Author: Jibril Qoobey.

Fahad Yaasiin oo dowladda Qadar u shaqeeya (yacni jaajuus) ayaa meel walba xirtay xukunkana gacanta ku haya, dh Dhibaato ayuu nidaamkii xukun ee soomaalida u geystay,wuxuu bixiyaa laaluush ka yimid dowladda Qadar taas oo la siiyo shakhsiyaad soomaali ah. W Wuxuu caawiyay doorashadii Farmaajo isagoo ku caawinaya dhaqaale ay Qadar bixisay. Wuxuu khatar ku yahay deganaanshaha gobolka sida dowladaha soomaaliya la deriska ah & kuwa caalamka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/XoqgdTOj_rM

Read More

Si aan ka gabasho lahayn oo dhaqkhso ah,waa in looga shaqeeyaa soo celinta xiriirkii wanaagsanaa ee aan la lahayn dowlada Imaaraadka Carabta”ayuu yiri Madaxweyne Gaas. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri”Xiriirku waa in uu kusoo laabtaa siduu ahaan jiray markii uu joogay ra’isalwasaarihii hore”. Shacabka Somaliyed ayaa baahi uqaba xiriirka Imaaraadka oo wanaagsanaada maadaama Umada Somaliyed ay dhan walba uga maarmin dalka Imaaraadka Carabta. Dadka falanqeeya siyaasada Somaliya ayaa ku tilmaamay hab dhaqanka dowlada Fadaraalka ah ee ay majaraha u hayaan xiligan kooxda Nabad iyo Nolol mid qar iska xoornimo ah oo aan ku salaysnayn rabitaanka shacabka iyo danaha dalka.…

Read More

5-qof ayaa ku geeriyootay,sidoo kale tiro kale ayaa ku dhaawacantay dagaalkii saakay dhexmaray Ciidamada xerada Jeneral gordon ee Imaaraadku tababara ijiray iyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Fadaraalka ah.   Wararka ayaa sheegaya in weerarkan ay ku lugleeyihiin saraakiil ka tirsan Milatariga Dowlada Fadaraalka Soomaaliya kuwaas oo isku dayay in ay Gaadiid kala baxaan Xerada Ciidanka. Ciidamada ku sugan Xarunta uu ka guuray Imaaraadka ayaa saraakiisha Ciidanka Milatariga dwolada Fadaraalka waxa ay u diideen in ay Gaadiid dagaal kala baxaan Saldhigga,hayeeshee ay rasaas kala hortageen. Ciidamada weerarka ku qaaday Saldhigga dhawaan laga guuray ayaa la sheegayaa in uu wato Abaanduulaha…

Read More

Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa ku dagaallamay Xerada Jeneraal Gordan oo ku taalla Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.   Warar soo baxaya ayaa sheegaya in weerarkan ay ku lugleeyihiin saraakiil ka tirsan Milatariga Dowlada Fadaraalka Soomaaliya kuwaas oo isku dayay in ay Gaadiid kala baxaan Xerada Ciidanka.   Ciidamada ku sugan Xarunta uu ka guuray Imaaraadka ayaa saraakiisha Ciidanka xoogga dalka waxaa ay u diideen in ay gaadiid dagaal kala baxaan Saldhigga,hayeeshee ay rasaas kala hortageen.   Ciidamada weerarka ku qaaday Saldhigga dhawaan laga guuray ayaa la sheegayaa in uu wato Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdullahi…

Read More

Magaalada Kambaala ee caasimada dalka Ugandha ayaa waxaa ka furmaya shir laba maalin ka socon doono oo looga hadlaya xaaladaha ka jira dowladaha Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan. Kulanka urur Goboleedka IGAD ee berri ka furmaya Kambaala ayaa waxaa ka qeyb gala Wasiirada Arimaha dibada, Wasiirada Arimaha Guddaha ee wadamada ku jira Ururkaani, Xildhibaano iyo Khuburo kala duwan oo ka socda hay’addaha caalami ah. Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa looga hadlayaa dhaq dhaqaaqa xorta ah  ee Qaxootiga labadaasi Waddan ee gudaha dalalka IGAD, Qaxooti badan oo Soomaali ah ayaa ku jira xeryaha Qaxootiga ee dalka Ugandha. Dowladaha ku mideysan urur Goboleedka…

Read More

Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Federalka Soomalaiya  ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi. Cabdicasiis Lafta Gareen oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inuu doortay iscasilaadaasi, kadib markii sida uu sheegay uu isku soo sharaxay xilka afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa uu sheegay inuu yahay Musharax u taagan qabashada xilka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya, sidaasi awgeedna booska Wasiiru dowlaha uu isaga casilay. Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa 9-kii bishan April iska casilay xilka Guddoonka, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay in booskaas lagu buuxiyo mudo 15 maalmood…

Read More

Xaqiiqdii waa waxaan la inkiri karin mudana in lagu bogaadiyo Ururka Karkaar Foundation ee u istaagay horumarinta Deegaamada Puntland. Karkaar Foundation,ayaa tababaray 10-kalkaaliso Caafimaad mudo Lix bilood ah,kuwaasoo laga kala keenay Deegaamada ka fog laamiga ee aan sida fudud lagu gaari karin. Xaflad qalanjabina oo loo sameeyay ayaa waxaa kasoo qaybagalay masuuliyiinta Gobolka iyo qaybaha bulshada. Kalkaalisooyinkan ayaa dib ugu laaband oona Deegaamadii markii hore laga keenay,iyagoo halkaa ska shaqo gali doona. Ururka karkaar Foundation ayaa gacanta ku hayay mudadii uu tababarku u socday Kalkaaliyayaashan Caafimaad,waxayna si joogta ah ubixinayeen kharashaadka ku baxayay.tababarkooda iyo Noloshoodaba., Agaasimaha Karkaar Foundation Cali Ciise…

