Author: Jibril Qoobey.

Tix-raac: XM/DGJS/022/2023 kuna saabsan magacaabid Wasiirka Wasaarada Maaliyada iyo hormarinta dhaqaalaha. Madaxweynaha Dowladda Jubaland Markuu arkay: Dastuurka Dowlada Jubaland, Cutubkiisa 4aad ,Qodobka 72aad, Farqada(3aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha, ee magacaabida xubnaha Golaha Fulinta Jubaland. Markuu Latashaday: Madaxweyne ku-xigeenada Dowlada Jubaland. Wuxuu Madaxweynaha Dowlada Jubaland u magacaabay Mudane Axmed Cabdirisaaq Maxamed Wasiirka Wasaaradda Maaliyada yo Hormarinta Dhaqaalaha. Magacaabistani waxay dhaqan galaysaa mark uu Madaxweynuhu sixiixo wuuna sixiixay DHAMMAAD

Read More

Muxuu yahay Mowqifka W.Waxbarashada PL ee Shirka Xamar? Wasaarada Waxbarashada Puntland waxay go’aan ku qaadatay in aysan ka qaybgelin Shirka Xamar ee uu diyaarinayo Wasiir Faarax. Sababta aysan uga qaybgalayn ayay ku sheegtay in danta laga leeyahay ay tahay igu sawir la tusayo Deeq bixiyayaasha caalamka. BC,ayaa shuruud uga dhigtay Wasiir Faarax in uu Puntland keeno Shirka,hadii uu awoodi waayana,waxeeda gaar loo siinayo oo loo tixgelinayo cabashadeeda. PL iyo Baanka Aduunka? Dhamaan Mashaariicdii ka danbaysay 2019 ee World Bank,waa laga daba tagey,waxaana Wasiirka Maaliyada Dhabancad usaaray Gudi ka kooban Agaasimayaasha iyo Wasiirada Dowlada. Gudigaas,ayaa yeeshay kulamo,waxayna soo saareen go’aan ahaa…

Read More

Garowe, March 06, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa xafiiskiisa Garowe ku qaabilay Wakiilka hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobey (UNDP) ee Soomaaliya Mr: Jocelyn Mason iyo wefdi uu hoggaaminayo. Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka wadashaqayneed ee hay’adda UNDP iyo Puntland, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee UNDP ka wado Puntland ka qaybgalka Barnaamijka Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sa gootiyey madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya Mr. Jocelyn Mason oo uu dhammaaday xiligiisi shaqo ee Somaliya wuxuuna uga mahadceliyey shaqooyinka wanaagsanaa ee UNDP ka qabatay guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan…

Read More

Cabdisamad Nuur Bidaar waa Ninka badalaya Xamse dhawaan oo buuxinaya booska Ra’isalwasaaraha Jamhuuriyada Fadaraalka,sida xoguhu sheegayaan. Mudooyinkii udanbeeyay in uu xiriir usocday isaga Madaxweyne Xasan ayay xoguhu cadaynayaan. Booqashadii Maraykanka ee Xasan Shiikh in ay kulmeen oo ay ka wada hadleen buuxinta jagada Ra’isalwasaare ayay Ilo muhiim ah xaqiijinayaan. Miiska,ayuu haatan saaran yahay oo Madaxweynaha iyo kooxdiisu,waa ku qanceen,hadaan wax isbadalina la magacaabi doono kadib marka Xamse baneeyo Kursiga. Cabdisamad,waxaa dhalay Madaxii hore ee Laanta socdaalka Somaliya,waxayna ku tilmaamaan Dadka yaqaan Nin ka bixi kara shaqadan oo leh matalaad Deegaan iyo mid Qaran. Ra’isalwasaare Xamse,ayay wararku sheegayaan in uu si…

Read More

“Puntland qeyb kama aha dagaalka Laascaanood, Waxaanse ku kalsoonahay Shacabka reer Laascaanood in ay Sharafkooda iyo cirdigooda difaacaan, Kalsooni buuxda baan ku qabnaa, Waxaan u sheegayna Caalamka iyo Cidwalba in aan Nu-danbeed u nahay Laascaanood, Marka Isimada iyo Garaadada ay Puntland si rasmi ah uga codsadaan oo arrinta kari waayaan, Waxaan Fariin halkan ugu dirayaa in aan diyaarnahay”Ayuu yiri M.Deni. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/LCt1gN5DeDg

Read More

Heshiis ruqsad Kalluumeysi ah oo muddo hal sano ah lagu siinayo Shirkad laga leeyahay Wadanka Shiinaha ayay gashay W.Kalluumaysiga Fadaraalka. Shirkada,ayaa lagu magacaabas Beijing Chaoliang Holding (Group) ay Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda DF la gashay Heshiiska. Heshiiskan,ayaa waxaa ku jira mugdi fara badan . Maraakiibta Kalluumeysiga Shiinaha,ayaa laga muujiyaa wal-wal badan waxayba horey u soo xaalufiyeen Badaha Galbeedka Afrika. Waxaa bogiisa twitter ku daabacay Jaya Bahdur Madaxii hore hay’adda la socodka cunaqabateenta Somaliya qoraal ay ka muuqato wal-wal ku aadan mugdiga heshiiskaas ku jira. https://twitter.com/PuntlandPirates/status/1632323601000026113?ref_src=twsrc%5Etfw%7Ctwcamp%5Etweetembed%7Ctwterm%5E1632323601000026113%7Ctwgr%5E%7Ctwcon%5Es1_&ref_url=

Read More

Gedo waxay ubaahan tahay maamul u adeega Bulshada sida ugu dhakhsiyaha badan. Uma qalanto in ay noqoto goob Jaajuusiin Itoobiyaan iyo Nisa ay ku hardamaan. Axmed ma leh aragti hogaamineed oo uu Gedo ku hanan karo sida lagu bartay. Axmed Madoobe waxa ugu weyn ee uu kala ballamay Xasan markuu Kismaayo tagey waxay ahayd markaad tagayso Gedo yaysan kusoo dhaweyn Raga mucaaradka ku ah Maamulkayga… 1.Ha u aqoonsan Gudoomiye Gobol Ninkii aan ka qaaday xilka. 2.Ha siin wax baratakool ah Maamulkaas. 3.Yaysan ka dhex muuqan soo dhaweyntaada iyo kulamadaada. Xamse oo ku fadhiya Kursigii Matalaada Beelaha Daarood kuma filna in…

