Madaxweynaha PL Sacid Cabdullaahi Deni oo ku casumay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Garowe si uu uga raali geliyo khilaafkii Doorashooyinkii 2022. Safarka Maanta Farmaajo ku tagayo Garowe,waxaa loo arkaa mid aan waxdan ah Puntland iyo Shacabkeeda ugu jirin. Shalay sidaas oo kale Xasan Shiikh iyo kooxdiisa oo Xamse ka mid ahaa,ayaa Garowe saas loogu soo dhaweeyay,iyaga oo mucaarad ku ahaa Farmaajo oo xiligaas ahaa Madaxweynaha Federaalka. Maanta waa isla sidii Puntland ma waxay noqotay maliibaanayaasha lagu liibaano? Mawaan casharkii hore wax laga baran Puntland waa inay Danta shacabkeeda ka shaqaysaa. Villa Somalia iyo Puntland waa in loo arkaa Laba isku maqaama…
Author: Jibril Qoobey.
Waa nasiibdaro iyo talo khaldan oo Siyaasadeed in Farmaajo Garowe la keeno. Maxaa laga magansanayaa oo uu hayaa? Muxuu soo kordhin karaa? Loolanka socda awoodaha uu leeyahay oo uu ku darsan karo maxay yihiin? Nin mucsur Siyaasadeed ah oo mar loo ilduufay hadana ay barteen kuwii ku adeegan jiray macno uyeelidiisu PL waxba uguma taaal. Deni,waxaa la moodaa in uu Siyaasada ka qaangaaray balse weli ma aflixin. Haba yaraatee wax dan Siyaasadeed ah oo ku jira Farmaajo in Garowe la keeno ma jirto. Farmaajo iyo Garowe 2024???!!! JQ.
Seddax cutub oo Dastuurka ayaa la saarayaa, halka 45 qodob iyo 97 faqradood wax laga beddelayo, iyadoo lagu soo derayo 19 qodob iyo 94 faqradood oo cusub oo aan ku jirin Dastuurkii asalka ahaa, waxaana la tirayaa 3 qodob iyo 26 faqradood. Dhammaystir miyaa mise beddelaad? Kalfadhi kasta ee Baarlamaan wuxuu ku guntamaa kooram 139 xildhinaan Golaha Shacabka ah, 28 Aqalka sare, haddii ay isku imaanayaan labada aqal waxaa laga rabaa 167. Doodaha dastuurka ee socda labo fadhi oo keli ah ayaa kooram loo helay, ka dibna waxaa la yiri kooram looma baahna ee hore ha loo socdo. Ansixinta Dastuurka…
In ka badan 70-Xildhibaan oo ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya,ayaa qaadacay qorshaha wax ka badalka Dastuurka Ee Xasan Shiikh.
Over 70 lawmakers from both chambers of Somalia’s Federal Parliament withdrew and boycotted President HSM’s plan to unilaterally change the country’s provisional constitution following a meeting in Mogadishu on Monday.
Dalka Mareykanka waxaa ka socda doorashooyinka is reeb-reebka Xisbiyada gudahooda ah,waxaana Gobollada ay ka dhaceen ka mid ah Gobolka Ohio ay ku badan yihiin bulshada Somalida ah. Soomaali badan,ayaa ka qayb gashay tartanka loogu jiro helista kuraasta Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuquraadiga ah. Ilaa iyo Saddex Qof oo Somali ah,ayaa hadda ka soo baxay Labadaan Xisbi,iyadoo laba ka mid ah ay horey u hayeen jagooyinka ay hadda ku guuleysteen.
Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay xabsiga dhigtay ilaa 50 qof oo looga shakiyay in ay wadeen qorshe ay ku “afgambinayaan” dowladda. Shan ka mid ah dadkaan waxaa lagu xiray caasimadda Adisa Ababa, kuwaas oo si gaar ah loogu eedeyay in ay isku dayeen qorshayaal lagu dilayo sarakaiil laguna afgambinayo dowladda ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu hoggaamiyo. Hadalkaan waxaa baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta gudaha. Ciidamada ammaanka iyo kuwa sirdoonka Itoobiya oo raggaan soo qabtay ayaa sheegay in ay huriyeen rabshado amni darro oo ka jira caasimadda.
Garoowe: 20 March 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiir Ku-xigeennada Wasaaradaha Waxbarashada, Qorsheynta iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo saaka ka qabsoomtay Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland, iyadoo ay dhaarisay Maxkamadda Sarre. Xubnaha la dhaariyey saaka,ayaa kala ah: 1. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre, Mudane Maxamed Diiriye Gamadiid. 2. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Xasaan Ibraahin 3. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Siciid Saalax Seed . Madaxweynaha ayaa Wasiiradda alle uga baryay in uu u fududeeyo xilka, wuxuuna kula dardaarmay sida ugu…
Garowe: 19 March 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 003 ee 19-ka March 2024, ayaa magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad faqradiisa 5-aad iyo Qodobkiisa 109-aad faqradiisa 3-aad Markuu arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waayo-aragnimadiisa shaqo. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo magacaabida Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: * Waxaa Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Garowe: 19 March 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 003 ee 19-ka March 2024, ayaa magacaabay Agaasimaha Guud ee Bankiga Dhexe ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad faqradiisa 5-aad iyo Qodobkiisa 109-aad faqradiisa 3-aad Markuu arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waayo-aragnimadiisa shaqo. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo magacaabida Agaasimaha Guud ee Bankiga Dhexe ee Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: * Waxaa Khadar Cabdi Axmed loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Bankiga Dhexe ee Dowladda Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA…
Garowe: 19 March 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 003 ee 19-ka March 2024, ayaa magacaabay Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad faqradiisa 5-aad iyo Qodobkiisa 109-aad faqradiisa 3-aad Markuu arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waayo-aragnimadiisa shaqo. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo magacaabida Guddoomiyaha Xafiiska Hanti-dhowrka Guud. Wuxuu xeeriyey: * Waxaa Cismaan Maxamuud Cali (Qaroofey) loo magacaabay Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowladda Puntland. * Waxaana shaqo ka joojin lagu sameeyey Dhammaan Guddoomiye Ku-xigeennada Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowladda Puntland. Xeerkani wuxuu…
Dowladnimadii loo dhiibay waa la lumay Madaxweyne Xasan. Dayn cafinta,waa qorshe reer Galbeed wateen oo ay fuliyeen. Cunaqabataynta Hubka waa qorshe reer Galbeed ay wateen oo qaadeen. Aragtida kaliya ee Xasan ku dhiiraday,waa dagaalka argagixisada,isagana si khaldan,ayuu umaareeyay,waana ku fashilmay. 2-Sano oo shaqo badan la qaban karay,ayaa meesha ka baxday. 2-da Sano ee udhiman mudo xileedkiisa,waa loolan doorasho,wax kale uma harin. Tala khaldan,ayuu Wadanka ku hogaamiyay markiisii Labaad oo la doortay MW Xasan. Afar Sano oo ka khasaartay Dowladnimada Somaliya hala aqbalo in ay dhacday. JQ.