Read More

Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare iyo Wasiirka Cadaaladda Puntland oo ka qeyb galay tababarka ayaa sheegay in u jeedka laga leeyahay uu yahay in Ciidamada la siiyo Aqoon dheeraad ah, waxna laga baro habka loola dhaqmo Maxaabiista.   Tiradooda ayay gaareysaa 54-xubnood, iyagoona Muddo 10-Cisho ah qaadan doona Tababarkaasi, 44-kamid ah waxaa laga soo qaaday Magaalada Muqdisho, halka 10-ka kalane laga diyaariyay Xabsiyada Puntland.   Tababarkan ayaa noqonaya kii Afaraad oo ka furma Magaalada Garoowe.oo lagu tababarayo ciidmaada Asluubta Koonfurta dalka,gaar ahaan Magaalada Muqdisho.   Ciidamada Asluubta Puntland ayaa ah kuwa ugu diyaarsan uguna tababrka fiican guud ahaan Somaliya,sidoo…

Read More

Wasiirka Wasaarada Dastuurka Xukumadda Fedraalka Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil ayaa sheegay in aan loo baahneeyn in ay iscasilaan  xubnaha wasiirada ah ee u tarmaya gudoomiyaga golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Isagoo ka jawaabayay su’aal uu sheegay in Saaxibkiis uu soo weeydiiyay ayuu Wasiir xoosh bartiisa facebook u soo qoray in Wasiirada u hanqal taagaya qabashada xilka Guddoonka Golaha Shaacbka ayuu yiri looma baahna in ay xilka iska casilaan ilaa iyo inta ay kaga guuleysanayaan xilka Guddoonka Golaha Shacabka. Guddiga Doorashadda ee gudoomiyaha golaha shacabka ayaa Wasiiradda kusiga daneeynaya hordhiga shuruud ah in ay xilkooda iska casilaan ka hor inta aysan…

Read More

Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka ee shalay la doortay oo kulankoodii labaad ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay soo saareen Jadwalka Doorashada Guddoonka Golaha. Marka ugu horeysa Musharaxiinta ayaa la faray in Araajiyadooda ku soo hagaajiyaan Guddi-hoosaaska Diiwaangelinta Musharaxiinta oo fadhigooda yahay xarunta Villa Hargeysa. Musharaxiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka kana mid ah Golaha Wasiirada ayaa laga dalbaday in Guddiga qaban qaabada ay u keenaan cadeyn ku xusan is casilaadiisa marka uu is diiwaangelinayo. Sida ku xusan warqada is Diiwaaneglinta Musharaxiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxa ay soconeysaa 23-ka…

Read More

The United States Department of State on Saturday announced that a top official on African Affairs was due to tour three East African countries between April 22 – April 26. Principal Deputy Assistant Secretary for African Affairs Ambassador Donald Y. Yamamoto will start off his tour in Eritrea, head to Djibouti and round off his activities in Ethiopia. He arrives in Eritrea today (April 22) with the three-day working tour according to the Department of State centering on “bilateral consultations with Eritrean government officials, to meet with the diplomatic community, and to visit the Embassy’s staff based in Asmara. “He…

Read More

Shacabka Magaalada Bosaso ,ayaa si weyn usoo dhaweeyay dhismaha mashruuca dekeda Bosaso ee ay maalgashanayso shirkada  DPWORLD ee laga leeyahay dalka imaaraadka Carabta,sidoo kale shacabka ayaa taageeray xiriirka Puntland iyo dowlada imaaraadka Carabta isla markaana garab istaagay go’aankii Madaxweyne Gaas. Maalmo ka hor ayay ahayd markii Madaxweyne Gaas si cad u cadeeyay taageerada Imaaraadka sida ay muhiim ugu tahay Puntland,kadib saxaafada qaarkeed oo baahisay in tababarayaashii Imaaraadka ee ku sugnaa Puntland iskaga baxeen. Madaxweyne Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa hada ku sugan imaaraadka,iyagoo halkaas ujooga kala xaajoodka masuuliyiinta dalkaas xiriirka Puntland iyo imaaraadka,gaar ahaan dhanka amaanka iyo mashaariicda horumarineed,hoos…

Read More

Wararka ka imanaya dalkaasi Nigeria ayaa sheegaya in dad isa soo miidaamiyay ay ugu yaraan 4 qof ku dileen, dad bandanna ay ku dhaweceen Misaajid ku yaalla Waqooyi bari magaalada Bama ee gobolka Borno.   Saraakisha gurmadka degdegga ah ayaa sheegay in laba dhalinyaro oo rag iyo dumar kala ah oo isa soomidamiyay ay masjid gudaha u galeen ka dibna ay isqarxiyeen xilli lagu guda jiray salaada subax.   Dhaawacyada ayaa waxaa loo qaaday cisbitaalka guud ee magaalada Maiduguri oo toddobaatan kiloomitar u jirta magaalada Bama oo ah goobta weerarku ka dhacay.   Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay…

