Wasaaradda arrimaha dibedda Turkey,ayaa u yeertay safiirka Faransiiska si ay “si xooggan ugu cambaareyso” go’aanka uu Senate-ka dalkaas ku marti-geliyey koox Kurdish ah oo ka dhisan Syria, oo Ankara ay u aragto argagixiso. Pierre Laurent, madaxweyne ku-xigeenka Senate-ka Faransiiska, aya Axaddii twitter kusoo qoray inuu marti-geliyey wafdi ka socday waqooyi bari Syria, toddobaadkii tegay, si uu ugala hadlo xaaladda gobolka. Warbixino ayaa sheegay in Senate-ka uu billado ku abaal-mariyey xubnaha kooxda YPG, iyo faraceeda haweenka, si loo aqoonsado dagaalkooda kooxda Daacish ee Syria. Wakaaladda wararka Turkey ee Anadolu ayaa ku warrantay in saraakiisha Turkish-ka ay ashtako u gudbiyeen safiir Herve…
Author: Jibril Qoobey.
Xamsa Yuusuf,ayaa loo doortay in uu baddalo Nicola Sturgeon si uu u noqdo hoggaamiyaha xisbiga SNP isla markaana u qabto xilka wasiirka koowaad ee Scotland. Muddo dheer ayaa loo arkayay in uu ahaa murashaxa ugu cad cad ee u taagnaa jagada ugu sarreysa ee xisbiga oo sidoo kale ay kula tartamayeen siyaasiyiin ay ka mid tahay Ms Sturgeon qudheeda. Ninkan oo ahaa Xog hayaha caafimaadka ayaa taageero ka helay tiro xildhibaanno ah oo ka badan kuwa u codeeyay murashaxiintii loollanka kula jiray. Ku xigeenka wasiirka koowaad John Swinney ayaa saadaaliyay in tallaabadan au horseedi doonto guul, isagoo yiri: “Mr Yuusuf…
1-Ciidamadii Ereteeriya Lagu Soo Tababarey Maxaa Kasoo Cusboonaadey? 2- Hantidii Danta Guud ee Dowlada Soomaaliya oo Baryahan Hadal Haynteedu Socotey Maxaa Kaaga Baxay? 3-Arinka Gedo iyo weftiga ku aadan Garowe. 4-Odoyaasha LC tagay iyo dagaalka. 5-PL iyo khilaafkii fadaraalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://m.youtube.com/watch?v=U_viIRBa-D0
Argagixisada Shabaab waxay ka faa’idaysatay dayaca Dowlada ee Ciidamadii Eretereya lagu soo tababaray. Shabaab waxay dhexgaleen Ciidamada,waxayna sameeyeen koox hanuunin ah oo ku qancisa Askari walba in uu aado Deegaankiisa. Ma aysan oran nagu soo biira,waxayse usheegeen in ay jiscimayaan oo ay ufududaynayaan kala aadidooda Deegaamadii laga keenay markii hore. “Horay Eretereya,ayaad ugu dayacanteen,haatana Xeradan,ayaad ku jabteen oo xataa Cuntadii,ayaa laydin awoodi waayay ee waan idin jiscimaynaa oo amaankiina waa sugaynaa Askari kasta ha aado Deegaankiisii”Ayay ku shubeen koox Ciidanka ay dhex gashteen Shabaab. Tiro ku dhow 2000-Askari ayay Shabaab anba bixiyeen oo siiyeen Lacag sahay ah sugeen amnigooda intii…
Dhulalka ay qorsheysay inay xaraashto Dowlada Madaxweyne Xassan Shiikh… 1. Warshada Caanaha waxaa la siiyey Cabdinasir Cali Adoon iyo Faysal Xaaji (Salaam Bank) waxa uu noqday 108 Boos oo midkiiba yahay 20M*15M waxaana midkiba lagu qiimeyay 110-Kun dollar. 2. Wakaalada Hargaha iyo Saamaha oo horey loo siiyey Xaaf,ayaa laga warejiyay waxaana lagu wareejiyey Saabir Shuuriye, sida qorshuhu yahay waxaa laga dhigi Doonaa Supermarket weyn iyo Suuq (Mall). 3. Carwadii Taleex waxaa ka soo baxday 340 Boos midkiiba lagu qiimeyey 140 kun,waxaana loo xilsaaray howshaas Gudoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh, Abshir Bukhaari iyo Cabdiraxmaan Odawaa. 4.Shiirkoole Ofishaale…
Laascaanood Laba hadaf,ayaa ku hurdamayay oo kala ah… 1.Beelo,ayaa ku diriraya lakala yiraahdo Harti iyo Isaaq. 2.Beel ka mid ah Beelaha SL oo wax tirsatay iyo Maamulka,ayaa ku diriraya. Saakay,waxaa guulaystay hadafkii ahaa Laba Beelood oo Somaliyed,ayaa ku diriraya Laascaanood. Tagida LC ee Odoyaasha Dhaqanka Beelaha B iyo K Dalka,waxay dhabarka ka jabisay doodii Muuse iyo SNM ee Qaran Madax banaan. Ugu yaraan Odoyaashan in la geeyo LC waxay dharbaaxo ku tahay dhanka Beesha Isaaq,waxayna taageero Siyaasadeed utahay dhanka Beesha Harti.
Ictisaam waxay wadaan olale xoog leh oo ay ku diyaarinayaan Musharax Madaxweyne ee Puntland. Waxay ku amreen Shaqaalaha Shirkada Golis ee Gobol walba in ay dhexgalaan Beelaha oo ka keensadaan Xubin Baarlamaan ama Qof noqda Xubin Baarlamaan. Aadan Sh.Doon koox ka mid ah Ictisaamka,ayaa soo jeedisay in ay sharaxaan kuna taageeraan Maaliyad. Halka qayb kale ay ku doodayaan in uusan Aadan ka gadmayn.. “Aadan waa Nin Macaan oo Gob ah balse aan gaarsiisnayn hogaamiye”Ayay qaybaan Rag badan oo Ictisaamka ka mid ah. Haldoorka Bulshada ee aadka uyaqaan Ururka Ictisaam waxay qabaan in uusan guulaysanayn qorshahooda,iyagoo ku sababaynaya….. 1.Ka adkaantii Cabdullaahi…
25-Dhaawaca iyo 5-dhimasho ah oo Ciidanka SNM ka mid ah,ayaa la gaarsiiyay Oog. Sidoo kale Ciidamada Difaaca Sool waxay ii xaqiijiyeen in ay Gacmahooda ku Aaseen 39-Askari oo SNM ah. Ujeedka SNM ay usoo qaaday weerarkii Maanta waxay ahayd in ay carqaladeeyaan Odoyaasha Xamar ka yimid oo ay u arkaan in Siyaasiyan dhabar jab ku yihiin. Sida la filayo Beri foog waxay soo qaadi doonaan weerar kale Ciidamada SNM. Ciidamada Difaaca Sool si weyn ayay Maanta uxaajaysteen,haatana heegan ugu jiraan. Jibril Qoobey.
