Author: Jibril Qoobey.

Xaqiiqdii ilhaamo ayay ku tahay in Xasan Shire oo kale ka hadlayo mustaqbalkooda reer Puntland. Sababtoo ah ma gaarsiisna dhan walba in rajo ka qabato mar in uu xukumo Ummad reer PL oo kale ah. PL Dadkeedu waa hormuud Aqoon,Ilbaxnimo iyo Aragti 70% ceeb ayayna ku tahay Xasan oo Sadexdaasba ku hooseeya in uu masiirkooda ka taliyo. Madaxweyne Deni,waxuu ku khaldamay in uu Wasaarada muhiimka ah ee Maaliyada udhiibo Xasan oo kale,taasoo kaliftay in uu ku hamiyo Kursiga Villa Garowe. Puntland xili muhiim u ah taariikhdeeda ayay ka gudbaysaa oo aan wax hor istaagi karaa jirin.

Read More

Shalay,waxaa Save Children gaystay Maxamuud Shido si uu Mashaariicda ugu fududeeyo. Kadib,waxaa Wasiirka qorshaynta ka dhigtay Maxamuud Shido oo Deni ka codsaday,si uu Mashaariicda ugu leexsado. Deni,iyadoo looga digayo,ayuu ka dhigay Xildhibaan,isagoo udiiday Cabdi Barre oo ah Nin la yaqaan qadiyadiisa iyo qiyamkiisa. Saakay,waxaa looga hadal siiyay in jawiga lagu badalo oo nafis Siyaasadeed laga dhex raadiyo ilayn Xasan isqarxin Siyaasadeed,ayaa ku dhacay oo waa dhintay. Siyaasi ama Oday walba oo hadla xiligan waxba kama badali karo jawiga kaliya,waxuu Dadka sii jeclaysiinayaa Deni. Qof walba oo Xasan waxyar oo xiriir ah la leh ama xiligan mucaarada Deni,waxaa loosoo diray fashilinta…

Read More

Officials working for the United Arab Emirates were shocked last year when the US asked that Abu Dhabi, a close US partner, pay for the military assistance it received in the aftermath of a drone attack, Axios reported, citing Emirati and American officials. The revelation comes from a book released this week titled Trump’s Peace, written by Axios reporter, Barak Ravid. Last January, a drone attack claimed by the Houthis targeted an oil facility in Abu Dhabi, killing three people: one Pakistani national and two Indians. After that attack, then Abu Dhabi Crown Prince Mohammed bin Zayed, who is now…

Read More

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland,ayaa maanta soo dejiyay qaybtii 2-aad ee Agabka Doorashada Qof iyo Codka ah ee Golayaasha deegaanada Puntland. Agabka soo degsy,ayaa kala ah… B.Sanaadiiqdii Codbixinta. T.Qolka Codbixyaha. J. Khada farta (lagu calaamadinayo Codbixiyaha). X.Tooshka lagu xaqiijinayo Kaarka Codbixiyaha iyo farta codbixiyaha (Hadduu mar codeeyay qabanaya). Kh.Kolayadii Agabka lagu gurayay. Sidoo kale,waxaa qayb ka ah qalab kale oo muhiim u ah Doorashada. Waxaa socda udiyaar garowgii ugu danbeeyay ee Doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland. Dadwaynaha Puntland ayaaa u dareeri doona codaynta doorashada golayaaasha degaaanka 25 may 2023.

Read More

Ilbaxnimada iyo xadaaradaha la isugu faano ee dadku ku kala tagay wax kale maaha e waa uun hal tallaabo oo la qaaday waqti inta kale ay fadhiday. Halkaas tallaabo ayaa sees u noqota horumar baaxad leh, taariikh guun ah iyo xadaarad loo noqdo mar walba oo xalku adkaado. Tallaabo noocaas ah waxaa qaaday reer PL 1998. Sida uu sheegay raysulwasaare Dr caqlibadane Xamse Cabdi Barre, waqti dadku hurday ayay dad reer PL ah tooseen oo maamul salka u dhigeen. Halkaas tallaabo waxaa ay ka hormarisay dalka intiisa kale. Waxay noqotay calaamad ilbaxnimo oo Soomaalida ka soocda. Waxaa ay noqotay seeska…

Read More

Sanyare ma muujin Faham,Aragti iyo Qiyam Siyaasadeed marka laga fiiriyo qormada uu ku amaanay Geelle. Waa Xildhibaan ku matala PL Baarlamaanka Fadaraalka mana ahayn in uu ku deg-dego amaanta Geelle oo ay PL u aragto in uu yahay Mus-danbeedka dhibaataynta PL. Si gaar ah,waxuu Saldhig uyahay xasuuqa Shacabka Laascaanood lagu hayo iyo xumaanta ka dhanka ah PL ee Villa Somaliya kasoo butaacayso. Xil.Sanyare,ayaa la aaminsan yahay in Qormadan ay ka keentay  Qaadka Kenya ka yimaada oo wax laga siiyay fursadihiisa,iyadoo Geelle kala hadlay Xasan Shiikh. Sanyare iyo Gabar Dumaashidiis ah,ayaa loo xiray Qaadka Kenya ee Mudug taga,kaasoo ka degaya Garoonka…