72-Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya,ayaa si adag uga hir yimid wax ka badalka Dastuurka kmg ah. Xildhibaanada oo ay hormuud uhaayeen Gaagaab iyo Dhabancad,ayaa sheegay in aysan aqbalayn Dastuurka la rabo in gebi ahaantiisba la badalo. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1769820548660449712?t=prD7ZxXMxpMux9CQ7mayVw&s=19
Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/watch?v=6gHA6hVyTFk
Dardargelin fiican baa ka muuqata Dowlada PL oo Deni xantii ahayd in uu fasax galayo oo Imaaraadka aadayo markuu Golaha Wasiirada dhiso,waa soo yaraanaysaa. Niyad jab ayay ahaan lahayd in MW nasasho u aado Dhul raaxo leh,iyadoo Bulshadu ubaahan tahay adeeg Dowladnimo oo isagu hormuud uyahay. PL waa Deegaan Xasiloon,nidaam udhisan yahay oo Bulshadu tahay Dad Nabadeed oo fahansan Dowladnimada,waxayna ubaahan yihiin Madax si daacad ah oo Wadaniyad leh ugu adeegta. Si gaar ah,waxaa laga rabaa Madaxweynaha in uu badalo dhaqamadiisii hore ee ay ka mid ahaayeen…. 1.Albaabadiisa xiran. 2.Talada aan lala lahayn. 3.Dabacsanaan la’aanta. Dowlada Puntland wax weyn ayay…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor , ayaa kulan la qaatay Madaxda iyo Wakiillada Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Puntland. Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dowladda Puntland,Jaamac Dabaraani,ayaa faahfaahiyey. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1769334373147394454?t=lUiRQhK5bx1Pz5nBnNUSZw&s=19
Afmeer Gobolka Bari,waa in lasoo ceshaa hadii la rabo amniga in Gacanta lagu dhigo. Afmeer,waxay qabteen Shaqo adag oo la mahdiyay mudadii ay hawlgalayeen,waxay ka duuli jireen xogo wardoon,iyagoo toos u abaari jiray kooxaha Nabad-diidka,isla markaana Xubinta ay Gacanta ku dhigaan ku shaqayn jiray oo ku daban jiray Unugta oo dhan. Afmeer Nabad-diidkii Gobolka Bari ka hawlgali jiray ee haatan la ama Sharciga la mariyay,iyaga,ayaa soo qabtay,waxaana ka mid ahaa Shabakadii weynayd ee banaanka soo dhigtay xogta dilalkii haldoorka Gobolka. Afmeer,waxay wada shaqayn xoog leh la lahaayeen Ciidamada PISF oo wixii awooda soo qabashada ah uqaabilsanaa markay xuuraankooda soo dhamaystirtaan.…
Waa loo baahnaa Gudigan Dhaqaale ee MW Deni magacaabay. Ilaha ubaahan in la hormariyo,waxaa ka mid ah… 1.Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo. 2.Maxjarka Dekeda Garacad. Kaabayaasha Dhaqaalaha ee ubaahan in laga hawlgalo.. B.Wadada Garacad-Goldogob. T.Wadada Lafagoray ee Caluula X.Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo. Qaybaha ubaahan maalgelinta.. B.Xoolaha ka faa’idaysigooda. T.Kalluumaysiga. J.Beeraha. X.Warshadaha yar-yar. KH.Dalxiiska. D.Adeegyada Bulshada. Horumarinta dhaqaalaha Puntland,waa fursad weyn oo lagu samayn karo Shaqo abuur iyo koboc Maaliyadeed. JQ.
