Author: Jibril Qoobey.

Ciidanka Booliska Puntland waa Hay’adda ugu weyn ee sharci fulinta rayidka ah ee Puntland sida ku cad Qodobka 86-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland. Ciidamada Booliska waxay u shaqeeyaan sida Ciidanka Booliska Adduunka ( Interpol), shaqooyinkooda waxaa ka mid ah.. 1.La-dagaalanka dambiyada.2.Xakameynta Taraafikada.3.Illaalinta Nabadgelyada bulshada.4.Ka hortagga Argagixisada. Ciidanka Booliska Puntland waxaa la Aas-aasay sannadkii 1998-dii. Jen.Muumin Cabdi Shire oo xiligan hogaanka uhaya mudadii gaabnayd ee uu hogaaminayay,waxuu hirgeliyay waxqabad la taaban karo oo kala ah… 1.Diyaarinta Qorshaha 5-ta Sano soo socota2.Hirgelinta Warshada Tuutaha Ciidanka PL.3.Dhisida Kaydka shidaalka Booliska PL.4.Sixida habka Ciidanku ushaqeeyo.5.Tiro koobka Ciidanka oo lasoo afmeeray.6.Hirgelinta Adeega xiriirka Booliska dhexdiisa7.Hirgelinta…

Read More

Shirka Wadatashiga Qaranka dib,ayuu udhacay Hal Maalin,iyadoo la filayay in uu Galabta Casar liiqii si rasmi ah ufurmo. Dib dhaca,waxaa sababay khilaaf ka taagan kasoo qaybgalka Shirka ee Madaxweyne Laftagareen oo Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fadaraalka ah diidan yihiin kuna saarayaan Madaxweyne Xasan in uusan aqbalin. Madaxweyne Laftagareen,ayaa udiyaarsan in uu ka qaybgalo Shirka,waxuuna taageero ka helayaa Puntland. Mucaaradka Laftagareen,ayaa u arka ka qaybgalka Shirka Wadatashiga Qaran ee Xamar in ay utahay aqoonsi buuxa mudo kororsiga Madaxweynanimo ee Laftagareen. Beri,ayaa la saadaalinayaa in uu Shirku furmo. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta ka qayb-galay xuska sannad guurada 79-aad ee ka soo wareegtay Aas-aaskii Ciidanka Booliiska Somaliyed. Madaxweynaha,ayaa ka hadlay dadaallada Dowladda ee dib u dhiska laamaha ammaanka iyo horumarinta hannaankooda shaqo. Ugu danbayn,waxuu xusay Madaxweynuhu in Sarkaal walba lagula xisaabtamidoono masuuliyaddiisa. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen,ayaa Xarunta Madaxtooyada ku Qaabilay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed oo kala hadlay sidii Doorkooda Nabadeed ay uga qaadan lahayeen Xal uhelida Shaqaaqadii Shalay ka dhacday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay. Madaxweyne Laftagareen,waxuu muujiyay Odaytinimo,maadaama uu dhacdadii Shalay Gacanta ugaliyay Odoyaasha Deegaanka. Reer Koonfur-galbeed,waxaa wax ugu yaal midnimadooda iyo xasiloonidooda. Wada hadalka iyo isdhagaysigu,waa Dimuqraadiyada qayb ka mid ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Shiinaha,ayaa si xooggan u dhaleeceeyay tallaabada uu Mareykanka uu sare ugu qaaday kaalmada Militeri uu siinayo Taiwan. Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha,ayaa sheegay in arrintani ay dhaawac weyn u geysatay amniga iyo xasiloonida ka jirta Jasiiradda Taiwan. Dhaleeceynta Shiinaha ee Mareykanka,ayaa timid,iyadoo jawaab u ah xeerka kharashaadka Gaashaandigga ee Mareykanka kaasoo ogolaanayo in Toban Bilyan oo dolar loogu deeqo Taiwan si looga taakuleeyo Amniga iyo Hubka. Wasaaradda Arrimaha Gaashaandhigga Taiwan,ayaa bogaadisay xeerkan,isla markaana sheegtay in uu muujinayo in muhiimadda uu Mareykanka siinayo sare u qaadidda amniga Jasiiradda Taiwan.

Read More

Imaamka weyn ee Masjidka Al-Azhar ee Masar,ayaa sheegay in shareecada uu kasoo horjeedo in uu kasoo horjeedo go’aanka gabdhaha reer Afgaanistaan looga mamnuucay inay wax ka dhigtaan Jaamacadaha Dalkaas. Shiikh Axmed Al-Tayeb oo lagu tilmaamo in uu yahay Waddaaadka ugu saameynta badan muslimiinta suniga ah,ayaa ku baaqay Ragga iyo Dumarka in ay wax bartaan. Wuxuu ku tilmaamay go’aanka mid naxdin leh, wuxuuna ka codsaday mas’uuliyiinta Taalibaan inay ka laabtaan go’aanka. Horraantii Toddobaadkan ayay aheyd markii Taalibaan ay Haweenka ka mamnuucday in ay wax ka bartaan Jaamacadaha ku yaalla Afghanistan ilaa amar dambe. Waxay amar ku siiyeen Jaamacadaha in ay qaabilin…

Read More

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa abaabulaya guluf kale oo maleeshiyada Al Shabaab lagaga furo Gobolka Shabellaha Hoose, si culeyska loogu kordhiyo maleeshiyadaasi oo dagaal uu kaga furan yahay gobolada dalka qaarkood. Gulufka ayuuna yoolkiisu yahay in looga saaro deegaanada ay gobolkaasi kaga sugan yihiin. Dhaqdhaqaaq iyo diyaargarow ciidan ayaa laga dareemaya xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin qaybo ka mida gobolkaasi, ka dib markii ciidamadu ay maalin ka hor la wareegeen gacan ku haynta Degmada Ruunirgood ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Villa Somalia ayaa xoreynta iyo xasillinta Labada Shabelle u aragto mid muhiim u ah amniga Caasimadda Muqdisho, ayna tahay in…