Read More

Maxay yihiin Mashaariicda Waxbarasho ee PL lagu taageero oo W.Waxbarashada Fadaraalku rabto in ay joojiso? Halkan ka akhriso:- 1.Global Partnership Education oo ay fuliso UNICEF,Mashruucaan waa gabagabo xiligan lacagtiisuna waxay ahayd 8.8M iyo 3.6M loogu talagalay Dugsiyada Abaaruhu saameeyeen. 2.Waxaa jirta Lacag cusub oo Somaliya la siiyay,taasoo loo qaybsan jiray Saddex Aag oo kala ah.. B.Faderaalka. 2.Puntland. 3.Somaliand. Balse hadda Wasiir Faarax wuxuu xusul duub ugu jiraa in meesha laga saaro Puntland oo loo qaybsado Somaliya iyo Somaliland. 2. Education Can not wait: Waa dhamaaday xilligan, mashruucas waxaa fulinayay Save the Children iyo CARE ,waxaana la sugayaa Lacag cusub oo…

Read More

Doxa, Maarso 05, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Madasha Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya ayaa halkaas kula yeeshay wada-hadallo wax ku-ool ah Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Binu Xamad. Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Amiirka Qatar ayaa kulankooda ku lafa-guray aayaha xiriirka Labada dal iyo danaha wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka Gobolka, si loo sii xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad oo Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ka soo qeyb-galka Madasha Qaramada ee dalalka soo koraya ayaa xusay sida ay Dowladdiisa uga go’an tahay…

Read More

Markii ay muuqatay in Ciidamadii Muuse Biixi ku jabeen LC,isla markaana dagaalkii isku badalay mid Qabiil oo Beelaha Harti gurmadkoodii kusoo shumay LC,ayaa qaylo dhaan bilaabatay. Sadexda Nin ee Dirta Itoobiya ugu jira Dowlada Fadaraalka Itoobiya,ayaa utagey Abiy kana dhaadhiciyay in badbaadinta SL ay muhiim utahay danaha Itoobiya ee Geeska. Abiy oo aragtidaas la qaatay,ayaa durba isku duba riday wefti muhiim ah oo bilaaba dhex-dhexaadin,kaasoo kusoo hormaray Hargaysa. Kulankoodii Garaadada waxay ku waydiiyeen aragtidooda xalka iyo doodooda. Ujeedka Itoobiya waa Sadex Qodob oo hiil u ah SL,kuwaasoo kala ah… 1.In Xabadu istaagto si aan jab xoogan ugaarin Ciidanka SL. 2.In…

Read More

Socdaalkii Madaxweyne Xasan ee Kismaayo,waxuu noqday mid aan miro dhal ahayn. Hor iyo horaanti in uu fuliyo ballanqaadkiisii ahaa,waxaan imaanayaa Kismaayo,waxay qaadatay Laba Bilood. Imaanshihisan uu hada yimid Kismaayo M.Xasan,waa uu baajin lahaa ee waxuu ka baqay in Axmed Madoobe ka caroodo oo uu kasoo qaybgeli waayo Shirka 15-ka Bishan la filayo in layskugu yimaado. Waa mida xigtee,qorshihii uu imaan lahaa Kismaayo ee lagu ballansanaa waa fuli waayay. Ujeedka socdaalka M.Xasan ee Kismaayo,waxaa ugu weynaa in Gedo si buuxda loogu soo daro Jubaland-ta kale. Balse qorshahaas waa fashilmay,waxuuna sababsaday Laba arimood oo kala ah.. 1.Itoobiyaanka oo diidan in Gedo hoos…

Read More

Garaadadu waxay kula kulmeen Garowe weftigii ka socday Dowlada Itoobiya. Kulankaas,waxaa Garaadada loogu xaqiijiyay in Muuse Biixi la baxayo Ciidamadiisa mudo Todobaad ah. Dhankooda Garaadada,waxaa laga dalbaday in ay fursad usiiyaan la bixida Ciidankiisa,wayna aqbaleen. Sidoo kale Garaadadu waxay Aalada Zoom-ka kulan kula qaateen Safaarada Maraykanka,waxayna uga xog warameen xaalada Laascaanood ee xiligan. Safaaradu waxay usheegtay Garaadada Laba arimood oo kala ah… 1.In gar-gaar deg-deg ah ay soo gaarsiinayso Shacabka. 2.In Ciidamada SL ka baxayaan Deegaamadooda kadibna loo baahan yahay in la abuuro jawi wada xaajood. Garaadadu waa soo dhaweeyeen Labadaas Qodob,waxayna dhankooda sameeyeen ballanqaad. Kulamada,ayaa ugu soo idlaaday Garaadada…

Read More

Muuse Biixi Wado aan ahayn in uu Ciidankiisa la baxo uma furnayn,waxaana muuqata in uu aqbalay. Waa jiraan warar aan la xaqiijin karin oo sheegaya in Ciidamada uu ka saarayo Gaaja-cade uu uwareejinayo Buuhoodle oo uu rabo in uu ka furo furin cusub. Jiho walba,waxaa Muuse uga yimid soo jeedin oranaysa soo saar Ciidamada oo kusoo ururi Deegaanka Beesha Isaaq ee laga ogol yahay… 1.Gudaha Siyaasiyiinta Beesha Isaaq ee Hargaysa oo iskugu jira kuwo mucaarad ah iyo kuwo muxaafid ah,ayaa usoo jeediyay fikradaas. 2.Dowlada Somaliya,Jabuti,Itoobiya,Maraykanka,Midowga Yurub iyo QM,ayaa usoo jeediyay. 3.Indheer garad Somaliyed oo ubadan Beesha Hawiye,ayaa usoo jeediyay fikradaas.…

Read More

Dooxa, Maarso 04, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo Shirka ay hoggaaminayso Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ka qeyb galayaan Madasha 5-aad ee dalalka soo koraya, waxa ay kulammo la qaadan doonaan madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya madashan, si loo xoojiyo danaha iskaashi ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagaya xaaladda jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qatar, isagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada…