Garoowe: 17 March 2024 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa isagoo ka duulaya barnaamijka wax-qabadka xukuumadda ee Hormarinta Wax-soo-saarka iyo kobcinta Dhaqaalaha, wuxuu xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin u magacaabay Guddiga dardargelinta Ganacisga Puntland. Magacyada Xubnaha Guddiga: 1. Wasiir. Maxamed Faarax Maxamuud Guddoomiye 2. Wasiir. Cumar Cabdisamad Yuusuf (Dhuux) Xubin 3. Wasiir. Shaakir Maxamed Guuleed Xubin 4. Wasiir. Axmed Shire Siciid Xubin 5. Mudane. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Xubin 6. Mudane. Dr. Carshe Maxamed Siciid Xubin Waajibaadka Guddiga: 1. Qiimeynta iyo ka talo bixinta dib u habeynta iyo tayeysiinta Maxjarada Xoolaha ee Puntland si kor loogu qaado…
The Indian navy has freed the hijacked ship MV Ruen and detained 35 Somali pirates, Ahmed Yassin Saleh, minister for ports and maritime transport in Somalia’s semi-autonomous region of Puntland told Reuters on Saturday. “The Indian Navy successfully conducted the operation which has been going on since last night. The navy captured 35 pirates and released the MV Ruen Ship and its crew are safe,” Saleh told Reuters. Indian naval forces including special commandos seized the cargo vessel that had been hijacked by Somali pirates, rescuing 17 crew members, a spokesperson for the navy said on Saturday. The navy said in a…
Sonali reported that since USAID resumed food assistance at the end of last year, the United States and its partners have distributed food to 2.4 million people in January alone. During her visit to food distribution centers in Afar and Tigray, the administrator shared that she had witnessed “the critical need facing these communities as they seek to recover from years of conflict and cope with the ongoing drought.” Last December, an outlook report released by the Famine Early Warning Systems Network (FEWS NET) stated that a staggering four million individuals are at risk of experiencing emergency hunger conditions. When…
Wasiirka arimaha Gudaha Dowlada Puntland Juxaa,ayaa mid si cad uqeexaya in Villa Somaliya MW fadhiyaa umuujiyay reer PL colaad hoose oo dhaafsiisan Siyaasada lagu kala aragti duwan yahay. Mashaariicdii horumarinta iyo adeega Bulshada lagu kabi jiray ayay DFS u adeegsatay Siyaasad oo ku hor istaagtay Qalinkii Dowladnimada Somaliyed. Dad badan,ayaa qabay in hadalkan loo baahnaa oo ay ahayd in loo iftiinsho Bulshada hab dhaqanka MW Xasan Shiikh. Hadalka Wasiir Juxaa,waa mid dhiirigelin ah oo aysan fahmi karin Dadkan caadiga ah ee aragtida dhow. Muhiimada hadalkiisu,waa in aan PL ilaalsanaa oo ka shaqaynaa horumarkeeda. Sidoo kale hadalkiisu,wuxuu daaran yahay in nacfiga…
Wadamada Bariga Afrika,ayaa markan aad udanaynaya in ay helaan Kursiga Guddoomiyaha AUC,sida uu qeexay Wasiirka Arimaha Dibada Tansaaniya. Kenya,waxaa ka sharaxan Odinga oo horay usoo qabtay jagada Ra’isalwasaaraha,isla markaana dhawr jeer looga guulaystay tartanka Madaxweynaha Kenya. Sidoo kale Wakiilka Sare ee Midowga Afrika ee Horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha 2018 ilaa Febraayo 2023,ayuu soo noqday. Raila Odinga,wuxuu bilaabay olole uu ku raadinayo taageero,iyadoo uu garab istaag ka helay hogaamiyayaasha Gobolka Bariga Afrika intooda badan oo ku jiro Madaxweynaha Rwanda. Sidoo kale Madaxweynaha Wadankiisa Kenya William Ruto oo muhiim u ah Olalihiisa,ayaa adag ugarab taagan hankiisa,wuxuuna ubalan qaaday in uu yahay Musharaxa rasmiga…
Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika,ayaa isugu yimid magaalada Addis Ababa ee Wadanka Itoobiya. Kalfadhigii 22-aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha Fulinta,ayaa dib loogu eegayaa qorshaha doorashada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee la qorsheeyay inuu qabsoomo bisha February ee Sanadka 2025. Shirka oo billowday Jimcihii,ayaa waxaa qayb ka ah Wakiillo ka socda Midowga Afrika dhammaan 55-ta Waddan ee xubnaha ka ah Midowga Afrika, saraakiil ka kala socda qaybaha iyo xafiisyada Midowga Afrika, iyo saaxiibada istaraatiijiga ah. Golaha fulinta,ayaa ka doodi doona warbixinta qabyada ah ee ku saabsan u diyaar garowga doorashada ee dhamaadka muddada xilka Moussa Faki, oo hadda ah Guddoomiyaha…
Markabkii MV Ruen ee lagu haystay Xeebaha Gobolka Nugaal ee Puntland,ayaa laga soo furtay Burcadii. Ciidamada Hindiya ee ka midka ah kuwa ka hawlagala Biyaha caalamiga ah,ayaa fuliyay hawlgalka Markabka looga soo furtay Burcada. 35 ahaa Burcadii haysatay Markabka in Gacanta lagu dhigay ayay sheegayaan wararka la helayo. Tan iyo Bishii December ee Sanadkii hore,ayaa Burcad ku haysatay Markabkan meel ku aadan Xeebaha Gobolka Nugaal ee PL. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1769092071934062648?t=2eaFODoNkFDVdziH8dvy-w&s=19
