Eritrea ayaa dib u furtay safaaraddeedii Ethiopia. Dib u furista safaaradda ee maanta ayaa timid toddobaad kadib markii labada dal ay ku dhawaaqeen inay soo afjareen labataan sano oo is-marin waa milatari uu ka taagnaa xudduudda, kaasi oo kumanaan qof ay ku dhinteen. Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa madaxweynaha Eritrea Isais Afwerki u gacan geliyey furayaasha safaaradda oo ku taalla bartamaha magaalada Addis-Ababa ee caasimadda Ethiopia. Furitaanka safaaradda ayaa soo geba gebeysay booqasho saddex maalin qaadatay oo uu Afwerki ku joogay Ethiopia. Kumanaan qof ayaa ku dabaal-degay Addis-Ababa axaddii, ayada oo Abiy iyo Isais ay ka qeyb galeen xafladda…
Author: Jibril Qoobey.
Sida ku cad warqad ka soo baxday Xafisska Agaasimaha Guud ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen ayaa shaqada looga joojiyay kuxigeenadiisa 1aad iyo labaad. Ku xigeenka 1aad ee Hey`adda Nabadsugida Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa xilkaas soo hayay ilaa iyo xiligii dowlada uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, halka Col. C/qaadir Maxamed Nuur oo xilkaan loo magacaabay xiligii Taliyaha NISA uu ahaa C/laahi Sanbaloolshe. Halkan ka akhriso:-
Waftigii Dowlada Jubaland oo ugu danbayn lagu qanciyay in ay shirka dib ugu soo laabtaan ka bxitaankoodii saacad ka hor maadsha shirka ka socdo. Madaxweyne Axmed Madoobe oo hogaaminaya waftiga Jubaland,ayaa shirka iskaga baxay,isagoo ashtako ka ahaa hab maamuuska loola dhaqmay oo hooseeyay iyo ajandihii shirka ee laysla ogaa oo wax laga badalay. Dadaalo ay sameeyeen Midowga Yurub iyo Puntland,ayaa ugu danbeyn lagu qanciyay inuu shirka dib ugus oo laabto Madaxweyne Axmed Madoobe. Madaxweyne Axmed Madoobe ,ayaa hada hareer fadhiya madaxda kale ee Somalida ,isagoo si buuxda uqaatay baratakoolkisii iyo doorkisii shirka. Dowlada Fadaraalka Somaliya,ayaa maamulka…
Waxaa goor dhaw magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka si rasmi ah uga furmay shir heer caalami ah oo loogu eegayo xaalada Soomaaliya. Shirkan ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameyn doona wax-yaabihii ka hirgalay shirkii horey loogu qabtay magaalada London bishii May 2017-kii. Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa shir ka qaybgalaya. Dhanka beesha caalamka waxaa shirka ka qaybgalaya daneeyayaasha Somaliya,maalgashadayaal caalamiya,iyo Madax sare oo caalmak ka kala socota. Ajandaha looga hadlayo shirka inta uu socdo ayaa waxaa ka mid ah arrimaha siyaasadda, amniga,…
Madaxweynaha Dowlada Puntland iyo waftigisii oo gaaray Brusels si maqaam sare lehna loogu soo dhaweeyay. Madaxweynaha waxaa garoonka kaga hortagay madax sare oo ka tirsan Dowlada Belgium iyo Midowga Yurub, Sidoo kale waxaa garoonka xaadir ku ahaa oo si weyn isku soo abaabulay jaaliyada Puntland ee Dalka Belgium. Madaxweyne Gaas waxuu kaga qaybgalayaa Belgium shir heer caalami ah oo loo qaban ayo Somalida,kaasoo ay kasoo qaybgalayaan daneeyayaasha Somaliya,maalgashadayaal caalami ah iyo madax heer caalami ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/lI-FBZn4BDA
Suldaan Garaase oo beeniyay in ay Ergadii Hargaysa ka timid ay ku heshiiyeen Qodobo. Suldaanku waxuu si cad usheegay waxay kawada hadleen iyo waxay ku kala tageen ugu danbayntii. Sidoo kale Suldaan Garaase ayaa qeexay mawqifka shacabka iyo xukuumada Puntland ee dagaalka dib u xoraynta Sool,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Wafdigan uu hoggaaminayo madaxweynaha Fadaraalka Soomaaliya ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgiumka. Waftiga Madaxweynaha waxaa ku soo dhaweeyey Belgium Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb gqaadan doona guddoominta shirka horumarinta Soomaaliya oo ka dhici doona magaalada Brussels 16 -17 bishan Luuliyo. Shirkan caalamiga ah ayaa daba socda shirarkii horey uga dhacay London iyo Muqdisho ee lagu falanqeeyey amniga, siyaasadda, doorashooyinka, dhaqaalaha, arrimaha gargaarka iyo horumarinta guud ee dalka, iyadoona Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ay…
Warbixintan waxaan ka soo uruurinay dad wakhtiyo kala duwan lagu xiray xabsiga Jeel Ogaadeen. Magacyadooda waxaan u qarinnay sababo amaankooda la xiriira. 1996 ayaa la aasaasay xabsiga dhexe ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, laakinse ay dadku u yaqaanaan “Jeel Ogaadeen”. Xilligaas waxaa madaxweynaha killilka ahaa Khadar Macallin Cali. Waxaa dhismaha xabsiga qandaraas lagu siiyey Ibraahim xaad oo ka mid ahaa ganacsatadii xilligaas ugu dhaqaalaha roonaa. Waxaa magaalada Jigjiga laga fogeeyey xilligaa 5-6 KM, dhinaca qorrax ka soo bax ee togga Faafan, laakinse hadda magaalada ayaa fidday oo dhaaftay, waxaana la oran karaa wuxuu ku yaallaa bartamaha magaalada. …