Read More

24-Cisho gudahood,ayay ku burburaysaa Puntland,markuu lahaa Xasan Shiikh,waxuu dejiyay Laba qorshe,kuwaasoo kala ah…. Gaalkacyo? Lacag $100-kun ah,ayuu Sacdiyo Samatar usoo dhiibay ,waxay la hartay $25-kun,intii kale,waxay ku wareejisay Xildhibaan Cismaan Xoosh. $15-kun,ayuu kala haray isaguna Lacagtii oo $60-kun,ayuu ugeeyay Rag Nayrobi jooga oo kasoo jeeda Galkacyo. Qorshahaha Lacagta loo bixiyay,waa in Gaalkacyo lagu qabto Shirar looga soo horjeedo Dimuqraadiyada iyo Deni. Waxaa fulinta loo xil saaray Rag Siyaasiyiin iyo Nabadoono iskugu jira oo kala ah… Safka hore? 1.Gaas. 2.Cabdirashid Ciro 3.Cali Xaaji 4..Sonkor Jaamac Geyre 5.Maxamed Cabdirisaaq 6.Cabdi Siciid. Safka danbe? 1.Cabdinaasir Biixi Soofe 2.Maxamed Baldho 3.Shaacuur 4.Axmed Cabdi Cilal…

Read More

Waa wax lagu farxo in la helo Dhalinyaro Siyaasadeed oo ka soo jeeda Mudug kana dhex muuqata Dimuqraadiyada. Cabdifitaax Sugulle waa hormuud hofaamiyayaasha Ururka Mustaqbal. Dhalinyarada hanka leh ee kasoo jeeda Mudug,waxay haysataa fursad,sababtoo ah Gobolkaas,waxaa hor taagan Oday daalay iyo kuwo Shaqo gaaban raadinaya oo aan lahayn han iyo aragti Ummadeed. Mustaqbal waa Urur awoodiisa muujiyay oo safka hore ah ayna ku midaysan yihiin Hormuud ka kooban PL oo idil. Gaalkacyo waxay kusoo bandhigeen bahda Urur Siyaasadeedka Mustaqbal ee Mudug awood. Jibril Qoobey.

Read More

Bankiga Aduunka,ayaa ku eedeeyey DFS in ay ku guul dareysatay la dagaalanka musuq-maasuqa iyo eexda shaqaaleynta. Wasiirka Maaliyadda,ayaa shir uga qeyb galay Washington oo eeddas loo soo jeediyey. Markaas kadib,ayuu soo saaray Warqadan Xasan Shiikh uu ku amrayo in laga shaqeeyo la dagaallanka Musuqa iyo maamul xumada. Baanka Aduunka,ayaa hakiyay Mashasriicdii uu ka fulinayay Somaliya kadib markii Dowlada Somaliya ku fashilantay Geedi socodkii Barnaamijka Dayn cafinta. Si gaar ah,waxaa Dowlada loogu dhaleeceeysy dhawar arimood oo kala ah.. 1.Wada shaqayn la’aanta Dowlad Goboleedyada. 2.Wasiirka Maaliyada oo hogaamintiidu hoosayso. 3.Madaxweynaha iyo Qoyskiisa oo faraha kula jira arimo musuq oo muuqda. 4.Hanti…

Read More

Maxkamadda sare ee Pakistan,ayaa ku dhawaaqday in xarigga ra’iisal wasaarihii hore Imran Khan uu yahay “mid sharci darro ah”, waxaana go’aan ka soo baxay laba maalmood uu dhaliyay isku dhacyo sababay dhimasho iyo dhaawac iyo mudaharaadyo waaweyn oo dalka oo dhan ka dhacay. “Xarigaagu wuxuu ahaa mid aan sax ahayn, sidaa daraadeed waa in nidaamka oo dhan dib loo celiyaa,” ayuu guddoomiyaha maxkamadda sare Umar Ata Pandial u sheegay Khan mar uu ka hadlayay dhageysi ka dhacay caasimadda Islamabad. Umar Ata Bandial ayaa booliska ku amray inay masuul ka yihiin amniga Khan iyo reerkiiisa, wuxuuse Khan ka diiday codsigiisa ahaa…

Read More

Xoghayaha Amniga gudaha ee Maraykanka Alejandro Mayorkas ayaa arbacadii ballanqaaday in “inta badan” kumanaanka muhaajiriinta ah ee doonaya inay maalmaha soo socda ka soo galaan xuduudda Maraykanku la wadaago Mexico, inay kala eryi doonaan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/Reuters/status/1656444003263324160?t=JANjeo8DjpBzsIC8KhI0Bw&s=19

Read More

Madaxweynihii hore ee dalkan Maraykanka, Donald Trump ayaa sheegay in uu racfaan ka qaadan doono xukun ay riday xeer beeg magaalada New York kaasoo Trump ku helay inuu ku xad-gudbay haweeney qoraa ah oo lagu magacaabo Elizabeth Jean Carroll kadibna uu sumcad dil u geystay isagoo ku tilmaamay in ay been sheegtay. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/CNN/status/1656458894175092739?t=ELtn1c-GY2znzqSKlcm2yA&s=19

Read More

Urur Siyaasadeedka Sincad,ayaa guud ahaan Puntland kusoo bandhigay taageerayaashiisa Maanta. Magaalooyinka ay iskugu soo baxeen taageerayaasha Ururka Sincad,syaa waxaa ka mid ahaa 1.Bosaso 2.Garowe 3.Gaalkacyo 4.Carmo 5.Gaalkacyo Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1656400178109206530?t=KLD1y9gFr8595J9-Zcc0Tw&s=19