Xasan Shiikh wax walba oo uu qaaday way kasoo xirmeen. La dagaallankii argagixisada,waxii lagu heli lahaa,waxaa Shuruud looga dhigay Somali wada socota. Shidaal baaristii waxay ugudubtay Wajigii Sadexaad ee loo yaqaan 3-B,waxaana lagu xiray in Puntland la helo oo isku mar ay Dalka kawada bilaabato. Dayn cafintii waxay ku socon kartaa is ogol Somaliyed. Xasan saakay,waxuu baadigoob ugu jiraa helida Deni,wayse adag tahay oo Albaab walba waa xirtay Deni. Maraykanka oo Shiinaha ka wal-walqaba in uu Somaliya soo galo,ayaa danaynaya in Somaliya Dowlad loo dhiso,taasna cadaadis ayay ku noqotay Xasan oo kasbo Somalida,ayaa loo sheegay. Garowe,waxaa tegi doona wefti Madaxweynayaasha…
Fartaag iyo Siyaasiyiin kale oo reer Jubaland ah,ayaa Garowe ku aadan maalmahan. Waxay ka casuumad ka heleen Madaxweyne Deni oo isaguna Garowe ku aadan maalmaha soo socda. Siyaasiyiintan oo iskugu jira Somalida Jubaland wada degta,ayaa u olalaynaysa isbadal lagu sameeyo hogaanka Maamulka iyo yagleelida JL lawada leeyahay. Dhawr iyo Toban Sano oo JL maamulkeedu dhisnaa weli laguma guulaysan sal udhigida JL lawada leeyahay. Puntland waxay ka qaadan kartaa door muhiim ah helida Jubaland lawada leeyahay oo Dadkeedu ku midaysan yahay. Jibril Qoobey.
Lix Askari,ayaa ka geeriyooday,Sagaal kalana waa ka dhaawacmeen Ciidamada Difaaca Sool. Dhaawaca,waxaa culus Laba Askari oo Garowe lasoo gaarsiiyay. Ciidanka dagaalku qabsaday saakay ee jilibka udhigay weerarka ay soo qaadeen Ciidamada SNM ee Muuse Biixi waa kuwa Beesha Cismaan Maxamuud. Lixda Nin ee Geeriyootay 4-waa Bahdir-rooble,hal waa Caamir Maxamed iyo Hal Wabeeneeye ah,rabi ha’unaxariisto. Ciidamada difaaca Sool waxay ku durkeen Aagii ay horay ujoogeen kuwa SNM ee ku beegnaa Bohalaha Xargaga,waxayna ka qabsadeen Deegaan balaaran. Dhimashada soo gaartay Ciidamada SNM waa tiro badan tahay,waxayna yaalaan Maydadkoodu Dhulka lagu diriray saakay. Ciidamada saakay jilibka u aasay SNM,waxaa gaaray gurmad fiican. Jibril…
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa Sabtidii sheegay in Ruushku uu geyn doono hubka Nukliyeerka dalka Belarus, isaga oo digniin u diray isbaheysiga NATO, taasoo ku aaddan taageerada militari ee ay siiso Ukraine. In kasta oo hadalka Putin aanu ahayn mid lama filaan ah, waxa uu sheegay in tallaabadani aanay jabin doonin ballan-qaadyadii xakameynta hubka Nukliyeerka, haddana waa mid ka mid ah calaamadaha Nukliyeerka ee uu Ruushku ku dhawaaqayay tan iyo bilowgii duullaanka uu ku qaaday Ukraine 13 bilood kahor. Maraykanka – oo ah quwad kale oo ka mid ah quwadaha nukliyeerka ah – ayaa si taxadar leh uga jawaabay hadalka Putin,…
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in dagaalka lagaga hortagayo duullaanka Ruushka, uusan bilaaban karin illaa xulafada Reer Galbeedka aanay usoo dirin taageero militari oo dheeri ah. Waxa uu wargeys ka soo baxa dalka Japan u sheegay in aanu ciidamadiisa u diri doonin jiidaha hore ee dagaalka, haddii aanay jirin taangiyo badan, madaafiic iyo gantaalaha Ximaar. Wareysi uu siiyay Yomiuri Shimbun, ayuu ku sheegay in xaalada bariga Ukraine aysan wanaagsaneyn. “Waxaan sugaynaa hub iyo rasaas fara badan, oo inooga timaado xulufadeena iyo asxaabteena,” ayuu yiri. Mar wax laga waydiiyay weerarka la filayo in uu ku soo wajahan yahay, ayaa waxa…
Ugu yaraan 26 qof, ayaa ku dhintay gobollada Mississippi iyo Alabama, kadib markii duufaan ku dhufatay gobollada koonfureed ee Mareykanka. Dadaalka baadi goobka iyo samata bixinta ayaa sii socda, waxaana dowladda gobolka Mississippi ay ku dhawaaqday xaalad degdeg ah. Fork-ga Rolling, baabuurta la jajabiyey iyo qashinka quraarada ah ee waddooyinka daadsan – ayaa magaalada gebi ahaanba ka dhigay wax baaba’ay. Mid ka mid ah dadka deegaanka, ayaa BBC-da u sheegay inuu nasiib u yeeshay inuu helo fursad uu kusii noolaado, ka dib markii uu gabaad ka raadsaday saxanka qubeyska. Guryihii ay qoyska iyo asxaabtu isugu yimaaddeen wax ka yar 24…
Maxkamadda Darejada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Gobaladda Mudug iyo Cayn,ayaa xukun dil toogasho ah ku riday 10-kamid ah Alshabaab xukun sugayaal ahaa,waxayna kala ahaayeen… Eedaysanyaashii dilay Wariye Jamaal Faarax Aaden,ayaa markale lagu xukumay.. 1.Cadde Cabdulahi Maxamed Cilmi 2.Cabdiqani Saleemaan Jaamac Sayloor. Sidoo kale,waxaa Dil lagu xukumay oo markii hore Xabsi ku xukunaa… 1.Xasan Jaamac Maxamed. 2.Maxamed Cali Axmad Muuse. Eadaysanayaasha kale ee dilka la xukumay,ayaa kala ah.. 1. Farxaan Faysal Salaad Xirsi 2. Cabdulahi Faysal Xuseyn 3. Barkhad Cawil Xirsi Nuur 4. Liibaan Aaden Muuse 5. Cabdiqani Farxaan Xabdulahi 6. Cabdiraxman Cawil Maxamed.