Read More

Madaxweyne Deni,waxaa la filayaa in uu ka mid noqdo Madaxda Somalida ee Shirka iskugu imaanaysa maalinka beri foog ah sida qorshuhu ahaa. Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa isaguna soo gaaray Kismaayo si uu qayb uga noqdo Shirkaas. Sidoo kale Madaxweyne Laftagareen,ayaa la filayaa in uu gaaro Muqdisho Beri foog. Qodobada horyaala Madaxda Somalida,ayaa ah Laba arimood oo waa weyn ka xaajoodkood,kuwaasoo kala ah… Labaduba waa arrimo Dastuuri ah oo u baahan Guddiyo ka madaxbanaan Siyaasadda. Dowlada Fadaraalka,ayaa la sheegayaa in ay mar horaba soo gudbisay Qodobada ay u aragto awood ahaan in ay kala yeelan karaan Labada heer ee Dowladnimada Somaliya. Sidoo…

Read More

Si Odaytinimo leh oo masuuliyad ku dheehan tahay muujinaysana in waxa ishayaa ay yihiin reer Koonfur-galbeed,ayuu Madaxweynuhu uhadlay. Waa jirtaa in uusan la dhacsanayn Laftagareen oo uu jeclaan lahaa in uu meesha kabaxo,kooxihiisa ku wareegsana abaabulayaan wax la yiraahdo KG ka jirto Hawiye Power, hadana dagaalka Siyaasadeed Shacabka ma tusin. Hardanka Siyaasadu waa in uu ka socdaa gudaha Xaafiisyada oo aysan Bulshada caadiga ah ku jahwareerin. Ka hadal fiican,ka Odaysan,ka fahan fiican kana Dimuqraadiyaysan Fahad iyo Dowladii uu Mulkiyadeeda lahaa. Sida xoguhu sheegayaana Madaxweynaha Fadaraalku kala dhexgalay Labada dhinac ee Dowlada iyo Mucaaradka KG. Fariin fiican,ayuu udiray Bulshada reer Koonfur-galbeed.…

Read More

Siyaasiyiin kasoo qabtay xilal ka duwan heerarka Dowladnimo ee Somaliya,ayaa baaq kasoo saaray dagaalkii ka dhacay Baydhabo. “Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan siyaasiyiinta iyo maamulka in ay wadahadalka iyo xalka fursad siiyaan kuna qancaan in xalku yahay in Koofur galbeed laga hirgeliyo doorasho la isla oggol yahay,sidoo kale waxaan Dowladda Federaalka ka rajeyneynaa in ay qaadato kaalinteeda doorashooyinka labada heer dhowrtana muddo xilleedka sharciga ah si dalka looga badbaadiyo dib u dhac.” Madaxweynihii hore Sh.Shariif,Ra’isalwasaarihii hore Cumar Cabdirashiid,Madaxweynihii hore ee PL Cabdiweli Gaas iyo Ra’isalwasaarihii hore Xasan Xali Khayre,ayaa baaqan si wadajir ah usoo saaray. Halkan ka akhriso:-

Read More

Bam Gacmeed ayay ku dhufteen Albaab ka mid ah Baakhaarada Ganacsiga oo ku yaal Aaga Xaramayn Bosaso laguna magacaabo Axmed Al-mahdi. Majiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay Bamkaas. Xaalada Aaga wax ka dhaceen waa degan tahay. Tuuryadan waxay u eg tahay Laba arimood mid in ay tahay.. 1.Waxaa dhamaaday 3-biloodkii ay Daacish ka qaadi jirtay Ganacsatada qaarkeed Lacagaha baada ah,Ganacsigii diidana ay hujuumaan marka hore. 2.Khal-khalgelin Diiwaangelinta 5-ta Bisha ka bilaababanaysa Gobolka Bari. Si kastooy tahay Laamaha amaanka Puntland si weyn ayay u feejigan yihiin. Jibril Qoobey.

Read More

Laftagareen sida uu ku yimid Kursiga hogaaminta Koonfur-galbeed waxay ahayd mid foolxun oo Dhiig Shacab ku daatay. Balse waxuu muujiyay hogaamin qurxoon iyo isbadal muuqda mudadii uu talada hayay. Haatan ma samayn in uu ilaaliyo mudo xileedkiisii Sharciga ahaa oo waa bura dheeraystay Wado walba uu umaray. Waxay ku qurxoonayd in uu qabto doorasho kuna soo baxo xataa haduu rabo wax ha isdaba mariyee. Si kastooy tahay reer Koonfur-galbeed deganaanshaha,ayaa umuhiim ah iyo ilaalinta midnimadooda. Wada xaajoodku waa Dimuqraadiyada qayb ka mid ah. Hadaan nahay reer Puntland Anagoo ilaalinayna xiriirka Shacabka caadiga ah ee reer Koonfur-galbeed si waadixa uguma dhex…