Read More

Qatar waa dal umuhiim ah Dowlad walba oo fadhida markaas kursiga Villa Somaliya. Qatar waxay saamayn Siyaasadeed,mid dhaqaale iyo mid Milleteri ku leedahay Somaliya. Wax lala yaabo ma’ahan in Taanno la badalo,sababtoo ah,waxuu ahaa Nin Xidid dhow la ahaa Madaxii Sirdoonka Qaranka,ehel dhowna la ahaa Madaxweynihii Fadaraalka. Danjire Taanno waa ku khasban tahay in lasoo xareeyo Dowlada Xasan Shiikh oo ay gaysato mid iyada Gacanteeda ah. Uyeerida Danjire Taanno looga yeeray Xamar waxay kusoo aadaysaa Madaxweyne Xasan Shiikh oo ku wajahan Maanta Dalka Qatar. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaan manta shir Guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada DPL, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka, xeerarka goluhu ansixiyey kalfadigii 51-aad, cabasho la xiriirta mushahaarka shaqaalaha & ciidamada Puntand iyo amniga Caamidda Garoowe. Dood iyo falaqayn dheer kadib, waxay Guddiga joogtada ahi go’aamiyeen qodobada soo socda:- 1. In loo yeero Wasiirka Amniga Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliska , Taliyaha la dagaalka Argagixisada, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Duqa Degmada Garoowe, si wax looga weydiiyo Amniga Caasimadda ee Garoowe. 2. In Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiilladu xog-dhammaysitran ka keeno…

Read More

Maxay kala yihiin Mashaariicda waa weyn ee lagu taageero Waxbarashada Puntland….. 1.Global Partnership Education oo ay fuliso UNICEF. 2. Education Can not wait,oo ay fuliso SAVE the Children iyo Care. 3: Waxbarashadu Waa Iftiin 7.5M ah oo ay fuliyaan CARE iyo Save. 4. Mashruuca quudinta Dugsiyada oo ay ka faa’daystaan Arday badan iyo 116-Dugsi oo ku kala yaal 9-ka Gobol ee Puntland ayna fuliso WFP. 5.Mashruuca World Bank ee loo yaqaan RCRF oo taageera 80% Gunnada 2117- Macallin oo kala jooga 9-ka Gobol ee Puntland ayna dawlada Puntland ku kabto 20%. 5-taasaa ugu waa weyn uguna dhaqaale badan,waxaa jira Mashaariic…

Read More

Goojacade iyo Dhuxun ayay iskugu urureen Ciidamadii Maamulka Somaliland oo difaaca uga xiran yahay hada. Waxay si iskood ah iskaga baxeen Ciidamada Somaliland fariisimahoodii Ganbarre iyo Tukaraq. Jabkii shalay iyo culayska Ciidamada Mudug ka yimid oo ay sii raaceen kuwii Tukaraq fadhiyay ee Beelaha kale marka Jimcaale laga reebo,ayaa soo dadajiyay in ay ka baxaan Saldhigyadii Tukaraq iyo Ganbarre. Majiro Ciidan SL leedahay oo udhaxeeya LC iyo Garowe Maanta.

Read More

Waxaa baaqday Shirkii Madasha ee Madaxda Qaranku iskugu imaan lahayd Bishan 24-25-keeda. Sida aan xogta ku helay 15-ka Bisha danbe,ayaa laysku dayay in loo badalo oo Baydhabo layskugu yimaado,waxaase si buuxda udiiday Madaxweyne Deni kasoo qaybgalka Shirkaas oo idil. Sababta ugu weyn ee keentay in uu baaqdo,waa khilaafka Puntland iyo Dowlada Fadaraalka ah. Puntland waxay jartay dhamaan wada shaqayntii Dowlada Fadaraalka,waxayna ka baaqatay ugu yaraan Sideed Shir oo looga xaajoonayay mashaariicda Dalka sida… 1.Caafimaadka. 2.Waxbarashada. 3.Deegaanka. 4.Cadaalada. Madaxweyne Xasan,ayaa tagidiisa Imaaraadka ay ku salaysan tahay khilaafka PL,gaar ahaan Saldhig Milleteri oo Imaaraadku uu ka samaysan rabo Bosaso. Ma muuqato dadaal…

Read More

Wasiirkiisa arimaha gudaha,Talyihiisa sirdoonka iyo Nuux Taani oo khadka Taleefoonka laga soo geliyay,ayuu kulan uqabtay. Kulankaas,waxaa si weyn loogu dhaleeceeyay Nuux Taani oo lagu dhaliilay qorshihiisa dagaal,inkastoo uu isdifaacay. Muuse,waxuu dareemayaa fashil weyn in uu dhex fadhiyo oo SL ay qarka usaaran tahay in ay Gacantiisa ku burburto. Jabka Milleteri ee uu dareemayo,waxaa ugu darsoomay dharbaaxada Siyaasadeed ee qabsatay. BC waxay taagan tahay in talaabo adag laga qaado Muuse iyo maamulkiisa,waxaase hor taagan Ingiriiska oo leh xal Somaliyed aan tijaabino marka hore in loo helo xaalka Laascaanood. Maraykanku si weyn,ayuu ubahdilay oo waxaa loosoo diray Safiir ku xigeen siday fariin…

Read More

53-Gaadiidka dagaalka ah iyo ku dhawaad 700 oo Nin,Ciidan ka kooban oo ay hormuud uyihiin reer Mudug,ayaa Caawa kala dhex fariistay Laba Ciidan oo Somaliland ah oo fadhiyay duleedka Laascaanood. Ciidankaas,waxuu kala jaray Gurmadkii,Saadkii iyo daabulidii dhaawaca Ciidanka Somaliland. Ciidamadan oo kasoo dhaqaaqay Mudug Xalay,ayaa waxaa soo raacay dhamaan Ciidamadii Beelaha kale ee fadhiyay Tukaraq Marka Jimcaale laga reebo. Saacad walba ayay bilaaban kartaa Xabadu,waxaana la filayaa in uu noqdo dagaalku kii ugu adkaa oo ay toos isku wajahaan Laba Ciidan oo diyaarsan.

