Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa ka warbixiyay xiliga uu furmayo kalfadhiga labaad ee Golaha Aqalka Sare ee Dalka. Gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay in 12-ka Bishaan Juulaay uu si rasmi ah u furmi doono Kalfadhiga labaad ee Golaha Aqalka Sare e Dalka. Wuxuu sheegay in kulanka ugu horeeya diirada lagu saari doono dib u eegiska Dastuurka dalka ayna ka qaybgali doonaan Gudiyada Joogtada ah ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, guddoomiyaasha Baarlamaanada dowlad gobaleedyada, wasaaradda Dastuurka, Ururada bulshada Rayidka ah iyo masuuliyiin kale. Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka soo laabanaya…
Author: Jibril Qoobey.
Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in deeq lacageed oo dheeraad ah oo ay siinayaan wadamada ay abaartu saameeysay oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya. Midowga yurub ayaa sheegay in ay wadamadaasi ay abaartu ay saameeysay ay ugu deeqayaan lacag dhan 60 million oo yuuro. Lacagtaan ayaana qeyb ka ah lacago ay horey midowga Yurub ay ugu deeqeen wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya. War qoraal ah oo ka soo baxay midowga yurub ayaa lagu sheegay in xaaladda wadamada dhaca bariga Afriga ay kasii darayso mar marka ka dambeysa. Christos Stylianides oo ah madaxa kaalmada…
Saraakiil ka socotay dalalka ku midoobay G-20 ayaa tan iyo xalay gudaha magaalada Hamburg kaga shaqeynayay sidii looga gudbi lahaa farqiga dhanka ganacsiga iyo kan isbadalka cimilada ee kala dhaxeeyo Mareykanka. Dadka wada dhexdhexaadinta ayaa isku dayaya inay isku soo duwaan bayaan kama dambeys ah oo lagu taageerayo heshiiskii cimilada ee Paris, walow uu heshiiskaasi diiday Madaxweyne Trump. Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ee martida galisay shirkaasi, ayaa qirtay in wadahadalladu ay ahaayeen kuwo adag. Dibadbaxyo rabshado watay oo ka dhan ah shirka G-20 ayaa soconayay tan iyo xalay saqdii dhexe, iyadoo kumannaan boolis ah oo kuwa la dagaalama rabshadaha ah…
Halkan ka daawo muuqaalka 1aad https://youtu.be/VB7_zPAdgKs Halkan ka daawo muuqaalka 2aad https://youtu.be/JB0iwMfRxro
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulllaahi Maxamed Farmaajo ayaa furay Kalfadhiga 2-aad ee golaha shacabka Jamhuuriyadda fadaraalka Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray wax qabadka dowladda, isagoo intaasi ku daray in howllo adag ay horyaalaan baarlamaanka kalfadhiga 2-aad ee maanta furmay Furitaanka kalfadhiga 2-aad ee golaha shacabka Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya,ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxweynayaasha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweynayaasha dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka iyo Gudoonka maamulka Gobolka Banaadir. Madaxweyne Gaas oo furitaanka kalfadiga 2-aad ayaa ka jeediyey khudbad uu diiradda ku saaraywax qabadka golaha shacabka.…
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa shacabkii uu la kulmay mid mid u waydiinayey dhaqaalalaha , amaanta ay u hayaan Xukuumadda iyo waxyaabihii muhiimka ah ee ay doonayaan in si dhaqso ah wax looga qabto. Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha dalka aya su’allaha ugu jawabiyey dadka Shacabka ah, iyagoo waydinayey su’aallo la xariira go’anada ay Xukumadda horay u qaadatay iyo arrimo ay aad u danaynayeen inay wax ka ogadaan si ay u helaan xog dhab ah ama xaqiiqada arriimahaasi,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/UyqXQ9wi-vk
Interior cabinet secretary Joseph Nkaissery is dead. He passed on after being admitted to Karen Hospital on Saturday, July 8 – Hours later, his widow, Hellen Nkaissery, was hospitalised after receiving the news of her husband’s death Hellen Nkaissery, the widow of the late Interior cabinet secretary Joseph Nkaissery has been hospitalised. According to reports seen by TUKO.co.ke, the late Nkaissery’s wife was rushed to Nairobi Hospital where she was admitted with high blood pressure. Speaking outside Lee Funeral Home where the late Nkaissery’s body was transferred to from the Karen Hospital, Kajiado Central Member of Parliament…
Wasiirka arimaha gudaha Kenya, Joseph Nkaissery, ayaa ku geeriyooday cisbital ku yaal caasimadda Nairobi, saacado ka dib markii uu halkaa u tegay baaritaan caafimaad. Nkaissery ayaa fiidnimadii Jimcaha tegay cisbitalka Karen, ka dib markii uu ka rawaxay Beerta Xoriyadda oo uu madaxweyne Uhuru Kenyatta kagala qeyb galay munaasabad dalka loogu ducaynayay. Madaxweyne Kenyatta ayaa ka tacsiyeeyay geerida degdeg ah ee ku timid wasiirka, waxaana uu xilkiisa si kumeelgaar ah ugu wareejiyay wasiirka waxbarashada Fred Matiang’i. Nkaissery oo ahaa jenaraal ka fariistay ciidamada ayaa 2-dii December 2014 loo magacaabay wasiirka arimaha gudaha, asagoo xilka kala wareegay Joseph Ole Lenku. Marka xilka…
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, kana tirsan mudanayaasha aqalka sare, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ka qayb-galaya barnaamijka Martida Makarafoonka ayaa sheegay in maslaxadda Soomaaliya aysan marnaba ku jirin mawqifka dhexdheaaxdnimo ee dawladda Soomaaliya ay ka qaatay xiisadda carabta. Cumar Cabdirashiid ayaa ku baaqay in mawqifkaasi laga noqdo isaga oo sheegay in maslaxadda Soomaaliya ay ku jirto in lala safto dalalka Sucuudiga, Imaaraadka iyo Masar oo uu sheegay in ay mar walba usoo gurmadaan Soomaaliya.hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan Halkan ka dhagayso codka Cumar Cabdirashiid https://youtu.be/6gU2Ty4U0JA