Read More

George Santos oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka, kana tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa la xiray Arbacada maanta ah, waxaana lagu eedeeyay musuqmaasuq, gacan-togaaleysi iyo xatooyo hanti dadweyne. Wuxuu hore u diiday baaqyo ahaa inuu is-casilo maadaama uu ka been sheegay shaqadiisa. Santos oo 34 jir ah ayaa hore loogu soo oogtay inuu khiyaameeyay taageerayaasha siyaasadda, isaga oo qariyay asalka lacagta uu ku galay olohiisa doorashada iyo mid uu isticmaalay xilli uu ahaa shaqa la’aan. “Isku soo wada duub, eedeymaha dacwadda lagu soo oogay waxay Santos ku eedeeyeen inay ku tiirsan yahay daacad-darro soo noqnoqotay iyo khiyaanooyin” ayuu ku…

Read More

Digniin: Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland waxay Digniin udirayaan shaqaalaha kala duwan ee Dowladda Puntland, iyagoo ku war-gelinaya in ay ka fogaadaan ku milanka Ururada Siyaasada Puntland. Waxaa jira xubno shaqaale ah oo ka dhex muuqda qaar ka mid ah ololaha Ururada Siyaasada Puntland, kuwaas oo aan u gudbin doono xeer ilaalinta, si dacwad loogu soo oogo talaabo sharciga waafaqsana looga qaaado. #codkaaguwaaxaqaaga #codkaaguwaamustaqbalkaaga. Halkan ka akhriso:-

Read More

Xarigga Talaadadii ee loo geystay laacibkii hore ee ciyaaraha cricket-ka, ahna siyaasiga ugu caansan Pakistan marka loo eego ra’yiga dadka Pakistan, ayaa kusoo beegmay waqti adag oo Pakistan ay wajahayso culeys dhaqaale. Dowladda ayaa sheegtay in taageerayaasha xisbiga Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ay weerar ku qaadeen dhismayaal muhiim ah oo dowladeed, ayna waxyeello gaarsiiyeen baabuurta gaarka loo leeyahay iyo kuwa dadweynaha. Booliska ayaa sheegay in 945 ka mid ah taageerayaashiisa lagu xiray gobolka Punjab kadib markii 25 baabuur oo boolisku leeyihiin iyo in ka badan 14 dhismo dowladeed oo la gubay. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/SRFLN6NbRK0

Read More

Guddoomiyihii Waxbarashada Gobolka Sool ee Maamulka Somaliland Daahir Maxamed Axmed,ayaa kala soo Goostay 5-Gaadiidka dagaalka ah Maamulkaas. Daahir iyo Ciidankiisa,ayaa lagu soo dhaweeyay Sool,waxayna ku biireen Ciidamada difaaca Gobolka ee SSC. Waa Siyaasigii ugu horeeyay ee maamulkaas qaybta ka ahaa ee kala soo fakada Hub iyo Gaadiid tiradaas gaarsiisan.

Read More

Si lama filaan ah,ayuu ugu tagey Islaan Bashiir Shalay markuu kasoo baxay Garoonka Kubada Cagta Madaxweyne Deni. Majirin ballan hore,waana ka cudurdaartay Islaanku codsiyo dhawr jeer uu usoo dirsaday Deni. Madaxweyne Deni talaabo fiican,ayuu qaaday oo lagu bogaadiyay,mar haduu Islaan Bashiir fadhigiisa ugu tagey. Islaan Bashiir waa mid ka mid ah Isimada ugu maqaamka sareeya reer Puntland oo aad loo qadariyo. Islaan Ciise,waa in uu ugu hoydaa hoygiisa Garowe. Sidoo kale Boqorka iyo Isimada Bari,waa in uu ujilba jabsadaa. Siyaasiyiinta intooda muhiimka ah,waa in loo tanaasulaa oo lagu qanciyaa xil iyo Xoolo waxay ku qancayaan. Dadka in laga wada adkaado…

Read More

Ku dhawaad 4-kun oo Qof,ayaa utaagan Musharaxiinta Doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland. Halka markii hore Madaxweynuhu soo magacaabi jiray Qofka noqonaya Duqa,isla markaana Qabiilooyinku iska soo xuli jireen. 3775-Xubnood,ayaa usharaxan Doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland. Waa horumar weyn oo laga sameeyay isbadalka nidaamka Dowladnimo. Puntland iyo guud ahaan Somaliya waxay utahay guul taariikhiya hirgelinta Dimuqraadiyada. Jibril Qoobey.

Read More

Gabadha Xasan Culusow oo qaadatay doorkii Ra’isalwasaaraha,waxayna ku matalaysaa xataa Xafladaha. Tani waa Munaasabad lagu xusayo Maalinta Nabada iyo Midnimada Midowga Yurub oo Xamar ka dhacday. Gabadha Xasan iyo Wasiirada oo uu ku jiro Xoghaye Xamse,ayaa safka hore wada fadhiya. Waxa la yaabka leh,ayaa ah xataa haduu maqan yahay M.Xasan,waxuu Xamse unoqonayaa Xoghayn Gabadhiisa oo matalaysa. Xadgudub Dastuuriya,ayaa dhacay. Jibril Qoobey.

