Marco Rubio. Durba,waxa uu cadeeyay in Siyaasada Dibada Maraykanka ay ku salaysan tahay oo wax walba ka hormarinayso Danta Maraykanka. Lacag kasta oo aan kharash gareyno, barnaamij kasta oo aan maalgelinno iyoย  siyaasad kasta oo aan raacno,waa in lagu caddeeyo jawaabta mid ka mid ah Saddexdan suโ€™aalood……. Ma ka dhigaysaa Mareykanka mid ammaan ah? Ma ka dhigaysaa Mareykanka mid xoog badan? Ma ka dhigaysaa Mareykanka mid ka barwaaqo ah. Hadalka,ayaa xigmadiisu,waxay tahay Maraykanku ma taageerayo Barnaamij aan intaas ka jawaabayn,taasoo noqon karta mid Milatari,Mid Dhaqaale,Mid gargaar iyo Mid Siyaasadeed.

Read More

Donald Trump ayaa loo dhaariyay madaxweynaha 47-aad ee Mareykanka Isniinta maanta, isagoo ballan-qaaday “kacaan caqli saliim ah “, wuxuuna xilka la wareegay iyadoo Jamhuuriyiintu ay maamulayaan labada gole ee sharci dejinta Mareykanka. Trump, oo ka gudbay isku day xil ka xayuubin, eedeymo dambiyo iyo labo isku day dil si uu ugu guuleysto Aqalka Cad, ayaa si deg deg ah u howlgali doono kadib munaasabadda caleemo-saarka, isaga oo soo saari doona amaro madaxweyne oo kala duwan. Waxaa amarradaas ka mid ah kuwa la xiriira sugidda amniga xuduudda, dhameynta shaqaaleysiinta ku saleysan jinsiga ee dowladda federaalka iyo kuwa kale. Waxa uu…

Read More

Caawa,waxaa isa soo dhiibay Xubin muhiim ah oo ka tirsanaa argagixisada. Ninkan isa soo dhiibay,ayaan weli Magaciisa la shaacin,balse,waxaa saamayn ku yeeshay oo xiriir la sameeyay Ehelkiisa. Xubintan,ayaa ah mid sare oo muhiim ah,waxa uuna xog ahaan ula wadaagay Ciidanka … (In argagixisadu diyaarisay Gawaari Anbalaas ah oo Dhiiqo marsan tahay oo ay ka buuxiyeen Qaraxyo). Anbalasyadan ayay u ekaysiiyeen kuwa Caafimaadka caadiga ah,waxayna uga gol leeyihiin in lagu khaldamo oo ay soo dhexgalaan Ciidanka iyo Shacabka. Sidoo kale,xogta laga helay Xubintaas,ayaa ah… (In argagixisadu isku urursatay Deegaamada Xarago iyo Unuun ee Toga-jeceel).

Read More

Boosaaso: 20 January 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni, ayaa galabta ka ambabixiyey garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, Geesi ka mid ah Ciidanka Dowladda Puntland kaasi oo ku dhaawacmay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland isla markaana caafimaad loogu diray dalka dibediisa. Madaxweynaha,ayaa garab istaag u muujiyay Ciidanka Dowladda Puntland ee ku jira difaaca iyo Hawlgalada Argagixisada looga sifeynayo Puntland, isaga oo ka tacsiyeeyay intii ku shahiiday hawlgalada socda, inta dhaawacantayna Allaah uga baryay in uu u boogga dhayo. Dowladda Puntland,ayaa sameysay Guddiga taakuleynta iyo daryeelka dhaawacyada hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland, kuwaasi oo Madaxwehnuhu dhowaan magacaabay si ay uga…

Read More

Waa Ciidanka isku dhafka ee Gaalkacyo,waxay Wadajir uga Shaqaynayeen Sanadihii ugu danbeeyay amniga Magaalada ee Labada dhinac. Markale,ayaa lasoo xoojiyay oo la siiyay Awaamiir cusub oo ay ku hawlgalaan mudo Bil ah. Reer Mudug,waxay ka midaysan yihiin xoojinta amnigooda si Wadajir ah,taasina,waxay niyad jab ku tahay Argagixisada iyo Gacmaha Siyaasadeed ee Xamar. Mudug oo amni ah,waa Somaliya oo Amni ah.