Ergo uu soo diray,ayaa Adis-ababa mudo ku sugnayd. Sidoo kale Imaaraadka,ayuu ka codsaday in ay dhex-dhexaadiyaan isaga iyo Dowlada Itoobiya. Waxaa jira shuruudo Itoobiyaanku usoo dhiibeen Imaaraadka oo ay ku xireen in uu fuliyo Axmed Madoobe,kuwaasoo kala ah.. 1.In Ciidamadooda jooga Kismaayo la Laba jibaaro. 2.In Garoonka Diyaaradaha Kismaayo lagu wareejiyo. 3.In Wasiirada JL laga siiyo Xubno muhiim ah. Dhanka Axmed Madoobe,waxuu codsaday dhawr arimood oo ay ka mid ahaayeen… 1.In Itoobiyaanku hakiyaan weerarka Bu’aale. 2.In imaanshaha Adis uu ku amaan galo. 3.In heshiis rasmi ah dhexmaro isaga Itoobiya. Talyaha iyo Madaxa hawlgelinta Ciidanka Itoobiya mar ay kula kulmeen Siyaasiyiin…
Imaanashaha Garowe ee Isimada kasoo jeeda B iyo K dalka waa mid ay soo abaabushay Villa Somaliya. Ujeedka laga leeyahay waa waji badalasho laysku dayayo in lagu daboolo qorshaha Qabyaaladaysan ee Xamar ka socda,gaar ahaan abaabulka waxa loogu yeero Iririsimka. Ugu yaraan waxay isku dayaysaa kooxda fadhida Villa Somaliya in ay isku muujiso in ay yihiin hogaamiyayaal Qaran oo aan qayb ka ahayn abaabulka Xamar Qabyaaladaysan. Odoyaashan waxba kama badali karaan dagaalka LC,sababtoo ah awood uma leh in ay Muuse ku khasbaan ama ku qanciyaan la bixida Ciidankiisa. Dhanka Beesha Harti waajibkii saarnaa ee ahaa in ay si gobanimo ah…
General Mark Milley, oo ah madaxa Talyaha guud ee Ciidamada Mareykanka,ayaa ku sheegay shir ka dhacay Congress-ka dalkan Khamiistii, in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, “markii ay go’aansato”, ay soo saari karto agabka lagama maarmaanka u ah hubka nukliyeerka,in ka yar laba Toddobaad. General Milley, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay ku soo saari karto walxaha fiska ah ee hubka nukliyeerka laga sameeyo wax ka yar laba toddobaad laga bilaabo “waqtiga uu go’aansado” maamulka. Hannaan sameynta ah, ayaa wuxuu qaadan karaa oo kaliya “dhowr bilood oo dheeraad ah” si loo helo hub nukliyeer ah. Waxa uu u sheegay guddiga…
Mucaaradka Kenya ayaa wali ku adkaysanaya inay sii wadi doonaan mudaharaadyada ay uga soo horjeedaan dowladda dalkaas ee uu hogaamiyo William Ruto,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/A50lMMK9w9E
Ciidanka Danab waxay beeniyeen wararka sheegaya in Sarkaal ka tirsanaa uu ka dagaal galay Laascaanood. “Maxamuud Sulaymaan horay,ayuu ugaga tagey Ciidanka Danab arimo shaqsi awgood”Ayuu yiri Talyaha Ciidamada Danab. “Anagoo ka faa’idaysanayna warkan,waxaan cadaynaynaa in Ciidanka Danab ee ka tirsan Xooga Dalka ay mudnaantooda koobaad ay tahay la dagaallanka argagixisada ee gudaha Somaliya”. “We would like to take this opportunity to make a clear statement regarding recent media reports. The primary objective of the Danab Unit within the Somali National Army is to fight against terrorist organizations within Somalia.”. Dagaalka LC ayay warbixinta kasoo baxday Axmed Beeryare Talyaha Danab,waxay ku…
Hay’adda Wadooyinka Puntland oo maanta kormeer iyo qiimayn ku samaysay burbur kooban oo soo gaaray Geesaha Laamiga Buundada 3-Qolay ee Burtinle. Burburkaan oo soo gaaray Geesaha Wadada,ayaa yimid kadib markii fatahaad Biyo badan ay jidka ku soo rogmadeen. Buundada oo awal ahayd 3-Qol,ayaa lagu daray Hal Qol waxayna hada tahay 4-Qol oo biyuhu maraan,wax cilad ahna ma soo gaarin Shubka Buundooyinka (No Structural Damage) Qandaraaslaha shaqada mashruucaan waday wali waa wadaa shaqada waxuuna ku jiraa marlaxada u danbaysay ee tijaabada iyo calaamadaynta jidka. Waxaana si dag dag ah loo dayactiri doonaa burburka soo gaaray laamiga dhawaan. Hay’ada Wadooyinka Puntland.
