Warbaahinta Dalka Maraykanka ayaa siwayn uga Faalootay Taariikhda Markii i ugu horaysay oo Qof aan la dooran ku Fadhiistay Kursigii Madaxwyanaha, Kadib markii Gabadha uu dhalay Madaxwayne Trump ay Aaabaheed ku matashay Kursiga shirkii G-20. Aqalka cad ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta qof aan la dooran, isla markaana ah gabadhii Madaxweynuhu ay ugu fariisatey kursigii Madaxweynaha iyada oo dhinac fadhida hoggaamiyaasha caalamka. Warka Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Ivanka ay fadhidey gadaal, laakiin markii Donald Trump uu banaanka u baxay si uu ula kulmo hoggaamiyaal kale ay iyadu sii fariisatey. Kulanka Trump isaga abxay ee Gabadhiisu u…
Author: Jibril Qoobey.
Farmaajo isagoo qiiraysan oo erayo wadaniyadeed afkiisa ay ka burqanayaan ayuu xalay kasoo dhex muuqday xaflad lagu sheegay in loo qabtay taageerida ciidamada qalabka sida ee Somaliya. Hadaba in ciidanka la taageero waa talaabo loo baahnaa oo aan marna la dhaliili karin,balse waxaan laga aamusi karin ayaa ah sida madaxweyne Farmaajo uga fog yahay ama iskaga indho tirayo waaqiciga taagan. Waxa is waydiinta mudan ayaa ah ciidanka uu madaxweynuhu leeyahay hala taageero oo dhaqaale haloo urursho oo Acount haloo sameeyo waa kuwee? Waxa is waydiinta mudan ayaa ah ma waxuu u yaqaanaa ciidanka Qaranka maleeshiyaadka Xamar xooga ku haysta ee…
Xaaladda deegaamadii ay ku dagaalameen ciidanka difaaca Puntland iyo Alshabaab ee buuraleyda Galgala ayaa saaka degan kadib markii, sida ay sheegeen saraakiisha ciidan dowladda Puntland. War qoraal ah oo kasoo baxay Ciidamada Difaaca Puntland ee PSF ayaa lagu sheegay in ay ciidamadu burburiyeen saldhigyo muhiim ah ay lahaayeen alshabaab, “Ciidanka Amniga Puntland (PSF) oo afartii maalmood ee la soo dhaafay ka waday Buuraha Cal madow hawlgalo sifayn ah oo ka dhan ah ururka argagixisada Al Shabaab ee ku dhuumalaysta Buuraha Cal Madow, Puntland, ayaa gaaray guulo muhiim ah, kadib markii ay burburiyeen talisyo ururka Al Shabaab ku lahaayeen…
Ra’isal wasaaraha Ciraaq, Xaydar Al-Cabbaadi, ayaa tagey magaalada Mosul waxaanu sheegay in magaalada laga xoreeyey kooxda la baxday Dawladda Islaamka. Wuxu u hambalyeeyey ciidanka iyo shacabka Ciraaq, waxaana la filayaa in uu goor dhaw khudbd rasmi ah oo uu ku shaacinayo guushaa jeedin doono. Maanta oo idil waxa soo baxayey warar sheegayey dagaal ka socday qaybta qadiimka ah ee magaalada, halkaas oo mitidiintu isku urursadeen. Soddon ka mid ah ayaa la sheegay in la dilay iyagoo doonaya in ay baxsadaan oo isku tuuray webiga Dejla. Qiiqa ka baxaya badhtamaha magaalada ayaa cirka isku shareeray, waxaana la maqlayaa rasaas googoos ah…
Dowlada Mareykanka ayaa ku dhawaaqday Sabtidii inay 639 milyan oo doolar ugu deeqeyso dalalka Somalia, South Sudan, Nigeria iyo Yemen oo ay ka jiraan xaalado bani,aadannimo oo aad u liita, kuwaasoo ay Qaramada Midoobay ku sheegtay in ay sababeen colaado sokeeye. Lacagtan ayaa Somaliya waxaa kaga soo aadaya 126 milyan Dolar. Laanta afka Somaliga ee VOA ayaa arintan ka waraysatay aqoonyahan Cabdiqafaar Wardheere,hoos ka dhagayso codka oo faahfaahfsan. Halkan ka dhagayso codka oo faahfaahsan