Read More

Nin bam isku soo xiray ayaa Axadi maanta ku dhawaad 50 ku dilay, xarun ku taalla magaalada Kabul oo dad badan loogu qeybinayay kaararka aqoonsiga codbixinta Afghanstan.   Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Afghanstan, Najeeb Danish ayaa sheegay in qofka bamka watay uu dhexda ka galay dad saf ugu jiray qaadashada kaararka aqoonsiga bannaanka iskuul ku yaalla caasimadda Kabul.   Xarumaha caafimaadka ayaa sheegay in tiro 100 ka badan ay ku dhaawacmeen weerarka. Dadka dhaawaca ah ayaa waxaa ku jira 10 ruux oo xaaladdoodu ay halis tahay.   Madaxa Fulinta Dowlada Afghantan Abdullah Abdullah ayaa cambaareeyay weerarka oo uu…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre, ayaa maanta daah-furay Barnaamijka Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee dawladda, kaas oo looga dan leeyahay in la helo xog dhamaystiran oo ku saabsan shaqaalaha. Waxaan ka soo qayb galay xubno ka socday gollaha Wasiiradda iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha iyo shaqaalaha dawliga ah. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in shaqaalaha Rayidka ah ay aasaas u yihiin nidaamka dawliga ah ee dalka, lagamana maarmaan ay tahay in la helo tirada saxda ah ee Shaqaalaha, si loo gaaro hadafyadda dawladdu uu hogaaminayo Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xukuumaduna ay fulinayso. “ In la…

Read More

SIDA AYNU LAWADA SOCONO WAXAA SEDDEXDII SANO EE AYNU SOO DHAAFNAY HAREEYEY DALKEENA ETHIOPIA MUDAAHARAADYO IYO RABSHADO KA BILLAABMAY CAASIMADDA ADDIS ABADA IYO HAREERAHEEDA KOLKII DAMBENA KU FAAFAY DEEGAANADA OROMIYA IYO AMXAARADA,KUWAAS OO QALQAL GELIYEY NABADDA,HORUMARKA IYO DIMUQARAADIYADA DALKEENA ETHIOPIA UU CAANKA KU AHAA;WAXAANA AAD U BUUNBUUNIYEY INTA NECEB JIRITAANKA IYO WADAJIRKA UMMADDEENA.   WAXAA MARKHAATI MA DOONTO AH IN QASKAN IYO DHIBTAN DHACDAY AY AHEYD MU´AAMARADO DIBADDA LAGA SOO MALEEGAY LOONA SOO XAWILAY ETHIOPIA.   WAXAA 15 FEBRAAYO 2018 IS CASILAY RAYSAL-WASAARE HAILEMARIAM DESALEGN,WAXAA MARKIIBA SHIRAR HOOSAAD U FURMAY URURADA KU BAHOOBAY EPRDF OO KALA AH : TPLF,OPDO,ANDM,SEPDM. KADDIB…

Read More

Warbaahinta dawladda ayaa sheegtay in ciidamada nabadgelyaa Sucuudigu soo rideen diyaarad yar oo aan duuliye lahayn oo dul heehaabaysay xaafad ay ku yaallaan qasriyada boqortooyada ee magaalo madaxda Riyaad.   Wakaaladda wararka Sucuudiga oo soo xigatay af-hayeenka booliska Riyaad ayaa sheegtay in uu yidhi “abaaro todobadii fiidnimo habeenkii Sabtida ayaa ciidanka nabad gelyadu ee xaafadda Al-Khisaami ee magaalada Riyaad waxay ka war heleen diyaarad yar oon duuliye lahayn oo ah nooca madadaalada loo kiciyo.”   Af-hayeenku waxa uu intaa ku daray in ciidanka nabadgeladu qaadeen “talaabadii haboonayd ee amrka lagu siiyey” taas oo ahayd in ay soo ridaan diyaaraddaa yar.…

Read More

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa oo waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu jiray heshiis la xiriira dekedda Berbera oo ay la galeen Imaaraadka Carabta. Sharma’arke ayaa sheegay in uusan jirin muddadii uu xilka hayay heshiis militari iyo mid ganacsi oo dhaxmaray iyaga iyo Imaaraadka Carabta. ‘’Waxaan idin cadeynayaa labadii sano ee aan dalka ra’iisal wasaaraha ka ahaa ma jirin wax heshiis militari ama ganacsi ah oo na dhaxmaray Imaaaraadka, gaar ahaan haddii ay ahaan lahaayeen arrimaha dekeddaha sida Berbera ama Boosaaso’’ ayuu yiri Cumar C/rashiid. Laakiin wuxuu sheegay in uusan ka warqabin ama ka…

Read More

Qulqulada Ka Dhex Aloosan Gacanka Carbeed (GCC) Iyo Saamaynta Soomaaliya   Maxay Salka Ku Haysaa Quluqulada Dawladaha GCC   Wadamada Ku bahoobay Iskaashiga Gacanka Carbeed (Gulf Cooperation Council- GCC) waxay kala yihiin Sacuudiga, Imaaraadka, Kuwayt, Qadar, Cumaan, iyo Baxrayn.  Waxay markii uugu horeysey hashiiskaan wada galeen dhamaadkii 1981.  Isbahysigoodu wuxuu ku salaysan yahay inay mideeyaan cududooda dhaqaale, siyaasadeed, iyo tan ciidaanba. Horumar weyn ayey ka gaareen 36kii sano ee ka danbaysay markii la aasaasay iskaashigaas. Awooda dhaqaale oo ay rabeen inay adduun-weynaha kula tartamaan waxaa u dheeraa inay yeeshaan mid siyaasadeed iyo mid ciidan oo ay rabaan inay iskaga gaashaan-buurtaan…

Read More

President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Mohamed Abdulahi Farmajo on Saturday received credentials from Qatari Ambassador to Somalia, H.E. Hassan Hamza Asad who was appointed to represent his country here in Mogadishu,Somalia, SONNA reported.   Ambassadir Asad conveyed a message of greeting from Qatari Amir, Sheikh Tamim Binu Hamad to the President, Farmajo during his meeting with the President today. Mr. Asad said that he would take his role in enhancing ties and cooperation between the two nations.   The President thanked Qatari Amir and his people for their readiness in strenghening relations with Somalia, telling the such…