Read More

Ku dhawaad ​​37-Milyan oo Qof oo ku nool Shiinaha,ayaa ku dhacay COVID-19 hal maalin oo ka mid ah Todobaadkan, Wakaaladda wararka ee Bloomberg,ayaa soo werisay, iyadoo soo xiganaysa Shir uu yeeshay Komishanka Caafimaadka Qaranka ee dalka Shiinaha Arbacadii. Warbixinta oo la daabacay Jimcihii,ayaa lagu sheegay in boqolkiiba Sideed iyi Toban dadka dalka Shiinaha oo ydhiganta 248-Milyan oo Qof ay u badan tahay in uu ku dhacay fayraska Corona 20-kii maalmood ee ugu horreeya Bishan Disembar. Waxaa jira kor u kac weyn oo ku yimid kiisaska Corona-virus tan iyo markii ay meesha laga saaray siyaasadii muranka dhalisay ee Eber-COVID ee Shiinaha,…

Read More

Nearly 37 million people in China may have been infected with COVID-19 on a single day this week, the Bloomberg news agency has reported, citing minutes from an internal meeting of the country’s National Health Commission held on Wednesday. In all, the report which was published on Friday said about 18 percent of the country’s population – 248 million people – are likely to have contracted the virus in the first 20 days of December. China is witnessing a dramatic surge in coronavirus cases since it dropped its controversial zero-COVID policy following widespread protests in recent weeks. Under the zero-COVID…

Read More

Waxaa la xoreeyey Lixdii Bilood ee u dambaysay Dhul dhan 16,000 (Lix iyo Toban kun ) oo isku wareeg ah. Weli ma dhawa Dhulka Somaliyed ee ubaahan in laga saaro Gacanta Argagixisada. Sidoo kale,waxaa ubaahan in laga xoreeyo argagixisada Diinta,Dhaqaalaha iyo Waxbarashada. Waxaa muhiim ah in la xoojiyo Sirdoonka si looga sifeeyo nolosha Bulshada argagixisada isku ekaysiisa Dadka caadiga ah. Jibril Qoobey.

Read More

Xildhibaanadda reer Greece ee xudunta u ah fadeexadda musuq-maasuq ee ruxday Baarlamanka Midowga Yurub, taasi oo lala xiriirnayo dowladda Qatar ayaa loo diiday in xabsiga laga sii daayo kahor inta laga maxkamadeynayo, waxaa sidaas sheegay dacwad-oogayaasha. Eva Kaili, oo 44 jir ah, ayaa ka mid aheyd afar tuhunsane oo horraantii bishan ay xireen booliska Belgium. Waxa ay ku dooday in aanay wax dambi ah lahayn, waxayna codsatay in la ogolaado in lasii daayo oo korjoogteyn lagu hayo – codsigaas oo laga diiday. Qareenkeeda Andre Risopoulos ayaa u sheegay AFP inaysan racfaan ka qaadan doonin go’aanka, taasi oo ka dhigan inay…

Read More

Nin hubeysan,ayaa rasaas uu ka dhex furay bartamaha magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska ku dilay Labo Qof tiro kalena uu ku dhaawacay. Toogashada,ayaa ka dhacday meel ku dhow xarun dhaqameed ay leeyihiin Kurdiyiinta. Eedaysanaha oo Da’diisu lagu sheegay 69-jir,ayaa waxaa gacanta ku dhigay Booliiska. Maamulka,ayaa ka codsaday dadka inay ka fogaadaan aagga xarunta Rue d’Enghien, ee degmada 10-aad ee Strasbourg-Saint Denis. “Waa argagax, waxaan isku soo xirnay gudaha,” ayuu yiri mid ka mid ah Dukaanleyda.

Read More

Ilhaan Cumar waxay ka warantay xog ururin ay ka samaysay sababta Dimuqraadiyad sax ah uga hirgeli wayday Puntland. Waxay sheegtay in Laba jawaabood oo ay kala siiyeen Cabdullaahi Yuusuf iyo Caasho Geelle ay isku mid ahaayeen. Xaqiiqdii markaad hadalkeeda dhagaysatid waxaa kuu muuqanaya Qof Wadaniya oo raba horumarka Dalkiisa iyo Dadkiisa. Ilhaan iyo Somalida kale ee Qurbaha wax ka noqday door weyn ayay ka qaadan karaan Dimuqraadiyada Puntland sidii ay ku hirgeli lahayd. Waa dhab Bulshada Puntland waa Dad si dabiiciya u ah Dimuqraadi oo aan Digtatooriyad ogolayn,waana sababta ay mar walba uga hor yimaadaan Madaxda isku dayda Kaligii talisnimo…