Degamda Baardheere ee Gobolka Gedo oo maalmihii lasoo dhaafay ay roobab xoogan ka da’ayeen,ayaa waxaa xalay mar kale ku fatahay tog weyn oo ku yaalla duleedka Degmada. Fatahaaddaas,ayaa waxaa ku dhintay illaa Sideed Qof, sida ay dadka deegaanka xaqiijiyeen. Sidoo kale waxaa gabi ahaanba burburay suuqii weynaa ee degmadaasi, iyadoo dadka qaar ay wali ku go’doonsan yihiin xaafadaha Baardheere,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/PmDiOuNxXVE
Weerar la tuhunsan yahay inay fulisay diyaarad drone ah oo ay sameysay Iran ayaa qandaraasle Mareykan ah ku dilay, shan askari oo Mareykan ahna ku dhaawacay waqooyi bari Syria, waxaa sidaas sheegay Pentagon-ka. Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay durbadiiba ku aarguteen “duqeymo toos ah” oo lala beegsaday saldhigyo ay adeegsadaan kooxo ku xiran Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, kuna dileen ugu yaraan afar qof,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/SfDzAOfDr9w
Waxa uu ka hadlay Safiirka Maraykanka ee Somaliya,waa Maqsin lagu kaydinayo Rasaasta loogu talagalay Ciidamada dagaalka kula jira argagixisada. “Bakhaar kayd Hub oo la nadiifiyay,kadibna Rasaasta la dhigayo loo samaynayo Sumad oo aan lala bixi karin ayay Dowlada Maraykanku maalgelisay”. Somaliya ayay ceeb ku tahay xataa in ay awood uyeelan waydo diyaarinta Bakhaaro kayd. Maraykanka oo adeegsanaya Gacanta Masar,ayaa keena Xamar Rasaas iyo Qoryaha fudud oo loogu talagalay dagaalka argagixisada. Kaydkan la sameeyay waa mid lagu haynayo Rasaastaas iyo Qoryahaas fudud,iyagoo sumad leh oo sugan si aysan Gacan kale ugelin. Maraykanku,waxuu maalgelinayaa guud ahaan Kaydadkii Hubka ee Somaliya dib udayactir…
Gaadiidkan oo gaaraya 55-Gaari,ayaa 35 ka mid ah,waxaa laga sii iibiyay Ganacsato,sida ay xaqiijinayaan Dad xog ogaal ah. Calaa Gaari 25-kun oo dolar,ayaa lagu siiyay Laba Nin oo ka mid ah Ganacsatada Kismaayo ee maamulka ku xiran,sida Iluhu sheegayaan. Ujeedka Gawaarida looga iibshay Ganacsatadan,ayaa ah in maamulku helo Lacag cadaan ah oo uu wax ku furdaansho. Sida la qiyaaso ku dhawaad Hal Milyan oo dolar,ayuu Maamulku kasii hormarsaday Ganacsatada. 20-ka kasoo haray Gaadiidkan,waxaa si toos ah Gacanta ugu haysta Axmed Madoobe mana jiri doonto hab maamul iyo mid Deegaan oo loo qaybsanayo Gaadiidkaas lagu soo helay magaca Jubaland-ta lawada leeyahay.…
Mogadishu, Somalia March 22, 2023 AS DELIVERED Good afternoon. It is an honor to be here with you, distinguished members representing the Federal Government of Somalia, Federal Member States, and the international community. We welcome theopportunity to sponsor this conference on the important topic of Weapons and Ammunition Management. President Hassan Sheikh Mohamud’s administration is taking decisive steps to meet the sanctions regime benchmarks. Doing so produces benefits for Somalia and addresses the UN Security Council’s criteria for lifting the sanctions regime. We welcome the Federal Government of Somalia’s commendable progress on weapons and stockpile management. The modifications in…
Xeer Ilaaliyaha Degmada Manhattan Alvin Bragg ee New York, ayaa Khamiistii diiday dalab ka yimi saddex xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga kaas oo ku saabsanaa inuu ku wareejiyo dukumiintiyada la xidhiidha baaritaanka Madaxweynihii hore ee Donald Trump ee inuu lacag siiyey gabadh eedo galmo usoo jeedisay si ay u aamusno oo aanay arrimahaas uga hadlin. Lacagta la sheegay in la siiyey gabadhan ayaa ahayd illaa $130,000, waxaana lagu waramayaa in la bixiyey wax yar ka hor doorashadii madaxrinimada ee sannadkii 2016,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/NiupmTfX9Rw
Hoos udhaca ku yimid amniga Galkacyo,waxaa sabab u ah Sadex Qodob oo kala ah.. 1.Dowlada oo yaraysay dhaqaalihii ku bixi jiray xoojinta amniga. 2.Diiwaangelintii Gobolka ka socotay oo mudnaanta koobaad la siiyay. 3.Muranka Dhulka oo sare ukacay gaarayna heer isku dhac Beeleed. Xalka dib uxoojinta amniga waa Dowlada oo soo celisa muhiimadii ay siin jirtay amniga Mudug. Jibril Qoobey.
Jubaland-ta Maanta jirta nolosheeda iyo dhaqaalaheeda waa Magaalada Kismaayo. Mudooyinkii ugu danbeeyay,waxaa hoos usii socday dhaqaalaha Magaalada,iyadoo Ganacsi badan xirmay. Ku dhawaad 4000-Meheradood oo ka furnaa Magaalada,waxaa isxiray kala bar. Nin Ganacsade ah oo ku lahaa 6-Meheradood Magaalada,waxuu ii sheegay in dhamaan ay iska xireen oo uu kasoo guuray Kismaayo. Dekeda,ayaa Sanadkii ugu danbeeyay Maamulka,waxaa kasoo galayay wax ka yar 300-kun oo dolar Bishii. Cakrinaanta Kismaayo haysata,waxaa sabab u ah.. 1.Cunaqabataynta Alshabaab kusoo rogtay Dekeda. 2.Lacagta baada ah ee Shabaab ay Dadka si toos ah ugaga qaadaan gudaha iyo dibada Magaalada. Xalku waa in argagixisada laga sifeeyo JL oo ugu…
The decline in security in Galkayo is due to three factors. 1. The government has reduced the amount spent on security. 2. Registration in the State was given first priority. 3. The land dispute has escalated to the level of a tribal conflict. The solution to strengthening the security is the government which restores the importance it gave to the security of Mudug.