Jeneralkii xukumay Warshada Hubka ee Itoobiya oo kasoo jeeday Qowmiyada Tigreega,ayaa laga sii daayay Xabsiga mudo dheer kadib. Kinfe Dagnew,waa mid ka mid ah Jeneraladii Tigreega ee awooda badnaa. Maanta gelinkii danbe in lasii daayay Jeneralka,waxaa xaqiijiyay Qareenkiisa Habtamu Kesete. Wasaarada Cadaalada Itoobiya,ayaa sheegtay in la laalay Dacwadihii ay ku eedaysnaayeen Jen.Kifle iyo Madaxaweynihii hore ee DDSI Cabdi Iley oo isna Shalay lasii daayay. Kinfe,ayaa la xiray 2018-kii kadib markii lagu soo eedeeyay musuqmaasuq baahsan. Waxaa muuqata in Abiy isku dayayo fulinta heshiiskii TPLF oo Qodob ka mid ah uu dhigayay sii daynta Maxaabiista. Maalmo ka hor,ayay ahayd markii Maamulka…
Dowladnimada Somaliya,waxay ka dhaqaaqi la’adahay midnimada la’aanta Siyaasadeed. Laga soo bilaabo Sh.Shariif ilaa Maanta,waxaa baahi loo qabaa Siyaasada oo laga heshiiyo mana dhicin. MW walba oo yimaadaa,wuxuu rabaa in uu la yimaado Siyaasad ugaar ah oo uu ku khasbo Ummadda,isagoo iska indhatiraya isqaadashadii,wax wada lahaanshihii iyo isku wadidii Wadanka. Xasan oo 70-jir ah,isla markaana Laba jeer lasoo doortay oo haysta Shahaadada PHD,lagama sugayn hogaamintan aadka diciifka u ah ee uu la Shir yimid. Mahayo Wadan Siyaasad ku midaysan. Mahayo Wadan Amni ku midaysan. Mahayo Wadan Dhaqaale ku midaysan. Mahayo Wadan Ciidan ku midaysan. Laba Sano,ayaa ubuuxsamaysa My-15,isagoo guusha kaliya ee…
Dagaalkii Nabadiidka,wuxuu ka dhigay mid hab Beeleed u abaabulan halkii ay ahayd hab Qaran in loo galo,waxayna noqotay natiijadii in lagu fashilmo oo Deegaamadii laga saarayna ay dib ugu soo laabtaan. Dhismaha Ciidan Qaran,waxay ahayd baahiyaha taagan kuwa ugu horeeya,waana ka leexday MW Xasan in uu uwajaho siday ahayd,wuxuuna abaabushay Ciidamo kooban oo Beeleed,waana kuwa ku filnaan waayay sugida amniga Xamar. Amniga,waxay ahayd in loo maareeyo si Qaran oo la fariisiyo Siyaasada amniga oo Qaranka,waase ka leexday oo wuxuu aaday mid ugaar ah oo kooban,waana mida keentay fashilka dhacay. DFS weli ma helin Madaxweynihii mudnaa,wuxuuna Xasan udanbeeyay dhawr isku si…
African Foreign Ministers have gathered in Addis Abeba, Ethiopia, for the 22nd Extraordinary Session of the Executive Council to review plans for the election of the African Union Commission (AUC) Chairperson scheduled for February 2025. The meeting, which began on Friday, includes representatives from all 55 African Union Member States, officials from AU organs and offices, and strategic partners. The Executive Council will deliberate on the draft report concerning the preparations for the election that will mark the end of the tenure of Moussa Faki, the current AUC Chairperson who assumed office in March 2017. Tanzania’s Foreign Minister, January Makamba,…
Haysashadii kooxda Al-Shabaab ee Hotel u dhow madaxtooyada Somaliya ayaa lasoo afjaray Jimcaha maanta ah, kadib 13 saac, ayada oo la dilay dhammaan dableydii kooxda, waxaa sidaas xaqiijiyey sarkaal ka tirsan booliska. Dagaalamayaal hubeysan ayaa weerar rasaas ah xalay ku galay Hotelka SYL, ayada oo Al-Shabaab ay mas’uuliaydda ku sheegatay bayaan ay soo saartay. Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Col. Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in weerarka ay ku dhinteen saddex askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka, halka 27 qof oo kale ku dhaawacmeen. Dadka dhaawaca ah ayaa isugu jira 18 shacab ah iyo 9 askari, sida uu sheegay. Waxa sidoo…
Xildhibaanada dhaawacmay Magacyadooda,waxay kala yihiin… Xildhibaan Cismaan Cali oo Golaha Shacabka ka tirsan. Xildhibaan Faarax Cabdi oo Golaha Shacabka ka tirsan. Senator Cabdirisaaq oo katirsan Aqalka sare. Xildhibaan Ismaaciil Iidoow oo Golaha Shacabka ka tirsan dhabarka,ayuu ka dhaawacan yahay. Waxaa kaloo Jira in ay Ku jireen Hotel-ka afhayeenka xukumada oo dhaawac fudud soo gaaray iyo Wariyeyaal kale . Nabad diidku markay kusoo guulaysteen furimihii hore ee dagaalka,ayay Muqdisho usoo wareejiyeen Dagaalka. Waxaaba Cajiiba Villa Somaliya iyo Xaafiiska Raysal wasaaraha kaabigooda in ay ka dagaalamayaan. https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1768403257515188594?t=wIEfyAUgQg6LIhHavco8ow&s=19
Taliyaha Ciidanka Haramcad ee Turkiga tababaray Gaashaanle Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax,ayaa ku dhaawacmay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen Hotelka SYL ee ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya. Sidoo kale Xildhibaano iyo Saraakiil kale,ayaa wararku sheegayaan in ay ku dhaawacmeen weerarka. Si gaar ah Xildhibaan Xoosh oo ka mid ah kuwa PL ku matala Baarlamaanka Fadaraalka,ayay Shabaab sheegteen in ay ku dileen weerarka,mase jirto cid madax banaan oo xaqiijisay sheegashadooda. Weli xaalada Hotelka Gacanta laguma dhigin,waxaana socota Xabad.