Waxaa maanta albaabada loo xiray suuqyada ganacsiga ee magaalada Boosaaso, kadib markii ganacsatadu ay ka biya diideen canshuur macaash ah oo la dul dhigay ganacsatada ku jirta guryaha ijaarka ah. Gancsade ka mid ah kuwa xiray goobahooda ganacsi ayaa sheegay in ay si weyn uga cabanayaan canshuurta cusub oo 4% ah kirada guryaha laga qaado. Guddoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Wacays ayaa xaqiijiyey in uu hada ka socdo Rugta ganacsiga kulan ganacsatada iyo dowladda u dhexeeya kaasoo lagu maareeynayo cabashada ganacsatada, wuxuu kaloo Guddoomiyuhu intaas ku daray in ganacsigii uu dib u furmay, loona saaray Guddi ka kooban…
Wasiirka arimaha Gudaha fadaraalka Cabdi Faarax Juxaa,ayaa dawlada fadaraalku ka qaadatay ciidamadii ilaalada gaarka ah u ahayd. Juxaa ayaan ilaa iyo dhawr beri shaqo tagin kuna sugnaa Hoyga uu ka dagan yahay Muqdisho. Wasaarada Gaashaandhiga Fadaraalka oo uu kasoo baxay amarka looga qaaday Juxaa ilaaladiisa gaarka ah,ayaa ku macnaysay ka qaadida Wasiirka ilaaladiisa amar dawladu soo saartay oo ku aadanaa in dhamaan shirkadaha gaarka loo leeyhay iyo ilaalada khaaska ah ay isku diiwaan galiyaan mudo sodon cisho gudahood ah. Saraakiisha Ciidamada fadaraalka ayaa ku doodaya in ay ciidamo kale oo ka diiwaangashan wasaarada Gaashanadhiga udireen wasiirka,balse uu diiday kuna adkaystay…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga magaalada Muqdisho ayaa maanta 08 July 2017 ka qayb galay furitaanka kal-fadhiga 2aad ee golaha shacabka Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa sidoo kale kala qayb galay furitaanka kal-fadhigani, Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Madaxdda dawladdaha xunaha ka ah DFS, maasuuliyiin ka tirsan goloyaasha DFS, saraakiisha ciidanka qalabka sidda, masuuliyiin ka socdey beesha caalamka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland. Madaxweynaha Dawladda Puntland oo khudbad muhiima ka…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/LCBK_Xzvolg
Banaanbax balaaran oo iskugu jira mahadnaq,soo dhaweyn iyo Codsi ayay maanta dhigeen shacabka Degmada cusub ee Dhudhub. Degmada Dhudhub oo ku taal deegaan istiraatiijiya oo ka tirsan Gobolka Karkaar ayaa ah Deegaan hodan ku ah Beeraha,Xoolaha,kaluunka iyo khayraadka Dabiiciga ah. Degmada Dhudhub ayaa ka mid ahayd afar Degmo oo madaxweyne Gaas uu dhawaan digreeto ugu magacaabay in ay noqdaan Degmooyin buuxa. Maqaabka Degmada ayaa hada horyaala si ay u ansixiyaan Xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo kuguda jira kalafadhigoodii 39aad. Hadaba hoos ka daawo banaanbaxaas ay dhigeen shacabka Degmada Dhudhub,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/uGEVZZKXmH4
Marwada madaxweynaha Dawlada Puntland Hodan Siciid Ciise ayaa qasriga madaxtooyada Puntland kual shirtay gudoomiyayaasha haweenka Gobolada dalkoo idil. Kulankan oo ahaa si waraysi iyo kala xog qaadasho ayaa waxaa marwada kala qaybagalay Gudoomiyaha haweenka Puntland Marwo Khadro,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/zXYfZf-j0t0
