Shaqaalaha Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha ee Gobolka Nugaal,ayaa loo furay tababarkoodii. Bulshadu waa isu diyaarisay in ay isdiiwaangeliyaan oo Beeluhu waxay ku jiraan tartan dhanka Dad badnida ah. Aaran-shaydaan goolaaftan iyo hunbaalayn maahee wax kale mahayaan,kumana dhacaan in ay ridaan Xabad kasoo horjeeda Diiwaangelinta. Halkan ka daawo muuqaalka Jibril Qoobey.
Author: Jibril Qoobey.
Guud ahaan Gobollada Sanaag iyo Haylaan ayay diiwaangelintu si habsami leh uga socotaa Maalinkii 5-Aad. Badhan,Dhahar,Xingalool,Buraan,Baraagaha Qol,Hafaaftimo,Laasqoray,Ceelaanyo iyo Durduris ayay Diiwaangelinta Cod bixiyayaashu si wacan iskugu duba dhacsan tahay. Dadku waxay muujiyeen rabitaan iyo Wadaniyad. Usoo bixida Diiwaangelinta ee Gobolladan waxay Bulshadu u isticmaashay awood ay ku muujinayeen in ay ku faraxsan yihiin ka mid ahaanshahooda Puntland iyo in aysan meelna kasoo gelin gooni goosatada Somaliland. Nidaamka Puntland guul taariikhiya oo istirastiijiya,ayuu ka gaaray in diiwaangelintu si buuxda uga hirgasho Sanaag iyo Haylaan. Jibril Qoobey.
Warbixin cusub oo laga soo saaray dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in bishii January ee dhowaan dhamaatay in la abuuray illaa 517,000 oo shaqo taasoo ah, arrin sawir fiican ka bixinaysa heerka koboca dhaqaalaha, xilli uu bangiga dhexe ee Maraykanku uu isna sare u qaaday lacagaha dulsaarka ah. Heerka shaqo la’aanta Maraykanka ayaa haatan hoos ugu dhacday illaa 3.4%, waana heerkii ugu hooseeyey ee ay gaadho muddo ku siman nus qarni. Warbixintan oo ay soo saartay dawladda Maraykanka ayaa intaas ku dartay in arrintani ay sawir fiican ka bixinayso, koboca suuqa shaqada ee Maraykanka, iyo heerka shaqo la’aanta oo hoos…
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed,Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Demeke & mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowlada Fadaraalka Itoobiya,ayaa maanta kulan la yeeshay wafti tplf ah. Weftiga tplf,ayaa waxaa ka mid ahaa xubno sare oo muhiim ah,kuwaasoo kala ahaa… 1.Getachew Reda2.Lt. Gen. Tsadikan.3.G/Tinsay. Kulanka,ayaa qayb ka ahaa dardargelinta Geeddi-socodka Nabadda ee Dowlada Dhexe iyo tplf. RW Abiy,ayaa amray adeeg dheeriya oo loo sameeyo Gobolka Tigree kulanka kadib,waxaana ka mid ah adeegyada la siyaadiyay.. B.Duulimaadyada.T.Bangiyada. Sidoo kale,waxaa kulanka layskula fahmay qorshayaal kor u qaadaya kalsoonida oo salkoodu yahay fududeynta nolosha dadka rayidka ah. Kulankaas muhiimka ah ee ay markii ugu horaysay isku soo…
Horta Maskaxda wax qaribaysa waa Maxamuud Shido. Kaaliyaha Maxamuud waa Xasan Shire. Cawad waa la isticmaalayaa. Cabdi yare waa adeege. Maxamed Faroole waa Dameer-dhaan raacday. Maxay diyaarsadeen? Min Laba Gaari oo Qorya saaran yihiin,ayaa la qaybsaday. Inta kale waa keeneen,waxaase mid ka dhimanaaday Cawad oo diyaariintiisii laga gaari kari waayay. Sagaal Gaari in lagu hawlgallo oo lagu horgooyo goobaha Seejooyinka ayay qorshaysteen. Guuleed iyo Aaran? Waa ka hor yimid qorshahooda si cad,ayuuna ugu diiday in fawdo looga hor yimaado Diiwaangelinta. Ciidamo kooban oo ilaalo gaar ah u ahaana waxuu ku amray in aysan qayb ka noqon waxa Aaran Shaydaan wadaan…
Halkan ka daawo muuqaalka
Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Wakiilada Maraykanka ayaa leh awood iyo saameyn baaxad leh oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada Maraykanka ee arrimaha dibadda,waana Guddiga naqshadeeya danaha Maraykanka ee caalamka. Haddaba Guddigan Buuxa,ayaa mas’uul ka ah kormeerka iyo shuruucda la xiriira arrimahan hoos ku xusan. Taageerada wadamada shisheeye (oo ay ka mid yihiin, kaalmada horumarinta ee, HIV/AIDS ee wadamada shisheeye, kaalmada amniga, iyo barnaamijyada dibadda ee sharciga dadweynaha ee tirsigiisu yahay 480). Ciidamada Nabad ilaalinta. Horumarka amniga Qaranka ee saameeya siyaasadda dibadda. Qorshaynta istiraatijiyadeed iyo heshiisyada. Awoodaha dagaalka, is afgaradyada. Heshiisyada fulinta, iyo daabulka iyo isticmaalka ciidamada qalabka sida ee Maraykanka. Nabad-ilaalinta,…
Xildhibaannada Aqalka Sare ee Mareykanka oo isugu jira labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraaddiga ayaa warqad u diray madaxweyne Joe Biden, taasoo ay uga codsadeen in uu dib u dhigo mashruuca Turkiga looga iibinayo diyaaradaha F-16 oo lagu qiimeeyay lacag dhan $20 bilyan oo doolar. Siyaasiyiintan ayaa dalbaday in xukuumadda Ankara laga hor istaago diyaaradahaas ilaa inta ay ka ansixineyso hannaanka ay dalalka Sweden iyo Finland ugu biirayaan isbahaysiga NATO. Sweden iyo Finland ayaa sanadkii lasoo dhaafay codsaday in ay xubno ka noqdaan NATO ka dib markii uu billowday dagaalka uu Ruushku ku qaaday Ukraine, hase yeeshee dowladda uu hoggaamiyo…