The delegation from the Puntland Government that had meetings with the international community in Nairobi achieved diplomatic success. With the exception of the World Bank, which is still negotiating, the rest of the organizations that support PL development projects have promised that they will continue directly and will not be affected by the current dispute. The Federal Government tried to prevent those meetings but it was not possible and the international community did not consider her email. President Deni has traveled to the UAE, and the diplomatic efforts of the Ministers are continuing. Puntland is conducting diplomatic efforts to convey…
Weftiga ka socday Dowlada Puntland ee kulamada kula lahaa Beesha caalamka Nayrobi waxay gaareen guulo diblomaasi. Marka laga reebo Baanka Aduunka oo weli wada hadal usocdo inta kale hay’adaha taageera Mashaariicda horumarineed ee PL waxay ballan qaadeen in ay si toos ah usii wadayaan oo aysan saamayn ku yeelanayn khilaafka jira. Dowlada Fadaraalka waxay isku dayday in ay hor istaagto kulamadaas balse uma suuroobin oo Beesha caalamku ma tixgelin Email-keedii. Madaxweyne Deni,ayaa isagu usafray Imaaraadka,waxaase dadaalka diblomaasiyadeed sii wada Wasiirada. Puntland waxay wadaa dadaal diblomaasiyadeed oo ay aragtideeda ku gudbinayso kuna difaacanayso deeqaha ay caalamka ka hesho.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Getachew Reda oo ah mas’uul sare oo ka tirsan TPLF u magacaabay madaxweynaha cusub ee maamulka kumeel gaarka ah ee gobolka Tigray. TPLF oo muddo laba sano ah dagaal kula jirtay dowladda Itoobiya ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay Getachew Reda usoo xushay in uu noqdo madaxweynaha gobolka. Tobonaan kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalka Tigray, waxaana ka dhashay xaalad banii’aadanimo oo daran, Mareykanka ayaa labada dhinacba ku eedeeyay inay dambiyo dagaal ay ka galeen halkaas. Tallaabadan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii nabadeed ay labada dhinaca sanadkii hore ku kala saxeexdeen dalka Koonfur Afrika. Maamulka…
Wasiirada Arrimaha Dibedda Sacuudiga iyo Iran ayaa taleefonka ku hadlay si ay u xusaan billowga bisha Ramadan, ayaga oo wacad ku maray inay kulmaan “dhowaan” si loo dhaqan-geliyo heshiiska dib u heshiisiin ee taariikhiga ah, waxaa sidaas maanta sheegtay Riyadh. Wasiirka Sacuudiga, Amir Faisal bin Farhan,ayaa wacay Hossein Amir-Abdollahian, waxayna labada mas’uul “ay is-dhaafsadeen hambalyo ku aadan munaasabadda bisha barakeysan ee Ramadan” oo maanta ka billaabatay labada dal, wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga ayaa sidaas ku sheegtay bayaan ay soo dhigtay twitter-ka. “Labada Wasiir waxa ay isku raaceen inay dhowaan yeeshaan kulan si dhabbaha loogu xaaro dib u furista safaaradaha iyo…
Midowga Afrika ayaa Arbacadii dalbaday lacag ku dhow 90 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo loogu talagalay ciidamadooda nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, kuwaas oo taageero siiya ciidamadooda milateriga ee dagaalka kula jira Al-Shabaab. Danjire Bankul Adewe oo ah Guddoomiyaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa laba wariye u sheegay in 19,600-askari oo ka tirsan Midowga Afrika aysan si wanaagsan u shaqeyn karin oo aysan caawin doonin Soomaalida, haddii aan dhaqaale loo helin. Sanad ka hor, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee…
Maxaa kala qabsaday hogaamiyayaashii Itoobiya iyo Somaliya ee Xayle Salaase iyo Siyaad Barre? Soonqaadka iyo qisooyin ku Aadan? Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/watch?v=WhO4Edi04LA
NAIROBI -Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ayaa Maantay Magaalada Nairobi waxay kulan kula yeesheen Masuuliin ka socda FCDO, gaar ahaan Agaasimaha horumarinta FCDO, Madaxa arrimaha caafimaadka iyo bini’aadanimada iyo Madaxa arrimaha Maamulka (Governance). Waasiirada Maaliyadda, Caafimaadka, Qorshaynta iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtoyada iyo Taliyaha arrimaha Maamulka Maaliyadda ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo FCDO ayaa ka wada hadlay qodobo ay ka mid yihiin: 1. Mashaariicda caafimaadka ee ay Dowladda Ingiriisku ka caawiso Puntland iyo guud ahaan arrimaha bini’aadanimada, khaasatan xaaladda bini’aadanimo ee ka dhalatay dagaalada ka socda Laascaanood. 2. Mashaariicda horumarinta ee ka socda Puntland iyo sidii ay Dowladda UK…
Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/watch?v=MwPdFijxEHY
Ujeedada socdaalka madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu ku tagay Ruushka ayaa ah sidii sare loogu qaadi lahaa saameynta Shiinaha ee heer caalami. Tagitaanka Ra’isalwasaaraha Japan ee Ukraine waxay diraysaa calaamad xooggan oo ku saabsan halka ay Labada Waddan ka taagan yihiin xilligan jaahwareerka jira. Japan iyo Shiinaha xiriirka ka dhaxeeya waa mid dabacsan oo Bishii la soo dhaafay labada dal waxay ku yeesheen Tokyo wada-hadallo amni. Kulamadaas,ayaa Shiinuhu ku sheegay inuu ka walaacsan yahay xoojinta ciidamada Japan,halka Japan ay ka cabatay xiriirka Shiinaha iyo Ruushka iyo adeegsiga buufinnada basaaska ee looga shakisan yahay. Shiinaha iyo Japan,ayaa ah dalalka Labaad iyo…
Baarlamanka Ethiopia ayaa Arbacada maanta ah ka saaray ururka TPLF liiska rasmiga ah ee kooxaha argagixisada, taasi oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hanaanka nabadda kadib laba sano oo dagaal uu ka socday waqooyiga dalka. “Aqalka wuxuu cod aqlabiyad leh ku ansixiyey go’aan calaamdeynta argagixiso looga qaaday TPLF,” ayuu baarlamanka ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook. Tallaabadan ayaa xoojin doonta heshiiski nabadda ee November 2022 ee u dhaxeeya TPLF iyo dowladda, ayaa lagu yiri qoraalka. “Waxaa la xusay intii lagu jiray ka doodista go’aanka qabyada ah in kooxda TPLF oo laga qaado calaamadeynta argagixisanimada ay tahay mid…
Waa muhiim in la dhiso Sanduukha Horumarinta Puntland. Puntland Trust Development Fund (PTDF). Santuukhaas,waxaa loo samayn karaa Xarun dhexe iyo Gudi labada dhinac ee Puntland iyo Beesha Caalamka ah. Si gaar ah xoghaynta Santuukhaas,waxaa la siin karaa Beesha Caalamka si loo helo hufnaan iyo is aaminaad. Santuukhaas,waxuu xal unoqon karaa horumarka Puntland hiigsanayso. Sidoo kale,waxuu soo afjarayaa lugooyada Dowlada Fadaraalka ee Mashaariicda horumarinta Puntland. Dhaqaale xoog badan in la sameeyo waxay kor uqaadaysaa awooda Dowladnimo,Bulsho iyo saamayn ee Puntland. Jibril Qoobey.