Talye ku xigeenka Booliska Gobolka Nugaal Ibraahim Maxamed Cabdi oo saxaafada la hadlayay,ayaa sheegay in sugidii amniga caasimada Puntland ee Garowe laga wareejiay Booliska. Talye Ibraahim ayaa hadalkiisa ku daray in Dawlada ku wareejisay sugida amniga caaismada ciidan kale,isla markaana majirto wax wada shaqayn ah oo ka dhaxeeya labada ciidan, Hadalka Talye xigeenka ayaa yimid iyadoo maalmahan cabasho ku aadan Mopile furasho ka bilaabatay caaismada Garowe shacabku suoo gudbinayeen laamaha amaanka,hoos ka dhagayso codka Talyaha. Halkan ka dhagayso codka talye xigeenka
Wararka ka imaanaya Duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhexeysa Ceelasha-biyaha iyo Siinka Dheer ayaa sheegaya in Maanta halkaas lagu laayay Wiilal dhalinyaro ah oo uu dhalay Ganacsade Caan ah oo lagu Magacaabo Xaaji Gaabow. Dadka la laayahay oo gaaraya ilaa Shan Qof ayaa la sheegay in ay ka baxeen Magaalada Muqdisho,waxaana ay wadeen Meyd ay doonayeen in ay soo duugaan ,iyadoo halkaas lagu dilay ilaa 5 Qof. Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Xaqiijiyay in halkaas lagu laayahy illaa Lix Qof oo ka mida Familka Reer Xaaji Gaabow. Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay in ay…
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa ka warbixiyay xiliga uu furmayo kalfadhiga labaad ee Golaha Aqalka Sare ee Dalka. Gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay in 12-ka Bishaan Juulaay uu si rasmi ah u furmi doono Kalfadhiga labaad ee Golaha Aqalka Sare e Dalka. Wuxuu sheegay in kulanka ugu horeeya diirada lagu saari doono dib u eegiska Dastuurka dalka ayna ka qaybgali doonaan Gudiyada Joogtada ah ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, guddoomiyaasha Baarlamaanada dowlad gobaleedyada, wasaaradda Dastuurka, Ururada bulshada Rayidka ah iyo masuuliyiin kale. Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka soo laabanaya…
Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in deeq lacageed oo dheeraad ah oo ay siinayaan wadamada ay abaartu saameeysay oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya. Midowga yurub ayaa sheegay in ay wadamadaasi ay abaartu ay saameeysay ay ugu deeqayaan lacag dhan 60 million oo yuuro. Lacagtaan ayaana qeyb ka ah lacago ay horey midowga Yurub ay ugu deeqeen wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya. War qoraal ah oo ka soo baxay midowga yurub ayaa lagu sheegay in xaaladda wadamada dhaca bariga Afriga ay kasii darayso mar marka ka dambeysa. Christos Stylianides oo ah madaxa kaalmada…
Saraakiil ka socotay dalalka ku midoobay G-20 ayaa tan iyo xalay gudaha magaalada Hamburg kaga shaqeynayay sidii looga gudbi lahaa farqiga dhanka ganacsiga iyo kan isbadalka cimilada ee kala dhaxeeyo Mareykanka. Dadka wada dhexdhexaadinta ayaa isku dayaya inay isku soo duwaan bayaan kama dambeys ah oo lagu taageerayo heshiiskii cimilada ee Paris, walow uu heshiiskaasi diiday Madaxweyne Trump. Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ee martida galisay shirkaasi, ayaa qirtay in wadahadalladu ay ahaayeen kuwo adag. Dibadbaxyo rabshado watay oo ka dhan ah shirka G-20 ayaa soconayay tan iyo xalay saqdii dhexe, iyadoo kumannaan boolis ah oo kuwa la dagaalama rabshadaha ah…
Halkan ka daawo muuqaalka 1aad https://youtu.be/VB7_zPAdgKs Halkan ka daawo muuqaalka 2aad https://youtu.be/JB0iwMfRxro