Read More

Xildhibaan Ilhaan Cumar,ayaa uga mahadcelisay Madaxweynaha,Dowladda iyo Guud ahaan Shacabka Puntland sida wanaagsan ee loo soo dhoweeyay. Hadalka Ilhaan Cumar ee soo dhaweynta” “Trump in badan,ayuu igu yiri,waxaad ku laabataa meeshii aad ka timid,Marka Caawa waa iskeenay Puntland oo aan ka imid,idinkuna,waxaad muujiseen PL in ay tahay Dhul Boqortooyo”Ayay tiri Ilhaan Cumar. SIdoo kale waxay Ilhaan boggaadisay hanaanka Dimuqraadiyaynta Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Ilhaan Cumar iyo Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan,ayas wada booqday Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Gal-Nugaal. Isbataalkan oo laga dhisay Garowe,waxaa si wada jir ah u hirgeliyey Jaaliyadda iyo Ganacsatada Puntland. Gol-Nugaal Hospital wuxuu qabtaa shaqo muhiim u ah caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka. Wasiirka waxaa uu Xildhibaan Ilhaan kala hadlay sidii loosii wadi lahaa tageerada Isbitaalkan iyo weliba sidii guud ahaan caafimaadka Puntland loogu xiri lahaa hay’adaha iyo Dowladda Maraykanka. Wasaaradda Caafimaadka ee Dawladda Puntland waxay si dhow ula shaqaysaa una taageertaa Isbataalkan. DHAMMAADXAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Guud ahaan Gobolka Bari,gaar ahaan Xarunta Bosaso Amnigeedu waa fadhiyaa,waxaana Gacanta si fiican ugu qabtay Ciidamada kala duwan ee Puntland oo iskugu jira Booliska,Badda iyo Pisf. Majirto cabsi amni oo ka imaanaysa argagixisada waxayna Ciidanku ku hawlgalaan si qarsoon iyo si muuqata. Maalin walba waxaa Ciidanka soo gaara digniino qaraxyo balse majiraan wax run ka noqda. Haatan,waxaa soo baxayay ilaa Shalay in Sadex Qarax ay fulin doonaan kooxo aan ahayn argagixisada,waxaana tuhunku galay gudaha Ciidamada kala duwan. Balse Ciidamadu xogahaas si weyn ayay Isha ugu hayaan waliba si gaar ah meelaha la tuhmayo. Bosaso waa camiran tahay,Ganacsigeeduna waa sareeyaa,amnigeedana si…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe kaga qeybgalay Munaasabadda soo dhoweynta Xildhibaan Ilhaan Omar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka. Madaxweynaha ayaa muujiyey Ilhaan Cumar in ay Tusaale nool u tahay kartida iyo dadnimada hablaha Soomaaliyeed, wuxuu ku soo dhoweeyay Puntland, isagoo boggaadiyey dadaalkeeda ay ugasoo dhexmuuqatay Siyaasadda Maraykanka. Ilhaan Cumar ayaa uga Mahadcelisay Madaxweynaha, Dowladda iyo dhammaan Shacabka Puntland sida wanaagsan ee ay ugu soo dhoweeyeen Puntland, waxayna aad ugu riyaaqday Dimuqraadiyadda Puntland ka taabagashay, Iyadoo muhiimada Dimuqraadiyadda tusaale ugusoo qaadatay Guusha…

Read More

“The #European Union (EU) and its Member States congratulate the Government of Ethiopia (GoE) and the #Tigray People’s Liberation Front (TPLF) for signing the Agreement for Lasting Peace through a Permanent Cessation of Hostilities (CoHA) and for the subsequent Declaration of the Senior Commanders on the Modalities for the Implementation of the CoHA. The EU also commends the #African Union High-Level Panel for a successful mediation that led to these agreements, which represent an important step towards peace and reconciliation in Ethiopia. Implementing the CoHA requires strong leadership as well as a robust and sustainable monitoring mechanism, to ensure, among…

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali jifo-jabsade, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Amniga Puntland iyo Agaasimaha guud ee wasaarada Amniga Puntland ayaa ka qayb galay Shirka Dibu-heshiisiinta laba Beelood oo walaalaa kuwaas oo dhacdooyin ku dhexmareen Magaalada Gaalkacyo. Shirkan oo ay goob joog ahaaheen Nabadoono iyo ergooyinka laba Beelood ayaa lagu fuliyey qodobo hordhac u ah Dib uheshiisiinta labada beelood, iyagoona halkaa kula kala wareegayDuugtii, Qorigii iyo furkii iyadoona loo madal kale loogu balamay in magta lagu kala qaato, Nabadoonada Labada Beelood ayaa si wada jira ugu Baaqeen in Nabada iyo Amniga laga wada shaqeeyo wixii dhacayna xalay dhalay laga…

Read More

Biden waxa uu Zelensky u sheegay in marnaba uu keli noqon doonin oo uu garab taagan yahay isagoo sidoo kalana u xaqiijiyay inuu siin doono Ukraine gargaar milatari oo dheeraad ah kaas oo ku kacaya Laba Bilyan oo dolar. Dhanka kale madaxweynaha Ukriane ayaa uga mahad celiyay Mareykanka sida uu garab istaagay tan iyo markii uu bilwoday weerarka uu Ruushka ku qaaday dalkiisa. Volodymyr Zelensky, ayaa fadhi ay isugu yimaadeen Congress-ka Mareykanka ka sheegay in dagaalka Ukraine uu yahay mid lagu raadinayo xorriyadda Adduunka. Khudbad xamaasad leh oo uu jeediyay,ayuu kaga mahad celiyay taageerada dhaqaale iyo midda Ciidan ee Mareykanka…

Read More

Wakiilo ka kala socda dhinacyada isku haya Itoobiya- ee Dowladda Federaalka iyo Xoogaga Tigreega ee ayaa ku shiraya caasimadda Kenya ee Nairobi si ay uga wadahadlaan dhaqangelinta heshiiskii bishii hore lagu soo afjaray dagaal sokeeye oo laba sano socday. Kulanka,ayaa la filayaa in uu u gogol xaaro u noqdo in Midowga Afrika uu si dhaw ula socdo qodobbada heshiiska- oo ay ku jiraan in la qaado xayiraadaha lana dardar galiyo dadaallada gargaarka bina’aadanimada iyo Hub ka dhigista Ciidamada Tigreega. Tobanaan Kun oo Qof ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay dagaalka halka Malaayiin Qof ay u baahan yihiin gargaar deg-deg…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka mid ah Congress-ka Maraykanka taasi oo booqasho maalmo ah uga bilaabatay Puntland. Soo dhaweynta Xildhibaan Ilhaan Cumar waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Goleyaasha Dowladda , Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka, Ururada Bulshada iyo Qeybaha Kala duwan ee Shacabweynaha Garowe. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Garowe, December 22, 2022: Ku Simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdiasiis Cabdullahi Cismaan oo ay wehliyaan masuulyiinta ka tirsan Goleyaasha Dawladda, Dadweyne fara badan ayaa Garoonka Jen. Maxamed Abshir ku soo dhaweeyay Seneter Ilhaan Cumar oo ka mid ah Congress-ka Mareykanka oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay Puntland. Waddooyinka waa weyn ee caasimadda,ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan oi ka qaybqaadanayay soo dhaweyntiisa. DHAMMAAD