Read More

Cagta,waxaa lamariyay Guutadii 18-Aad ee Ciidanka Somaliland,waxaana watay Nin layiraahdo Baashe Fanax oo Beesha Arab kasoo jeeda. Waxaa Magaalada Oog lageeyay 120-Askari oo dhimasha ah,sida layga xaqiijiyay Xarun Caafimaad oo Magaalladaas ku taal. Waxaa kaloo jira Ciidan badan oo Somaliland ah oo Geeri iyo Nolol lagu waayay,sida uu ii xaqiijiyay sarkaal ku sugan Oog. Sidoo kale Sadex Nin oo dhaawac ah oo kasoo jeeda Beesha Habarjeclo oo Laba Reer Yoonis kasii tahay Midna Jifida Biciido,ayaa Ciidanka Xaqudirirka ee Degmada Kalabayr ay Gacanta ku hayaan,siday ii xaqiijiyeen. Guutada 18-Aad ee jabtay waa midii laga soo qaaday Galbeed ee lagu soo xoojiyay…

Read More

Wasaarada Waxbarashada Puntland waxay sheegtay dooda dhextaal Wasaarada Waxbarashada Fadaraalka in aysan ahayn sida Wasiir Faarax udhigayo. Faarax,waxuu si cad utaagan yahay waa in wax loo qaybsadaa Somaliya iyo Somaliland. Sidoo kale Somaliya oo uu udhigayo Dhulkii Talyaanigu gumaysan jiray oo PL ku jirto in Xamar la hoos keeno,ayuu qabaa. PL waxay taagan tahay Dalku waa Fadaraal inta la dhamaystirayo Dastuurka oo la midaynayo arimaha Asaasiga ah,wax qaybsigu,waxuu sii ahaanayaa Sadex meeloodkii PL.SL iyo Bartamaha iyo Koonfurta. Faarax oo raba in uu fashiliyo waxqaybsigaas iyo dooda PL,ayaa BC ku saaraya cadaadis ah in PL la hooskeeno Mashaariicdeeda Waxbarasho Xamar,isagoo Shirkii…

Read More

Madaxweyne Deni waa soo cayriyay ergedii Beesha Bahgareen ee ay kawada xaajoonayeen duminta Guryaha Bosaso. Waxaa utagey Madaxweyne Deni Gudi 21-xubnood ka kooban oo iskugu jira Odoyaal,Aqoon-yahan iyo dhalinyaro oo kasocda Beesha Bah-gareen. Si macquul ah ayay ula hadleen oo uhogo tusaaleeyeen ugagana sheekeeyeen taariikhda Guryahan. Xaafada hoose ee Bosaso,waxaa ku yaal Daarihi looga talin jiray Magaalada sida.. 1 Daartii Boqor Cismaan. 2.Daarti Governatore Italian protectorate. 3. Saldhigii Police-ka 4.Dekadii 5.Xaruntii Netfish. Balse nasiibdaro waxuu ugu jawaabay si kooban…. “Xaafada waan duminayaa oo Oromo,ayaa qurmisay”. Culayska ugu weyn,waxuu ka imaan doonaa markii Odayga la dilay Wiilashiisu hab Qabiil wax uraadsadaan.…

Read More

Khabiir ka tirsan Qaramada Midoobay,ayaa walaac ka muujisay tirada badan ee dadka rayidka ah ee ku waxyeeloobay Somaliya,ka dib iska horimaadka Ciidamada ammaanka Somaliland iyo kuwa Beelaha ku dhexmaray magaalada Laas-caanood tan iyo horraantii bishan Febraayo. “Waxaan ka xunnahay dilka ugu yaraan 63-Qof iyo in ka badan 363 lagu dhaawacay,”Ayay tiri khabiirka madaxa-bannaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xaaladda xuquuqda Aadanaha ee Somaliya. Iyadoo soo xiganaysa warbixinnada ku saabsan weerarrada aan loo meel dayin ama ula kac ah ee ka dhanka ah rayidka iyo kaabayaasha rayidka, ayay sheegtay in ay yihiin kuwo aan sinaba loo aqbali karin oo si toos…

Read More

Dowlada Maraykanka,ayaa dalbatay in Xabbad joojin deg-deg ah oo shuruud la’aan ah laga hirgeliyo Laascaanood. “Wada hadalo daacad ah oo saakay la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo ku saabsan khasaarihii naxdinta lahaa ee naf iyo maal ee ka dhacay Laascaanood,Maraykanku waxuu kula biirayaa Beesha caalamka baaqa ku aadan Xabbad joojin deg-deg ah oo shuruud la’aan ah iyo gar-gaar bini’aadantinimo oo aan caqabad lahayn”Ayaa lagu yiri war kasoo baxay Safaarada Maraykanka. Warkan,ayaa ka danbeeyay kulan dhexmaray Safiir ku xigeenka Safaarada Maraykanka ee Somaliya Tin iyo Muuse Biixi Cabdi. Dhankooda Maamulka Somaliland,ayaa xaqiijiyay kulanka iyo in laga wada hadlay amniga iyo…

Read More

Ku dhawaad 25-Gaadiidka dagaalka ah iyo Ciidan gaaraya 400 oo Askari,ayaa uruqaansaday Laascaanood oo uu ka socdo dagaal udhaxeeya Dadka Shacabka ah iyo Ciidamada Somaliland Ciidamadan,ayaa kasoo anba baxay Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug,waana Ciidamo Beeleedyo ay soo abaabuleen Beelaha Daarood ee Gobolkaas ku dhaqan. Islaan Bashiir,ayaa si gaar ah iskugu soo dabariday Ciidamadan,isagoo ka jawaab celinaya codsi uga yimid Garaadada reer Sool. Ciidamadan oo galabtay ka anba baxay Gaalkacyo,ayaa horudhac u ah Ciidamo kale oo maalmaha soo socda u anba bixi doona Laascaanood. Beelaha Daarood ee Gobolka Mudug waxay kaloo ku garab istaageen Shacabka Laascaanood ee isdifaacaya dhaqaale gaaraya ku…