Kulankii BC iyo Puntland,waxuu kusoo idlaaday isfahan buuxa. Waxuu ahaa kulan hordhac ah oo laysku xog waraysanayay,si gaar ah PL ay ku gudbinaysay halka ay ka taagan tahay khilaafka jira. Arimaha la dul istaagay,ayaa kala ah… 1.Dayn cafinta. 2.Dimuqraadiyaynta. 3.Dagaalka argagixisada. 4.Dagaalka LC. 5.Mashaariicda horumarineed. Kulankan hordhaca,waxuu gogol xaar unoqday kulan weyne ka balaaran oo ka dhici doona Garowe oo ay ku kulmi doonaan BC iyo Puntland markale. Dowlada Puntland,ayaa shaacin doonta xiliga kulankaasi qabsoomayo. Dhankeeda Beesha caalamku waxay ku boorisay guud ahaan Somalida in aan lakala tagin oo lasii wado Geedi socodka dhismaha Dowladnimada Somaliya. Si gaar ah BC…
“Buugayga Qaad oo Iibi,Lacagta kasoo baxdana ku maamuus Taariikhdii Xabashida ee Kaaraamardha”Waa Erayo la yaab leh. Madaxweynayaasha Deegaamada kale sidaas loolama hadlin kaliya kan Somalida ayay ku gaar ahayd. Fahamka guud,waxaa loo qaadan karaa hadalka Abiy mid lagu tijaabinayo damiirka Umadda Somali Galbeed. Balse markii Siyaasiyan loo dhadhansado ujeedka Abiy,waxaa muuqata in uu Mustafe dilayay oo isaga iyo Shacabka iskaga horkeenayay dhan walba. Mustafe,waxaa lagu xantaa Nin Amxaarada jecel isbahaysigeeda Siyaasadeed,taasna Abiy waa ka dagaallamayaa. Abiy waa og yahay xasaasiyada Kaaraamardha Deegaanka Somalida ku dhex leedahay,mana ahan Doqon ee Mustafe,ayuu siyaasiyan soo afjarayay. Jibril Qoobey.
Ilaa Dastuur loo dhan yahay oo qabyo tiran Dalku yeesho Sharciyada la samaynayo kama duwana kuwa Cabdalle Shideeye. Dowladii tan ka horaysay sidan oo kale ayay usamaysay oo Madaxweynihii markaas joogay usaxiixay maalin la maamuusay 14-Sharci,midna kama fulin oo isagay raaceen. Sharciyo cusub oo la sameeyo,waxaa ka horeeya in la ixtiraamo kuwii ku qornaa Dastuurka Kmg ah. Inta badan Sharciyadan uu saxiixayo Xasan waa kuwo dano gaar ah larabo in lagu fushado mudo xileedkan. Odoyaashan dul taagan M.Xasan waa lasoo lugooyay kumana jiro hal mid oo Deegaankiisa ka fulin kara Sharciga uu saxiixiisa markhaatiga ka yahay. Jibril Qoobey.
Horta Xukuumad majirtaa,waa su’aal Dad badan iswaydiinayaan? Dowlada Fadaraalku ma leedahay Ra’isalwasaare? Hadayba jirto Xukuumad waxqabadka ay sheegan karto muxuu yahay? Ra’isalwasaarihii shaqadiisu,waxay kusoo ururtay xoghaynta Madaxweynaha. Wasiirkii Arimaha dibada Shaqadiisa,waxaa ku haysta Madaxweynaha. Wasiirkii Maaliyada shaqadiisa,waxaa qabanaya Shirkado Qoysaska Madaxweynuhu leeyihiin. Wasiirkii Gaashaandhiga,waxaa ah Madaxweynaha. Wasiirkii Qorshaynta,waxaa buuxiyay Shaqadiisa Madaxweynaha. Wasaarad Amni maba jirto oo xataa Wasiirka magaciisaa lays waydiiyaa. Magaalada kaliya ee Dowladan ay saamayn ku leedahay waa Xamar,iyadana lagama hirgelin.. 1.Hal Wado. 2.Hal Iskuul. 3.Hal Isbitaal. 4.Amni. 5.Bilic. 6.Nidaam Dowlo. Waxaan filayaa waxa ay sheegan doontaa iska xoraynta Shabaab ee Bulshada reer Hiiraan ay isku xilqaantay. Jibril…
Dastuurka Kmg ah ee Fadaraalka waa la foolxumeeyay oo la xushmayn waayay Sharciyada ku qoran. Dooda xiligan taagan waa in Konfedereshin loo guuro oo la dhiso Gudi uqalma qabashada shaqadaas laguna kalsoonaan karo,isla markaana mudo cayiman la siiyo. Arimaha la rabo in la dul istaago,waxaa ka mid ah… 1.Awooda,mudo xileedka iyo maqaamka Madaxweynaha Qaranka. 2.Maqaamka iyo meesha ay noqonayso Caasimada Jamhuuriyada. 3.Siyaasada dhaqaalaha. 4.Siyaasada Amniga. 5.Siyaasada Waxbarashada. 6.Garsoorka. Qabyo tirka Dastuurka la rabo Umaddan in ay kuwada joogto Wiilal Qol isku soo xiray kama talin karaan. Shaqada Qarankan utaalla xiligan waa helida Dastuur rasmi ah oo matali kara Jamhuuriyad Somaliyed…