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/iaVM0ByVHQU
Ontario’s minister responsible for immigration has demanded an apology from federal Immigration Minister Ahmed Hussen for saying the province is promoting fear about asylum seekers. “Maybe the minister should sit down and have a nice cup of tea, calm down a little bit and maybe phone me and apologize for calling me unCanadian,” Lisa MacLeod said Friday. Federal, provincial and territorial ministers were meeting in Winnipeg to discuss immigration issues when Hussen was asked about Ontario Premier Doug Ford demanding that federal government pay millions to provide supports for asylum seekers. Ford has said the federal government…
Wasiir Ducaale ayaa difaacay jidadka la xiray oo shacabka Muqdisho ay maalmihii la soo dhaafay ka cabanayeen, waxaa uu ku dooday in jidadkaas markii la xiray laga hortagay weerarada Al-Shabaab, balse markii shacabka ay ka hadleen jidadkaas oo la dabciyay ay dhacday weerarkii Sabtidii. “Markii jidadka la xiray nimankaan nabad diidka Al-Shabaab waxay soo dhex galeen shacabka oo ay ka dhex hadal siinayaan, Shabaab waa dad Soomaaliyeed oo anaga nagu dhex jira, waxaa aaminsanahay in waxa meelaha ka hadlaya ay iyaga yihiin, markii jidadka la dabciyayna waxaa dhacday weerarkii Sabtidii la soo dhaafay”ayuu yiri Wasiir Ducaale oo wareysi siiyay Telefishinka…
Ra’isal wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in ciidamada Israel weerarkii ugu cuslaa tan iyo dagaalkii sanadkii 2014-tii ku qaadeen goobo ay mitidiintu ku leeyihiin marinka Qasa. Waxa uu ra’isal wasaaraha Israel sheegay in weeraradaas lagaga falcelinayo falalka aragagixisada ah ee Xamaas oo goobahooda gantaallo lagaga ganay Israel. Waxaanu ku nuuxnuuxsaday in weerarradaa laga fursan waayey. Israel waxay sheegtay in duqayntaa lagu baabiiyey goobihii tabobarrada ee ururkaa mitidka ahi lahaa. Saraakiisha caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa iyaguna sheegay in laba kuray oo dhawr iyo toban jirro ah lagu dilay, ugu yaraan shan iyo toban qof oo kalena ku dhaawacmeen magaalada Qasa.…
Ethiopians and Eritreans alike are celebrating the breakneck speed of a rapprochement between Addis Ababa and Asmara, two longtime enemies. Closer ties between the two, while not necessarily a done deal, could usher in a new era of peace and prosperity for the Horn of Africa, resuming a thriving trade relationship and granting landlocked Ethiopia access to a new port. Unfortunately, nearby Djibouti—which has successfully exploited its prime territory on the Red Sea to offer both port access and military bases to foreign countries—stands to lose. At the least, this tectonic shift will reduce the revenues available to President Ismail Omar Guelleh,…
Mahad Idaylkeed Alle Ayaa iska Leh ,Marka xiga waxaan salaan Hawada Umarinaya Idil Ahaan Ummada Soomaliyeed Ee Af, Dhaqan, Dhalasho iyo dhiig wadaagta ah. Salaan kadib waxaan Jeclahay inaan Maanta si qotodheer u lafa-guro Isbadalka ugub ee ka Curtay Gobolka Bariga Africa oo ay ugu Horayso Dalka Ethopia. Sida aan wada ogsoonahay Mudo aan dheerayn waxaa Ethopia ka dhacay Isbadal Siyaasi ah oo saamayntiisa wata ,waxaa hogaanka dalka qabtay Abid Markii ugu Horaysa Taariikhda Nin kasoo Jeeda Qowmiyada Ugu Tiro badan dalka ethopia. Abey Ahmed ayaa noqday Raysaal Wasaaraha Ethopia ,Bar bilowgii Xukunkiisa Wuxuu qaaday talaabooyin dardar leh oo aan looga…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo,ayaa ku wa jahan wadanka Belgium oo ay uga qaybgeli doonaan shir ay isugu imaanayaan madaxda Somalida, daneeyayaasha Soomaaliya ee AU, IGAD,EU,UN iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya. Shirkan ayaa waxaa kaloo ka qaybgali doona madaxweynaha Dowlada Fadaraalka oo horkici doona waftiga Fadaraalka oo ay ka mid yihiin Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowladda Fadaraalka Soomaaliya. Madaxweynaha jubaland,Koonfur-galbeed,Galmudug iyo Hir-shabelle iyo wafti ay hogaaminayaan,ayaa iyaguna qayb ka ah madaxda Somalida ee shirka ka qaybgali doona. Shirka Belgium oo ah mid muhiim u ah xiligan horusocodka dowladnimo…
Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhintay laba qarax oo maanta lagu weeraray meel aan sidaasi uga fogeyn madaxtooyada Soomaaliya. Goobjoogayaal ayaa sheegay in baabuur xawaare ku socdaan uu ku qarxay bar koontarool oo ciidamada amnigu ay ku leeyihin meel u dhow beerta Nabada. Wararka ayaa sheegaya in niman hubeysan ay qaraxaasi kadib rasaas ay isweydaarsadeen ciidamada dowladda ee barta koontarool ku sugnaa, kuwaasi si weyn isaga caabiyay raggaasi. Qaraxa labaad ayaa la sheegay inuu ka dhacay qeybta danbe ee Baarta Nabada oo ku dhigan hotel SYL. Ugu yaraan 6 qof, oo 5 ka mid ah yihiin raggii weerarka soo…