Read More

Munaasabad si weyn loosoo agaasimay ayaa lagu qabtay Iskuulka Darwiish eecaasimada Puntland  Garowe. Munaasabadan ayaa waxaa ku qalanjabinayay Ardayda iskuulkaas ee dhamaysatay waxbarashadooda Dugsiga Hoose-Dhexe una gudubtay Dugsigooda Saee. Masuuliyiin kala duwan iyo qaybaha Bulshada ayaa kasoo qaybgalay xafladaas,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/cVDWYgbl68I

Read More

25-arday,ayaa  ka qalanjabiyay Dugsiga Hoose-Dhexe ee Girible ee Magaalada Bosaso. Ardaydan ayaa ugudbay Dugsiga sare waxayna soo gabagabeeyeen dugsigoodii Hoose-Dhexe. Xaflad qalanjabina oo aad loosoo agaasimay ayaa loogu qabtay Magaalada Bosaso,taaooo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin,waalidiin iyo Culumo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/8yded50FUiY

Read More

Dagaal ayaa ka dhacay xaafada Xamar Jadiid ee degmada Warta-Nabada kadib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamo ka tirsan dowladda ku leeyihiin agagaarka halka loo yaqaano Sargaduuda ee Xaafada Xamar Jadiid.   Dhawaaqa rasaasta ay labada dhinac ay iswaydaar sanayeen ayaa laga maqlayay aagaas, waxaana weerarka uu ahaa mid bambaanoooyinka gacanta laga tuuro ku bilawday. markii hore.   Xaalada goobtii uu dagaalka ka dhacay ayaa Degan, mana jirto ilaa iyo hada khasaare la xaqiijiyay oo goobtaas ka dhacay,waxaana howlgallo ka wada ciidamada dowladda Fadaraalka Soomaaliya.   Laamaha amaanka dowlada fadaraalka ayaan wali ka hadlin dagaalkan.

Read More

Warar naga soo gaarayo magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland,ayaa sheegaya in xabsiga laga sii daayay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow kaasoo labadii maalmood ee la soo dhaafay ku jiray xabsi.   Taliyaha Booliska Maamulka Somaliland maalin ka hor warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow uu ku kacay fal lid ku ah Qaranimada Somaliland sidaasina lagu xiray maxkamadna la soo taagi doono si loogu qaado danbiga lagu soo oogay.   Xariga boqor Buurmadow ayaa dadweyne degan degmada Ceel afweyn u mudaahraadeen, isla markaana xarigiisa ku tilmaameen mid sharci daro ah.   Maamuladii soo maray Somaliland ayaa…

Read More

Hadalkii ay ku sheegtay Kuuriyad Woqooyi in ay hakinayso barnaamijkeeda nukliyeerka iyo tijaabada gantaalaha, ayaa dunida aad looga soo dhaweeyey. Hogaamiyaha dalkaas Kim Jong-un ayaa sheegay in tijaabooyin dambe oo dheeraad ah aan loo baahnayn, maadaama Kuuriyada Woqooyi muujisay in ay haysato hubka nukliyeerka. Donald Trump ayaa go’aankaa ku tilmaamay in uu yahay “war dunida u wanaagan”, Kuuriyada Koonfureed na waxay sheegtay in tallaabadaasi tahay hor u kac macno leh. Midowga Yurub ayaa isaguna yidhi waa mid “togan” laakiin waxa uu ku baaqay in dalkaasi gabi ahaanba nukliyeerkiisa baabiiyo. Kuuriyada Woqooyi waxay u diyaar garoobaysaa shir madaxeed taariikh ah oo…

Read More

Madaxweyne Dowlada Puntland ayaa saakay u socdaalay dalka isutaga Imaaraadka Carabta.kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dowlada Imaaraadka Carabta.  Diyaarad khaas ah,ayaa ka qaaday garoonka diyaaradaha ee Magaalada Bosaso Madaxweynaha iyo wafti uu hogaaminayo.   Socdaalka Madaxweyne Gaas,ayaa kusoo aaday ka gadaal markii maalmo ka hor uu cadeeyay taageerada imaaraadka sida ay muhiim ugu tahay Puntland.   Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa gabi ahaanba joojisay tababaradii iyo taagaeeradii ay siin jirtay ciidamada dowlada fadaraalka ee Muqdisho.   Socdaalka Madaxweyne Gaas ee Imaaraadka ayaa ah mid muhiimad gaar ah leh madaama Madaxweynuhu yahay Gudoomiyaha madasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 21 April 2018 waxaa uu wareegto klu magacaabay Guddiga Hagaajinta Bilicda Iyo Soo Celinta Hantida Dowladda ee Degmadda Boosaaso. Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland oo sumadiisu tahay MW/DPS/267/2018, Boosaaso. ku: Dhammaan Wasaaradafa iyo Hay’adaha Dowladda ee Gobolka Bari Og: Guddoomiyaha Gobolka Barri Og: Guddoomiyaha Degmadda Boosaaso Og Taliyaha Qaybta Booliiska Bari Ujeeddo: Magacaabid Guddiga Hagaajinta Bilicda iyo soo celinta hantida Dowladda ee Degmadda Boosaaso. Waxaa wasaaradaha iyo Hay’adaha ay warqadaani sida tooska iyo ogeysiinta ugu socoto lagu wargalinayaa in la magacaabay guddiga…