Madaxweynahii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar,ayaa laga sii daayay Xabsi ku yaala Magaalada Addis Ababa. Cabdi Iley,ayaa ku jiray Xabsiga tan iyo bishii Ogoosto sanadkii 2018-kii. Qareenkiisa Iskendir Geshne,ayaa xaqiijiyay sii dayntiisa,wuxuuna sheegay in Dacwad oogaha guud ka noqday dhammaan arimihii uu ku eedaysnaa. Raxma oo ahayd Xildhibaanad ka tirsan Barlamaanka DDSI iyo Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Carruurta oo la xirnayd Cabdi Iley,ayaa iyadana lala sii daayay. Ma cada sababta dhabta ah oo loo siidaayay,isla markaana looga laabaltay Dacwadihii waa weynaa ee loo haystay Cabdi Iley. Madaxweynihii hore ee Deegaanka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar,ayaa Xabsiga la dhigay markii…
Warar horudhac ah,ayaa sheegaya in Laba Qarax oo is xigxiga ay ka dhaceen Hotel SYL oo ku yaalla xayndaabka Madaxtooyadda Somaliya. Qaraxyada,ayaa ahaa Hoobiyayaal lagu soo tuuray Hotelka SYL oo ay degan yihiin Xildhibaano door ah oo ka tirsan Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya. Majirto Maleeshiyo gudaha ugashay Hotelka,sida ay xaqiijiyeen Dad goobjoogayaal ah,waxa Dadku uqaateen Dabley argagixisada ah oo gudaha usoo gashay,waxay ahaayeen Askar DFS ka mid ah oo Qaraxa ku argagaxday. Waa Habeenkii Labaad ee Qaraxyo ka dhacayaan Muqdisho,waxayna imaanayaan,iyadoo Deegaamo baahsan oo Galmudug ah oo ay dib uqabsadeen Argagixisada Alshabaab. Sidoo kale,waxaa dagaal xoog leh ka dhacay Magaalada Beledweyne,kaasoo…
Warbaahinta Puntland qayb kama ahan Gudiga Xamar lagu dhisay mana matalo,sababtoo ah lagalama tashan. Sideedaba,waxaan lagu midaysnayn cidna gaar uma samaysan karto,hadiise ay ku tagrifasho,waxay noqonayaan waxaasi wax kooxdaas gaar uleedahay. Gudiga Xamar laga dhisay,waa NGO uu samaystay Wasiir Alcadaala oo lagu darsaday Laba Qof oo Magac uyaal ah. Gabadha Faadumo Taxadar,waa Dumaashida Wasiir Alcadaala,waana reer Muqdisho oo PL iyo Beesha ay matalayso wax saamayn ah kuma lahan. Kooshin,waa la oran karaa waa reer Gedo,balse ma ahayn Wariye Shaqaynayay waayihii udanbeeyay oo xog ogaal u ah baahiyaha Saxaafada iyo cabashooyinkooda. Mida kale oo la yaabka leh,waxay tahay Warbaahin Madax banaan…
Dowladda federaalka Somaliya,ayaa dacaayad ku tilmaamtay warar sheegaya in uu hakad ku yimid mushaarka qaar ka mid ah Ciidamada Dowladda, sababo la xariira in mid ka mid ah dalalka shisheeye ee ciidamada Somaliya ka caawin jiray mushaarka uu joojiyay Lacagihii kaalmada ahaa ee uu bixin jiray. Warbaahinta qaar,ayaa qortay in xiriirka Imaaraadka iyo Somaliya uu hoos u dhacay,kadib markii dowladda Somaliya ay heshiish difaac la gashay Waddanka Turkiga oo ciidamo u tababaraayay Somaliya muddo Sannado ah. Inkasta oo uu Wasiirku ka gaabsaday in uu si gooni ah uga hadlo warka la xiriira in Dowladda Imaaraadku jartay deeqdii ay bixin jirtay,hadana…
Aqalka Wakiilada Mareykanka,ayaa xalay si aqlabiyad ugu codeeyay in la meel mariyo sharci horseedi kara in dalka oo dhan laga mamnuuco barta caanka ah ee TikTok, hadii shirkad iska leh maamulkeeda aysan ku wareejin shirkad Mareykanka laga leeyahay. Xeerkan ayaa Tiktok loogu qabtay muddo lix bilood ah inay kaga hoos baxdo shirkadda la sheegay inay geed fadhiga u tahay ee laga leeyahay Shiinaha, islamarkaana ay isu dhiibto shirkad maxalli oo Mareykan ah si dowladda hantiwadaagga ee Shiinaha galaaliyo xogta muwaadiniinta mareykanka ee isticmaala Tktok. 352 mudane oo aqalka wakiilada ayaa haa ugu codeeyay sharcigan oo ka dhigan halistii ugu weyneyd…
Dagaal,ayaa xalay ka dhacay magaalada Beeledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamo kala taabacsan Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo kuwa taabacasan Maamul la magac baxay Hiiraan State. Laba Qof,yaa ku dhintay tiro kalena wey ku dhaawacmeen. Wararkii ugu danbeeyay ee la helayo,waxay sheegayaan in inta badan Xarumihii Maamulka ay Gacanta ku dhigeen Maamulka la Magac baxay Hiiraan State oo laga saaray Maamulka Hir-shabelle. Waxa ka dhacaya Beledweyne,kadib ka bixitaankii Ciidamada Jabuti,waa wax niyad jab ku ah Somalida. In Ciidamadii reer Beledweyne ay Laba Magac kala samaystaan kadibna isku duulaan,waxay diraysaa fariin khaldan. Dooda ah Ciidamada shisheeye Somaliya weli…