Read More

Baanka Adduunka ayaa joojiyay inta badan mashaariicdii horumarineed ee uu ka waday Soomaaliya, isagoo ku sababeeyay kalsooni darro ku timid hanti dhowrka guud ee ‘la rakibay’ oo ah sababta koowaad ee waxqabadkooda, Horn Examiner ayaa ogaaday. Tallaabadan ayaa walaac ka muujisay mustaqbalka dadaallada horumarineed ee dalka ka socda oo ka soo kabanaya dagaalladii sokeeye ee tobannaan sano socday kuwaas oo burburiyay kaabayaashii dhaqaalaha. Hanti dhowrka guud ee cusub ee loo magacaabay Axmed Ciise Guutaale oo horay u ahaa wariye ka tirsan idaacadaha maxaliga ah ayaa la kulmay dhaleeceyn la xiriirta khibrad la’aan iyo xirfad la’aan dhanka hanti dhowrka iyo arrimo…

Read More

The World Bank has halted most of its development projects in Somalia, citing a lack of faith in the newly ‘installed’ Auditor General as the primary reason for their action, Horn Examiner has learnt. This move has raised concerns about the future of ongoing development initiatives in the country which is recovering from decades of civil war which left the country’s infrastructures destroyed. The newly appointed Auditor General of Somalia, Ahmed Isse Gutale, a former local radio journalist, has faced criticism regarding his alleged lack of experience and skills in the field of auditing and corruption concerns raised by the…

Read More

Xamse,ayaa si umuuqata jees-jees ka yiri xasuuqa Shacabka Laascaanood..”Tolla’ayeey iyo Habarwacasho loogama bashna LC ee Nabada hala ilaaliyo SL ha aqbasho wada hadalada hana sugto amniga”. Axmed Karaash Madaxweyne xigeenka Puntland,ayaa dhankiisa jawaab ka siiyay hadalkii kasoo yeeray RW Xamse ee ku Aadanaa xasuuqa Shacabka Laascaanood.

Read More

Madaxweyne Deni oo Kumanaan Qof kula hadlay Garoonka Kubada Cagta Cawaale Gaalkacyo,ayaa si cad u amray in LC la xoreeyo ka hor  Bishan 25-keeda hadii rabi idmo. “Ma qarsanayno waa difaacaynaa LC,waxaana farayaa Shacabka PL in ay xoreeyaan 25-ka Bisha ka hor”Ayuu yiri M.Deni. Waa hadal aan looga baran oo ka fog Siyaasadii ay ku hawlgalaysay PL. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1655942445354594306?t=vlpfeXbGPUV7VX-s_u9aXQ&s=19

Read More

Madaxweynaha Dowlada Puntland oo ka jawaab celinayay khudbado ay kala jeediyeen Madaxweyne Xasan iyo RW Xamse oo ka dhan ahaa Puntland,ayaa yiri sidatan “Ninka sheegta RW ee ah Xoghaynta Madaxweynaha,shaqadiisii,ayaa la qaatay ee ma cid kaluu shaqo siin karaa”Ayuu yiri M.Deni. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1655943221711896578?t=eYE-3P3JrjFxIHJFr5iNKA&s=19

Read More

Gaalkacyo: 09 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Galabta Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale Stadium kaga qeybgalay isu soo baxa Urur Siyaasadeedka KAAH, halkaasi oo ay Garoonka soo Buux dhaafiyeen kumanaan ka mid ah dadweynaha Gaalkacyo. Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Ururka KAAH, ayaa ka mahadceliyay Cududa taageero ee Bulshadu usoo bandhigtay iyo sida Bulshada Gobolka Mudug u yihiin dad u taagan Illaalinta Dowladnimada iyo ka qeybgalka Dimuqraadiyadda, isagoo ka codsaday Bulshada in ay doortaan Xildhibaanada Ururka KAAH ugu sharaxan Golaha deegaanka ee Degmada Gaalkacyo. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1656033315357356032?t=gO3yi8uxgn_wMm3-MAfRIA&s=19 Madaxweynaha ayaa uga digay Dowladda Federaalka Soomaaliya…

Read More

Wax cusub ma sheegin ee waxuu ku celiyay hadalkii Xasan. Xamse,waxuu umuuqdaa Nin Hurdo laga soo toosiyay oo soo salalay lana soo jiheeyay. Waxa uu ku doodayo oo PL ku eedaynayo maleh cadayn la taaban karo laguna wada qanci karo. Laba Qodob,ayaa laga dhex arki karaa hadalkiisa… 1.In Dowladii Xasan Sanad ku fashilantay. 2.In PL ay tahay awood aan la dhaafi karin. Puntland in Dalkan lagu tagrifalo awoodiisa Dowladnimo ma aqbali karto. Waxa ay Maanta ku haysato Dowlada Xasan hogaaminayo,waa waxii ay Shalay ku haysatay oo ku hor taagnayd Dowladii Farmaajo. Dowladnimada Somaliya ma dhisna,Dalkuna maleh Dastuur oo weli,waxaa lagu…

Read More

Olalaha Ururada Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka oo si habsami leh uga socda guud ahaan Puntland. Laga bilaabo Saaxo ilaa Qandala,waxaa ka socda Olalaha Doorashada. Shalay,waxaa usu soo vax balaaran samaystay Ururka Mideeye. Maanta Olale Awood badan,waxaa soo bandhigay Ururka KAAH. Ururadu waxay udhaqmeen si masuuliyad ah oo ay ku ilaalinayaan nidaamka iyo xeerarka. Halka Bulshada Puntland ay muujiyeen faham sare,ilbaxnimo iyo Dimuqraadiyad. Olale umuuqda si heer caalami ah,ayaa ka socda Puntland. Guud ahaan Geeska Afrika Dimuqraadiyada PL ka socota waxay utahay muhiim. Jibril Qoobey.