Read More

Mideeye,waxuu ukala jabay Laba Garab si rasmi ah. Diidmadii qayb ka noqoshada Doorashada ee Ururka warbaa kasoo laabtay. “Mideeye haduusan Doorashada gelin oo garoonkii Kubada lagu ciyaaray uusan aadin muxuu samaynayaa ma banaankuu ka joogayaa Siyaasada mise Qori buu qaadanayaa oo waa Jamhadaynayaa”Ayuu yiri A.Siciid Awnuur. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Waxaa Magaalada Muqdisho Maanta ka degtay diyaarad sidday qeybtii ugu horreysay ee Ciidamadii Somaliya ee tababarka u joogay dalka Eritrea. Ciidamadan Maanta Muqdisho gaaray,ayaa isugu jira qeybaha kala duwan ee ciidamada, sida kuwa Badda sida ay Dowladdu sheegtay . Wasiirka Gaashaandhiga ee Somaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo BBC-da la hadlay,ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo tirada Ciidamada Maanta gaaray Muqdisho. “Tiro ma rabo inaan kuu sheego laakiin ciidankii Soomaaliyeed ee tababarka ugu maqnaa dalka Eritrea oo in muddo ah shacabka Somaliyed iyo Dowladda federaalka dadaalkii uu sameeyay madaxwayne Xasan Shiikh Maxamud oo labo jeer meesha tagay, tababarkii wuu…

Read More

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden,ayaa xafiiskiisa ku soo dhoweeyey madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy Arbacadii, taasoo u dhiganta booqashadii ugu horraysay ee Zelenskyy uu ku tago meel ka baxsan Ukraine tan iyo markii Ruushku uu bilaabay duulaanka uu ku qaaday dalkaas bishii February. Madaxweyne Biden,ayaa sheegay in shacabka halganka shacabka reer Ukraine inuu noqday mid dhiirigeliyey ama tusaale u noqday caalamka oo dhan, isagoo u sheegay Zelenskyy in shacabka Maraykanku ay si weyn u garab istaageen reer Ukraine. Madaxweynaha Ukraine oo kuhadlayey afka ingiriisida ayaa uga mahadceliyey taageerada wadajirka ah ee loo muujiyey dalka iyo shacabka reer Ukraine. Madaxweynaha Ukraine,ayaa guddoonsiiyey…

Read More

Markii Labaad in uu diiday kusoo biirista Ururka Xukuumada ee Kaah ayay wararku sheegayaan Wasiir Juxaa. Waa Wasiirka kaliya ee aan Xubinta ka ahayn Ururka KAAH oo hadana Golaha ku jira. Juxaa,waxuu ku doodayaa in uu rabo dhex-dhexaad in uu noqdo oo aysan Ururada kale u arag garabka Dowlada. Su’aasha Dad badan iswaydiinayaan waxay tahay.. See isku qabanayaan dhex-dhexaad iyo Xubin ka ahaansho Gole Wasiiro?? Sida muuqata Juxaa kuma faraxsana la shaqaynta Madaxweyne Deni-ga hab dhaqankiisa uu kula dhaqmo Wasiirada sida weyn loo dhaliilo. Deni,waxuu dhaqan uleeyahay in uu Qofka marka hore magacaabo kadib uu Eego kuu yahay oo rasmiga…

Read More

Marwo Caasho Geelle Diiriye oo ka hadlaysay Shirka Qurba-joogta ee ka socda Garowe,ayaa ka hadashay doorka Qurba-joogta ay ku leeyihiin horumarka Wadanka. “Qurba-joogtu waa muhiim,iyagaana Dalka dhisay oo sida Magaalooyinka qurxoon oo Garowe ay ka mid tahay maalgashtay”Ayay tiri Caasho. Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayay tiri”Waxaan ubaahanahay in aan ka faa’idaysano oo aan iyagana midayno hada way kala qaybsan yihiin oo ay qayb ka qaataan arimaha danta guud way ku fiican yihiin danaha gaarka ah”. Caasho waxay ka mid tahay haldoorka reer Puntland mana ulaha Gabar booskeeda buuxin karta. Waa waxgarad aragti dheer,shaqsiyad fiican,Qab iyo Qiyam leh oo haldoor ah.…

Read More

Gudoomiye Mursal hadalkiisu,waxuu dhaliysy tuhun iyo dareen ah in uu jiray xiriir toos ah oo uu lalahaa Alshabaab. Darawalka uu sheegayo uu yahay in uu ahaa isku xirihii ,haatana isberi yeelayo ayay Dad badan ku doodayaan. Dowladii Fahad Yaasiin ka ahaa Mulkiilaha,waxay wada shaqayn iyo xiriir buuxa la lahayd Argagixisada,sida ay xaqiijiyeen Ilo lagu kalsoonaan karo. Hadalka Gudoomiye Mursal in uu dul istaag iyo baaris mudan yahay,ayay qabaan haldoor badan oo Somaliyed. Jibril Qoobey.