“Ina Kaahinoow anigu kuma nooleyn Balidhiig & Burco. Laascaanood baan joogay, anigaana iska leh tan ee Maxamed Abokor iyo Reer Daahir midna ma leh..”Ayuu yiri Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan. Halkan ka daawo muuqaalka
Xildhibaano door ah oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya,ayaa Qoraal ay ku midaysan yihiin udiray Beesha Caalamka,kaasoo ay ku xaqiijinayaan in Shacabka reer Sool aysan qayb ka ahayn Maamulka Somaliland iyo fikrada gooni goosadka. “Waxa aan Goor Dhaweyd U Dirnay Urur Goboleedka IGAD Iyo Beesha Caalamkaba Warmurtiyeed Aan Ku Beeninayno in aysan Wax Wadahadal ah La Gelin Isimada Deganadayadu Maamulka Somaliland,Qeybna Aysan ka Aheyn Maamulkas Gooni Goosadka ah Ee Xooga Ku Jooga Dhulkayaga”. Halkan ka akhriso:-
Masuuliyiin hore iyo Siyaasiyiin,ayaa soo saaray Bayasn ku aadan xaalka Laascaanood. Waxay kor istaageen Qodobo muhiim ah.. 1.Dowlada Fadaraalka ah waxay ka dalbadeen in ay cadayso mowqifkeeda ku aadan Xaalka Laascaanood. 2.Wada hadallada xal kama danbaysa loogu helayo tabashada reer Hargaysa in la bilaabo. 3.In wada hadallada ay goob joog ka ahaadaan dhamaan qaybaha ay ku qusayso dooda reer Somaliland. 4.Dowlada Fadaraalka ah in ay qaadato masuuliyada ka saaran Bulshada Laascaanood. 5.Shacabka Laascaanood tacadiyada Somaliland ugaysatay ayay xuseen. Waa Bayaan loo baahnaa yimidna xiligiisii.
Haduu yahay Siyaasi ufakaraya si heer Qaran ah oo jaangoyntiisu ay tahay Danta Siyaasadeed ee Dalka waxuu garab siin lahaa reer Laascaanood. Raga Hargaysa fadhiya ee midnimada khatarta ku ah,ayuu fursad uu ku jilciyo uga dhigan lahaa kacdoonka Laascaanood. Sidoo kale,waxuu baritaari lahaa guuxa Boorame iyo carada Beelaha Garxajis. Intaas kadib,waxuu cidlo ka heli lahaa Siyaasiyiinta Beesha Habar Awal ee gooni goosadka rabta,iyagoo diciif Siyaasadeed ah. Balse ma’ahan Siyaasi Qaran ee waa hogaamiye Beeleed fursad uhelay in uu fariisto Kursiga Villa Somaliya. Laascaanood qadiyadeedu waa guulaysanaysaa. Jibril Qoobey.
Geelle fursada uu helay in badan,ayuu baadigoobayay,taasoo ah in uu talada Villa Somaliya isagu Geed fadhi unoqdo. Madaxweynaha rasmiga ah ee Villa Somaliya xiligan waa Ismaaciil Cumar Geelle. Xasan Shiikh,waxuu noqday Gacan yare ka hoos shaqeeya Madaxweyne Geellaha Labada Aqal ee Jabuti iyo Xamar. Geelle hankiisu waa in Somaliya kala qaybsanasto,kala fadhido oo aysan dhiman,noolaana,isaguna ukala dab qaado. Xataa kuwa Hargaysa jacayl uma hayo ee waxuu rabaa in ay ahaadaan Dad uu meel dhexe ku haysto. Fursada ugu weyn,waxuu ka helay Xasanka Eexda iyo musuqa hankiisu yahay. Jibril Qoobey.
Xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa maanta u codeeyey inay Ilhaan Cumar oo Dimoqraadi ah ka saaraan Guddiga Arrimaha Dibedda, ayaga ku eedeeyey hadallo ka dhan ah Israel. Tallaabadan ayaa sii xumeyneysa xiisadda labada xisbi kadib markii Dimoqraadiga ay kalfadhiggii hore guddiyo ka saareen xubno Jamhuuri ah oo ka tirsan garabka-midig ee fog, kuwaas oo lagu eedeeyey hadallo rabshad hurin ah. Afhayeenka Aqalka Hoose Kevin McCarthy ayaa ku guuleystay inuu mideeyo Jamhuuriga si guddiga laga saaro Ilhaan oo asal ahaan Soomaali ah kadib markii xubnaha qaarkood ay ka muujiyeen shaki. In xildhibaano laga saaro guddiyada Aqalka ayaa aheyd wax…
Bosaso: 02 February 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 007 ee 29ka January, 2022, kuna saabsan Cafis gaar ah oo loo fidiyey maxaabiis ku xiran xabsiyada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadasiisa 11-aad Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta. Wuxuu xeeriyey: Waxaa cafis gaar ah loo fidiyey 57 maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada Puntland kuwaas oo mutaystay in cafis loo sameeyo ka dib markii uu habdhaqankoodu wanaagsanaaday loona sameeyey dhaqan celin. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu Madaxweynuhu…
Afhayeenka Garaadada Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan oo la hadlay BBC,ayaa yiri… “Uma diyaarsanin wada hadalkaas,waxna kalama socono sideedana Nin qoorta kaaga taagan oo hadana ku leh ila hadal macquul ma’ahan”Ayuu yiri. “Shirkayagii,ayaa noo socda lamana gaarin heer aan ugudubno wada xaajood,sideedana Geelle iyo IGAD haday run sheegayaan ha saaraan Ciidamada Maamulkaas”.Ayuu yiri markale. “Anaga weli,waxaa Guryaha noo yaal Dhaawicii SL Dadkayaga ugaysatay,Magaaladana waa laga qaxay Boqolkiiba Sideetan”Ayuu yiri Caaqilku. Waa hadal dood garowshiyo leh ku fadhiya. Geelle iskuma helayo in uu Muuse usoo raro 40-Tan oo Hub ah,Gacanta kalana hoosaasin ku bilaabo. Qorshaha Geelle waa qayb ka mid ah duulaanka…
Bayaan uu soo saaray,ayuu Qareenka Biden ku sheegay in baaritaanka Arbacadii uu ahaa mid qorsheysan, iyadoo madaxweynaha uu taageero buuxda ka ahaa. Baaritaanka guriga oo socday ku dhawaad afar saacadood ayaa wuxuu la xiriiray baaritaan ballaaran oo ku saabsan maaraynta dukumentiyada xasaasiga ah. FBI-da kama aysan hadlin baaritaanka. Maadaama aysan jirin amar baaritaan, ee uu ahaa ogolaansho uu madaxweynuhu bixiyey. Qareenka Mr Biden, Bob Bauer, ayaa sheegay in baaritaanka la sameeyay “iyadoon wax ogaysiis hore ah loo siin dadweynaha” si loo dhowro “amniga shaqada iyo sumcadda”. Ka dib baaritaanka – oo socday inta u dhaxaysay siddeedii subaxnimo iyo bar ilaa…