Read More

GENEVA (23 February 2023) – A UN expert today expressed alarm at the high number of civilian casualties in Somalia, following clashes between Somaliland security forces and clan members in Laas Canood, Sool region since early February. “We deplore the killing of at least 63 people and more than 363 injured,” said Isha Dyfan, the UN Independent Expert on the situation of human rights in Somalia. Citing reports of indiscriminate or deliberate attacks against civilians and civilian infrastructure, she said these attacks were utterly unacceptable and in direct violation of international human rights law and humanitarian law. “Those responsible must…

Read More

Hay’adaha sirdoonka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa isku diyaarinayaan in ay fuliyaan tijaabadii toddobaad ee bambooyinka nuclear-ka ah. Kuuriyada Waqooyi ayaa ilaa hadda qarxisay lix bamboo oo nuclear ah oo ay ku tijaabisay xarunteeda ku taalla dhulka hoostiisa. Kuuriyada Koonfureed ayaa baaritaan la xiriira saameynta shucaaca kiimikada ku sameyneysa in ka badan 800 oo qof oo ka soo baxsaday dhinaca Kuuriyada Waqooyi. Dadkan ayaa la sheegay in ay ku lug lahaayeen tijaabooyinkii hubka nuclear-ka ee ay Kuuriyada Waqooyi ka sameysay xarumo ku yaalla dhulka hoostiisa. Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa oggolaatay in dadkan la baaro ka dib markii ay codsigaas soo gudbisay…

Read More

Tan iyo markii uu 6-dii bishan February Turkiga ku dhuftay dhul gariir cabirkiisu yahay 7.8 – kaas oo dilay dad ka badan 44,000-waxaa baraha bulshada lagu faafinayay warar iyo sawirro ku saabsanaa musiibadaas. Hase yeeshee, BBC-da ayaa ogaatay in qaar ka mid ah dadka ka hadlayay dhacdadaas ay si khaldan u eedeynayeen hay’adda HAARP oo ka shaqeysa dhinaca isgaarsiinta iyo hawada, taasoo fadhigeedu yahay gobolka Alaska ee dalka Mareykanka. Waxaa hay’addan oo ay leeyihiin militeriga Mareykanka lagu eedeeyay in ay si macmal ah u sababtay dhul gariirka dhimashada badan keenay. Hay’adda HAARP waxaa la aasaasay sanadkii 1990, waxa ayna tan…

Read More

LONDON – Waxaa jirta cabsi badan oo laga qabo tartan dhinaca hubka nukliyeerka ah oo caalami ah, ka dib markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin u uku dhawaaqay toddobaadkan inuu joojinayo heshiiskii u dhexeeyey iyaga iyo Maraykanka ee ku aaddanaa xakamaynta hubka nukliyeerka iyo iska warhaynta labada dal, heshiiskaas oo lagu magcaabo the New START. Heshiiskan ayaa xadidaya tirada madaxyada hubka nukliyeerka ee ay haystaan Ruushka iyo Maraykanku. Heshiiskan oo magaciisa rasmiga ahi yahay, New Strategic Arms Reduction Treaty, ama heshiiska cusub ee si qorshaysan hoos loogu dhigayo hubka, ayay kala saxeexdeen madaxweynihii hore ee Maraykanka Brack Obama iyo madaxweynihii Ruushka…

Read More

Qorshe ku saabsan dagaalka Laascaanood oo talaabo looga qaadi lahaa Maamulka Somaliland,ayaa waxaa hor istaagay Dowlada Ingiriiska. Kulan la rabay in ay yeeshaan Xubnaha Golaha amaanka ee Qaramada midoobey laguna horgayn lahaa xasuuqa Shacabka Laascaanood,ayaa Ingiriisku codsaday in dib loo dhigo. Taa badalkeeda Ingiriisku,waxuu soo jeediyay in arinka Laascaanood lagu xalin karo Gacmaha Somalida oo xal Somaliyed loo heli karo. Qaraarkan,waxaa dabada ka riixayay Dowladaha Maraykanka iyo Shiinaha,balse soo jeedinta Ingiriiska,ayaa wax badashay. Diidmada Uk waa mida keentay in luuqad aan ku filnayn xasuuqa Shacabka Laascaanood ay ku hadlaan Beesha Caalamka. Ingiriisku waxuu ka duulayaa dano Siyaasadeed oo isaga ugaar…

Read More

Madaxweyne Deni fariin Sadex Qodob xanbaarsan,ayuu udiray Beesha Bah-gareen oo kala ah… 1.In uu qaatay Odaygii Xabada lagu dhuftay xaqiisii. 2.In ay Ciidanka ka saaraan Xaafada. 3.In uu dhisayo Gudi arinkan dhameeya. Beesha Bah-gareen waxay kaga soo jawaabeen fariinta Madaxweyne Deni Sadex Qodob oo kala ah… 1.In Talyaha Qaybta Booliska xilka laga qaado oo la xiro. 2.Ciidanka Xaafada ku jira in aysan saarayn oo ay yihiin Bulshadii Deegaanka oo is abaabushay. 3.In aysan diyaar u ahayn xiligan Gudi dhex-dhexaadin ah. Isku soo wada duuboo Madaxweyne Deni weli waa ku guulaysan la’a yahay qancinta Beesha Bah-gareen.

Read More

Dagaalkii argagixisada oo ahaa Aalad Xasan isticmaalayay,waxuu umuuqdaa in uu soo daba go’ayo. Koonfurta iyo Bartamaha Dalka,waxaan la dagaallanka Shabaab ahayn kama socon,iyadiina waa soo fashilmayaa. Arimaha soo afjaraya dagaalka,waxaa lagu tilmaamayaa… 1.Dagaalka oo markii horaba ahaa mid Mashruuc ah. 2.Dhaqaalihii la filayay in lagu helayo Mashruucaas argagixiso la dirirka ah oo la waayay. Haatan Beelihii waxay dib ugu soo ceshanayaan Maleeshiyaadkoodii Xamar iyo hareeraheeda. Sida la saadaalinayo,waxaa la arki doonaa khilaafaad iyo isku mashquul ka qarxa gudaha Muqdisho Todobaadyada soo socda. Jibril Qoobey.