Read More

Shaqo wanaagsan,ayaa laga qabtay Dekeda,Deegaanka Garacad iyo guud ahaan Degmada Jariiban maalmaha ay joogeen weftiga Dowlada ee Madaxweynuhu hogaaminayay. 1.Dekeda,waxaa loo fariisiyay Dhul balaaran oo xuduud aan loosoo dhawaan karin ah. 2.Xarumaha Hay’adaha Dowlada,ayaa la dhagax-dhigay dhismayaashoodii sida… B.Maaliyada.T.Amniga.J.DekedahaX.Kalluumaysiga Sidoo kale,waxaa la Dhagaxdhigay dhismaha Wadada Garacad-Goldogob oo 120-km oo ka mid ah la dhisayo. 3.Dhanka amaanka,waxaa laysla qaatay Saldhig Ciidamada Booliska ah oo casri ah in deg-deg loo dhiso iyo fariisin Ciidamada Bada ah oo deg-deg loo hawlgeliyo. 4.Waxaa waxgaradka Bulshada lagu wacyigeliyay in Dekeda iyo Dhulka ku hareeraysan ay yihiin Hanti reer Puntland oo aysan Ganacsato gaar ulahayn. Maalgashadayaasha…

Read More

Hoggaamiyaasha Taalibaan ee dalka Afghanistan,ayaa mamnuucay waxbarashada jaamacadaha ee haweenka dalkaasi, taasoo keentay in Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ay cambaareeyaan weerar kale oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. In kasta oo ay ballanqaadeen xukun ka jilicsan kii 20-sano kahor markii ay xukunka la wareegeen sannadkii hore, Taalibaan waxay dejiyeen xannibaadyo dhammaan dhinacyada nolosha haweenka, iyagoo iska indhatiraya carada caalamiga ah. “Dhammaantiin waxa la idinku wargelinayaa in aad si degdeg ah u dhaqangelisaan amarkan lagu sheegay joojinta waxbarashada haweenka ilaa amar dambe,” ayuu wasiirka wasiiradda tacliinta sare Neda Mohammad Nadeem ku sheegtay warqad uu u diray dhammaan jaamacadaha dowladda iyo kuwa…

Read More

Ilhaan uga macno badan reer Puntland ahaan Maxamed Xuseyn-ka Wasiirka ka ah Canada oo waliba Xaaskiisu ay tahay isla reer Puntland. Waa markii Labaad oo ay kusii jeedo Puntland tan iyo intii ay soo fuushay Masraxa Siyaasada Maraykanka. Nayrobi waxay kula kulantay Dad miisaan leh oo uu ku jiro Cumar Cabdirashiid. Garowe,waxaa uga qorshaysan kulamo balaaran,waxayna wadaa Barnaamij weyn oo ay kusoo guulaysatay. Soo dhaweyn balaaran,ayaa loogu diyaariyay Garowe.

Read More

Madaxweyne Laftagareen,ayaa xalay markii ugu horreysay ka hadlay mudo kororsiga,waxuuna sheegay in uu ahaa go’aan ay gaareen xildhibaannada baarlamaanka. “Wixii ku saabsan muddo-xileedka ma rabo inaan waqti geliyo, mana rabo inaan ka sheekeeyo, mas’uuliyaddaas waxaa iska leh Baarlamaanka Koonfur-Galbeed, maalinta berito ah Baarlamaanka Koonfur-Galbeed wuxuu ka qabo ayaan ka qabaa, hay’addii sharci-dejinta waaye, shalay iyadaa go’aankan gaartay, nidaam bey usoo martay, mooshin baa la keenay, nadaam ayaa noo jira, dowlad baa jirta,”Ayuu yiri M.Laftagareen. Waxa uu hadal ka jeediyay xaflad ka dhacay Baydhabo oo lagu xusayay Afar sano guurada markii la doortay, taas oo sidoo kale dhammaad u noqoneysa muddo…

Read More

Muqdisho, Disembar 20, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa hambalyo ku aaddan Xuska Sannad Guurada 79-Aad ee aas-aaska Ciidanka Booliska Somaliyed u diray Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda. Madaxweynaha ayaa xusay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin xaqiijinta amniga dalka, nabadda iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in markasta ay naftooda u huraan ciidda iyo Calanka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyey in ay ku garab istaagaan Ciidankeenna geesiyaasha ah gudashada waajibaadkooda Qaran, gaar ahaan wakhtigan oo dalka uu u jiheystay dabar-gooynta argagixisada Alshabaab…

Read More

Waa Urur Goboleed xaruntiisu tahay Magaalada Caruusha ee Tanzania, kaasoo dhismay sanadkii 2000, ka dib heshiis ay gaareen qaar ka mid ah dalalka uu hadda ka kooban yahay, oo kala ah: Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, Suudaanta Koonfureed, Tanzania iyo Uganda. Suudaanta Koonfureed ayaa xubinnimada EAC heshay bishii September 2016, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ay ururkan ku biirtay bishii April ee sanadkan. Soomaaliya,ayaa sanadkii 2016 laga diiday codsigeega xubinnimada EAC waxaana ay markale codsi dirsatay sanadkii 2018, ilaa iyo haatanna ma jirto jawaab laga siiyay arrinkaas. Kenya,ayaa kamid ah waddamada ugu awoodda badan Ururka, waxaana taageeradeeda ay…

Read More

Wasaaradda Warfaafinta Dowlada Fadaraalka Somaliya oo soo saartay warsaxaafadeed,ayaa sheegtay in xubnaha isu soo dhiibay Dowladda ee ka tirsan ururka al-Shabaab inay ka kooban yihiin, afar xubnood oo uu hoggaaminayo Maxamed Cali XAsan oo loo yaqaano Macalin Xudayfa. Wakaaladda wararka ee Somaliya ee SONNA ayaa sheegtay in xubnaha isa soo dhiibay inay yihiin saraakiil sare oo ka tirsan ururka al-Shabaab, kuwaas oo uu ka mid yahay Macalin Xudayfa oo ahaa taliyihii ururka al-Shabaab ee Jubbada Dhexe. Wasaaradda warfaafinta,ayaa sheegtay in Macalin Xudayfa uu hoggaaminayey maleeshiyadii ururkaas ee dhowaan lagu jebiyey dagaalladii ka dhacay shabeelada dhexe. Warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda…