Xisiga Jamhuuriga ee heysata aqlibiyadda Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa isku diyaarinaya in uu Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan Dimuqraadi ah oo laga soo doorto gobolka Mennisota ka xayuubiyo xubinnimadeeda guddi-hoosaadka Arrimaha Dibadda. Hoggaanka Jamhuuriyiinta ee Koongareeska ayaa sheegay in sababta ay tallaabadan u qaadayaan inay tahay, hadallo ay horey u jeedisay oo ka dhan ahaa Israel. Ilhan Cumar ayaa horey raalli-gelin uga bixisay hadalladaasi oo loo arkayay in ay xanbaarsanaayeen Yuhuud naceyb. Codeynta kama danbeysta ah ee ay xubnaha labada xisbi ka dhiibanayaan in Ilhan Cumar laga saaro guddiga arrimaha dibadda ayaa lagu wadaa in la qabto xilli dambe oo…
Qaar ka mid ah bulshada Degmada Badhan oo maanta si mug leh usoo buuxiyay goobaha diiwaangelinta,ayaa ka hadlay dareenkooda iyo diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee Puntland. Sidoo kale Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan ayay diiwaangelintu uga socotaa si habsami leh Dadkuna si weyn ugu soo baxay. Halkan ka daawo muuqaalka
Gobollada Sanaag iyo Haylaan ee Puntland ayay diiwaangelinta Cod bixiyayaasha Doorashooyinka Puntland si qurxoon uga socotaa. Hadaaftimo oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayay Diiwaangelintu saakay ka bilaabatay. Sidoo kale Degmada Buraan ee Gobolka Haylaan ayay Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha Doorashooyinka Puntland si wanaagsan uga bilaabatay saakay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Shirka waxaa wadata Dowladda Mareykanka oo dooneysa in Wejiga Labaad ee Dagaalka Alshabaab ka dhanka ah ay ATMIS ka qeyb noqoto. Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab Wajigiisa Labaad,waxaa lagu xoreynayaa Galbeedka Webiga Shabelle. Shirkan,waxaa kaloo taageero Siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba ku bixinaya Madaxweynaha Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle. Shirkan,waa macno beelay markii si sax ah loo dul istaago. 1.Sida deg-dega ah ee isla saakaba looga soo saaray Warmurtiyeedka. 2.Amniga Muqdisho oo aan la’isku hallayn karayn,isla markaana Saaka Hoobiye-yaal lagu garaacay Garoonka diyaaradaha,waxaa ku gubtay Haamo Shiidaal,iyadoo uu ku dhaawacmay Qof Ajanabiya. 3.Madaxwaynaha Uganda & Burundi oo iska diiday kasoo qayb galka…
15ka Qodob ee ka soo baxay Shirka madaxda Africa ee Ciiidamadoodu ka joogaan Somaliya, kaas oo maanta ka dhacay Muqdisho. 3.Shirka waxaa lagu sheegay sida ay Africa uga go’an tahay sii wadidda taageerada laga siiyo Dowladda Federalka Somaliyed dadaallada ay ugu jirto xoreynta dalka. 4.Waxaa la bogaadiyey dadaallada Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubanaha ka ah, kuna aaddan siyaasad loo dhan yahay oo lagu wajaho dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaaiya Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada qaateen madaxda, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Abiy Axmed. Shirkan,ayaa lagaga arrinsanayey sidii loo mideyn lahaa hawgallada lagu ciribtirayo argagixisada, iyadoo madaxdu ay falaanqeeyeen hannaanka fulinta qorshaha Muqdisho ee ka soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay ay yeesheen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga dalalka, Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti. Madaxda,ayaa wadajir u bogaadiyey guulaha Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howlgalladii lagu xoreeyey deeganno badan oo ka tirsan dalka, kuwaas oo argagixisadu ay ka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdishu ka furtay Shirka Soomaliya iyo Dalalka Safka hore (Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya) oo soconaya inta u dhaxeysa 31-ka Janaayo iyo 1-da Febraayo. Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galaya Madaxweynaha dowladda Kenya Mudane William Ruto, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ugu danbaysay in ay marti-geliso shirar-Madaxeedka heer Gobol sannadkii 2016-kii oo Muqdisho ay isugu yimaadeen Madaxweyneyaasha dalalka IGAD. Ujeedooyinka Shirka Soomaaliya iyo Dowladaha Safka hore:
Saraakiisha Ciidanka PMPF, gaar ahaan qaybta la socodka hawlaha Badda ayaa qayb ka ah tababar soconaaya muddo 14 casho ah oo ay soo qaban qaabisay EU-CRIMARIO iyo EUCAP Somaliya ee ka hawl-gala Baddaha Dalka. Tababarka,ayaa lagu baranayaa nidaamka AIS-Automatic Identification System iyo IORIS, kaas oo wax badan ka taraya la socoshada badqabka marinka Biyaha Puntland. Arrintan,ayaa qayb ka ah hab-raaca cusub ee tayaynta Ciidamada PMPF.