Dhowr dal ayaa ku heshiiyay in ay ka dhafaan deyn ka badneyd 2 bilyan oo doolar oo lagu lahaa Soomaaliya Xubnaha Paris Clup oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Japan iyo Ruushka ayaa u dhaafay dhammaan deyntii lagu lahaa Soomaaliya kaddib markii ay gaartay dhammaadka hindisaha deynta cafinta ee ay kormeerayeen hey’adda lacagta adduunka IMF iyo banka adduunka. Soomaaliya ayey ka go’neyd in ay mudnaanta siiso dhimista faqriga iyo in ay maalgeliso caafimaadka, waxbarashada iyo kaabayaasha aasaasiga. “In deynta si buuxda loo cafiyo waxay wax ka badaleysaa mustaqbalka Soomaaliya, waxayna u ogolaaneysaa dowladda in ay fursad u hesho adeegyada aasaasiga”…
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekadaha Puntland oo hadlay,ayaa sheegay in ay ka warqabaan in Markabku kusoo wajahanyahay xeebaha Puntland qorshena ka leeyahiin. “Annagu howlgal rasmi ah oo aanu kula wareegayno Gaadiidka,iyagana aanu ku xirayno kuna marinayno shuruucda,ayaan leenahay,marka annaga istiraatijiyaddayaddu waxaa weeye in ayna Xeebahayagu noqonin bahalo galeen lala yimaado Gaadiidka Badaha lagu soo Afduubto,ayaa naga go’an”. Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Bangladesh Xasan Maxmuud oo saxaafadda lahadlay,ayaa sheegay in ay isku dayayaan in ay la xiriiraan burcadda, iyaga oo adeegsanaya Gacan Labaad. Warbaahinta dalkaas,ayaa sheegtay in Qoysaska shaqaalaha Markabka saaran ay talaadadii isa soo dhoobeen xafiiska Shirkaddu ku leedahay…
JOHANNESBURG, March 13 (Reuters) – Somalia secured the cancellation of 99% of the debt it owed to members of the Paris Club of creditor nations, the Paris Club said on Wednesday, a milestone in the war-scarred country’s efforts to rejoin the international financial system. Countries including the United States, Japan and Russia cancelled more than $2 billion of Somalia’s debt, the Paris Club, a French finance ministry body that acts as a secretariat for many creditor countries, said in a statement. The Horn of Africa country was eligible for more than $4.5 billion of debt relief from all creditors after…
Farmaajo ma’ahan kii mudnaa in uu dhaliilo Xasan,sababtoo ah maleh Gacmo nadiif ah oo wax nadiifin kara. Sadex arimood oo Farmaajo sameeyay awgood kama hadli karo Dastuur iyo ilaalin…. 1.Midka ilaalin waayay mudo xileedkii Dastuurku siiyay oo Sanad kale iska dhex fadhiyay Villa-da saw Farmaajo mahan? 2.Midka Labo Sano oo aan Dastuurka waafaqsanayn ku darsaday saw Farmaajo mahan? 3.Midka damcay in uu laalo Dastuurka oo xukun kaligii talye see rogo saw Farmaajo mahan? Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/jibril_qoobey/status/1767978537359663133?t=75302yhXgbJSnXrke3ziRA&s=19
Ciidanka Sudan,ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in ay la wareegeen xarunta Warbaahinta Dowladda ee Omdurman oo ay Gacanta ku hayeen kooxda Rapid Support Forces (RSF). Qabsashada dhismaha Warbaahinta Omdurman ee Wabiga Niil ka xigta xaga Khartuum, ayaa timid ka dib dagaallo culus oo Bilo ka socday agagaarka xarumaha Ciidamada,Buundooyinka, iyo Waddooyinka saadka ee Aagaas. Maleeshiyada RSF,ayaa wali Gacanta ku haya Koonfurta iyo Galbeedka Magaalada. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Soonqaadka,inkastoo dagaallo ay weli sii socdaan. Maleeshiyada RSF,ayaa soo dhaweeyay Xabbad joojinta Golaha amaanku ku dhawaaqay,waxaase ka hor yimid…
Sudan’s army announced on Tuesday that it had gained control of the state broadcast headquarters in Omdurman from the Rapid Support Forces (#RSF), marking a significant development in the ongoing conflict between the two factions. The capture of the broadcast building, situated in Omdurman across the River Nile from #Khartoum, comes after months of heavy fighting around military installations, bridges, and supply routes in the area. Despite a recent call by the United Nations Security Council for a ceasefire during the holy month of #Ramadan , battles have persisted, with the RSF welcoming the truce while the army’s senior general rejected…
Warqada lagu burinayo heshiiska Shidaal ee Wasiirka Batroolka Fadaraalku la galay Shirkada Liberty ee Maraykanka ah waxa ay si sax ah uga soo baxday MW Xasan. Xaafiiska Ra’isalwasaaraha Warqada waa lasoo dhexmarsaday ee ma’ahan waxa ka masuuliyad ahaan,isagu soo saaray. Wasiirka Batroolka iyo MW Xasan,ayaa si weyn iskugu dhacay oo isqabtay,waana waxa sababay in Warqadan lasoo saaro. Halkan a akhriso:-