Read More

Khubarada dhanka ammaanka marka ay ka hadlayaan sugidda ammaanka dal ayaa waxa ugu horeeya ee ay ku taliyaan waxay tahay helidda hay’ad sirdoon oo awood leh. Sababtaas ayay dalalka dunida dhaqaalaha ugu badan ugu bixiyaan casriyenta iyo horumarinta awoodahooda sirdoon iyo xog-helid. Sirdoonka waxaa uu ka mid yahay waxyabaha udub dhaxaadka u ah dal walba islamarkaasna xogaha dibadda iyo gudaha ee ay keenaan ayaa lagu saleeyaa danaha qaranka iyo sugidda amniga. Hay’adda sirdoonka qaranka waa difaaca ugu horeeya ee qaran uu leeyahay, waana hay’adda u qaabilsan helista xogaha qarsoon, iyo hagarmaadooyinka loo maleygayo dal, laakiin dalalka oo dhan ma noqon…

Read More

Guddi ay Beelaha reer Sool usoo dirsadeen Bosaso,ayaa Caawa la kulmay Madaxweyne Deni. Kulankaas markay kasoo baxeen waxay sheegeen in ay niyad xumo kala soo noqdeen. “Waxuu xataa ka gaabsaday in uu caddeeyo taageeradiisa ama waxa ay kaga talagalayaan”Sida uu sheegay Oday kulanka fadhiyay. Gudiga reer Sool Dhaqaale ayay ku qorteen Beelaha reer Bari dhawaan Gacantooda soo geli doona. Sidoo kale Gudigii reer Sool ee tagay Mudug waxay heleen taageero dhaqaale oo gaaraysa Nus Milyan Dolar,taasoo kala bar lagu wareejiyay. Reer Sool hiil ayay ubaahan yihiin ee yaa lagu hallayn Denigaas ah “Ciil sokeeye”. Jibril Qoobey.

Read More

Kulan aan la xaqiijin karin Saacada uu dhacay ayay la yeesheen Madaxweyne Deni Rag ka socda Maraykanka,waxayna usheegeen si cad in uusan ku deg-degin Fikta kore ee Gardafuu oo ah Dhuubta caalamka kana fiirsado rabitaankiisa ah in uu soo geliyo Imaaraadka. Kulankaas kadib isbadal weyn,ayaa ku yimid qprshihii Madaxweyne Deni iyo Imaaraadka ee Gardafuu. Waa markii Sadexaad oo Deni uu udigo Maraykanku. Markii ugu horraysay waxay ahayd socdaalkiisii Shiinaha oo uu Shirkado Shidaal kula soo kulmay,kadib soo laabashadiisii ay Adis-ababa kula kulmeen Laba Safiir iyo masuul sare oo Maraykan ah loona sheegay in uu iska ilaawo Shidaal iyo Shiinays. Digniintii…

Read More

Dhoolatus u ah garab weyn ayay Maraykanku la sameeyeen Urur ka mid ah Ciidamada PSF . Markab weyn iyo Helipcobtaro,ayaa Xeebta Bosaso yimid,waxayna salaan ka qaateen Ciidamada PSF oo si heer sare ah udiyaarsan kana muuqaal iyo xoog badan Afar sano ka hor. Dhoolatuska kadib Taliska Ciidamada PSF,waxaa kulan ku leh Agaasimaha PSF iyo Madaxda Maraykanka. Sida muuqata imaanshahan Madaxweyne Deni lama wargelin lagumana tixgelin,iyadoo dhoolatuska iyo kulamadu ka socdaan Xarun kasoo horjeeda Madaxtooyada Bosaso. Madaxweyne Deni meel walba dacwad waa ka geeyay PSF xataa gurmadka Sool,ayuu ka carooday,balse waxba kama badalin heshiiskii PSF iyo Maraykanka oo dib,ayay ubilaabatay wada…

Read More

Madaxweyne Xasan Shiikh “Maamulka Somaliland waa in uu dhageystaa rabitaanka dadka ree Sool,Midnimo ayaan rabnaa dadka laguma colaadinkaro sida aan idinkaba la idinkugu colaadineynin aragtida gooni u goosadka,Walaalka midnimada doonayana waxaan u sheegayaa midnimada nabad,ayaan ku rabnaa.”Ayuu yiri M.Xasan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/KEwIiMoYrUc

Read More

Imaaraadka Carabta,ayaa ku adkaystay in Mashruucii lagu tababarayay 15-ka Kun ee Askari iyo Saldhiga aan laga leexin Puntland. Balse waxay ka aqbaleen Madaxweyne Xasan in aan la bilaabin xiligan oo lala sugo inta Doorashada Madaxtooyo ee Puntland ay dhacayso. Deni,ayaa ku adkaystay in isaga lasoo marsiiyo Lacagta lagu maalgelinayo Mashruucaas oo iskugu jira Saldhig iyo tababar Ciidan. Halka Xasan Shiikh dhankiisana ku adkaysanayo in Wasaarada Gaashaandhiga la hoos keeno ama Xamar loosoo wareejiyo. Imaaraadka oo umuuqda in uu isku keeni waayay Labada dhinac,ayaa xalbiday si aysan PL ulumin Mashruuca in Deni mudo xileedkiisa inta uga hartay la hakiyo Mashruuca. Sida…

Read More

Madaxweyne Deni oo heshiis qarsoodiya ugu wareejinaya Marin Biyoodka Raascasayr ee Gardafuu Dowlada Imaarasdka Carabta . Deni,waxuu qaadanayaa Diyaarad gaar ah oo ku marayo Deegaan Xeebeedyada kala ah.. 1.Xaafuun2.Hurdiya3.Caluula Waxaa dhulka maray Ciidamadiisii ilaalada gaarka ahayd. Maanta oo Arbaca ah,ayaa la filayaa in uu gaaro Deegamadaas uu ku raadgadanayo,balse ujeedkiisa ugu weyn ee tagidiisa Deegamaada Xeebaha uu yahay Dhagax-dhiga Saldhig Melleteri oo Imaaraadka laga siinayo halkaas. Raas-caseyr oo ku yaal Gardafuu oo ah marin Biyood muhiim ah,ayaa lagu wareejinayaa Imaaraadka. Saldhigaas,ayaa ku kacaya Sanadkii 57-Milyan oo dolar,iyadoo Saxiixiisana lagu kala qaadanayo 7-Milyan oo dolar,sida wararku sheegayaan. Imaaraadka,ayaa horay ugu lahaa…