Read More

Dowlada Fadaraalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay ciidankiii Milatariga ay tababareen dowlada Imaaraadk,a kadib markii dowlada Imaaraadka shaacisay in ay joojisay taageeradii iyo tababaradii ay ciidankaasi siin jireen. Abaanduulaha Ciidanka Xooga Soomaaliyeed Jeneraal Cabdulaahi Cali Caanood oo saakay tagay xerada Jeneraal Gordan ee dagan yihiin ciidanka ay tababartay dowlada Imaraadka ayaa sheegay in dowlada maanta si rasmi ah ula wareegtay ciidankaasi. Waxa uu sheegay Abaanduulaha in si buuxda taliska ciidanka ula wareegtay Ciidankan ay tababartay dowlada Imaraadaka iyaga iyo hubkooda, waxa uuna sheegay in hada kadib xaquuqdooda ku leeyihiin dowlada,hoos ka daawo muuqaalka. …

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay safiirka Qatar ee dalka Soomaaliya. Dowladda Qatar ayaa safiirkeeda cusub usoo magacowday dalka Soomaaliya, waxaana maanta si rasmi ah looga guddoomay warqadahiisa aqoonsiga ee safiirnimo. Xasan Xamsa Asad, Safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya ayaa lagu qaabilay madaxtooyadda Soomaaliya, waxaana madaxweynaha uu ka guddoomay warqadahiisa aqoonsiga. Xasan Xamsa ayaa ah Safiir awoodiisa dhameystiran tahay oo uu dhowaan soo magacaabay Amiirka Qatar, waxaa uu horay u ahaa Sii Haye Safiir. Dowladda Qatar ayaa xilligan saameyn ku leh siyaasadda dalka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in dhowaan Madaxweyne Farmaajo uu booqasho rasmi…

Read More

Madaxweynaha dalka Sudan Omer Al-Bashir ayaa booskiisa ka ceyriyay wasiirkii arimaha dibadda dalkaas, sidaa waxaa lagu sheegay war lagu dabaacay wakaalada WARARKA Sudan ee SUNA.   “Madaxweynaha Sudan waxaa uu booskii ka bixiyay wasiirkii arimaha dibads Ibrahim Ghandiur ,” ayaa lagu daabacay wakaaladda SUNA.   Laakiin, arinta yaabka leh ayaa ah ineysan jirin wax sabab ah oo uu madaxweynuhu u adeegsaday xilka qaadistaas wasiirka lagu sameeyay.   Warbixin ay wasaarada Arimaha dibadda kusoo bandhigtay kulankii Baarlamaanka Sudan talaadadii lasoo dhaafay ayaa uu wasiir Ghandour ku sheegay in wasaaraddiisu ay haystaan dhibaatooyin dhaqaale oo qoto dheer, isaga oo intaa ku daray…

Read More

Waqti badan waxan geliyay fal shalay oo bishu aheyd 19ki April 2018 ay ciidanka nabadsugidda ku weerareen xafiis aan ku lahaa dekedda Xamar maadaama aan waddanka ka maqanahay si aan xaqiiqda u ogaado.   Waxa ogaaday in weerarkaas uu dhab ahaa, haddaba *NISA* iyo cidi soo amartayba, iyagoo ogsoon inaan ahay xildhibaan qaran oo ayna jirin meel xasaanadi xildhibaanimo la igaaga qaaday ama haddaan sikale u dhigo falka noocaas oo kale ey suurtageli karto marka ay jirto fal dembiyeed uu markaa xildhibaanka uu gacanta kula jiro ama hoygiisa iyo xafiisyadiisa ay ka dhacayaan laakinse iyadoon intaaba jirin uu falkaa ee…

Read More

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in madaxweyne Vladimir Putin uu doonayo inuu aqbalo casuumaad uu u fidiyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump si ay ugu kulmaan Washington.   Wareysi uu siiyay wakaaladda wararka Ruushka ee RIA Novosti, ayuu Lavrov ku sheegay in Putin uu diyaar u yahay kulankaasi.   Lavrov wuxuu sheegay in dhowr jeer oo ay khadka telefoonka ku wada hadleen labada madaxweyne, uu Trump soo celceliyay mowduuca casuumadda, sidoo kalana sheegay inuu aad ugu farxi lahaa booqasho uu ku tago Ruushka.   Labadan madaxeyne ayaa ku heshiiyay shir ay suurtagal tahay in ay ku yeeshaan magaalada…

Read More

” Waxaan idiin sheegayaa nin saddex sano iyo bar Wasiir ahaa oo warqad uu leeyahay kabaxa Puntland u diray Shirkada CCECC, oo Hadda u Tartamaya Mashruuca Dekedda Boosaso ” ! “Sadex sano iyo bar ayuu Wasiir Ahaa miyuu Ku Qanci Waayay, Hal sano iyo Barkii ka haray Dowladda Hadii nin kale oo walaalkiisa Yimid, oo isku reer Yihiin Muu Yiraahdo Alxmadulilah, Wuxuu Qaadan Karay Qaadaye.” Ayuu Yiri Madaxweyne Gaas,,hooos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/_WsOVFR5ylk