Read More

Bisha 9-aad waxaa joogsan doona Mashaariicda World Bank uu Somaliya ka wado,iyada musuq maasuq iyo wada shaqayn la’aan lagu sababayn doono. Laba Qodob ayay Somaliya ka faa’idaysaa arinkan. 1.In Daynta iyo Mashaariicda si gaar aan loo cunin. 2.In aan lagu dhibaatayn DG dhaqaalaha laga helo Dayntaas. Puntland si gaar ah waxay ugu tahay guul,sababtoo ah… 1.Mashaariicdaas,waxaa qorshaysnaa in aan waxba laga siin. 2.In si gaar ah loo bartilmaamaydsado oo lagu dhibaateeyo Lacagtaas magaceeda lagu soo qaadanayo. Ilaa inta laga helayo Madax Qaran oo masuul ah Dayn Cafintu waa rahmanaanaysaa. Jibril Qoobey.

Read More

Buurtinle: 07 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay Degmada Buurtinle. Xarfo: 07 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay Degmada Xarfo. Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug. Daarusalaam : 07 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi…

Read More

Qoraal kasoo baxay Gudiga Doorashooyinka kmg ah ee Puntland,ayaa digniin ukala diray Labada Urur ee KAAH iyo MIDEEYE. Ururadan,ayaa ku xadgudbay xeerkii Olalaha ee lagu kala asteeyay sida Oluluhu noqonayo ama uu Urur walba uqabsanayo. Shalay,waxaa isku mar Olale galay Madaxweyne Deni oo KAAH ah iyo Asad Diyaano oo MIDEEYE ah. qoraalka,ayaa uqornaa sidatan hoos ku qoran… Digniin: Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Wuxuu Digniin kama danbeysa ah u dirayaa Ururada #KAAH iyo #MIDEEYE oo ku xad-gudbay qaar kamid ah Xeerarka Doorashooyinka. #Codkaaguwaaxaqaaga #Codkaaguwaamustaqbalkaaga

Read More

Sacuudiga,ayaa wada dadaal dhexdhexaadin oo Maraykanku gadaal ka riixayo,iyadoo Labada dhinac ay udireen Ergo kala matasha,balse shaki,ayaa laga muujinayaa in ay wax kasoo baxaan. Dagaalada ka socda Sudan ayay ku naf waayay 500-Qof,waxaana ku dhaawacmay in ku dhow 5000-Qof,halka ay ku barakaceen 800,000 oo Qof. Xabad joojintii weli si buuxda waa udhaqangeli la’adahay. Waxaa xirmay Xarumihii Caafimaadka,Waxbarashadii,Ganacsigii,waxaana sii yaraanaya Cuntadii,Korntadii iyo Biyihii. Waxaa lumay kala danbayntii iyo maamulka hoose ee Dowladnimo,waxaana bilaabatay bililiqo. Milliterigu waxay ku adkaysanayaan in ay soo afjarayaan Maleeshiyaadka RSF. Halka Maleeshiyaadka RSF ay gabaad ka dhigteen Guryaha Shacabka iyo xarumaha Caafimaadka. Halkan ka…

Read More

Gobolka Alberta ee dalka Canada oo xaalad degdeg ah looga dhawaaqay Gobolka Alberta ayaa looga dhawaaqay xaalads degdeg ah kaddib markii dab ka soo billowday keymaha u uku fiday gobolkaas ku yaalla galbeedka Canada, taasoo sababtay in ku dhowaad 25,000 oo qof ay ka qaxaan guryahooda. Gobolkan oo hore ay usoo martay ilaa 100 dhacdo oo dab ka kacay, ayaa raysal wasaaraha Alberta Danielle Smith waxay xaaladda ku tilmaantay mid “aan hore loo arag”. Dadka deggan Edson, oo ah magaalo ay ku nool yihiin 8,000 oo qof, ayaa loo sheegay inay degdeg uga baxaan. Ms Smith ayaa sheegtay in jiilaal…

Read More

It is important to note that state building initiatives in Somalia has been dominated by external actors, making the process cumbersome, lengthy, and ineffective. It is time Somalia takes over the driver’s seat and pursues a state building project relying on home- grown solutions. Experience elsewhere illustrates that a home-grown project offers better prospects of success than an externally influenced initiative. Our sisterly nation of Rwanda is an exemplary case where a home- grown state building process has led to the emergence of a capable state that serves as an excellent model for other conflict affected countries like Somalia. Somalia…

Read More

Waxaan ubaahanahay Hal Sano iyo Lix Bilood oo ka baxsan mudo xileedka Xukuumada xiligan jirta. Mudadaas,waxaa Puntland looga gudbinayaa si Sharciya oo waafaqsan Dastuurkeena… 1.Sugida xoraynta Sool iyo dhismaha SSC. 2.Dhamaystirka Dimuqraadiyada ilaa heer,Baarlamaan iyo Madaxweyne. 3.Qabyo tirka Dastuurka Fadaraalka iyo sugida Fadaraalaynta. Si loo fuliyo Qodobadaas,waxaan ubaahanahay si Kmg ah in aan ulaalno Laba Qodob oo Dastuurkeena ka mid ah,kuwaasoo kala ah… B.Qodobka 8-da Janaayo ee Doorashada Madaxweynaha ee 46. T.Qodobka Sadexda Xisbi ee 135. Yoolkeenu waa Puntland oo sal iyo baar ka noqotay Dimuqraadi iyo 2026. Taageer himilada Dadkeena. Jibril Qoobey.