Madaxweynaha dalka Eritrea Isias Afwerki iyo Wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa goordhaw booqasho taariikhi ah ku tagay magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, . Wafdiga Madaxweynaha Eritrea waxaa garoonka diyaaradaha Bole ee magaalada Adis Ababa kusoo dhaweeyay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madax kale oo katirsan dowlada Itoobiya. Madaxweynaha Eritrea ayaa booqashada uu ku tagay dalkka Itoobia noqoneysay tii ugu horeesay uu dalkaasi ku tago 20-sano kadib, waxaana booqashadan lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo dhabaha u xaareysa soo laabashada xiriirka labada dal. Booqashada uu goordhaw dalka Itoobiya ku tagay Madaxweynaha Eritrea ayaa dabo socota booqasho Axadii lasoo dhaafay…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxakamadda Racfaanka Gobolka Banaadir keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed oo muddo ka soo shaqeynayey Garsoorka dalka, sidoo kalena ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka, halka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi oo aqoon durugsan u leh Shareecada iyo Qaanuunka loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka. Madaxweynaha ayaa isla wareegtadan waxa uu xilalkii kaga qaaday Guddoomiyeyaashiii hore ee Maxkamadda Gobolka Banaadir…
Laba Qarax oo loo adeegsaday Gawaari ayaa goor-dhaw ka dhacay meel Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya waxaana hada la maqlayaa rasaas u muuqato mid ay ridayaan Ciidamada Ilaalada Madaxtootada. Qaraxa hore ayaa ka dhacay darbiga Taalada SYL ee afafka hore ee Madaxtooyada Soomaaliya halka Qaraxa labaad uu ka dhacay agaagrka Bar Kontarool oo ku taala Isgoyska Ceel-gaabta waxa uuna ku toosnaa wadada gasha Madaxtooyada ee ka timaada dhinaca Dekadda ama Imbuluteeriyada Ceel-gaabta. La soco wararkayaga danbe ..
Dad fara badan oo ay ugu horeeyaan Diblomaasiyiin shisheeye waxay iska waydiiyeen tirada xad dhaafka ah ee Waftiga Somaliya ka imaanaya ee ka qaybgali doona shirka Belgium 15-ka ilaa 17-ka bishan ka dhici doona halkaas. Ergada ka imaanaysa Somaliya,ayaa gaaraysa in ka badan 145-xubnood,iyadoo 45 qura oo ka mid ah ergada ay yihiin Waftigii loo qondeeyay markii hore in ay shirka kasoo qaybgalaan ,balse codsi Dowlada Fadaralka ka yimd dartiis loo kordhiyay xubnahaas. Ergada 145 ah ee la filayo in ay kasoo qaybgalaan shirka,ayaa guud ahaantood la gaarsiiyay casuumada. Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa ku leh…
araysi uu bixiyay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar,ayuu ku eedeeyay madixii hore ee sirdoonka Itoobiya Mr. Gatachew, Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in dhibaatooyinka uu Gatachew ku hayay deegaanka ay uga dacwoodeen xisbiga. Gudoomiye ku xigeenka xisbiga TPLF ahna madaxa xafiiska Xaruunta dhexe ee EPRDF marwo Fetlawarqi G/Igzaaber,oo eedaynta Madaxweyne cabdi Cumar wax laga waydiiyay,ayaa tiri.”Arrintan waxba kama ogi. Aniguna shaqsi ahaan wax uu ii sheegay ma jirto, mana ahaba inuu ii sheego. Cabashada noocan ah isaga oo sharciga iyo nidaamka raacayo xubnaha dowladda ee ay quseyso inuu u gudbiyo ayay ahayd. Sidaa darted…
Dowladda Norway ayaa maanta ku dhawaaqday in ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya, ayada oo ku biiraysa dalalka Yurub ee horay u aqoonsaday sida Faransiiska, Talyaaniga iyo kuwo kale. Munaasbad lagu qabtay magaallada Nairobi oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayuu ku sheegay safiirka Norway u fadhiya Kenya danjire Victor C. Rønneberg in hal sano oo ay wada-shaqeynayeen dowladda Somaaliya kaddib ay ku qanceen hannaanka lagu bixiyo baasaboorka iyo tayadiisa. “Horay waxaan u aqoonsannayn baasaboorka Diblomaasiga ah ee Soomaaliya, Norway waxa ay sidoo kale aqoonsanaysaa baasaboorka caadiga ah iyo kan…
Laamaha Amniga Ee Dowlad Goboleedka Jubbaland,ayaa saaka garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Kismaayo ka celiyey Gen.Cali Bogmadow oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya usoo magacowdey taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed. Dowladda Federaalka oo iska indha tireysa heshiiska hab dhismeedka Amniga ee lagu galey 11-May-2017 magaalada London ee dalka Ingriiska , heshiiskaas qodobkiisa 20-aad ayaa qeexaya habka loo marayo soo magacaabidda taliyaha qeybta ee ciidamada ku sugan deegaanada Dowlad goboleedyada. Qodobka 20-aad ee heshiiskaas ayaa sheegaya in Dowladda federaalku kaliya kusoo magacaabi karto taliyaha qeybta kadib markii ay latashi kala sameyso madaxweyna Dowlad goboleedka deegaankaas iskuna waafaqaan qofka…