Read More

Dhaliilo waa weyn,ayaa loosoo jeedinayaa hab dhismeedka uu ku bilowday Mashruuca Balaarinta Dekeda Bosaso. “Waxay ahayd in lagu bilaabo Dhagax marka ugu horaysa,kadibna Shubka lagu xijiyo”Ayuu yiri mid ka mid ah Ragga Gacanta ku haya Shaqada. Dhaliishu waa in aysan Shirkada wax dhisaysaa sidii loogu talagalay uwadin dhismaha oo waxeedu yihiin iga gaarsii berri wax kasoo noqon doonaan. “Waxba kama duwana Ciidii Ganacsatadu ku badbadiyeen Doontii Xamuulkasiday ee ku soo caariday Dekada dhinaceeda Shan Sano ka hor”Sida ay qabaan Ganacsatada Bosaso qaar ka mid ah. Waxaa kaloo la dhaliilayaa Shirkada la siiyay Qandaraaska khibradeeda Shaqo. Wal-walka jira waa in Ciidan…

Read More

Dowladda Fadaraalka Somaliya,ayaa ku amartay Shirkadaha adeegyadda Lacagaha Talefoonada (Mobile Money Providers) in dhaqdhaqaaqyada maalinlaha ah ee macaamiishooda uusan ka badnaan karin USD $300 (Sedex boqol oo dolar). Shirkadaha Isgaarsiinta,ayaa lagu amray in ay diiwaangeliyaan macaamiisha qaadanaya Sim Kaarada Cusub, ugu yaraan laga qaado sawir iyo farro iyo in kuwii horay u qaatay Sim kaarada in dib loo diiwaangeliyo muddo 90-Cisho ah. Dowlada,ayaa ku hanjabtay in cidii fulin wayda amaradan in lala tigsan doono Sharciga. Halkan ka akhriso:-

Read More

Dhoolatuskii ka dhici lahaa Magaalada Dekeda ah ee Berbera,ayaa loo leexiyay Magaalada Mombasa Dalka Kenya. Dhoolatuskan oo uu hogaaminayo Maraykanka,ayaa waxaa ka qaybgelaya ugu yaraan 20-Wadan. Sababta looga leexiyay Berbera,ayaa loo fahansan yahay xasuuqa Shacabka Laascaanood uu Maamulka Somaliland ku hayo. Waxaa muuqata in Beesha Caalamku aqbashay Somalidu in ay tahay Beelo haday isku helaan awoodna isku isticmaalaya. Maamulka Somaliland,ayaa xasuuqa Shacabka Laascaanood ku waayay Mashruucyo waa weyn oo macno ulahaan lahaa oo uu ka mid yahay Dhoolatuskan oo ahaa fursad dhinacyo badan ulahayd. Halkan ka daawo muuqaalka https://lm.facebook.com/l.php?u=https%3A%2F%2Fwww.kenyans.co.ke%2Fnews%2F85594-inside-us-militarys-largest-exercise-involving-20-countries-launched-kenya-video&h=AT38bUe9fz8kyIMpyYZ-Q8qJdJiLK3EPDWAcdwI1PMnV15hT6ZpuMNQoSFLT2Dmkt_I1p4zhjgBrEZ7bDNFh2nLdZxNEx_FOW1CdSQbMUpaBcmAI64ojHPaCTr0ZHs3iUg

Read More

Dowladda Maraykanka,ayaa si adag u diiday eedaha uga yimi dalka Shiinaha ee ku saabsan, in Maraykanku uu sannadkii hore dul mariyey hawada dalkaas, in ka badan 10 buufimood oo ah kuwa wax basaasa oo ku duulaya joog aad u sarreeya. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo xiisadda labada dal ay meel sare marayso, ka dib markii ay ciidamada Maraykanku ay soo rideen boofin ka timi dalka Shiinaha oo soo gashay hawada Maraykanka. Afhayeenka golaha amniga qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby ayaa u sheegay telefishanka MSNBC “inaanay run ahayn eedaha ka yimi Shiinuhu, isla markaana aanu Maraykanku dul marin…

Read More

Qoraalkii Maantay ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Wuxuu Xambaarsanaa .. 1.In aysan Jirin Magac layiraahdo Jamhuuriyada Somaliland. 2.Fulinta Masuuliyada Dastuuriga ee Xasan Shiikh ka Saaran Jamhuuriyada Federaalka Somaliya. 4.In ay Laas Caanood ka dhaceen Tacadiga Biniaadanimo ee Heer Walba leh,Masuuliyada arrintaasi aysan noqonayn mid la isaga hari doono. 6.In ay Somaliland ay tahay oo Noqona Doonto Somaliland State. ” XUDUUDAHA QABALIGA” 7.In la aqoonsaday la Wareegida Awooda Shacabka ay udooreen go’aanka Hogaamiyayaasha 8.In Guddi Xaqiiqo Raadin ah ay Wadada Ku soo Jiraan. Kaafi Abdi .

Read More

Dowladda Maraykanka,ayaa joojisay Dhoolatus Millateri oo ay ka samayn lahayd Berbera 15-bishan Feb. Dhoolatuskan,waxaa ka qaybgeli lahaa Dalal badan sababaha ay ku joojiyeen ayey ku sheegeen xaaladaha Amni xumo ee soo wajahay Gobollada Waqooyi Somaliya. Maraykanku wuxuu sheegay in ay si dhow ula soconayaan xaaladda Amni ee Gobolladan. ”We regret to announce that the military exercise planned to be held in Berbera has been cancelled due to security threats and instability in the area. The safety of our personnel and the public remains our top priority, and we will continue to monitor the situation closely.” ”Waxa aanu ka xunahay in…

Read More

Halganka xoraynta Magaalada Laascaanood ee ay wadaan Shacabka ka kacdoomay dulmiga Maamulka Somaliland,ayaa Maalinkii 8-Aad si isdaba joog ah usocda. Saakay sarkaal sare,ayay ku wayday Somaliland weerarada gardarada ah ee ay soo qaaday,kaasoo ah mid ka mid ah Talyayaasheeda Ciidamada oo loo yaqaan Gama’diid. Sidoo kale Madaafiicdii ay Somaliland kusoo garaacaysay Gudaha Magaalada siidoodii ayay usii socdaan. Waxaa muuqata in Maalinba maalinka ka danbaysa Shacabku sii dhiiranayaan oo Halgankoodi sii xoogaysanayo. Ilaa iyo hada Somaliland way garowsan la’dahay in ay joojiso xasuuqa Shacabka Sool. Jibril Qoobey.