Read More

Garoowe, May 06, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa maanta oo taariikhdu tahay 06 May, 2023 magacaabay Guddiga kasoo talo bixinta Wax-ka bedelka Dastuurka Dawladda Puntland. Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu: – MARKUU ARKAY: – Dastuurka Dawladda Puntland Qodobadiisa 64-aad iyo 139-aad. MARKUU ARKAY: – Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobadiisa 8-aad faqradiisa 11-aad iyo 3-aad farqadiisa 22-aad. MARKUU ARKAY:- Soo gudbinta Madaxweynaha Tixraac MW/DPS/52/2023 ee 06/05/ 2023 MARKUU LA TASHADAY: – Guddoomiye ku-xigeennada Golaha Wakiillada. WUXUU MAGACAABAY:- Guddiga Magacyadoodu hoos ku qoran yihiin, si ay falan-qeyn ugu sameeyaan wax-ka-beddelka Dastuurka Dawladda Puntland ee Xukuumaddu soo jeedisay,…

Read More

Garoowe: 06 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhaggax dhigay dhismaha Wadada Garoowe-Garacad, Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimada ay Wadadan u leedahay Bulshada Puntland. Dhismaha Kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, sida waddooyinka, Dekadaha iyo Garoomada Diyaaradaha ayaa ka mid ah balamaha hirgalay ee Madaxweyne Deni ku hoggaamiyey Puntland. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Ururka Mustaqbal awood,ayuu ka muujiyay fagaarayaasha Olalaha ee Guud ahaan Puntland. Olalihii ugu danbeeyay ee Garowe,Gaalkacyo iyo Carmo ma’ahayn wax caadiya. Waxaa si gaar ah soo jiidasho ulahaa hormuud badan oo dhalinyaro reer PL ah oo hadana isku dhafan oo qayb ka ah Ururka. Qiimaynti waxay muujinaysaa haday sidaan kusii socdaan in ay noqon doonaan Ururka ugu horeeya ee guura Xisbi. Jibril Qoobey.

Read More

Allow yaa Gaas usheega in aysan isticmaalin reer Faroolaha fashilmay ee Umadda reer Puntland ay ka fogaatay. Saakay Siyaasi heer Fadaraal ka gadmi kara oo reer PL isku raaci karaan isagaa jira ee yaa fahansiiya in uusan Kaarkiisa iska gubin. Puntland waad soo hogaamisay,doorashana waad qabatay,xilkiina waad wareejisay ee haku deeqdo. Yaysan iska kaa soo hormarin kuwo Umadda aan hor imaan karin. Buuqan ka gaabso oo ka fagoow gudaha Dalka iyo Kenya. Puntland oo Dimuqraadiyad uguurtay Qofka ugu horeeya oo ay wax ugoynayso waa Adiga ee ilaalso. Weli rajaa leedahay ee is uruuri Gaasoow oo ka fagow kuwa laga fogaaday.…

Read More

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya , Ibraahim Mete Yagli ayaa gaaray deegaanka Garacad ee gobolka Mudug , waxaana si wayn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha deegaanka Garacad. Maamulka deegaanka ,Madaxda shirkadda Wadaagsan iyo MaamulkaTTN ayaa ka qeyb galay soo dhaweynta danjire Ibrahim Mete Yagli. Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda , Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa la socday wafdiga oo ka soo duulay magaalada Garoowe. Ujeedka socdaalka danjire Ibraahim Mete Yagli ayaa la sheegay inuu la xiriiro dhiirigelin maamulka shirkadda dhista dekedda ee TTN iyo shaqaalaha Turkiga ah. Hormarka ku yimid Wadatashiga ayaa soo jiitay indha caalamka.

Read More

Garoowe: 05 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Ibrahim Mete Yagli iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ku jiraan Masuuliyiinta Shirkadda Turkiga (TTN) ee dhistay Dekadda Garacad. Safiirka Turkiga iyo Wafdiga la socda ayaa maanta booqday Dekadda Garacad, si ay usoo arkaan shaqada halkaasi ka socota iyo meesha uu maraya Dhismaha Dekadda oo ah mashruucii ugu weynaa ee isku tashi ee Dalka ka hirgala. Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirada Maaliyadda, Ganacsiga, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Lataliyeyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. DHAMMAAD XAFIISKA…