According to the Whtie House News website, President Donald J. Trump Announces his Intent to Nominate and Appoint Personnel to Key Administration Posts Issued on: July 11, 2018 President Donald J. Trump today announced his intent to nominate the following individuals to key positions in his Administration: Donald Y. Yamamoto of Washington, to be Ambassador Extraordinary and Plenipotentiary of the United States of America to the Federal Republic of Somalia. Mr. Yamamoto is currently the Principal Deputy Assistant Secretary in the Bureau of African Affairs. Previously, he served as Acting Assistant Secretary in the Bureau of African…
Waxaa saakay magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi Garre (Yuusuf Jaalle) oo dhawaan shaqo joojin ku sameeyay Wasiirka Wasaaradda Hawada iyo Duulista Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomar). Maareeyaha ayaa markii uu ka soo digay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa soo dhaweeyay Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, Guddoomiye ku xigeenka amaanka iyo Siyaasadda G/Banaadir Maxamed C/llaahi Tuulax, Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Xubno kale oo ka tirsan Qeybta Protocol-ka Madaxtooyada Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Hawada iyo Duulista Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomar) ayaa la sheegay in Markii uu dalka…
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaarihii ka dhashay isku dhacyo maanta ka dhacay Xaafadda suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho iyo rasaas ay fureen Ciidamada Milatariga Soomaaliya. Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay in kabadan 10 kalane dhaawacyo ayaa ka soo gaaray shaqaaqo maanta ka jirta Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa iyadoo markii dambe ay isku badashay Banaanbax fowda wata. Shaqaaqada ayaa ku bilaabatay rasaas ay Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ku fureen Dad Shacab ah oo ku sugnaa suuq aad u mashquul badan oo ku yaala meel u dhaw Bosteejada Suuqa Xoolaha taas oo sababtay dhimashada 2…
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin amniga dalka, hiigsiga dhaqaalaha 2040-ka, Sharciga hanti-dhawrka, siyaasadda kormeerka iyo qiimaynta iyo Soo noolaynta barnaamijka waciyi-gelinta qaranka. Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha Maxamuud Maxamed Boonow ayaa golohu ka dhagaystay warbixin la xariirta amniga dalka, meesha uu marayo baaritaanka weerarkii xarunta wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshisiinta iyo wasaaradda amniga, horumarrada la sameeyay, hawl-gallada ciidamada xoogga dalku ay ku xaqiijinayaan amniga iyo qorshaha lagu sii laba jibbaarayo dadaallada sugidda amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka. Wasiirka warfaafinta xukuummadda federaalka Soomaaliya Amb. Daahir…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/6Xi1Ft0kNeM
Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa ku eedeeyey madaxii hay’adda sirdoonka Itoobiya, Getachew Assefa, inuu “cabsi galin iyo hanjabaad” ka waday deegaannadooda. Madaxweynaha oo warbaahinta deegaanka waraysi siiyay ayaa sheegay in Getachew uu u dhaqmi jiray si ka baxsan nidaamka dalka iyo midka xisbiga uu ka tirsanaa ee talada dalka hayayba. Wuxuu madaxweynuhu sheegay in caqabad weyn uu ahaa madaxii hore ee hay’adda Sirdoonka dalka, Getachew Assefa ee dhawaan xilka laga qaaday. “Muddadii dheereyd ee uu xilka soo hayey wuxuu deegaanka soomaalida Itoobiya ku hayey” ayuu yiri “faragelin aan geed loogu soo gabban oo…
Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ballan qaaday in la sii dayn doono maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee Jigjiga oo ku magac dheer “Jeel Ogaadeen”, wuxuuna sheegay in masaajid loo badali doono. Isbedelada Cusub ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sababtay in ay isku-soo dhawaadaan Ururka ONLF iyo dowladda Itoobiya oo mudo Sanado ah wada dagaalamayey,waxana sidoo kale Xabsiyo ku yaalla dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya laga siidaayey Boqolaal ruux oo ay ku jiraan dad ka tirsanaa Jabhada ONLF. Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo daba socda qorshaha isku-soo dhawaasha iyo isbedelada ka jira dalka Itoobiya…
Nabadoon Maxamed Cabdi Waare ayay kooxo hubaysan oo afka soo duubtay waxay goor dhawayd ku dileen Magaalada Bosaso,gaar ahaan meel udhow shirkada Taleefoonada ee Golis. Kooxdan dilka ugaysatay Nabdoonka,ayaa durabdiiba ka baxsaday isla goobta. Ciidamada amaanka oo goobta soo gaaray waxyar kadib markii dilku dhacay,ayaa xiray goobta dilku ka dhacay,isla markaana baaris ka bilaabay. Bosaso ayaysan ka dhiciin bilihii lasoo dhaafay falal amniga lid ku ah.