Read More

Wasiirka arimaha dibada Dowlada Fadaraalka Somaliya,ayaa ka hadlay heshiiska Dekeda Berbera. Mar uu soo hadal qaaday warkii dhawaan ka soo yeeray Wasiiru-dowlaha arrimaha dibada Imaaraadka Anwar Gargash ee ahaa in heshiiska dekedda Berbera ay wax ka ogaayeen dowladdihii hore ee Soomaaliya, waxaa uu sheegay Wasiir Cawad in dowladda Soomaaliya ee hadda jirta marnaba ka war qabin heshiis arintaa ku saabsan oo dhaxmaray Imaaraadka iyo dowladdihii hore.   ‘’Waan dhageystay Wareysiga Wasiirka waxaa uu sheegay Is faham in uu jiray, laakiin ma uusan sheegin wax heshiis ah oo qoran oo labada dhinac dhaxmaray, Annagana ka dowlad ahaan ma aanan arag heshiis…

Read More

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isla gartay in Kulanka Berri ay Xarunta Golaha Shacabka ku leeyihiin Baarlamaanka looga dhawaaqo Magacyada Xubnaha Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka.   Liiska Xubnaha ayaa ka koobnaan doono 15-Xubnood oo ka kala imaanaya 5-ta Beel ee Awood qeybsigeedu ku dhisan yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Beel waliba xubnahaan ugu jira 3-Xubnood.   Fariin Ballameedka Xildhibaanada Baarlamaanka ee Kulanka Berri ayaa lagu wargeliyay in Kalfadhiga 3-aad, fadhigiisa in ay kaga hadlayaan Doorashada Guddiga.   “Mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS ayaa Berri oo Sabti ah yeelan_doona Kalfadhiga 3_aad kulankiisa 3_aad ee Golaha Shacabka.   Ajendaha kulanka ayaa ah ku…

Read More

Xulka Qaranka Kubada Cagta Dalka Soomaaliya ee da’doou ka hooseysa 17-jirada ayaa waxay guul muhiim ah ka gaaareen dhigooda Kenya tartanka Cecafa ee 17-jirada ayadoo Soomaaliya iyo Kenya ay wadageen min afar dhibcood ka hor inta aysan bilaaban Ciyaarta waxaana ay ahaayeen labada dal ee ugu sareeyay Group-ka A.   Soomaaliya ayaa goolka ka heshay Farxaan Duqoow oo lambarka 11-aad u watay dhalinta Soomaaliya waxaana guushan ay tahay Mid aad muhiim ugu ahayd xulka qaranka 17-jirada waxaana taasi ay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay u soo gudubtay wareega xiga ee tartanka ayadoo 7-dhibcood Urursatay Sadex Kulan oo ay Ciyaartay…

Read More

Ururka ONLF ayaa sheegay in dawladda Itoobiya ay xabsiga kasii daysay Bashiir Axmed Makhtal oo dalkaasi ku xirnaa tan iyo sannadkii 2006 loona haystay eedo ah inuu ka tirsan yahay ururka ONLF.   Bashiir Makhtal ayaa maxkamadda Itoobiya waxay ku xukuntay xabsi daa’im iyadoo ku eedaysay falal argagixiso ah,inkastoo uu beeniyay dhamaan eedaymahaas.   Bashiir ayaa kamid ahaa asaasayaashii Ururka Nasrulaahi oo ka hor jamhada ONLF ka dagaalami jirtay deegaamada DDSI,,sidoo kale Bashiir Makhtal,ayaa waxaa sodog u ahaa hogaamiyihii koowaad ee Jamhada ONLF.Shiikh Ibraahim Cabdalla Maax.   Sii daynta Bashiir Makhtal ayaa waxaa xaqiijiyay Af-hayeenka ONLF Cabdulqaadir Xasan Hirmooge.

Read More

Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in loo baahan yahay in waddamada caalamku ay ixtiraamaan madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.   Wasiirka oo maalmahan ku sugnaa magaalada Washington,ayaa sidoo kale kawar bixiyay sida dwoladu ula wareegtay lacagtii ahayd 9-ka milyan ioyo lixda boqol ee kun ee dollar ee dawladdu ka qaadday diyaarad ay lahayd dowlada Imaaraadka Carabta,hoos ka dhagayso codka. Halkan hoose ka daawo Wasiirka https://youtu.be/BmiYv3vDnsg

Read More

Baarlamaanka Fadaraalka Ethiopia ayaa markii ugu horeysay loo doortay in guddoomiye ay ka noqoto haweeney waxaana xilkaas la wareegay wasiirkii hore ee haweenka dowlada Ethiopia Muferiat Kamil.   Sida ay shaacisay wakaalada wararka ee FANA Muferiat Kamil ayaa waxa ay bedelaysaa Abadula Gemeda oo xilkaas hayay tan iyo sanadkii 2010.   Afhayeenka cusub ee Baarlamaanka Ethiopia Muferiat ayaa waxaa ay xubin ka tahay xisbiga (SEPDM) oo ka mid ah faracyada uu ka kooban yahay xisbiga haya talada dalkaas ee EPRDF.   Muferiat Kamil ayaa ku soo biirtay baarlamaanka dalka Ethiopia sanadkii 2008 iyadoo noqotay qofkii ugu da’ada yaraa ee xubin…

Read More

Xubno Wasiiro ah ayaa dowlada Fadaraalka Soomaaliya ku matalayay shir caalami ah oo ka dhacay xarunta Bankiga Aduunka ee dalka Mareykanka.   Shirka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay dalalka deeq bixiyeyaasha Mareykanka, Britain, Norway, Midowga Yurub, Q.M iyo hay`ada lacagta aduunka ee IMF.   Dalalka deeq bixiyeyaasha ayaa sheegay in shirkaan uu yahay mid lagu gorfeynayo xaaladaha dhabta ah ee ka jirta dalalka saboolka ah.   Soomaaliya ayaa shirkaan waxaa ugu qeyb galay Wasiirka Maaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, iyo Wasiirka Kaluumeysiga Cabdiraxmaan Cabdulaahi Xaashi, kuwaas ayaa xubnihii shirkaas ka soo qeyb gashay ka dalbaday in…

