Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Kalafadhigii Baarlamaanka fadaraalka oo furmay iyo madaxda somalida oo kawada hadlay
    Somalia

    Video:-Kalafadhigii Baarlamaanka fadaraalka oo furmay iyo madaxda somalida oo kawada hadlay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 8, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulllaahi Maxamed Farmaajo ayaa furay Kalfadhiga 2-aad ee golaha shacabka Jamhuuriyadda fadaraalka Soomaaliya.
     
    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray wax qabadka dowladda, isagoo intaasi ku daray in howllo adag ay horyaalaan baarlamaanka kalfadhiga 2-aad ee maanta furmay
     
    Furitaanka kalfadhiga 2-aad ee golaha shacabka Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya,ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxweynayaasha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweynayaasha dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka iyo Gudoonka maamulka Gobolka Banaadir.
     
    Madaxweyne Gaas oo furitaanka kalfadiga 2-aad ayaa ka jeediyey khudbad uu diiradda ku saaraywax qabadka golaha shacabka.
     
    Madaxweynayaasha Puntland ayaa sheegay in baarlamaanka fadaraalka xilligan looga baahanyahay in ay gutaan waajibaadka horyaalla, si ay u sahlanaato in dowladu ay iyana gudato howlaha horyaalla.
     
    Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Ahna duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo isna ka qayb galay kalfadhiga 2aad ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka soomaaliya ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay waxa uu uga hadlay arrimo badan oo ay ugu muhiim saneyd arrinta maqaamka caasimadda.
     
    Guddoomiye Taabid Cabdi Maxamed ayaa baarlamaanka Federaalka soomaaliya iyo Madaxda kale ee Dowladda waxa uu ka codsaday in ay ka qayb qaataan sidii bulshada kunool caasimadda ay u yeeshaan maqaam gaar ah, maadaama muddo badan Arrinta maqaamka caasimadda laysku qilaafsanaa.
     
    Isku soo wada duuboo kalafadhigan baarlamaanka fadaraalka ayaa waxaa horyaala arimo fara badan oo muhiim ah oo ay ugu horayso la xisaabtanka xukuumada,iyadoo ay jiraan baqdin iyo walwal ay xukuumadu ka qabto in la horkeeno baarlamaanka mooshin ka dhan ah,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.