Warar ay helayso Warbaahinta idil News,ayaa tibaaxaya in Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowlada Fadaraalka Somaliya Shiikh Nuur Maxamed laga yaabo in xilka laga qaado maalmahan. Shiikh Nuur oo ah Nin dhalinyaro ah kana mid ahaa usoo olelayaashii Madaxweyne Farmaajo xiligii doorashada,ayaa xogtu waxay sheegaysaa in xilka qaadista la filayo in lagu sameeyo ay sababayso saluug ka yimid dhanka beeshiisa. Beesha Biyomaal ee uu kasoo jeedo Wasiir Shiikh Nuur ayaa aad u saluugsan Wasiirka iyo Wasaarada uu ku matalo ee Xanaanada Xoolaha. Khayre oo cabashada xooga leh ee beeshu soo gaartay,ayaa qorshaynaya xiligan in uu ka badalo beesha Wasaarada…
Waxaa markii labaad dib u dhacay safar uu qorshaynayay ra’isalwasaare Khayre in uu ku gaaro Puntland. Ra’isalwasaaraha ayaa qorshahiisu ahaa in uu yimaado caasimada Puntland ee Garowe isaga iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo todobaadkii tagay. ”Waxaa qorhuhu ahaa in shirka Golaha Wasiirada Fadaraalka Somaliya ee Khamiislaha ah lagu qabto Garowe todobaadkii hore,balse waa suurtoobi waayay qorshahaas,waxaana ka cudurdaaratay Dowlada Puntland oo sheegtay in aysan xiligan diyaar ahayn”sidaa waxaa yiri mid ka mid ah Wasiirada Dowlada Fadaralka oo aan soo xiganay. Markii labaad ayay noqonaysaa oo uu baaqdo codsi safar oo uu Khayre waydiistay Puntland,balse mar walba…
Wakaaladda wararka Reuters ayaa heshay qoraal loo gudbiyay Xubnaha golaha amaanka ee Q,M taaasoo lagu diidan yahay in dib u eegis lagu sameeyo cunaqataynta saaran dalka Eritrea. Wakiiladda Q,M u fadhiya dalalka Maraykanka, Shiinaha, Faransiiska, Ingiriiska iyo Ivory Coast ayaa joojiyay qaraar ujeedkiisu ahaa in dib loo fiiriyo sida loo fududeyn karo cunaqabataynta mudada saaran dawlada Eritra. Wakiiladaan ayaa inkastoo ay soo dhaweeyeen heshiiskii ay maalmo ka hor gaareen madaxda dalalka Ethiopia iyo Eritrea haddana waxaa ay walaac ka qabaan suurtagalnimada fulinta go’aanada looga baahdo dawlada Eritrea. Qoraalka ay heshay wakaaladda wararka Reuters oo uu soo qoray…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka ku wargeliyay in kalfadhigii Saddexaad ee Baarlamaanka uu xirmay 10-kii bishan July oo shalay ku beegneyd. Shalay ayuu qorshuhu ahaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo uu soo xiro kalfadhiga Saddexaad ee Golaha Shacabka, balse wuxuu u baaqday safar uu Madaxweynaha ugu maqnaa dalka Turkiga. Warqada fasaxa ee xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa la ogeysiiyay Golaha Wasiirada Soomaaliya, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo. Sida aynu la socono madaxweynaha iyo RW Soomaaliya,ayaa waqti badan iyo hanti badan geliyey…
Gudiyada dib u eegista Dastuurka ku meel gaarka ah ee kala ah Guddiga Madaxa Banan, kan Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Gole ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ayaa si Wadajir ah waxaa ay u sheegeen in loo gacan dhaafay Shaqadii loo igmaday ee aheyd dib u eegista Dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya. Waxaana hadalkan warbaahinta la wadaagay Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah Xoghaya Guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaana uu intaasi raaciyay in Guddiyada Dastuurka aysan haysanin waxyaabihii ay ku shaqeyn lahayeen Xukuumadaha heer fedderaal iyo heer dowlad Goboleed sida senatorku uu hadalkiisa…
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Shir Jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Muqdisho wuxuu faahfaahiyay waxyaabihii u qabsoomay 6-dii bilood ee la soo dhaafay. Wasiirka Beyle ayaa sheegay in Lixdii Bil ee la soo dhaafay Dakhliga dalka uu kordhay isla markaana uu gaaray 58% marka la barbardhigo sanadkii lasoo dhaafay, isagoo guul ku tilmaamay in markale lacagtii IMF ka dooneysay ay keeneen in ka sareysa. Wasiirka ayaa tilmaamay in la isku raacay in Dakhlig dalka ay qabato Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo ay suurta gashay in Wasaaraddaha Xukuumadda ay Dakhligii ay hayeen ku wareejiyaan Wasaaradda Maaliyadda. “Dakhliga ina…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/a53zzpGEbl0