Read More

1️ Ambassador Teshome Toga, Minister of State Enterprises 2 Dr. Hirut Woldemariam, Minister of Works & Social Affairs 3 Ato Siraj Fegessa, Minister of Transport 4 W/ro Ubah Mohammed, Minister of Communications & Technology 5 Dr. Ambachew Mekonnen, Minister of Industry 6 Ato Ahmed Shidie, Minister of Government Communications 7 Ato Shiferaw Shigute, Minister of Agriculture & Livestock Resources 8 Ato Motuma Mekassa, Minister of Defense 9 Dr. Amir Aman, Minister of Health 10 W/ro Fozia Amin, Minister of Culture & Tourism 11 Ato Umar Hussien, Director of Revenues & Customs Authority 12 Ato Meles Alemu, Minister of Mines &…

Read More

Ra’isul wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa maanta magacaabay golihiisa wasiirada.   Golaha wasiirada cusub oo ka kooban 16 wasiir ayaa waxaa ku jira wasiiro hore oo xilal kale loo magacaabay, waxana ka mid ah wasiirkii hore ee macdanta, oo hadda laga dhigay wasiirka gaashaandhigga iyo wasiiro kale.   2dii Bishan ayaa Abiy loo dhaariyay Ra’isul Wasaaranimada Itoobiya.   Waxaana Wasiirka Warfaafinta loo magacaabay Axmed Shidde oo ka soo jeeda dowlad Degaanka Somalida Itoobiya kana tirsan Xisbiga Talada Maamulka Dowlad Degaanka haya.   Axmed waxaa lagu beddelay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Itoobiya Negeri Lencho,waxaana magacaabistan ay ka mid tahay…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 19 April 2018 waxaa uu magaalada Boosaaso  kaga qaybgaley kulan ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka Barri iyo kan dagmada Boosaaso oo lagu taageerayey Go’aankii ay Dowladda Puntland ka qaadatey xiisada ka  dhex taagan Dowladda Imaaraatka Carabta Iyo DFS. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa kulankaas ku wehelinaayey qaar ka mida goloyasha Dowladda Puntland, qaar kamida xildhibaanada aqalka sare u metala Dowladda Puntland ee ka tirsan DFS, Isimo,  saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dowladda Puntland iyo bulshada qaybeheeda kala duwen ee ku dhaqan…

Read More

Boqor Buur-madow oo hadda xabsiga loo taxaabay, isagoo ku sugan Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.Boqorka ayaa waxa qabtay oo xabsiga u taxaabay ciidanka booliska Xariga boqorka ayaa lagu xiriirinayaa kadib markii dhawaan xaflad caleemo saarka Beeldaaje Maxamed uu kaga qaybgalay Magaalada Carmo. xafladaasi oo u ka sheegay in uu matalaayo oo u Soo dirsaday madaxwaynaha Somaliland. Ma aha markii u horaysay ee boqorka Buurmadow xabsiga loo taxaabo, waxana jirtay in ay xabsiga dhigeen xukumadda hore ee Siilaanyo iyo Rayaale, kadib markii uu Ku dhex milmay siyaasada,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/enPHzIgO9C4

Read More

Shirkii Caadiga ahaa ee Gollaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta looga hadlay Hubinta Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda, Xaaladda kala guur ee ciidamada AMISOM. Sidoo kalena waxaa lagu ansixiyay Tubta Arrimaha Bulashada iyo xeer Mamnuucya jarista dhirta iyo dhoofinta Dhuxusha, iyada oo warbxino kala duwan laga dhagaystay qaar ka mid ah Wasiiradda. Ugu horayn madaxda Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa gollaha ku soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda amni ee dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho, waxayna sheegayn in ammaanku uu meel fiican marayo ciidamaduna ay ku howlan yihiin sidii loo…

Read More

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi Cinro oo maanta shir jaraa`id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa dhaleecayn kala dul dhacay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynihii ka horeeyey ee Siilaanyo. Guduumiye Ciro ayaa ka carooday isla markaana si siyaasiyana uga faa’idaysanaya hadalkii shalay ka soo yeeray wasiiru dowlada arimaha dibada ee dowlada Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qarqaash kaas oo BBC-da laanteeda afka Carabiga u sheegay in Somaliland aysan kala heshiin Dekada iyo Saldhiga Milatari ee Berbara. Wasiirka ayaa sheegay in heshiisyadaas ay la galeen dowlada Fadaraalka ee uu hogaaminayay Xasan Shiikh Maxamuud. Mr Anwar ayaa carabka…

Read More

Golaha Wasiirada Fadaraalka Soomaaliya oo kulankoodii khamiislaha ah maanta ku yeelanay Xafiiska Ra’isilwasaaraha,ayaa magacaabaya safiirada qaar ka mid ah wadamada caalamka.   Golaha Wasiirada Fadaraalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah kulankodii caadiga ahaa waxa ay ku yeelan doonaan Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho,waxaana la filayaa in la sameeyo Magacaabis.   Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta la magacaabi doono safiirada qaar ka mid ah Wadamada Caalamka ee saaxiibka la ah dalka Soomaaliya.   Ilaa 11 Safiir ayaa macquul ah in Maanta la magacaabo,kuwaas oo la filayo in ay bedelaan Safiiro horay Shaqada looga eryay.   Wadamada…