Read More

Shalay,waxaa dood laga dhiganayay Sadex Xisbi oo Cismaan Maxamuud ah kala dooran mayno. Markii cabashadaas loo hakaday oo 5-Xisbi laga dhigay lana siiyay fursad Dadkii doodaas qabay,waxay bilaabeen Dastuurku waa Lama taabtaan. Dastuur wax laga badalayo majiro ee Qodob,ayaa la’laalayaa,si loo gaaro dan Umadeed. Si la mid ah Qodobka doorasho walba oo PL ka dhacda la’laalo ee sharaxaya habka ay ku imaanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka. Madaxweyne Faroole laftigiisa,ayaa sameeyay waxa Deni saakay uu ku eedaynayo oo laalay Qodob Dastuuriya si markaas loo xaliyo arin taagnaa. Bulshada caadiga ah arinkan dhib weyn uma arkaan,waxaase Deni kula loolamaya Raga dhaqanka iyo Siyaasada qaybta…

Read More

Deni muhiim gaar ah uma ahan Puntland,waxaase noo muhiim ah shaqooyinka uu hayo.. 1.Dagaalka SNM. 2.Dagaalka Xasan Shiikh. 3.Dimuqraadiyada socodsiinteeda. Sadexdaas Qodob ka miro dhalintooda Deni waa ku garabgalaynaa. Siyaasigii ka hor yimaada,waxaa soo diray Xasan,waana la diriraynaa. In uu Xasan hadlo waxay noo ahayd fursad weyn oo siyaasi saakay,taasoo midaysay Dadkayaga oo ka shiftay qorshe khatar ahaa oo lala damacsanaa PL. Xasan iyo Geelle qorshahooda Beel la dirirka ah,waxaa hor istaagi kara Deni ee aan garabsiino. Jibril Qoobey.

Read More

Xasan ka hadalkiisa Doorashada Puntland,waxay fursad utahay Deni. Boqolkiiba Shan Boqol taageero ah,ayuu helay Deni daqiiqadii uu hadlay Xasan Shiikh. Dadka reer PL marna lama fahansiin karo Xasan,ayaa wada wax idin dan ah. Sidoo kale hadalka Xasan ,waxuu caqabad ku noqday Siyaasiyiinta Deni iskood uga hor imaan lahaa,iyadoo Shacabku u arkayaan in Xasan soo diray. “24-maalmood haku dubinina,waxii aad 24-sano soo dhisayseen in uu adeegsado Erayadaas oo Xasan Shiikh  og yahay ayay dadka reer PL iswaydiinayaan? PL waa nidaam fariistay oo leh Bulsho hormuud ah oo ilaalsata,hadalka Xasan,waxuu unoqday hurdo ka kicin. Miyuusan ogayn in Puntland tahay nidaam leh Dastuur…

Read More

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlayay Masaajidka Villa Somaliya,ayaa eedayn kala dul dhacay Madaxda Puntland. Hadalka Xasan,ayaa umuuqda mid aan ku dhisnayn xog ogaalnimo iyo dan guud. “24-sano waxii aad dhisayseen 24-maalmood haku dubinina”Ayuu yiri Xasan Shiikh. Hadalkaas Dad badan,ayaa u arka mid xaalad uu ku abuurayo Xasan oo muujinaya in uu wato qorshe khatartiisa leh oo ka dhan ah PL. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1654526879380930569?t=nETtVLKpfaBdogZroWZQCg&s=19

Read More

Ku-simaha Agaasimaha USAIDSomalia Lawrence,ayaa ugeeyay fariin muhiim ah Muuse Biixi. Sida laga soo xigtay Safaarada,waxuu ballan qaaday Muuse in uu fulinayo farriintan,isla markaana garowsanayo. Ili xog ogaal ah,ayaa sheegaya in ay ahayd fariintu qorshihii BC usoo jeedisay ee ahaa in uu ka baxo LC Aageeda iyo in uu sameeyo khariirad uu ku qabanayo doorashada Madaxweyne ee Maamulkiisa. “Waxaan haynaa xog rasmi ah oo sheegaysa in Gooja-cade dagaal xoog leh kusoo wajahan yahay mana rabno khasaare danbe in uu halkaa ka dhaco ee Erayadayadii ugu danbeeyay,waxaan kugu leenahay kasoo bax”Ayaa lagu yiri Muuse. SNM Jabka Ciidan ee ku dhacay,waxaa uga daran…

Read More

We welcome the United Nations Secretary-General’s appointment of Ms. Catriona Laing of the United Kingdom as the Special Representative for Somalia and Head of the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM). Her appointment comes at a critical time as Somalia is making major inroads in the fight against Al-Shabab even though the country is in the grip of an ongoing climate and conflict induced humanitarian crisis. As a well-respected British citizen, Ms. Laing’s understanding and familiarity with the situation on the ground is better informed by UK’s continuous role in Somalia’s State-Building process, including efforts to build viable initiatives…

Read More

Waxaa la furay Saami ka iibsashada Dekeda Garacad ee gaar oo ka mid noqo kuwa nasiibka uyeeshay in ay Mulkiilayaasha ka mid ahaadaan. 100 Share A “Boqol Saami”,ayaa la furay,waxaana ka faa’iidaysan kara dhaman Umada Somaliyed. Saamiga A waa Boqol Kun oo dolar qiimihiisu,balse hadaadan haysan kaligaa la Shiraakoow Dad badan. Garacad waa Dahab Maanta aadan beri fursad uheli doonin Iibsiga Saamigeeda. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1653976802451247104?t=laSsAdZ02m0G7ydTPLET2w&s=19