Mas’uuliyiinta gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa sheegaya inay weli kacaakufayso xaaladda amniga ee Gobolka iyadoo weli ay Al-Shabaab awood u leeyihiin weerarro ay ka gaystaan gobolka. Weeraradan ayaa imanaya xilli ay dawladdu kordhisay ciidamada amniga ee kasoo jeeda Gobolka kuwaasi oo ciyaaraya door hoggaamineed,hoos ka dhagayso codka. Halkan hoose ka dhagayso codka
Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay war rasmi ah kasoo saartay heshiiskii dhawaan dhexmaray Dowlada Fadaraalka Somaliya iyo Dowladda Fadaraalka Itoobiya,kaas oo Afar ka mid ah Dekedaha Somaliya loogu saxiixay in lagu wareejiyo Dowladda Itoobiya,hoos ka daawo muuqaalka. halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ZR9LCOJz6VY
Allaha u Naxariistee waxaa Magalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ku geeriyooday Madaxii hore ee Hay’adda Bisha cas Somaliya Axmed Maxamed Xasan(Foodcade). Dr Foodcade,ayaa ka mid ahaa Dhaqaatiirta Somaliyed ee Caanka ka ahaa dalka,waxa uuna mudo fog madax ka ahaa Hay’adda Bisha Cas ee Somaliya. Magalada Nairobi ayuu ugu geeriyooday Xanuun mudo hayey sida ay xqiijiyeen Eheladiisa, Fooda-cade,ayaa qabtay xilka Madaxweynaha Bisha-cas Sanadkii 1972, waxuuan xilkaas hayay mudo ku siman 30 Sano ah. Qaar ka mid ah siyaasiyiin xilal ka soo qabtay dalka iyo Madaxda Hay’adda Bisha ee Somaliya ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Marxuum Somaliya Axmed…
Xoghayaha Guud ee IGAD Maxbuub Macalin ayaa sheegay shirkan inuu ku saabsanaa sidii maalgelin loogu sameyn lahaa dhibaatada balaaran ee ka jirta dalalka gobolka. Wuxuu sheegay in Dowladda Jarmalka ay balanqaaday inay bixiso lacag dhan 20 Million oo lagu taageerayo arrimaha barakacayaasha, qaxootiga iyo muhaajiriinta, balse wuxuu tilmaamay in mashquuraacan aysan ku filneyn lacagtaas, loona baahan yahay dhaqaale dheeraad ah, sidaasi darteedna la abuuray sanduuq dhaqaale lagu aruurinayao. “Shirkan wuxuu ku saabsanaa sidii maalgelin loogu sameyn lahaa dhibaatada badan ee ka jirta gobolka ee ku saabsan qaxootiga, dowladda Jarmalka ay balanqaaday inay bixiso 20 Million balse lacagtaas kuma filna arrimahan,…
Wafti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo safaro ku tagay Dalalka jabuuti iyo Turkiga ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya. Waftiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Sheekh Axmed Khayr, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa iyo La-taliyaha Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha Mudane Balal Cismaan. Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka jabuti kaga soo qeyb galay shir looga hadlayay hirgelinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, xoojinta maalgashiga, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta…
Taliska ciidanka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyey dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee ka dhaca furimaha dagaalka iyo dhacdo ay ku dhinteen saraakiil katirsan Soomaaliland kuwa kalena ku dhaawacmeen oo kutaal inta u dhexaysa Tukaraq iyo Taleex. Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen saraakiil iyo masuuliyiin katirsan Soomaaliland oo ka soo kicitimay Laascaanood kuna sii jeedey Taleex, waxaase Puntland shaacisay inaysan waxba kajirin arrinkaasi uuna gaarigu la dhacay raggii ku dhaawacmay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/eboFv2TO9u0
Ciyaaraha adduunka ee ka socda dalka Ruushka ayaa waxaa lagu reebay wareegyadii ugu horeeyayba dalal la rumeysnaa inay yihiin kuwa ku guuleysan kara. Xulka Belgiumka ayaa ka mid ahaa dalalkii loo saadaalinayay sanadkan inay ku guuleysan karaan ciyaaraha adduunka hase yeeshee waxa ay ku hareen ciyaarta Semi finalka oo ay isku soo beegmeen xulka Faransiiska oo ka mid ah wadamada sanadkan muujiyay awood dheeri ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/q5VnvgsxnsY
Wararka ka imanaya Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in maanta xabsiga magaalada Jigjiga laga soo daayey maxaabiis badan oo ay ku jiraan dad hore u ahaa siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan booliiska. Warar aanu ka helnay dadka degaanka waxay sheegayaan in dad badan oo ehelo ah ay maanta tageen xabsiga lagu magacaabo Jail Ogaden si ay u arkaan dad sannado badan xirnaa oo qaraabadooda ah. Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa toddobaadkii hore daabacday warbixin ay ku faahfaahinayso tacaddiyo ka dhaca jeelkaasi.