Read More

Mareer iyo Lobo Afle oo ka tirsan Degmada Balidhidhin una jirta 7-Km ayey Ciidanku ku dileen Lix Argagixisada ka mid ah. Ciudanku,halkaas,waxay ku furteen Hubkii ay siteen Lixda Argagixiso oo Dhalasho ahaan kasoo jeeday Itoobiya. Dhanka kale Meel u dhexaysa Kobdhexaad iyo Ufayn,waxaa Gaari ku haleelay Miinada Dhulka lagu Aaso. 11-Ragii saarnaa ka mid ahaaa,ayaa isla markiiba Goobta ku Naf waayay,waxaana Dhaawac markii danbe ugeeriyooday 2-kale,rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo, waxay ahaayeen Mujaahidiin. Ragan Qaraxu haleelay,waxay ahaayeen Dadka Deegaanka oo lagu xoojinayay Ciidanka. Ma’ahayn Ciidanka Daraawiishta iyo kuwa Badda,waxayse ahaayeen halgamayaal Deegaan usoo baxay in ay Qayb ka noqdaan sifaynta…

Read More

Argagixiso usoo raadsatay Biyo meel ay ku ogaayeen,ayaa Ciidanku Sadex ka dilay kana dhaawacay Mid aan Gacanta lagu dhigin. Dhanka kale Makhribkii ayay Ciidanka Daraawiishta Difaacooda ugu shisheeya kusoo Tuureen Hoobiye,waana looga jawaab celiyay. Sidoo kale Talis cusub ayay Ciidanku Galabta kala wareegeen argagixisada. JQ.

Read More

Wafti ballaaran oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakil ayaa caawa soo gaaray Degmada Gaalkacyo, iyadoo ujeedka safarkoodu yahay xal u helida shaqaaqadii xalay ka dhacday Magaalada Gaalkacyo Wafdigan oo ay wehlinayeen Maamulka Gobolka iyo Degmada, oo warbaahinta la hadlay ayaa ka tacsiyey dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay shaqaaqadii dhacday naf iyo maal,iyagoona sheegay in talaabo laga qaadi doono cid waliba oo ku lug lahayd falkan sharcigana la horkeeni doono. Sidoo kale, masuuliyiinta ayaa bulshada Gaalkacyo ugu baaqay in laga wada shaqeeyo nabadda iyo wadajirka si loo ilaaliyo deganaanshaha Gobolka, Iyagoo ballanqaaday inay ka shaqeynayaan xal waara oo lagu nabadeynayo…

Read More

TikTok ayaa shaqadeedii Mareykanka joojisay goor dambe oo xalay ah, waxaana laga waayay dukaamada Apple iyo Google ka hor sharci dhaqan galaya Axadda maanta, kaasi oo dalbanaya in la xiro app-ka ay isticmaalaan 170 milyan oo Mareykan ah. Madaxwenaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii shalay sheegay, in ay aad ugu badantahay in uu barta bulshada ku xiriirto ee TikTok siin doono muddo 90-cisho ah, xilli mamnuucista TikTok ay Axadda maanta ah ka bilbaanayso ka dib amar shuruud lagu xiray oo maxkamadahu ay aaladdan uga mamnuuceen in ay ka shaqeyso guud ahaan Mareykanka. Barnaamijyada kale ee ay leedahay…

Read More

Hoggaanka maamulada Galmudug iyo Puntland ee Galkacyo ayaa maanta kormeer wadajir ah ku sameeyey goobihii shaqaaqadu ka dhacday xalay. Si nabadda loo adkeeyo, ciidamo isku dhaf ah ayaana xaley iyo saaka waaberigii hore la geeyey goobahaas. Masuuliyiinta oo ay kamid yihiin saraakiil sare maamuladda gobolka iyo kuwa degmada Galkacyo ee labada dhinac, ayaa magaalada lug kusoo maray iyaga oo si toos ah ula falgalay bulshada qiimeeyeyna goobihii dhibku ka dhacay. Mayor Mohamed Daacad ayaa warbaahinta uga warbixiyey xaaladda magaalada oo uu ku tilmaamay mid degan oo xasiloon. Isaga oo sheegay muhiimada ay leedahay wada-shaqeynta labada dhinac si nabadda loo ilaaliyo…

Read More

Xaalada Galkacyo Gacanta,ayaa lagu dhigay,waxaana goobta la wareegay Ciidanka Booliska isku-dhufka ah. Hal Hooyo,ayaa ku Naf wayday Shaqaaqada dhacday rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo. Maamulka Galmudug,waa ku amaanan yahay sida uu uxakameeyay dhankooda xaalada iyo wada Shaqaynta uu muujiyay. Jiri,ayaa fulisay waxa dhacay Caawa mana ahan wax Qabiil iyo Deegaan loo tirinayo,waxayna ahaayeen Sadex Gaari oo Tikiniko ah oo kasoo baxay Maleeshiyaadkii Beesha Leelkase ee Jiic-boore,waxayna kasoo galeen Magaalada dhanka Koonfureed,iyagoo toos u abaaray Hotel Five Star oo ku yaal Xaafada Baraxley. Sida ay ii xaqiijiyeen Maleeshiyada Jiic-boore horjoogayaashooda,waxba kalama socon soo bixidooda,waxayna uga soo tageen Magaalada Goldogob,ayaan kusoo Qayilaynaa,kadibna,waxay…