Garoowe: 13 March 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor , ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabadda xilwareejinta Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Mudane Jaamac Faarax Xasan, oo ay weheliyaan Wasiir Ku-xigeennadii iyo Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Mudane Jaamac Faarax Xasan, ayaa ka warbixiyey Shaqooyinka Wasaaradda u qabsoomay 5-sano ee lasoo dhaafay, sida ay u maaraysay xaaladihii caafimaad ee Adduunka ka dhacay sida COVID-19 iyo cudurada kale adduunku wajahay, oo marwalba Wasaaraddu ay dadaal ku bixinaysay la helo qalabka baaritaanada casriga,…
Markabkan,waxaa Afduubtay Dhalinyaro reer Puntland ah,gaar ahaan Gobolka Mudug Degmada Jariiban ee Garacad hoos timaado. Ninka hogaaminayay Dhalinyaradan,waxaa la yiraahdaa Cabdi Maxamed Faandhe,waxayna walaalo yihiin talyaha Saldhiga Garacad Sugulle Faandhe. Markabka,ayaa haatan lagu haystaa Badweynta oo way ku dhici waayeen in ay lasoo aadaan Xeebaha. Arinka iswaydiinta mudan,wuxuu yahay.. Meeye Ciidankii Badda ee ahayd Shaqadoodu ka hortagida iyo la dagaallanka Burcad Badeeda? Dhacdadan,waxay ceeb iyo foolxumayn ku tahay Dekeda Garacad iyo Maalgashiga Deegaankaas ka socda. Sidoo kale,waxay khatar ku tahay Amniga Maraakiibta Ganacsi ee usoo socda Dekeda iyo kuwa la qorshaynayo in ay ku hakadaan. Bulshada Garacad,waa in ay go’aan…
“Waa dhamaystiraynaa Shaqada oo waa ka nadiifinaynaa Xamaas Raffah,sidoo kale Qasa ma noqon doonto meel khatar ku ah mar danbe Israa’iil”Ayuu yiri Netanyahu. Hadalkiisa,isagoo sii wata,Ayuu yiri Netanyahu… “Xamaas in ay dib isku soo hubayso oo isku soo dhisto oo ay khatar nagu noqoto markale ma sugayno”. Beesha caalamka,ayuu udiray fariin oranaysa.. “Iskuma helaysaan in aad tiraahdaan Israa’iil,waxay xaq uleedahay in ay difaacato amnigeeda hadana aad diidaan markaan talaabo qaadno”. Israa’iil marna ma bilaabin dagaal,balse 8-dagaal oo lagu soo qaaday way ku guulaysatay,waa hal hayska reer Israa’iil ee Maanta. Khasaaraha Rayidka soo gaaraya,ayuu sheegay in ay aad uga taxadari doonaan…
“Itoobiya in ay ka hesho jaan Badda Cas,waxay muhiim utahay amniga iyo xasiloonida Qaran ee Itoobiya,waxayna ku baadigoobaysaa si Sharci ah”Ayuu yiri W.Arimaha Dibada cusub ee Itoobiya. “Ethiopia’s newly appointed Foreign Minister, Taye-Atske Selassie, told state media that “direct access to the sea is a matter of our stability and national security,” adding that Ethiopia’s quest for seaports is very legitimate.” Hadalkiisa,isagoo sii wata,Ayuu yiri” Wadan Itoobiya oo kale ah,waa in uu helaa dhaqaale xoog badan,wuxuuna ku samayn karaa Bad”. Wasiirka,ayaa ka dhawaajiyay in BC dadaal Diblomaasiyadeed oo xoog badan ay gelisay sidii xal loogu heli lahaa baahida Badeed ee…
Ethiopia’s newly appointed Foreign Minister, Taye-Atske Selassie, told state media that “direct access to the sea is a matter of our stability and national security,” adding that Ethiopia’s quest for seaports is “very legitimate.” The international community is well informed about Ethiopia’s aspiration to access the sea following extensive diplomatic engagement in the subject, the report cited FM Taye as saying. Extensive diplomatic works to inform the reality have been carried out during the past six months. As a sovereign state, Ethiopia needs “solid economy that is supported by stable transactions”, the reported cited FM Taye, adding that Ethiopia’s quest…
Shirkada Liberty ee Maraykanka ah oo ay heshiis la gashay DFS,waxay sahmin Shidaal ku samaynaysaa Saddex Xirmo Shidaal oo dhanka Xeebta ah,kuwaas oo kala ah…. 1.Xirmada 131 2.Xirmada 190. 3.Xirmada 206. Xirmada 131? Sahmin horay loogu sameeyay;ayaa muujinaya in ay jirto rajo weyn oo laga qabo in aagan xeebta ah laga heli karo kheyraad badan oo shidaal ah. Xirmada 190? Waxay ku taal Dooxada Jubba-Lamu,waxaana horay loogu sameeyay Sahan,kaasoo muujinaya suurtagalnimada ah in halkaas loogu tago Saliid iyo Gaas sare oo aad u badan. Xirmada 206? Xirmadan 206,waxaa la barbardhigaa Xeebaha Namibia oo Shidaal fara badan oo laga helay.…
Shirkada Shidaalka ee Liberty waa mid gaar loo leeyahay oo Mareykan ah. Xarunteedu,Waxay ku taal Gobolka Phoenix ee Maraykanka. Waxaa la aas-aasay Sanadkii 1997-dii,waxayna Gacanta ku heysaa 17-Deegaan oo Shidaal laga soo-saaro dunida oo dhan. Ilaa Maalinkii ay shaqo bilowday,waxay Shirkadu qabatay howl shidaal soo-saarid iyo horumin ah iyada oo ku shaqaysay Lacag dhan $1.7-Bilyan oo dolar. Sanadkii 2009-kii waxaa loo aqoonsaday in ay ka mid tahay Tobanka Shirkadood ee ugu saameynta weyn Shidaal soo saarista caalamka oo idil.
Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis kale oo cusub la gashay shirkad kale oo Mareykan ah, taas oo shidaal kasoo saari doonta xermooyin Shidaal oo ku yaala Somaliya. Shirkadan cusub oo la yiraahdo Liberty ayaa shaacisay heshiiska ay la saxiixatay Wasiirka Macdanta iyo Batroolka, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka. Shirkada,ayaa sheegtay in uu heshiiskan yimid kadib yadadiilada laga qaaday saliid iyo gaaska ganacsi ee laga helay dalalka kale ee Bariga Afrika ee Kenya, Uganda, Tansanita iyo Mosambik. Arrinkaas,ayaa horseeday in Shirkadaha Saliiddda ayay dib u qiimeeyaan rajada batroolka ee dalalka Geeska Afrika. Madaxa Shirkadda Shidaalka ee Liberty Lane Franks,ayaa sheegay in heshiiska…
2 March 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyas Osman Lugatoor , ayaa ka qeybgalay Munaasabadda xilwareejinta Wasiirka cusub ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Puntland Mudane Cumar Cabdisamad Yuusuf iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed (Libaaxe), Wasiir ku-xigeenka Cusub ee Wasaaradda Mudane Dr Cartan Axmed Maxamed iyo Wasiir ku-xigeenkii hore Mudane Maxamed A. Dayib Guure iyo Wasiir Dowlaha Cusub Cabdinaasir Axmed Aadan iyo Wasiir Dowlihii Hore Mudane Mustafe Cabdifataax Maxamed. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Mudane Xasan Maxamed Ciise (Goodir) oo soo dhaweeyey mas’uuliyiinta ka qayb galaysay munaasibadda xilwareejinta ayaa kusoo bandhigay waxqabadka Wasaaradda, guulaha laga gaadhay…
GAROOWE- Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ay weheliyaan Wasiir kuxigeenada iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, waxaana xilka lagu wareejiyey Wasiirada cusub ee Wasaaradda oo u hoggaaminayo Wasiir Maxamed Faarax Maxamud. Xafladan waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda, gudiga qaban qaabada Xil wareejinta, Xildhibaano ka tirsan Gobolka wakiilada, madaxda iyo qayb ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa soo jeediyey xogta Wasaaradda iyo waxqabadkii Wasaaradda Maaliyadda muddadii uu hoggaaminayey Wasiirkii hore…
Ciidamada kasoo baxay Deegaamada Caad,Bacaad weyn iyo Camaara ee Galmudug,waxaa ka danbeeya Mahad Salaad. Deegaamadan,waxaan ku sugnaa Ciidamo iskugu jira Nisa,Daraawiishta Galmudug iyo Macawisley. Mahad,wuxuu amray in Ciidamada Nisa iyo Macawisleyda oo DFS ay Gacanta ku hayso ay iskaga soo baxaan Deegamadaas. Ujeedka uu ka leeyahay Mahad Salaad soo banaynta Deegaamadaas,waa in uu ku ceebeeyo oo fashil uga dhigo Madaxda Galmudug. “Maamulka Galmudug haatan hogaaminaya,waa fashilmay ee halaga gaaro” Waa yoolka Mahad Salaad. Mahad,wuxuu isku diyaarinaya in uu badalo Qoor-qoor. Waa nasiibdarro in Nabad diidka fursad la siiyo,iyadoo laga duulayo dano gaaban oo Siyaasadeed. Sida aan xogta ku helay MW…
Garoowe: 11 March 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa warqad sumadeedu tahay XMWK/65/2024 ku magacaabay guddiga Xilwareejinta Golaha Wasiirada Puntland. Waxaa loo magacaabay guddiga Xilwareejinta Golaha Wasiirada xubnaha hoos ku xusan oo kala ah. 1. Cabdifataax Maxamed Nuur Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Puntland. 2. Cabdirisaaq Cumar Faarax Hantidhawraha guud ee dowladda Puntland. 3. Maxamed Cabdullaahi Ismaaciil Xisaabiyaha Guud ee dowladda Puntland. 4. Axmed Maxamed Yuusuf Xeer Illaaliyaha Guud ee dowladda Puntland. 5. Maxamuud Xasan Aw Cismaan Madaxa Shuruucda Madaxtooyada. 6. Asad Faarax Maxamed Agaasimaha Xiriirka Goleyaasha. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXWEYNE KU XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND.
Maraykanku waxay sheegeen in shaqsiyaadka iyo shirkadaha lagu magacaabay warbixinta ay soo saareen ay ka qayb qaateen dhiqidda lacagta dollarka oo la mariyey ganacsiyo dhowr ah. Shirkadaha lagu xusay waxaa ka mid ah Haleel Commoditeis LLC oo fadhigeedu yahay Dubai sidoo kalana loo yaqaano Haleel Group, waaxay sheegeen inay fududayn dhaqaale u samaysay Al-shabaab Shirkadan ayaa laamo ku leh Kenya,Uganda, Qubrus iyo qaybteeda Elaktarooniga ee Soomaaiya ayaa ayaa lagu yiri warbiixnta wasaarada Lacagta Maraykanku Shirkada Qemat Al Najax General Tradinga oo fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka ayaa kuwa lagu sheegay warbixinta, taas oo Maraykanku ku eedeeyey inay gacan ka gaysatay maareynta…
WASHINGTON — Today, the U.S. Department of the Treasury’s Office of Foreign Assets Control (OFAC) imposed sanctions on 16 entities and individuals who compose an expansive business network spanning the Horn of Africa, the United Arab Emirates (UAE), and Cyprus that raises and launders funds for al-Shabaab, a terrorist group affiliated with al-Qa’ida. Individuals within this network include influential businesspeople in the region that lend financial backing to al-Shabaab, a terrorist group responsible for some of the worst terrorist attacks in East Africa’s modern history. These attacks have claimed the lives of thousands of innocent civilians. These individuals and entities…
Hoggaamiyihii Al-Qacida ee Yemen ayaa geeriyooday, waxaa sidaas Axaddii ku dhowaaqay kooxda, ayada oo aan bixin wax faah-faahin ah. Khalid al-Batarfi ayaa waxaa madaxiisa dul saarnaa abaal-marin ah $5 milyan, oo uu ballan-qaaday Mareykanka, sababo la xiriira hoggaamintiisa Al-Qacidada Jasiirad u yaalka Carbeed. Inkasta oo la rumeysan yahay in sanadihii dhowaa ay daciiftay sababo la xiriira dagaal dhexdeeda ah iyo duqeymo diyaaradeed oo Mareykanka uu ku dilay dhowr ka mid ah hoggaankeeda, haddana kooxdan oo loo yaqaan AQAP ayaa loo arkaa laanta ugu halista badan ee Al-Qacida. Al-Qacida ayaa sii daysay muuqaal muujinaya al-Batarfi oo ay ku duuban tahay karfan…