Degmada Dhahar ee Xarunta Gobolka Haylaan ee Puntland ayay diiwaangelinta Cod bixiyayaasha Doorashooyinka Puntland si rasmi ah uga bilaabatay. Wajiga Labaad ee Diiwaangelinta Deegaamada loo qorsheeyay,ayuu ka mid yahay Gobolka Haylaan ee Dhahar laga xukumo. Puntland waxay uleeyihin tixgelin ka duwan Deegaamada kale Gobollada Haylaan iyo Sanaag. Guud ahaan Gobollada Sanaag iyo Haylaan ayay Diiwaangelintu uga bilaabatay sidii loo qorsheeyay saakay oo taariikhdu ay tahay 31″ Jan”2023. Halkan ka daawo muuqaalka Jibril Qoobey.
Daahfurka Wajiga Labaad ee Diiwangelinta codbixiyaha doorashooyinka Dowladaha hoose ee Puntland,ayaa Gobolka Sanaag si rasmi ah uga bilaabatay. Gudiga doorashooyinka,Wasiiro,Saraakiisha Ciidanka iyo Qaybaha Bulshada,ayaa ka qaybgalay daahfurka. Wajiga Labaad ee Diiwaangelinta,ayaa ka dhacaysa Gobolada Sanaag,Haylaan iyo Nugaal. Macno gaar ah ayay uleedahay Puntland in Diiwaangelintu ka hirgasho Gobolka Sanaag. Halkan ka daawo muuqaalka HADAF.
“Argagixiso aan ahayn Ciidankiisa kuma ogayn Sool,Anagu ma nihin argagixiso ee waxaan nahay Beel Deegaankeeda Aayihiisa ka tashanaysa oo Dowladaha dariska ah iyo Gobolada kalaba ka amaan helayaan oo ku filan Dadkeeda iyo Dhulkeeda”Ayay yiraahdeen Garaadada ku shiraya Laascaanood. Hadalkan,waxuu jawaab cad uyahay kii kasoo baxay Muuse Biixi Shalay ee uu ku lahaa waxa Laascaanood iskugu tagay waa argagixiso. Halkan ka daawo muuqaalka hadalka Garaadada
Madaxweyne Biden,ayaa sheegay in aanu taageersanayn in diyaarada F-16 loo diro dalka Ukraine, taas oo uu sheegay in ay u baahan tahay in ay la wareegto maamulka hawadeeda, ku dhawaad sanad kadib markii uu Ruushku uu ku duulay Ukraine. Biden,ayaa hadalkan kooban jeediyay mar ay wariyayaashu su’aalo weydiiyeen xilli uu ka baxayay Aqalka Cad. Dalabka Ukraine,ayaa noqday mid aad loo hadal hayo kadib markii Washington ay ka laabatay diidmadeeda muddada dheer ee ahayd in Taangiyada Mareykanka loo diro Ukraine . Diyaaradda F-16 Falcons,ayaa lagu tilmaamaa mid kamid ah diyaaradaha dagaalka ee lagu kalsoonaan karo caalamka, waxaana adeegsadaa dalalka sida Belgium…
Wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee Dowladda federaalka Somaliya,ayaa fartay hay’adaha maamula mashaariicda Somaliya in ay si buuxda ugu soo wareejiyaan hawlgalladooda gudaha dalka Somaliya. Wasiirka qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene,ayaa sheegay in maadaama hay’duhu ay dhaqaale ku soo qaataan wax u qabashada bulshada Somaliyed ay tahay in howlahaas dadka loo dhaweeyo, isla markaana aanay jirin cid cudur daar ka dhigan karta in Somaliya amni darro ay ka jirto. Halkan ka akhriso Warqada kasoo baxday Wasaarada
Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky iyo ra’iisul wasaaraha dalka Denmark Mette Frederiksen,ayaa gelinkii danbe ee shalay ku kulmay magaalada Mykolaiv ee ku taalla koonfurta Ukraine. Denmark,ayaa hore u sheegtay in ay ku caawin doonto Ukraine 19 ka mid ah gantaalaha uu sameeyo dalka Faransiiska,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Muuse Biixi Garaadada Beesha Dhulbahante ee Shirku ugu socdo Laascanood wuxuu ku sheegay argagixiso. Sidoo kale,wuxuu sheegay in uusan Ciidankiisa kala baxayn Laascaanood. Hadalka Muuse Biixi hadalkiisa ah in uusan Ciidankiisa kala baxayn Dhulka Beesha Dhulbahante,waxuu waxtar uyahay kacdoonka iyo go’aamada Shirka kasoo baxaya. Hadalkiisa kale ee ah argagixisaa Laascaanood ku jirta oo dhibaato ka abuuraysa,waxuu la mid yahay hadalkii 1988 ee Siyaad Barre oo ahaa Burco iyo Hargaysa argagixisaa soo gashay oo aan la dagaallamaynaa. Macno usamayn mahayo reer Laascaanood iyo reer Hargaysa hadalka Muuse Biixi kaliya,waxuu Baasiin kusii shubayaa xaalka cakiran. Loogama fadhiyin in uu erayadaas isticmaalo Maanta…
Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay halka in ka badan 90-Qof ay ku dhaawacmeen Qarax ka dhacay Masaajid ku yaalla dalka Pakistan. Dadka dhaawacmay qaarkood xaaladdoodu aad ayay u liidataa, kadib qaraxan ka dhacay masaajid ku yaala magaalada Peshawar. Wararka qaar,ayaa sheegaya in dhowr Qof ay ku dhinteen Qaraxa. Qaraxa,ayaa burburiyay qeyb ka mid ah dhismaha Masaajidka. Saraakiisha,ayaa sheegay in tiro dad ah ay ku hoos jiraan masaajidka burburay. Adeegyada caafimaad ee deegaanka,ayaa laga deyrinayaa,iyadoo Tobanaan Qof oo ku dhaawacmay qaraxa la geeyay isbitaalada.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa 8 oo xabsi ah ku xukuntay Fartuun Cabdirashiid Xuseen, oo loo soo xiray ka mid ahaanshaha kooxda Daacish ee Soomaaliya. Maxkamadda ayaa sheegtay in Fartuun oo isticmaalaysay magacyada kala ah (Faa’iso, Aasiyo iyo Faysa) ay tahay xaaska horjoogaha kooxda Daacish ee Soomaaliya Cabduqaadir Muumuin. Haweeneydan,ayaa la sheegay in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay kasoo qabteen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa ee Muqdisho, 21-kii March 2022. Maxkamadda,ayaa sidoo kale sheegtay in Fartuun ay kooxda Daacish u qaabilesaneyd dhanka maaliyadda, islamarkaaana uu xeriir shaqo kala dhexeeyay Bilal al-Sudani, oo ka mid ah madaxda Daacish ee…
Si kaftan umuuqata,ayuu Mahdi ugu tilmaamay Somaliland Wadan daris ah. Dastuurka uu ku dhaartay Mahdi Guuleed,waxuu dhigayaa in Jamhuuriyada Somaliya ay tahay Lowyacade ilaa Raaskanbooni. Su’aasha hortaalla waxay tahay… Somaliland haday Dal gaar ah tahay yuu ku matalayaa Xubinta Xildhibaan ee uu ku fadhiyo?? Mahan wax iska dhacay ama layska indho tiri karo hadalka khatarta ku ah Qaranimada kana hor imaanaya Dastuurka ee kasoo yeeray Ra’isalwasaare xigeenkii hore ee Jamhuuriyada. Mahdi,waxuu mudan yahay in lasoo gole joojiyo oo Dastuurka uu ugafay lagula xisaabtamo. Halkan ka daawo muuqaalka Mahdi oo qiraya SL in ay tahay Wadan gaar ah.
Waa nasiibdarro weyn Dhulkii Shabaab ka baxay ee Deegaamada Hir-shabelle in ay Isbaarooyin Dadka iyo Gaadiidka lagu baaranayo dhigtaan Macswisleydii la abaabulay. Jidgooyooyin door ah oo looga qaado Gaadiidka Xamuulka ukala safriya Deegamadaas,ayaa ka dilaacay Dhulkii Shabaab laga saaray ee ay hada Gacanta ku hayaan Maleeshiyaad Beeleedyada loo yaqaan Macawisley. Haldoor fara badab,ayaa horay uga digay hawlgelinta Macawisley oo haatan ku noqotay habacsanaan weyn oo soo wajahday dagaalkii argagixisada. Moorayaan Hub helay yaa xakamayn kara waa su’asl lays waydiinayo ??? Halkan ka daawo muuqaalka Shacabka Deegamadaas oo ka cabanaya Isbaarooyinka
Gulufkii lagu qaadi lahaa argagixisada Deegaamada Jubaland iyo Koonfur-galbeed,waxaa xanibay isfahan waa ka dhashay Ciidamada ka qaybgalaya. Dowlada Fadaraalka waxay rabtaa Sadex qaybood in Ciidamada loo qaybiyo oo kala ah.. 1.Ciidanka Dowlada Federaalka. 2.Ciidanka Dawlad Goboleedka. 3.Ciidan Deegaanka ah kana kooban Qabiilada Waa dhab JL iyo KG,waxaa ka jira nidaamyo ay tahay in looga danbeeyo Deegaamadaas shaqo walba oo laga qabanayo. Macawisley loogama baahna Jubaland iyo Koonfur Galbeed hadii dagaal lagu qaadayo argagixisada waa in Maamulada ka hawlgalaan oo la taageeraa. Doodaas waa dhaxalgal oo Deegaamadii Hir-Shabelle iyo Galmudug ee laga hawlgeliyay Macawisley waxba lagama faa’idin dagaalkii argagixisadana habac baa…
Madaxweyne Xasan Shiikh,ayaa ka codsaday Maraykanka in uu ka taageero olalaha uu ugu jiro in Somaliya laga qaado cunaqabataynta Hubka. Danjiraha Maraykanka ee Qaramada midoobey oo booqasho ku joogta Muqdisho,ayuu hor dhigay codsigaas. Xasan Shiikh,ayaa ku saleeyay dalabkiisa in Ciidamada Somaliya baahi uqabaan Hub ay kula diriraan argagixisada ayna hor taagan tahay cunaqabatayntu helida Hubkaas. Su’aalaha iswaydiinta mudan waxay yihiin?? 1.Waa kuwee Ciidamada Hubka ubaahan ee Somaliyed? B.Ma kuwa Dowlada Dhexe udiiwaangashanbaa? T.Ma kuwa Macawisleydaa? X.Ma kuwa Puntland baa? Kh.Ma kuwa Somaliland baa? 2.Dowladee laga qaadayaa cunaqabataynta? B.Villa Somaliya miyaa ? T.Puntland miyaa? J.Somaliland miyaa? Somaliya Dowlad masuul ah oo…
Danjire Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield oo booqasho ku joogta magaalada Muqdisho,ayaa ku dhawaaqday in Mareykanku uu bixin doono in ka badan 41-Milyan oo dollar oo dheeri ah, si loo badbaadiyo nolosha Somalida,looguna daboolo baahiyaha bini’aadinimo. “Xaaladda bini’aadantinimo ee Somaliya waa mid aad u xun”Ayay tiri Danjire Thomas-Greenfield. “Isku darka xiisadda cimilada,dhibaatada gudbinta saadka ee uu kiciyay COVID iyo colaadaha,sida midda Al-Shabaab, ayaa eraygaas naxdinta leh ee Macaluul dib ugu soo celiyey Somaliya” ayay raacisay hadalkeeda. “Macaluushu waa fashilka ugu dambeeya ee beesha caalamka,Dadkuna waa inaysan marnaba gaajo u dhiman,Waan diiday inaan aqbalo guul-darradaas,” Ayay tiri Danjire Thomas-Greenfield. Tan…
Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay wefti ay hoggaaminaysay Danjiraha Maraykanka u joogta Qaramada Midoobay Linda-Greenfield Thomas iyo Danjiraha Maraykanka u jooga Somaliya Larry Andre. Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliya,ayaa lagu yiri.. Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa la wadaagay Danjire Linda-Greenfield Thomas, hawlgallada Ciidamada Somaliya ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo deegaanada ay illaa haatan xoreeyeen, isaga oo ku bogaadiyey Dowladda Maraykanka, gacanta ballaaran ee ay ka geysteen la dagaallanka kooxda al-Shabaab, isagoo tilmaamay halista ay argagixisadu ku hayso Gobolka. “Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa xusay caqabadda ay ku hayso cunaqabataynta Hubka ee saaran…
Madaxweynaha Nigeria,ayaa xariga ka jaray Deked noqonaysa mida ugu weyn Afrika. Dekedan,waxaa dhisay Shirkado Shiinays ah,waxaana ku baxay Bilyan Dolar ah. Waa mida ugu weyn Afrika ee shixnaduhu ku kala gooshaan,waxayna abuuraysaa Shaqooyin gaaraya 270-Kun. Sida la filayo waxay culayska iyo ciriiriga ka kala dajin doontaa Dekedaha kale ee Nigeria. 75% waxaa leh Dhaqaalaha Dekedan Shirkado Shiinays iyo Singspore iskugu jira,halka 25% ay wada leeyihiin Maamulka Lagos iyo Dowlada Dhexe ee Nigeria. Shiinuhu waa maalgashadaha ugu weyn xiligan ee Nigeria,isagoo maslgashtay Tareenada iyo Korontada. Nigeria waxay safka hore uga jirtaa Wadamada Afrika ugu awooda badan dhaqaale ahaan,Dhul ahaan,Dad ahaan iyo…
Nuxurka Shirka jaraa’id ee Afhayeenka Ururka srgagixisada ah ee AlShabaab Cali Dheere,ayaa kusoo koomaya Sadex Qodob oo kala ah.. 1.In uu si dadban uqiray Lacagaha laga xayiray. 2.In uu uhanjabo Bangiyada raacay awaamiirta Dowlada iyo xeerarka caalamiga ah ee wareega Lacagta. 3.In uu Shacabka kiciyo,isagoo ka duulaya danaha dhaqaale ee Shabaab. Sida muuqata Shabaab waxaa saamayn xoogan ku yeeshay dagaalka dhaqaale ee lagu qaaday,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Cadiraxmaan Al-cadaala ayaa sheegay in ciidamada NISA oo kaashanaya kuwa saaxiibada caalamka ay howlgalkan ka sameeyeen deegaanno u dhow degmada Jannaalee ee gobolka Shabeellaha Hoose. Waxa uu sheegan in weerarkan lala beegsadan goob ‘ay maleeshiyada Al-shabaab ku diyaarinayeen ciidamo ay doonayeen inay ku weeraraan shacabka Soomaaliyeed.’ Wasiir ku xigeenka Warfaafinta,ayaa intaa ku daray in weerarkan lagu dilay Saddex ka mid ah horjeegeyaasha Al-shabaab, kuwaas oo uu magacyadooda ku sheegay Salmaan Dheere oo u qaabbilsanaa howlgallada xeebaha, Macallin Saalaxey iyo Macallin Xaashi, kuwaas oo uu sheegay in dhammaantood ay ahaayeen bartimaameed lala socoday,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Blinken, oo Isniinta iyo Talaadada u safri doona Quddus iyo Ramallah. Booqashadan,ayaa mudo la qorshaynayay,waxuuna kula kulmayaa Dowladda Israel ee dhinaca midigta fog u janjeerta. Socdaalka Blinken,waxaa hareeyay markii ay dhaceen mid ka mid rabshadihii ugu xumaa muddo sanada ah. Nin hubeysan oo Falastiini ah,ayaa Jimcihii Toddobo Qof ku dilay bannaanka macbad ku yaalla xaafad la deegaameeyey oo dhacda bariga Quddus, iyadoo weerar kalana uu dhacay Sabtidii. Khamiistiina,Sagaal Qof,ayaa lagu dilay weerar ay Ciidammada Israa’iil ku qaadeen Xerada Qaxootiga Jenin ee Daanta Galbeed, taasi oo ka mid ah hawlgalladii ugu khasaaraha badnaa ee noocan oo kale ah muddo sannado ah.…
Kulamadii Jabuti ee Arooska Gabadha Geelle iyo Heritage,waxaa jawaab miisaaman unoqday Laascaanood waxa ka socda. Aragti ahayd Fadaraalka aan ubadalno Somaliya iyo Somaliland oo Beesha Isaaq oo hogaaminaysa reer Waqooyi iyo Beesha Hawiye oo hogaaminaysa Koonfurta aan ha heshiiyaan,waxaa Dhulka ku jiiday Kacdoonka Laascaanood. Dastuurka oo lagu sameeyo Qurba siro,iyadoo laga dhigayo mid ugaar ah Koonfurta,waxaa soo afjaray Kacdoonka Laascaanood. Hankii Gooni goosadka,waxaa macno tiray 30-sano kadib Kacdoonka horgal laynta ee Laascaanood oo Shalay haday macno ahaan SL u ahayd Beesha Isaaq Maanta ficil ahaan ayay unoqotay. Haduu jiro Ilduuf Siyaasadeed Qarnigan ka dhacay Somaliya,waa midka qabsaday Somaliland. Laascaanood waa…