Read More

Guddiga Aqalka Wakiilada Mareykanka, ee baaraya weerarkii 6-dii Janaayo 2021 lagu qaaday xarunta Congress-ka, ayaa Isniintii weydiistay dacwad-oogayaasha inay dacwado la xiriira afar dambi kusoo oogaan madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. Codsiga uu guddigan ay hoggaamiyaan xisbiga Dimoqraadiga u diray Waaxda Cadaaladda – kadib markii ay wareysteen in ka badan 1,000 marqaati furayaal ah iyo ururinta boqolaal kun oo dokumenti – ayaa ka dhigan markii ugu horreysay taariikda ee Congress-ka dalbado in la maxkamadeeyo madaxweyne hore. Codsigan kuma qasbayo dacwad-oogayaasha inay tallaabo qaadaan, hase yeeshee wuxuu imaanaya xilli la-taliye gaar ah uu sidoo kale maamulayo laba baaritaan oo kale…

Read More

Garacad: 20 December Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Garacad, ayaa kulan la qaatay Guddiga Odeyaasha deegaanka Garacad. Madaxweynaha ayaa Guddiga Odeyaasha ka dhegaystay warbixin ku saabsan xaaladda deegaanka Garacad, waxaana Kulanka looga hadlay Nabadgelyada, Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee degmooyinka iyo Horumarinta Deegaanka Garacad. Guddiga Odeyaasha ah ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha, Ahmiyada uu siiyey deegaanka iyo sida dowladdu uga howlgashay Dhismaha Dekadda Garacad iyo Mashaariicda kale ee horumarin, waxayna muujiyeen sida ay isugu diyaarinayaan Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee inagu soo fool leh. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Gudiga Maamulka Shirkada Wadaagsin ee Gacanta ku haya Dekeda Garacad iyo weftiga Dowlada ee Madaxweyne Deni hogaaminayo oo caawa kulmay. Arimaha ugu waa weyn ee laga xaajooday,ayaa ah sidii Wasaaradaha Dowlada ay si buuxda uga hawlgeli lahaayeen Dekeda. Si gaar ah,waxaa looga dardargelinayaa shaqada hay’adaha amaanka Dekeda. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen Masuuliyiinta Degmada Jariiban. Guddiga Dhismaha Dekadda Garacad oo ay Weheliyaan Masuuliyiinta Shirkadda Wadaagsan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Deegaanka Garacad. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Inta badan Bulsgada oo ku bogaadisay is afgaradka uu la gaaray Ururada Siyaasada hirgelinta Dimuqraadiyada. Waa muhiim in Bulshada la diiwaangeliyo,kadibna ay dhiibtaan Codkooda oo ay soo doortaan matalaadooda Dowlada hoose. Sidaana ay kusoo baxaan Sadexda Xisbi Siyaasadeed ee Puntland. Balse sida muuqata lagama gaari karo soo doorashada Xildhibaanada dooranaya Madaxweynaha 8-da Janaayo 2023. Waxayna noqonaysaa in Xildhibaanadu ay ku yimaadaan habkii hore ee Qabaliga ahaa. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Diblomaasiga Maraykanka ah ee ruug caddaaga ah ee Henry Kissinger,ayaa sheegtay in ay soo dhowaatay xilligii la geli lahaa wadahadalo nabadeed oo lagu soo afjaro xiisadda ka taagan dalka Ukraine, si hoos loogu dhigo halista inuu qarxo dagaal kale oo caalami ah. Hase ahaatee xukuumadda Kyiv ayaa ku gacan saydhay faallada uu bixiyey diblomaasigan Maraykanka ahi, iyaga oo ku tilmaamay intay tahay mid lagu raali gelinayo cidda gardarada wadda, iyaga oo sheegay inaanu jirin heshiis lagu wareejinayo dhulkooda. Kissinger oo haatan da’diidu ay tahay 99 sano ayaa ka mid ahaa raggii wax ka naqshadeeyey siyaasaddii Maraykanka ee xilligii dagaalka qaboobaa…

Read More

Home Office-ku waxa uu ku guulaystay tartan sharciyeed oo ka dhan ah siyaasadiisa ah in dadka magangelyo-doonka ah ee Jooga UK loo qaado Rwanda. Go’aankan ayaa hadda waxaa ku dhawaaqay garsoorayaasha maxkamadda sare ee magaalada London. Garsooraha maxkamada sare ayaa sheegay in go’aanka ogolaanshaha racfaanka dib loo dhigay ilaa 16ka Janaayo 2023. Waxaa si weyn loo filayey in qofkii laga guulaysto dacwadda maanta uu racfaan qaadan doono, taasoo la micno ah in diyaaraduhu aysan si degdeg ah u duulin si ay qof magangalyo doon ah ugu qaadaan Rwanda. Xildhibaan Caroline Lucas oo laga soo doorto deegaanka Cagaaran,ayaa xukunka ku tilmaantay…