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulllaahi Maxamed Farmaajo ayaa furay Kalfadhiga 2-aad ee golaha shacabka Jamhuuriyadda fadaraalka Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray wax qabadka dowladda, isagoo intaasi ku daray in howllo adag ay horyaalaan baarlamaanka kalfadhiga 2-aad ee maanta furmay Furitaanka kalfadhiga 2-aad ee golaha shacabka Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya,ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxweynayaasha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweynayaasha dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka iyo Gudoonka maamulka Gobolka Banaadir. Madaxweyne Gaas oo furitaanka kalfadiga 2-aad ayaa ka jeediyey khudbad uu diiradda ku saaraywax qabadka golaha shacabka.…
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa shacabkii uu la kulmay mid mid u waydiinayey dhaqaalalaha , amaanta ay u hayaan Xukuumadda iyo waxyaabihii muhiimka ah ee ay doonayaan in si dhaqso ah wax looga qabto. Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha dalka aya su’allaha ugu jawabiyey dadka Shacabka ah, iyagoo waydinayey su’aallo la xariira go’anada ay Xukumadda horay u qaadatay iyo arrimo ay aad u danaynayeen inay wax ka ogadaan si ay u helaan xog dhab ah ama xaqiiqada arriimahaasi,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/UyqXQ9wi-vk
Interior cabinet secretary Joseph Nkaissery is dead. He passed on after being admitted to Karen Hospital on Saturday, July 8 – Hours later, his widow, Hellen Nkaissery, was hospitalised after receiving the news of her husband’s death Hellen Nkaissery, the widow of the late Interior cabinet secretary Joseph Nkaissery has been hospitalised. According to reports seen by TUKO.co.ke, the late Nkaissery’s wife was rushed to Nairobi Hospital where she was admitted with high blood pressure. Speaking outside Lee Funeral Home where the late Nkaissery’s body was transferred to from the Karen Hospital, Kajiado Central Member of Parliament…
Wasiirka arimaha gudaha Kenya, Joseph Nkaissery, ayaa ku geeriyooday cisbital ku yaal caasimadda Nairobi, saacado ka dib markii uu halkaa u tegay baaritaan caafimaad. Nkaissery ayaa fiidnimadii Jimcaha tegay cisbitalka Karen, ka dib markii uu ka rawaxay Beerta Xoriyadda oo uu madaxweyne Uhuru Kenyatta kagala qeyb galay munaasabad dalka loogu ducaynayay. Madaxweyne Kenyatta ayaa ka tacsiyeeyay geerida degdeg ah ee ku timid wasiirka, waxaana uu xilkiisa si kumeelgaar ah ugu wareejiyay wasiirka waxbarashada Fred Matiang’i. Nkaissery oo ahaa jenaraal ka fariistay ciidamada ayaa 2-dii December 2014 loo magacaabay wasiirka arimaha gudaha, asagoo xilka kala wareegay Joseph Ole Lenku. Marka xilka…
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, kana tirsan mudanayaasha aqalka sare, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ka qayb-galaya barnaamijka Martida Makarafoonka ayaa sheegay in maslaxadda Soomaaliya aysan marnaba ku jirin mawqifka dhexdheaaxdnimo ee dawladda Soomaaliya ay ka qaatay xiisadda carabta. Cumar Cabdirashiid ayaa ku baaqay in mawqifkaasi laga noqdo isaga oo sheegay in maslaxadda Soomaaliya ay ku jirto in lala safto dalalka Sucuudiga, Imaaraadka iyo Masar oo uu sheegay in ay mar walba usoo gurmadaan Soomaaliya.hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan Halkan ka dhagayso codka Cumar Cabdirashiid https://youtu.be/6gU2Ty4U0JA