Read More

Waa Warqad uu ku saxiixan yahay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo lagu cadaynayo in Baarlamaanku aqbalay Codsi Madaxweyne oo uu ku dalbanayo Laalid Qodob Dastuuriya. Qodobkaas,ayaa ahaa in Doorasho Dadweyne oo toos ah ay ku yimaadaan 66-Xildhibaan ee Baarlamaanka PL. Markii la hirgelin waayay doorashada Baarlamaanka,waxaa si nidaamiya loo laalay Qodobkaas qeexaya doorashada Xildhibaanada,iyadoo lagu badalay soo xulida Odoyaasha Dhaqanka. Laalidan waa soo jireen la sameeyo doorasho walba ilaa Madaxweyne Cadde Muuse. Hadaba Maanta si loo balaariyo ka qaybgalka Siyaasada ,waxaa la hirgelinayaa in Sadexda Xisbi looga guuro 5-Xisbi,waxaana ansixin doona G.Wasiirada,iyadoo horay Ururadu Cod ugu…

Read More

Waxaa kaloo kasoo baxaya baaqashadiisa Ingiriiska war kale oo oranaya,waxuu ubaaqday in uu 21-ka Bishan Aado Uganda oo Ciidan ugu xaraysnaa halkaas usoo xirto tababar. Hadaba,isagoo lagula taliyay in uu yareeyo safaradiisa faraha badan,ayuu door biday labada Safar kan Uganda Xasan Shiikh. Waxaa culays ku noqday in uu horaanta Bishan Aado Ingiriiska,kadibna Ugandha toos usii Aado. Sidoo kale baaqashadiisa,waxaa looga faa’idaysanayaa daminta Tooshka ku ifay bahdilida Ra’isalwadaaraha. Sida warku sheegayo Ra’isalwasaare Xamse,ayaa loo dirayaa Nayrobi si Dadka looga mashquuliyo Safarada Madaxweynaha. Xamse,ayaa Nayrobi utegi doona Mija baxsi maadaama uu ku curqay Xaafiiska oo uusan meelna uga bixin. Jibril Qoobey.

Read More

Ganacsatada Muqdisho waxay wajahaysaa Canshuur dheeriya oo gaaraysa 100%500 oo uu dul saaray M.Xasan Shiikh. Ganacsatada Muqdisho waxay ku doodayaan in aysan macquul ahayn canshuurta intaas le’eg in la saaro. Ganacsatada Muqdisho waxay wax kasoo dhoofsadaan Suuqyo la mid ah kuwa ay kasoo dhoofsadaan Ganacsatada Puntland iyo Somaliland oo aysan saamaynayn Canshuurtan.. Ganacsatada,ayaa ka wal-wal qabta in Macaamiishu uga wareegto PL iyo SL. Xasan oo cabashada Ganacsatada Muqdisho raba in uu qanciyo,ayaa qorshaynaya Shirka ugu horeeya ee Madasha in lagu mideeyo Canshuuraha guud ee Dalka. DG,ayuu uballan qaaday haday fuliyaan midaynta Canshuuraha in si siman loo qaybsan doono Deeqaha,loogana wada…

Read More

Reer Galbeedku waxay ugu deeqeen ku dhawaad 120-Taangi Ciidamada dagaalka kula jira kuwa Ruushka ee Ukrain. Taangiyadaas,ayaa ah kuwii ugu danbeeyay oo casri ah,waxaana tirada ugu badan ku deeqay Maraykanka oo bixiyay 31-Taangi. Waxaa la filayaa maalmaha soo socda in Ciidamada Ukrain ku hawlgalaan Taangiyadan oo ay baahi weyn uqabeen. Wadamada ku deeqay Tangiyada,ayaa waxaa ka mid ah.. 1.Maraykanka 2.Ingiriiska. 3.Jarmalka. 4.Norway. 5.Poland. 6.Canada. Sidoo kale Ciidamada Ruushka,waxaa gabaabsi ku noqday Hubka,taasoo sababtay in Dowladu wefti udirto Waqooyiga Kuuriya. Ruushka,ayaa usoo jeediyay Waqooyiga Kuuriya in uu Cunto uga badasho Hub. Dhanka kale weerarkii Aqalka Kremlin,waxaa soo baxay war sheegaya in…

Read More

Dagaalada ka socda Sudan ayay ku naf waayeen ilaa xiligan in ka badan 400-Qof,waxaana ku dhaawacmay in ku dhow 5000-Qof,halka ay ku barakaceen in ka badan 800,000 oo Qof. Dagaallka,ayaa Sudan ka qarxay bishii April 15-keedii. Ilaa Maanta,waxaa loo la’a yahay Xal rasmi ah,waxaana jira heshiisyo laysla waafaqay oo Xabad joojin,balse weli dagaalku waa sii socdaa. Waxaa xirmay Xarumihii Caafimaadka,Waxbarashadii,Ganacsigii,waxaana sii yaraanaya Cuntadii,Korntadii iyo Biyihii. Hadii dagaalku sii socdo,waxaa lumi doona kala danbaynta iyo maamulka hoose ee Dowladnimo,iyadoo haatanba ay bilaabatay bililiqo. Sudan waxay noqotay meel ay isku hardiyaan Dowlado shisheeye danahooda. Milliterigu waxay ku adkaysanayaan in ay soo afjarayaan…

Read More