Maamulka hadda ka jira Puntland oo si aan waayahan looga baran maamuladii ka horreeyay ku guulaystay midaynta iyo wada jirka beelaha ku bahoobay Dal-Udug. (PL). Waxaan shaki ku jirin in wada jirka iyo midnimada muuqata ay tahay mid lagu faano. Midnimada hadda ka dhex jirta reer PL, waxaa lala barbar dhigi karaa shucuurtii wadjirka lahayd ee 1998, taas oo sabab u ahyad in dhidibbada loo aaso Puntland. Haddaan dib u jalleecno xilligan xilligiisii, sannadkii 2013, waxaa jirtay xiisad iyo khilaafyo beeleed oo meel xun gaaray, waxaa jiray isqabqabsi iyo colaad dhiillo wadatay oo ka dhex jirtay bulashada reer Puntland. Kala…
Maalmihii dambe waxaa sii kor dhayay xiisada u dhaxeysa Soomaalida Dowlad deegaanka Itoobiya iyo Qowmiyada Oromada. Warar kala duwan oo hadda soo baxaya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Qowmiyada Oromada ay gowraceen shan nin oo Soomaali ah, arintaas oo ka dhacday sida la sheegay magaalada Tuli-guuleed oo Soomaalidu ay degto. Dadka deegaanka ayaa sheegay in rag hubeysan oo ka soo jeeda Qowmiyada Oromada ay wadada u galeen shanta nin ee Soomaalida ah islamarkaana halkaas ay ku gowraceen. Majiraan ilaa iyo hadda cid ka hadashay dacdadaasi, waxaana laga cabsi qabaa in ay sii adkaato xaalada dagaal ee u dhaxeeysa…
Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomar) ayaa Xilkii ka qaaday Agaasimaha Guud ee Hay’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi Garre (Yuusuf Jaalle),kadib wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa. Agaasimaha Hay’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Yuusuf Jaalle oo hada ku maqan Dalka Dibadiisa ayaa la sheegay in bilooyinkii la soo dhaafay uu aad u xumaa xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo Wasiirka Duulista iyo Hawada Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar kadib markii ay isku fahmi waayeen arimo khuseeya Shaqada Duulista iyo Hawada Soomaaliya.
Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ku eedeeyay iney ka adkaan waayeen Al-Shabaab walina ay dhibaato badan ka taagan deegaanada Maamulkiisa. “Ciidamada AMISOM waa ku guul dareesteyn iney isu furaan isticmaalka wadooyin muhiim oo ku yaala deegaanada Koofur Galbeed, Gaar ahaan degmooyinka 3-da Gobal ee ka kooban tahay Koofur Galbeed, meelaha qaar way ka raageyn isticmaalkooda shacabna kuma dhiiran karaan” ayuu yiri Shariif Xasan Shiikh Aadan. Hadalkan ayuu ka jeediyay Shalay Baarlamaanka maamulka koofur Galbeed hortooda xili ay halkaasi goob joog ahaayeen Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo laga soo doortay Koofur…
Madaxweynaha Turiga Erdogan oo ku dhowaaqay golihiisa wasiirada cusub ayaa u magacaabay Beraat Albayrak oo ah wiil uu soddog u yahay Wasiirka Maaliyada. Golihiisa wasiirada ayaan laga bedelin xilalkooda Wasiirada Arrimaha Dibadda Mevlut Cavusoglu iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Suleyman Soylu. Madaxda kale ee xilalka loo magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweyne Ku xigeen Fuat Oktay halka wasiirada kale ay kamid yihiin hogaamiyaasha ururada aan dowliga ahayn,ganacsato iyo lataliyaal hore. “Turkiga waxa uu horumarin doonaa dhinac walba sida dimuqraadiyada,xuquuqda aasaasiga ah,xoriyada,dhaqaalaha iyo maalgelinada.”ayuu yiri Madaxweyne Erdogan oo qudbad ka jeedinayay munaasabbada lagu caleema saarayay oo ka dhacday magaalada Ankara. Erdogan…
Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay in la dhammeeyo xiisaddii dagaal ee ka dhaxeysay dalalka Eritrea iyo Itoobiya, kadib markii dhawaan uu dalka Eritrea booqdey ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. War ka soo baxay xafiiska xoghaya arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa lagu sheegey in Mareykanku uu soo dhaweynayo dadaallada ay wadaan ra’iisul wasaare Abiy iyo madaxweyne Afawarke, taas oo lagu soo afjarayo colaadda 20 jirsatay ee labada dal ee Itoobiya iyo Eritrea. Warka ayaa lagu yiri “Xaaladda caadi ka dhigista xiriirka laba dal iyo dhaqan gelinta xiriirka saaxiibtinnimo iyo nabad galyo ee u dhaxeeya Eritrea iyo Itoobiya waxa uu dadka…
Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay, afar kalena waa lagu dhaawacay weerar ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay bariga dalka Afghanistan. Qofka ismiidaamiyey ayaa walxo qarxa oo uu jirkiisa kusoo xiray ku qarxiyey bar amniga laga maamulo oo ku taalla magaalada Jalalabad ee caasimaada gobolka Nangarhar ee ku teedsan xuduudda dalka Pakistan. Afhayeen u hadlay gobolka, Attaullah Khogyani ayaa sheegay in sideed qof oo shacab ah iyo laba ka tirsanaa howlwadeenada sirdoonka dalka Afghanistan ay ka mid yihiin dadka dhintay. Goobjoogeyaal ayaa VOA u sheegay in shaqaalaha amniga ay baarayeen baabuur markii qofka isqarxiyey uu kusoo socday kadibna isqarxiyey.…
Bilihii ugu dambeeyay waxaa warbaahinta uu wajigiisa caan ka noqday Cabdicasiis Xildhibaan oo ahaa afhayeenka wasaaradda amniga ee dowladda federaalka, wuxuuna warbaahinta kasoo hormuuqan jiray markasta oo ay dhacaan falal amniga lid ku ah ama marka hawlgal la sameeyo. Balse shalay war qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in xilkii afhayeenka iyo waliba la taliyenimada laga qaaday Cabdicasiis. Hase yeeshee Cabdicasiis oo laftiisa hadlay ayaa sheegay in 5tii bishan July uu gudbiyay istaqaaladiisa, isaga oo sabab uga dhigay kadib markii uu dhacay weerarkii qaraxa ahaa ee lagu qaaday wasaarada amniga. Hadalkii la qoonsaday? “Suurto-gal ma aha…
Kalafadhiga 5-aad ee Baarlamaanka maamulka K/galbeed ayaa goor dhow ka furmay magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee maamulkaas. Kulanka waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kulanka daah furay iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan oo hadda khudbad ka hor jeedinayo munayaasha Baarlamaanka maamulkaasi iyo Xubno kale. Guddoomiyaha golaha Shacabka waxaa uu sheegay in qorshaha uu yahay in la sii xoojiyo xiriirka wada shaqeynta iyo iskaashiga ku dhisan ee Ka dhaxeeya golaha Shacabka iyo golayaasha sharci dejinta ee Dowlad Goboleedyada, isagoo tilmaanay in Maadaamaa Dalka uu qaatay nidaamka federaalka loo baahanyahay…
Xeer ilaaliyaha Maxkamadda sare ee Jubbaland Barre Ibraahim Axmed ayaa dhaariyay masuuliyiinta, ayadoo xubnahan ay gacanta saareen kitaabka qur’aanka kariimka ah, kuna dhaarteen in ay waajibaadkooda u gudan doonaan si waafaqsan shareecada Islaamka islamarkaana ku dhaqmi doonaan dastuurka dowlad goboleedka Jubbaland. Xubnaha maanta xilalkooda loo dhaariyay ayaa kala ah; Dr. Mursal Max’ed Khaliif, Wasiirka wasaaradda caafimaadka Jubbaland Eng. Cabdi Xuseen Max’ed Wasiirka wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubbaland Mudane Cumar Max’ed Cabdi, Wasiirka wasaaradda dastuurka iyo arimaha Federaalka Jubbaland Mudane Caydiid Saleebaan Xaashi, Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo dalxiiska Jubbaland Mudane Max’ed Xasan Max’ed, Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa…
Halkan ka akhriso:-
Wasiirka qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta Jamaal Maxamed Xasan oo ka warbixiyay kormeerka Ra’iisul Wasare Xasan Cali Khayre uu ku tegay xarunta wasaaradda ayaa sheegay in uu xog badan ka siiyay heerka uu marayo dhaqaalaha dalka, kobaca dhaqaalaha, qiimaha maciishadda kala duwan ee dalka, qorshaha qaranka, mashaariicda kala duwan ee ka socda dalka, wax soo saarka dalka (GDP), maalgashagiga dalka, fursadaha iyo caqabadaha jira, iyo dhismaha golaha dhaqaalaha. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kormeeray xafiisyada wasaaradda waxa uuna mid mid u waraystay agaasimayaasha waaxyada kala duwan iyo shaqaalaha wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta, waxa ayan uga warbixiyeen shaqada ay qaranka…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Ankara halkaas oo maanta lagu qabanayo munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha ayaa yiri; “Madaxweynaha waxa uu halkan u yimid inuu ka qeyb qaato waaga cusub ee u baryaya walaalaheenna reer Turkiya keddib natiijadii doorashadii madaxtinnimo, waxaana rajeynaynaa in xiriirka soojireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiya heerka uu haatan taaganyahay inuu kasii xoogeeysto.” Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka soo kicitimay magaaladda Jabuuti halkaas oo ay uga soo qeyb galeen Shirka Iskaashiga Afrika iyo…