Beesha Caalamku waa qaangaar siyaasiya oo waaqiciga iyo soo jireenka sooyaalka Siyaasadeed ee Somaliya la socota,isla markaana tixgelisa. Markii laga hadlayo Dowlad dhis iyo horumar Somaliyed waa khasab in la helo doorka Puntland ee curadnimo. Puntland waxay la wadaagtay BC aragtideeda iyo doodeeda fashilka haysta hay’adaha fadaraaliga ah ee Somaliyed. BC waa ka garowday,waana tixgelisay dooda Puntland,wayna qirtay doorkeeda shariifka ah. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1637835997571346433?s=20
Ka baaqashadiisa Gedo,waxaa la oran karaa waa waxuu si dadban ugu faraxsan yahay Xasan Shiikh. Sadex Qodob,ayaan ucuskanaynaa arinkaas oo kala ah… 1.Xasan ma rabo in JL amni iyo maamul ahaan uhanaqaado. 2.Xasan uma diyaarsana Ninkii uu usharixi lahaa booska Axmed Madoobe hadii doorasho xor ah la olaleeyo. 3.Xasan wakhtiba magelin maaraynta danaha Siyaasadeed ee Dadka reer Gedo iyo Itoobiya. Reer Gedo iyo Itoobiyaanka in Xasan uyimaado waxay ka jecel yihiin in uusan u imaan,waxayna si caadiya uwataan hawlahooda. Balse Ninka ay dharbaaxada Siyaasadeed ku tahay waa Axmed Madoobe oo Shirkii Baydhabo uga baaqan gaaray tagid la’aanta Gedo ee M.Xasan,waxaana…
Booliska rabshadaha ka hortaga ee dalka Kenya ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dibad-baxayaal ka qeyb-galaya mudaharaad ay ku baaqeen mucaaradka oo ka socda caasimadda Nairobi. Dibad-baxyda ayaa waxaa dhigaya taageerayaasha Isbahaysiga Azimio, kuwaasi oo ka cabanaya sicir-bararka nolasha Kenya oo aad u kacsan iyo sidoo kale dowladda madaxweyne William Ruto oo aysan ku qanacsanayn. Iska hor-imaad u dhaxeeya dibad-baxayaal dhagxaan tuuraya iyo booliska ayaa ka dillaacay qeybo ka mid ah Nairobi iyo ugu yaraan hal magaalo oo kale, taasi oo ah deganaansho la’aantii ugu horreysay ee dalka ka dhacda tan iyo markii sanadkii tegay la doortay Madaxweyne William…
Waxaa fashilmay socdaalkii Madaxweyne Xasan Shiikh Gobolka Gedo uqorshaysnaa in uu ku tago Arbacadan soo socota. Fashilka ku yimid,waxaa sababay Laba Qodob oo kala ah.. 1.Dadka reer Gedo oo ku xiray shuruud oranaysa,”ka jooji ku darsashada Axmed Madoobe ama yaysan aqoonsan Dowlada Fadaraalka’,taasoo Xasan uusan rabin in uu sameeyo,sababtoo ah laftigiisu diyaar uma ah doorasho xor ah oo JL midayn karta in ay dhacdo xiligan. 2.Itoobiya oo dhankeeda shuruudo ku xirtay,taasoo oranaysa “Hadaad rabto in asn Gobolkan kaala shaqayno nala dumi JL-ta Axmed Madoobe hogaaminayo oo aan kula dhisano mid cusub”taasna Xasan haatan waa ka war wareegayaa oo uma diyaarsana…
Dadaalka kooxda fadhida Villa Somaliya,waa in ay helaan dayn gaaraysa 30-Bilyan oo dolar,taasoo Somaliya loo ballan qaaday. Bisha Sep ee Sanadkan,waxaa qorshaysan in loo aqoonsado Somaliya Dal iskufilan lagana joojiyo Deeq oo dhan nooc walba ay tahay. Taa badalkeeda,wuxuu Dalku awood uyeelanayaa in uu qaadan karo dayn,waana sababta M.Xasan ugu dhagan yahay nidaamka midaynta Canshuuraha Dalka. Hadafka Xasan waa in Miisaaniyada Fadaraalka laga dhigo 2-Bilyan Sanadkii,isla markaana DG kasta lasiiyo 10-15 Milyan oo dolar Bishii. Taa badalkeeda DG walba ku wareejiyo Dowlada Dhexe Dekedihiisa iyo Garoomadiisa dakhliga uga soo xarooda. Dhamaan DG bartamaha iyo Koonfurta Dalka ku yaal,waxaa ka leh…
Kulanka Beri foog Afar Saac ku dhexmari doona Puntland iyo BC Nayrobi waa umuhiim Dowlad dhiska Somaliya. Puntland waxay la wadaagaysaa BC doodeeda ay ka qabto khilaafka iyada iyo Dowlada Fadaraalka dhexyaal. Waxay soo bandhigi doontaa qorshaheeda ku aadan diyaar garowga in lawada hadlo. Sidoo kale Mashaariicda horumarineed ee ka yimaada BC,ayaa kulanka looga xaajoon doonaa. Villa Somaliya kooxda fadhida xiligan,waa ku filnaan waayeen in ay hogaamiyaan Dalka,waxaa khasab noqotay in girgirka lagula dhago oo aan lagu halayn Dowladnimada.