Read More

Samatabbixiyeyaasha,ayaa Axadda maanta ah burburka dhismayaasha ka soo hoos bixiyay ilmo yar oo Toddobo Bilood jir ah iyo Gabar dhowr iyo Toban jir ah, waana ku dhowaad Toddobo maalmood kadib markii uu dhul-gariir xooggan ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Suuriya kaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan 28,000. Wiilka Toddobo bil jirka ah,ayaa lagu magacaabaa Hamsa waxaana laga soo saaray koonfurta magaalada Hatay muddo ka badan 140 saacadood ah ka dib tan iyo markii uu dhul-gariirku dhacay, iyadoo gabadha 13 jirka ah oo Esma Sultan, iyana laga soo saaray dhismaha ku dumay magaalada Gaziantep, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.…

Read More

Taliska Ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICO,ayaa sheegay inay 12 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab ku dileen weerar dhinaca cirka ay oo ay Jimcihii ka fuliyeen deegaanno ka tirsan degmada Hobyo, sida lagu sheegay warsaxaafdeed kasoo baxay taliska. AFRICOM,ayaa sheegtay in weerarkan uu ka dambeeyay codsi uga yimid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, uuna ahaa mid ‘is-difaac ah; oo ay si wadajir ah u fuliyeen iyaga oo taageeraya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee wada howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab. Taliska,ayaa sheegay inaysan jirin dad rayid ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay duqeyntan oo ka dhacday deegaan fog oo qiyaastii 45 KM…

Read More

Addis Ababa, 10 February 2023: The Joint Committee (JC) for implementing and monitoring the “Agreement for Lasting Peace in Ethiopia through a Permanent Cessation of Hostilities” held its inaugural meeting at the African Union Commission Headquarters in Addis Ababa, Ethiopia, today, 10th February 2023. Chaired by Ambassador Bankole Adeoye, African Union (AU) Commissioner for Political Affairs, Peace and Security, the Joint Committee comprises representatives of the Parties and the Inter-Governmental Authority on Development (IGAD). The Committee took stock of progress made in implementing the Peace Agreement and considered the operations of the Monitoring Verification and Compliance Mechanism (MVCM) deployed to…

Read More

At the request of the Federal Government of Somalia and in support of Somali National Army engagements against al-Shabaab, U.S. Africa Command conducted a collective self-defense strike Feb 10, 2023. The strike occurred in a remote area approximately 45 km southwest of Hobyo, Somalia, and about 472 km northeast of Mogadishu. The initial assessment is the strike killed 12 al-Shabaab fighters. Given the remote location of the operation, the command assesses that no civilians were injured or killed. Rooting out extremism requires intervention beyond traditional military means. Somali President Hassan Sheikh Mohamud has publicly stated that economic reform, social and…

Read More

Dagaalka u dhexeeya Ciidamada Deegaanka iyo Milleteriga Somaliland ee ka socda Magaalada Laascaanood,ayaa galay maalintiisii Toddobaad. Sida caadada unoqotay Todobaadkii udanbeeyay Dadka Magaalada,ayaa ku waabariistay dhawaaqa Hubka kala duwan ee la’isku adeegsanayo. Dagaalka,ayaa weli ka socda bannaanka Magaalada,iyadoo la soo sheegayo khasaare ka dhashay. Weli si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka,balse waxaa jira Madaafiic ay Guryaha Shacabka iyo goobaha Caafimaadka kusoo tuurayaan Ciidamada Maamulka Somaliland.

Read More

Garaadadu waxay sheegeen in aysan Xabad joojinta diidanayn ayse rabaan Laba Qodob in la fuliyo.. 1.In Ciidamada Muuse la durkiyo. 2.In Gudi xaqiiqo raadin ah oo Caalamka ka socda lasoo diro. Garaadadu si masuuliyad leh ayay uga jawaabeen Xabad joojinta iskiis uu ugu dhawaaqay Muuse,inkastoo isla maantaba uu jabiyay oo Madaafiic kusoo garaacay Magaalada iyadoo uu ku geeriyooday Dhakhtar ka shaqeeya Isbitaalka Laascaanood. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Ganacsade Qandaraasle ah oo dul fadhiya kuwa Bosaso hada uga socda,ayuu kusoo ururay. Dagaalka,waxuu udiidan yahay xiligan waa Laba Qodob oo kala ah…. 1.Dhaqaalaha ku baxaya ee laga soo saarayo khasnada Dowlada oo qiyaastii gaaraya ugu yaraan 2-Milyan oo dolar. 2.Doorashada Madaxweyne ee Somaliya 2026 oo uu waji kasii samaysanayo Xildhibaanada Beesha Isaaq. Ujeedka uu ka duulayo oo dhan waa dano gaar u ah isaga oo ku fadhiya dhaqaale iyo Dad iska dhis. Marxuum Siyaasadeedka 2023. Jibril Qoobey.

Read More

Jen.Siciid Dheere,waxuu bilaabay olale wanaagsan oo dagaalka Laascaanood lagu galayo. Islaan Ciise,ayuu utagey oo ku yiri qaado doorkii Aabahaa ee difaaca Dalka oo abaabul Beelaha. Islaanku,waxuu ku cawday wax walba uu samayn lahaa in Laba culays haysto,kuwaasoo kala ah… 1.Kala celinta Aaran iyo Deni.2.Dhaga-adayga iyo faham la’aanta Deni. Ugu danbayn Siciid Dheere iyo Islaanku waxay isla qaateen in aan la sugin Dowlada oo Beelaha la abaabulo. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More