Read More

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaqay doorasho madaxweyne iyo baarlamaan oo waqtigoodii laga soo hormariyay. Doorashada Turkiga ayaa imika la qaban doonaa 24 bisha June ee sanadkan. Madaxwayne Erdogan ayaa sheegay in dalka si deg deg ah uu ugu baahan yahay madaxweyne awood buuxda leh oo wax ka qabta dhibaatooyiinka haysta dalka. Haddii doorasho la qabto dalkaasi ayaa waxaa madaxwaynaha la doorto uu helayaa awooda uusan imika lahayan madaxwaynaha. Mar sii horeysana wasiirka gaashandhiga Turkiga ayaa sheegay in shaqada laga ceyriyay 3000 oo askari oo ka tirsan ciidamada qalabka side ee dalkaasi. Ciidamadani ayaa lala xiriiriyay wadaadka…

Read More

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in uu ka baaqan doono shirka la qorsheeyay ee dhexmari doono isaga iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi haddii uusan u arag in ay natiijo kasoo baxayso.   Trump ayaa ka hadlayay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen isaga iyo Ra’isulwasaaraha Japan Shinzo Abe.   Mar sii horeysay Trump ayaa ammaanay dadaalka agaasimaha guud ee CIA-da Mike Pompeo oo socdaal qarsoodi ahaa ku tagay dalka Kuuriyada Waqooyi, kadibna la kulmay Kim.   Wuxuu sheegay in agaasimaha uu xiriir wanaagsan lasoo sameeyay Kim.   Waxay ahayd markii koowaad tan iyo sanadkii 2000 oo mas’uul heerkaas ah…

Read More

Wasiiru dawlaha arimaha dibedda ee imaaraadka Dr.Anwar Qarqaash ayaa sheegey in ay heshiishka dekedda Berbera la galeen xukuumadii hore ee Soomaliya .   Waxa uu kale uu raaciyey in ay taageersanyihiin Midnimada Soomaaliya oo aanay safaarad iyo qunsuliyad ku lahayn Somaliland .   Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta”Hotelada Muqdisho ee ku howlan waxyaabaha aan ogoleyn Diinta Gacan…   Sidaa waxa u ku sheegay mar uu u waramayey idaacadda BBC-da Laanteeda af carabiga.   Hadalka Wasiiru dawlaha arimaha dibedda ee imaaraadka ayaa imaanaya xili uu jiro khilaaf u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta kaas oo saan saantiisa laga dareemay gudaha Magalada…

Read More

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqey in uu yahay musharax u taagan xilka Afhayeenka Golaha Shacabka, kadib markii lagu cadaadiyey Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari in uu xilkaas iska casilo. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka soo galey isla Gobolada Koonfur Galbeed. Maxamed Mursal ayaa loo magacaabey Wasiirka Gaashaandhigga, kadib markii uu xilkaas iska casiley Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed bishii Oktoovar 2017, waxaana uu xilka hayaa muddo 6 bilood ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/qNbUcY_iIoo

Read More

Wasiirka Macdanta iyo Kheyraadka Biyaha Prof. Saalim Caliyow Ibrow ahna Xildhibaan Baarlamaanka dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, kaddib shir jaraa’id uu ku qabtay Hotelka Global ee magaalada Muqdisho.   Xildhbaan Saalim Caliyow Ibrow oo in mudo ah ku soo jiray Siyaasada dalka ku dhawaad 45 sano, ayaa sheegay inuu daneynayo hanashada xilka Guddoonka Baarlamanka   “Xaqiiqdii waxaa jirta kala qaybsanaan ku soo dhex jirtay hoggaanka baarlamaanka iyo xildhibaanada qaran mudadii 18 sano ahayd ee la soo dhaafay, mar kastana waxaa jiray is maan dhaaf ku salaysan dhanka sharciga iyo habsami u socodka hanaanka dowladnimo ee…

Read More

Kooxda sheegata Hay’adda Culimada Somaliyed ayaa digniin ka soo saaray bandhig faneedyo lagu wado in 20-ka bishan lagu qabto magaalada Muqdisho, iyagoo ku baaqay in la joojiyo.   Guddoomiyaha Hay’addaas Shiikh Bashiir Axmed Salaad ayaa ka digay bandhig faneedyada lagu wado in lagu qabto Muqdisho, isagoo ugu baaqay dhalinyarada in aanay lacagtooda ku bixin Carada Alle.   Waxaa uu ku dhaliilay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda in Fanaaniinta ay ku soo dhoweeyeen Muqdisho, si ay u dhigaan bandhig faneedyo aan anshaxa iyo diinta ku wanaagsaneyn   “Waxaan u soo jeedineynaa shacabka, gaar ahaan dhalinyarada in aanay ka qeyb gelin bandhig faneedkaas…

Read More

Mid ka mid ah saraakiisha booliiska Soomaalida ee gobolka Minnesota ayaa loo dalacsiiyey darajada Saajin. Dalacsiintan ayaa imanaysa xilli dambiyo lagu soo oogay mid ka mida ah saraakiishaas booliiska oo lagu eedeeyey in haweenay caddaan ah uu si dacayaadi ku jirto uu u dilay bartamihii sanadkii hore.   Sarkaalka hadda la dalacsiiyey oo magaciisu yahay Mukhtar Cabdulkaadi,rayaa waxa uu ka mid yahay Xubanaha ugu firfricoon ee Booliiska Soomaalida ah ee Magaaladda Minneapolis.   Kulankaan lagu dalacaysiinaayey saraakiisha Booliiska Magaaladda MPLS waxaana ka soo qaybagaly Duqa Magaaladda MPLS Jacop Frey & taliyaha Booliiska Medaria Arradondo iyo qaysaska iyo qaraabada Saraakiisha shalay…

Read More