Read More

Qurba-joogtu waa xooga koobaad ee dhaqaalaha soo geliya Puntland. Qiyaastii in ka badan Nus Milyan reer Puntland ah,ayaa la qiyaasaa in ay ku nool yihiin qurbaha. Waa Bulsho isxilqaam badan kana qaata door weyn horumarka Bulshada gudaha haday timaado Mashaariicda iyo amaanka. Nasiibdarada jirtaa waxay tahay in Nus Milyankaas aysan helin tixgelintii ay ku lahaayeen Maamulka. Maleh ilaa iyo hada Wasaarad ugaar ah oo ka shaqaysa iyaga horumarkooda,kusoo xiridooda gudaha iyo ilaalinta dhaqanka iyo Diintooda. Waxaa jira Agaasime hay’ada Qurbajoogta ah oo layska ilaaway kuna lumay laftigiisu qurbaha xoogaa yar oo Adeeg ahna ku qaata Australia. Dowladuhu waa is dhaamaan,waxaase…

Read More

Madaxweyne Deni waxuu Dhagax-dhigayaa dhismaha Wadada isku xiraysa Garacad iyo Goldogob qayb ka mid ah. 120-km oo ka mid ah Wadadaas oo ugu culus una baahan Shaqo deg-deg ah,ayaa la dhisayaa. Dhaqaalaha ku baxaya 120-kan Km,waxaa bixinaysa Dekeda Shirkada Gacanta ku haysa,waana Wajiga koobaad. Shirkadu waxay diyaarisay Qalab, dhaqaale iyo Shaqaale ugaar ah dhismaha Wadada. Si weyn ayay ucamiran tahay Dekeda,waxaana si joogta ah uyimaada Maraakiibta iyo Doonyaha Xamuulka sida. Jibril Qoobey.

Read More

FIFA ayaa lacag dhan 440 milyan oo dollar ugu talogashay Koobka Adduunka 2022 ee ka dhacaya Qadar. Lacagta ay ku bixisay Koobka Adduunka 2018 ayaa ahayd 400 oo milyan oo doollar, halka kii 2014 ay ku baxday 358 milyan oo dollar. Dalalka u qalma ka qeybgalka Koobka Adduunka Dalalka u qalmay inay ka qeyb galaan Koobka Adduunka 2022 ayaa midkiiba la siiyay lacag dhan 2.5 milyan oo doollar si ay u diyaar garoobaan. Dalalka ku hara heerka group-yada Dalalka cayaaraha ka qeyb gala balse ku hara heerka group-yada ayaa la siiyaa 9 milyan. Wareegga 16 Dal walba oo u soo…

Read More

Xulka Argentina,ayaa ku guuleystay Koobka Adduunka kadib markii ay rigoorayaal 4-2 ku garaaceen xulka difaacanaya koobka ee France, kadib markii ay barbaro 3-3 ah ku kala baxeen waqtigii dheeriga ahaa. Goolhayaha Argentina Emiliano Martinez,ayaa rigoore ka badbaadiyay Kingsley Coman, halka Aurelien Tchouameni uu bannaanka mariyay, taasoo keentay in Argentina ay ku guuleysato koobkeedii ugu horeysay ee adduunka tan iyo 1986. Waa koobki saddexaad oo ay Argentina ku guuleysato. France,ayaa Laba Gool kasoo kabatay, kuwaas oo ay ciyaarta kusoo celisay bar-bar dhac 90-daqiiqo ee ciyaartay, iyada oo Kylian Mbappe uu laba gool dhaliyay laba daqiiqo gudahood, ayna ku jirtat rigoore daqiiqadii…

Read More

Lix ka mid ah Ururada Siyaasada Puntland iyo Xukuumada oo is afgarad ka gaaray doorashada. Sadex Urur Siyaasadeed,ayaa ka maqan heshiiskan. Balse waxaa laga helay aqlabiyada oo sidaas ayay ku noqdeen kuwa laga tira badan yahay. 13-Qodob ee Shuruudaha Musharaxiintu soo jeediyeen 11-kamid ah waa laysla waafaqay,mid waa lalaay halka mid kalana wax laga badalay. Waa talaabo soo dhaweyn mudan oo Puntland mustaqbal u ah. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Qaramada Midoobay, ayaa ku biirtay ururka Midowga Yurub cambaareynta loo jeedinayo go’aanka Twitter-ka, ee uu ku xiray qaar kamid ah akoonada saxafiyiinta wax ka tabiya baraha bulshada. Weriyeyaasha New York Times, CNN iyo Washington Post, ayaa kamid ahaa kuwa laga xiray akoonnadooda. Qaramada Midoobay ayaa barteeda twitter-ka kusoo qortay in xoriyada saxaafadu aysan ahayn “wax lagu ciyaaro”, halka Midowga Yurub uu ugu hanjabay shirkadda Twitter-ka cuna qabatayn. Afhayeen u hadlay Twitter-ka, ayaa u sheegay shabakada wararka ee tignoolajiyada Maraykanka, in akoonada la xir xiray ay la xiriirto la wadaagista tooska ah ee xogta qofka goobta uu ku sugan yahay. Melissa…

Read More

Madaxweynaha Ruushka, Volodymyr Zelensky,ayaa sheegay in Ruushka uu haysto gantaalo ku filan, oo uu ku qaado weeraro culus oo ka dhan ah dalka Ukraine Injineerada ayaa sii wada shaqada ay dib ugu soo celinayaan korontada, kadib weeraradii waaweynaa ee Jimcihii oo la adeeg saday 76-Gantaal. Weerarada,ayaa lala beegsaday kaabayaasha rayidka, iyadoo heerkulku uu hoos uga dhacay eber gobolo badan. Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin,ayaa la tashiyo ku saabsan mustaqbalka dagaalka la sameynayey taliyayaashiisa ciidamada. Aqalka Kremlin-ka,ayaa sheegay in Putin uu Jimcihii oo dhan ku sugnaa xarunta howlgalka Militari ee Ruushka. Magaalada Kyiv,ayaa ku eedaysay maamulka Moscow inay jiilaalka u adeegsatay hub…

Read More