Turkiga iyo Pakistan,ayaa si adag uga falceliyay ficilkii jimcihii Rasmus Paludan uu kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ku gubay bannaanka misaajid ku yaalla Magaalada Copenhagen iyo Afaafka hore ee Safaarada Turkiga uu ku leeyahay Dalka Denmark. Ka dib markii ay arrintan dhacday,waxaa Safiirka Denmark looga yeeray Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga, halkaasoo mas’uuliyiinta Turkiga ay si adag u cambaareeyeen oggolaanshaha la siiyey Rasmus Paludan ee uu ku samaynayo falkan daandaansiga ah oo si cad u muujinaya nacaybka. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa markii dambe soo saartay bayaan ay ku sheegtay Paludan inuu yahay… “Shakhsi neceb Islaamka,waxayna ka xuntahay in loo…
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Fadaraalka Somaliya,ayaa xukun Xabsi Shan Sano ah ku riday Saddex Odey dhaqameed, oo loo haystay inay heshiisyo la galeen Ururka Al-Shabaab. Saddexda Nabadoon oo la kala yiraahdo, Cumar Maxamed Jimcaale Aadan (Cumar Faniinte), Cali Axmed Xayle Caraalle (Cali Yare) iyo Sugaal Warsame Cali Yarow, ayaa loo haystay inay ka dhago fureysteen amar ka yimid Dowladda, oo ahaa inaan lala macaamili karin Ururka Al-Shabaab. Xukunka Maxkamadda, ayaa waxa kaloo kamid ah, in marka ay dhameystaan Xabsiga shanta sano ah, uu Boolisku la socon doono dhaqdhaqaaqooda. Odayaasha,ayaa waxa u furan inay racfaan ka qaataan xukunka ku…
Ku dhawaaqista Donald Trump, ee ah in uu u tartamayo madaxtinimada Maraykanka sanadka 2024-ka dhacay, ma ahayn mid la yaab leh, ama qorshe uu kaga fogaanayo in dacwad lagu soo oogo, sida ay dadka qaarkiis u malaynayeen. Waxa uu cagta saaray dhabada lagama maarmaanka u ah hanashada, uu dib ugula wareegayo Aqalka Cad ee loogga arrimiyo dalka Mareykanka Ku dhawaad saddex bilood ka dib, markii uu ku dhawaaqay ololihiisa, madaxwaynihii hore, ayaa Sabtidii sameeyay ololihiisii ugu horeeyay ee ka qabsoomay gobolka uu ka soo jeedo ee Florida. Magaalada New Hampshire, ayaa waxa uu khudbad ka jeediyay shirka xisbiga Jamhuuriga, waxa…
Dawladda Itoobiya ayaa ka mamnuucday Deegaanka Soomaalida in ay ka hawl-galaan 14 Telefishan iyo idaacadda BBC Somali, Waxaana Dawlada Itoobiya Sheegtay in aanay ogolaansho ka haysan Hay’adda Warbaahinta Ethiopia (Ethiopian Media Authority). Dawlada dhexe ee Itoobiya ayaa warqad ay usoo dirtay Deegaanka Soomaalida ayaa lagu faray in ay albaabada u laaban warbaahinta dalka dibadiisa ee aan fasaxa haysan. Xafiiska Warfaafinta Deegaanka Soomaalida ayaana amaarkaas fulisay,waxaana shaqadii laga joojiyay 14 Telefishan iyo Idaacada BBC ee Soomaaliga. Ku: Dhamaan Warbaahinta Dalka dibadiisa laga leeyahay ee Fasaxa haysan ka na hawlgala DDS. Ujeedo: Shaqa joojin………………….Xafiiska Warfaafinta Dawalada Deegaanka Soomaalida oo tix raacaya warqada…
Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay caawa magaaladaasi ku dileen Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ee Galmudug, Farxiya Cabdi Maxamed. Haweeneydan ayay kooxahaasi ku dileen Degmada Warta Nabadda (Ex Wardhiigley), iyagoona dilka ka dib ka baxsaday goobtaasi. Haweeneydan ayaa waxa ay ka mid ahayd Golihii Wasiirada ee 5-tii bishii December uu magacaabay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor). Madaxweyne Qoorqoor ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumadda, isagoona dilkeeda ku eedeeyay kooxaha argagixisada. Farxiya Cabdi ayaa door weyn ku laheyd abaabulka gulufkii ballaarnaa, ee ay ciidamadu 16-kii bishan kula wareegeen gacan ku haynta Degmada Xarardheere…
Waxaa soo gabo gaboobay Wajiga koobaad ee dhismaha Wadada Bursaalax- Gaalkacyo. 26-km oo ka soo bilaabatay Bursaalax kuna dhamaatay Bayra.,ayaa hirgalay. Dhismaha Wadadan,waxaa fulinaysay Hay’adda Wadooyinka Puntland oo kaashanaysa Bushada Deegaanka. Agaasime Cabdifitaax Sugulle waa ku amaanan yahay dadaalka uu geliyay Wadadan dhismaheeda. Bursaalax waa mid ka mid ah Degmooyinka Puntland ee horay utalaabsaday. Jibril Qoobey.
Ku dhawaad Todobaatan Maleeshiyaadka argagixisada Daacish ah,ayaa lagu dilay weeraradii Maraykanku ka fuliyay Buuraha Bari ee Puntland Habeenno ka hor. 19-Gantaal,ayaa lagu dhuftay 7-fariisin oo argagixisada Daacish ku lahayd Buuraha Calmiskaad. Raga laga laayay,waxaa ku jiray hogaamiyihii Ururka argagixisada Daacish ee guud ahaan Somaliya. Ciidamada Maraykanka ee hawlgalka fuliyay,ayaa kasoo kacay Markab Badda taagnaa. Hawlgalkaas,waxuu ahaa mid guulaystay oo xataa,waxuu baqdin geliyay shaqsiyaadka Hubka iyo Raashinka ka iibiya argagixisada ee ku sugan gudaha Magaalooyinka.