Madaxweyne Xasan,waxuu tagey Ugandha si uu tababar ugu soo xiro Ciidan halkaas ku xaraysnaa. Waa shaqo uu ku filnaa Ra’isalwasaaraha ama Wasiirka difaaca,balse loo Gacan banayn waayay. Ujeedka socdaalka Xasan waa ka weyn yahay tababar soo xirid ee waxaa ku hoos jira Rasaas iyo Hub Musafeni laga soo qaadayo oo la qarinayo. Waxa ugu weyn oo Xasan iyo kooxdiisu isla gaabinayaan waa Ciidamo gaaraya 10-kun oo loogu kala tababarayo Turkiga,Masar,Eretereya,Jabuti iyo Ugandha in ay soo laabtaan oo ay qalabaystaan. Qorshaha Ciidankaas laga leeyahay waa in bartamaha iyo Koonfurta Dalka laga hirgeliyo Hawiye Power Kursiga lagu sii haysto laguna lunsado Deeqaha…
Safarkan ayaa yimid kadib markii maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ay soo saartay amar lagu soo xirayo Putin, oo loo haysto in Ruushku uu kumannaan carruur ah oo u dhashay Ukraine uu dalkaasi ka masaafuriyay intii uu duullaanku socday. Sida ay sheegtay wakaalada wararka ee TASS, Putin ayaa Sabtidii diyaarad helicopter ah ugu duulay Mariupol, wuxuuna kusoo wareegay magaalada, mararka qaarna wuxuu watay baabuur. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ZVpYi1DHTuc
Golaha dhexe ee TPLF,ayaa waxaa la sheegay in Getachew Redan ayu doorteen inuu noqdo madaxweynaha ku meel gaarka ah ee ismaamulka Tigreega doorashadii uu qabtay. Telefishinka Gobolka Tigray, ayaa sheegay in Getachew Reda ay kooxda TPLF u dooratay inuu noqdo madaxweynaha maamulka cusub ee ku meel gaarka ah ee Tigrayga. Sida ku cad heshiiskii ay dawlada dhexe iyo kooxda TPLF bilo ka hor ku gaadheen magaalada Pretoria, ayaa ahaa in si rasmi ah loo soo afjaro colaaddaasi, iyadoo lagu go’aamiyay in maamul ku meel gaar ah loo sameeyo gobolka Tigray. Ka dib marka la dhiso ay maamulka ku meel gaarka…
GOORMAAD WAX GARATAAN Ujeedada laga leeyahay dagaalka lagula jiro Shabaab ma ka duwan tahay middii laga lahaa Maxkamadaha Islaamiga ah ee markii dambe Shabaab u xuub siibtay. Waxaan ognahay in aasaaska Maxkamadaha Muqdisho aysan ka dhalan mukhlisnimo iyo niyad wanaag loo qabo ku dhaqanka shareecada Islaamka ee looga dan lahaa in lagu maareeyo dilalka, dhaca, kufsiga, boobka iyo dulmigii xad dhaafka ahaa oo ka dhex socday dagmooyinkii Muqdisho oo beel beel loogu habsaday oo marakan dulmigii iyaga harqiyey oo har iyo hoyaad u diidey ayaa waxay damceen iney diinta Islaamka ka dhigtaan “AALAD BEELAHA HAWIYE LAGU KALA CELIYO”. Waad xasuusataan…
Sideedaba siyaasaddu, waa ku dhiirasho wakhtiga munaasabka ay tahay si aad dhaxal iyo xusuus uga tagto. Taarikhdu iyadaa dib isu qorta. Waxaan soo xusuustaa, si la mid ah waxa maanta taagan, in laga bilaabo 2012 ilaa 2014 in xiriirka Puntland iyo dowladii hore ee Hassan Sheikh uu aad u xumaa oo wax wada shaqayn ah aysan jirin. Iyadoo uu xaal sidaasi u cakirnaa, ayaa waxaa xalkeeda u guntaday PM Abdiweli Sheikh Ahmed magacaabistiis kadib December 2013, isagoo isla markiiba ku dhaqaaqay talaabooyin odaytinimo oo dib loogu soo celinaayey kalsoonida labadda dhinac (Confidence building measures). Ugu dambayntina wuu guuleystay, taasoo keentay…
Khasaarihii dagaalkii Maanta? Hargeysa? Waxaa la geeyay 110-Askari oo dhaawac oo ay kujiraan 4-Saraakiil sar-sare ah. Oog? Wadarta guud Askarta dhaawaca ah ee la geeyay oo markii danbe geeriyootay laguna aasay Oog waa 45-Askari. Waxay kala ahaayeen 7-Sarkaal oo ay kujiraan Labo Taliye Guuto,Madaxii Tababarada Guutada 9-aad, 2 Abaanduule Guuto. Burco ? Wadarta Guud ee dhaawaca la geeyay waa 165-Askari. 10-waxay Ku dhimatay Isbitaalka Burco. 50-Askari waa Dhaawac halis ah. Ciidamada SL ee goobta dagaalka ku maqan? Inta ku dhimatay goobtii dagaalka ama lala yahay ama la qabtay Askarta SL waxay isku dar noqonayaan 73-Askari. Wadarta guud khasaaraha soo gaaray…
400-kun iyo jajab Shacabka PL ee ka weyn Da’da 18-jirka ah,ayaa isku diiwaangelisay Doorashooyinka. Waxaa xusid mudan in Laba Gobol aysan Diiwaangelin ka qabsoomin,kuwaasoo kala ah Sool iyo Cayn. Sidoo kale Bulshada Puntland Boqolkiiba Lixdan waa Dadka ka yar Da’da 18-jirka. Taasi waxay ka dhigan tahay Boqolkiiba Toban in Bulshada PL isdiiwaangelisay. Ma xuma xaqiiqdii marka la qiimeeyo Diiwaangelintan caqabadaha ku hareeraysnaa. Runtii Saakay PL in ay shaaciso Diiwaangelin,iyadoo dhanka kalana dagaal ka socdo Gobol ka mid ah Gobolladeeda waa wax weyn. Dadkii Madaxweyne Deni ku diiday sii wadida Diiwaangelinta oo aan Anigu ku jiray waa nalooga lahaa,waana saxsanaa go’aankii…
Dhaawicii Siyaasadeed ee Sanadka 2023,waxuu ku dhacay Xamse iyo Axmed. Dhaawacaasi,waxuu ahaa markii,iyagoo fadhiya PL oo ehel soke la ah loo xilsaaray Masuuliyiin kale in ay xal ka raadiyaan. Iyaga iyo hogaanka PL waa kala fogaan karaan,siday ku timid dib ugu mashquuli mayno,waxayse ahayd xataa ugu yaraan in ay diidaan in lagu qoro Warmurtiyeedka oo ay ku dagaallamaan si isfahan Odaytinimo ah in loogu diro Ergadaas. Ceeb iyo bahdil way ka saraysaa waxa ku dhacay Axmed iyo Xamse ee waa dhaawac Siyaasadeed oo taariikhda galay kuna yimid damiinimo Siyaasadeed. Puntland loolankii Villa Somaliya way ku adkaatay si buuxda,talada Dalkana,iyadaa marti…