Read More

Xuutiyiinta Yemen,ayaa la sheegay in ay sheegeen inay ka dambeeyaan weerarkii gantaal ee lagu qaaday bartamaha Israa’iil goor sii horreysay Maanta. Kooxdan ay Iiraan taageerto,ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku sheegayaan inay beegsadeen Wasaaradda Difaaca Dalkaas, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka ee AFP. Wasaaradda Difaaca,ayaa ku taalla Talaabiib, halkaasoo Maanta laga maqlay dhawaaqa Qalabka ka hortaga Gantaallada. Militariga Israa’iil,ayaa sheegay inay ka hortageen Gantaalka, isla markaana aysan jirin cid ku dhaawacantay.

Read More

Al-Qudus, oo ah garabka hubeysan ee kooxda Islamic Jihad, oo ka qeyb qaadatay weerarkii 7 October, ayaa Israa’iil uga digay inay geystaan duqeymo kale oo cirka ah kahor xabbad-joojinta Qasa. Duqeymaha cirka ayaa ka sii socday halkaas, iyadoo 122 qof loo maleynayo in la dilay tan iyo intii lagu dhawaaqay. Kooxda al-Qudus Brigades ayaa sheegtay in duqeynta oo sii socota ay sababi doonto in la heystayaal badan la dilo, iyo in qoyska la heystayaasha ay tahay inay Israa’iil u sheegaan inay joojiso duqeymaha si looga fogaado dhimasho kale. Kooxda Islamik Jihad ee Falastiiniyiinta waa garabka hubeysan ee ugu weyn Qasa.

Read More

Xilli ay soo dhawdahay waqtigii Maraykanka laga joojin lahaa TikTok, dadkii isticmaali jirey ee reer Mareykan ayaa u wareegaya barnaamijka Shiinaha ee RedNote, taas oo sare u qaadday in uu noqdo app-ka ugu badan ee lagala soo degay barta lagala dego barnaamijyada taleefanka Iphone ee App Store tan iyo Isniintii. Muxuu yahay RedNote? RedNote oo sidoo kale loo yaqaan magaca Shiinaha Xiaohongshu (Buug Caska Yar), waa barnaamij isku dhafan oo u dhexeeya TikTok iyo Instagram, una badan dad dhalinyaro ah oo ku nool Shiinaha, Taiwan, iyo gobollada ku hadla luuqadda Mandarin. Waxa ay haystaan 300-Milyan oo isticmaale bishii ah,kuwaas oo…

Read More

Xabbad joojinta dagaalka Gaza ayaa bilaaban doonta subaxnimada berri oo Axad ah saacaddu marka 06:30 GMT, sida ay Sabtida maanta ah sheegtay dowladda Qatar oo ka mid ah dhexdhexaadiyaasha, waxaana warkan uu yimid ka dib markii golaha wasiirrada Israel ay u codeeyeen in la ansixiyo heshiiska iyo sii deynta la haystayaasha iyo maxaabiista. Qatar, Masar iyo Mareykanka oo ah dhexdhexaadiyeyaasha ayaa ku dhawaaqay heshiiska Arbacadii. Duqeymaha Israaโ€™iil ee Gaza ayaa socday tan iyo xilligaas. Sabtida maanta ah, guddiga difaaca madaniga ah Gaza ayaa sheegay in ugu yaraan shan xubnood oo isku qoys ah ay dhinteen ka dib markii weerar lagu…

Read More

Hawlgalka guulaha laga gaaray,waxaa ku jira Xogaha laga helay Talisyadii argagixisada. Haday noqon lahayd Dadkii la Shaqeeyay. Haday noqon lahayd Akoonadoodii. Haday noqon lahayd Dadkii ay laayeen. Haday noqon lahayd Nabadoonadii u adeegayay Haday noqon lahayd Gadidkii wax usoo qaadi jiray. Haday noqon lahayd Ganacastadii Hubka . Haday noqon lahayd Saraakiishii Ciidan. Haday noqon lahayd Talefoonadii ay isticmaaleen. Xogaha la hayo,waxaa ku jira 2022,2023 iyo 2024 Shaqooyinkii ay qabatay argagixisada. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More