Afar Boqol oo ka mid ah Ciidamadii Eretereya laga keenay,ayaa ka baxsaday Xeradii ay ku xaraysnaayeen,sida wararku sheegayaan. Waxaa jira dhaawacyo soo gaaray Ciidamada qaarkood xiligii ay fakanayeen,sida ilo xog ogaal ah xaqiijinayaan. Waxaa la qiyaasaa in ay ugu yaraan 2000 oo Askari ay diyaar uyihiin in ay ka baxsadaan Xerooyinka lagu ilaaliyo. Madaxweyne Xasan,ayaa dhawr jeer iskaga daba noqday si uu ula hadalo Ciidankaas,waxayse umuuqataa in la hadalkaas uusan waxba tarin. Ciidamada,ayaa ubadan Arday kasoo baxday Dugsiyada sare oo markii hore lagu qaatay in Qatar la gaynayo oo ay heli doonaan Mushahasr wanaagsan. Haatan waxay si weyn uga walaacsan…
Garaadada Beesha Dhulbahante ee shiraya,waxaa la gudboon in aysan ku dhisin fadhigooda wax Maamul ah. Waxa Kaliya ee laga rabo,waa…… 1.In ay dhisaan Gudiga Difaaca.2.In ay dhisaan Gudiga Taakulada.3.In ay ku dhawaaqaan maalin go’an oo loo qabto Ciidamada Somaliland in ay ka guuraan Dhulka Dhulbahante. Soo jeedintaydaas,waxay ku fadhidaa Sadex arimood oo kala ah…. 1.In Beesha Dhulbahante isku duubnideeda hada jirta kala dhantaalmayso hadii Siyaasad loo gudbo xiligan xasaasiga ah. 2.In Somaliland aan loo jeexin Wado ay ku bilowdo dagaal,iyadoo ka dhiganaysa msrmarsiiyo Maamul Sharcidarro ah baan la diriraynaa. 3.In uusan lumin furaha xoraynta oo hada ah Beel kacdoon samaysay…
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland,ayaa maanta magaalada Badhan ee Xarunta gobolka Sanaag tababar uga furay shaqaalaha diiwaangalinta codbixinta Doorashooyinka qof iyo codka ah ee ka Shacayb-doona goobaha diiwaangalinta Gobol ee Sanaag oo ka mid ah Saddex-da Gobol ee Wajiga 2-aad ee diiwaangelintu ka dhacayso. Cabdirixmaan Cabdillaahi Jaamac Dayax oo ka mid ah xubnaha saree e Guddiga, Xoghaya Guud ee Guddiga Marwo Ubax Abshir, Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamed Cabdirixmaan Suldaan iyo Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guddiga,ayaa shaqaalaha kula dardaarmay in ay si fiican uqaataan tababarkan lagu barayo habka diiwaangalinta iyo qaabka ay udiiwaangalinayaan codbixiyayaasha Doorashooyinka qof iyo codka ah. Daahfurka Tababarka…
Kaliya 3% Ardayda kasoo baxday Dugsiyada Dalka Itoobiya, ayaa ku guulaystey darajooyin ku filan, oo ay Jaamacad ku geli karaan,ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Berhanu Nega, oo natiijada imtixaanadii u danbeeyay ku tilmaamay mid laga naxo. Wax imtixaan ah lagama qaadin Gobolka Tigreega ee ay colaaduhu ragaadiyeen, halkaas oo dowladda federaalku aysan wax waxbarasho ah bixin muddo labo sano ah. Waxaa kale oo muran ka dhashay wakhtiga la qaadayo imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Ardayda ku nool deegaamada,ay sida weyn u saameeyeen dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Waqooyiga Wadanka, oo ay ka mid tahay Gobolka Axmaarada, oo la sheegay in 12,000 oo…
Ra’iisul wasaaraha waddanka Talyaaniga, Giorgia Meloni,ayaa gaartay caasimadda waddanka Liibiya ee Tripoli, halkaas oo la filayo in ay ku soo gasho heshiis Gaas oo ballaaran. Shirkadda Shidaalka ee ay leedahay Dowladda Liibiya,ayaa heshiis ku kacaya 8-Bilyan oo dollarka Mareykanka waxa ay la gashay shirkadda weyn ee tamarta ee Eni, si xeebaha Liibiya looga qodo Ceelal Shidaal. Heshiiskan,ayaa imaanaya xilli Yurub ay dhex maquuranayso dhibaato daran oo dhanka tamarta ah,halka kala qoqobnaan ba’an ay ka dhex jirto gudaha Waddanka Liibiya. Ms Meloni,ayaa waxa ay marka hore ra’iisul wasaaraha Liibiya ee ay caalamku Dowladdiisu aqoonsan tahay kala hadli doontaa, mid kamid ah…
“Dowladda Puntland marna ma aqbalayso in hannaanka horumarinta dalku uu noqdo mid sababaya in uu dib ugu noqdo Dal meel Dhexe go’aamadiisa laga gaaro” Halkan ka daawo muuqaalka
Wasiiro iyo Mas’uuliyiin ka socda Hay’adaha Dowladda Puntland ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Garowe wefti ka socday Banggiga Adduunka oo ay hogaaminaysay Madaxa Bangiga ee Somaliya Mrs Kristina Svensson. Kulanka oo uu shir guddoominaayey Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayna ka qayb galeen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Biyaha iyo Macdanta, Wasiirka Ganacsiga, Wasiiru Dowlaha Qorshaynta, Agaasimaha Madaxtoyada, Agaasime ku-xigeenka Banggiga Puntland, Xisaabiyaha Guud iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Dowladda. Shirka waxaa si qoto dheer looga wada hadlay mashaariicda horumarinta ee Banggiga Adduunka ka fulinayo Somaliya, gaar ahaan Puntland. Shirka,ayaa ku soo…